Sign in to follow this  
nuune

ila qosol aan innaba caadi aheyn

Recommended Posts

Islaan ayaa loo sheegay inuu inankeedii diinta ka baxay oo uu Kiristaan noqday. Intay la hadashay ayay ku tidhi:

 

"Hooyo, kollay waakaas oo Diintii kala dhaqaaqde e, Bal Gaalnimadana ha ku Ceeboobin" ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

looooool........ma islaantii tiri baa hebeloow...I don't to say his name...hooyo diimo badanidaa!?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin baa nin kale ku yidhi waxaan kuu hayaa meel lagu barto sida xusuusta loo wanaajiyo oo aanad u ilaabin wax. Markaasuu kii kale yidhi. “oo waa halkee?” markaasuu ugu jawaabay. “waan ilaabay.”

 

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Waabaa waxaa layir nin reer waqooyi ah baa habeen hudheel ( :D ) seexday...Markuu waaga baryay, intuu labistay alaabtiisii dhan qaatay buu baxay...Maruu meel dhex sii maraayo aa roob badan soo da'ay....Wuxuu soo xasuustay inuu daladiisii ugasoo tagay hotelkii, markaasuu hotelkii kusoo noqday...Hotelka markuu kusoo noqday baa waxaa loosheegay in qolkii newlyweds, *reer xamar ah*, laga ijaaray...Markaasay yiraahdeen, orodoo ugaraac qolka oo kadoono daladaada...

 

Qolkii intuu hor istaagay, uu intuusan garaacin is yiri bal dhageyso...Markuu dhagta saaray qolka uu wuxuu maqlay ninkii iyo xaaskiisa oo hadlaaya...Hadalkii cabaar uu dhageystay, markaasuu fahmay iney game ciyaarooyaan, oo uu su'aalo jirkeeda kusaabsan weydiinooyo...

 

Ninka: Kubkaan yaa iska leh?

Naagta: Adaa iska leh.

Ninka: Calooshaan yaa iska leh?

Naagta: Adaa iska leh.

Ninka: Mataanahaan yaa iska leh?

Naagta: Adaa iska leh.

 

Markey intaas maraayeen, awreer waqooyi intuu soo booday kor uyiri: 'Haaye ogaada dalaayada waa dhinageygee yaanan cidna la'iga siin'... :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ ehehhehe lool reer xamar kama weynaadaan ciyaar ciyaar iyo baashaal xataa xaalada hadee mareeso uultimo xaraarto,

 

 

lool@haye ogaada dalaayada ehehhehe

 

 

innaba caadi ma uu aheen, wuu fahmey meesha qaska iyo labka ka socda :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin xanuunsanaya ayaa maalin booqday goob caafimaad. Dhakhtarkii markii uu la kulmay ee baadhis lagu sameeyey ayaa loo sheegay in aan xanuun hayn, laakiin uu hayo shaki.

 

Dhakhtarkii wuxuu kula taliyey in uu iska saaro shakiga oo uu iska dhaadhiciyo in aanu xanuunsanayn.

 

Ninkii wuu aqbalay taladii dhakhtarka iyo natiijadii baadhistaba, waxaana u diyaar garoobay in uu baxo.

 

Dhakhtarkii baa ku yidhi, lacagta ha iloobin ee inanka maqalka jooga u sii dhiib. Ninkii baa yidhi, Diktoore adiguna iska dhaadhici in aan lacagtii ku siiyey!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Heh@Diktoore adiguna iska dhaadhici in aan lacagtii ku siiyey!!!

 

Bukaanka rageedii dheh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa oday dawarsanayaa soo garaacay guri. Markii laga furay ayuu waydiistay in ay wax lacag ah ku sadaqadaystaan, ma hayno ayey islaantii reerku ku tidhi. Wax kale ma haysiin buu yidhi, may bay ku tidhi, wax raashin ah, sidoo kale may baa lagu yidhi.

 

Intuu cabaar aamusay ayuu islaantii ku yidhi, hadaa odaygii reerku ma joogaa, haa ayey ku tidhi islaantii oo walibana u sii raacisay maxaad ka rabtaa? dee waanu is raaci lahayn oo waanu soo wada tuugsan lahayn ayuu odaygii yidhi, dee ileyn waydinkanoo waxba ima dhaantaane.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ :D:D:D

 

 

Maalin ayaa nin miskiin waxa uu soo hor maray gabadh yar oo Tib dhaqeysa , Miskiinkaan wuxuu weligii jeclaa in uu tib helo lacag la'aan ah, intuu gabdhii soo ag istaagey ayuu wax u ku yidhi '' Adeer tibta maa isiisid. '' Adeer tibtaan aabahay ayaa iska leh, weliba waxaa sii dheer intaas aabahay dadka ayuu dabada ka geliya tibtan'' ayey gabadhii ugu jawaabtey ninkii.

Ninkii markii uu intaa maqlay ayuu horay ka sii dhaqaaqay

Aabihii oo gudaha ku jira ayaa waxa uu maqlay hadalka gabdha iyo Miskiinka, intuu soo istaagey ayuu waxa uu gabadhii ku yidhi '' Aabo muxuu ku weydiistey '' Tibta '' ayey ugu jawaabtey.

Aabeheed oo ah nin deeqsi ah, weligiina aan miskiin qadin ayaa inta naxay ku yidhi '' aabe maxaa u siin weydey.

Banaanka ayuu usoo baxay ka dibna waxa uu arkay miskiinkii oo sii socda.

Inta qayliyey ayuu ka soo daba ordey.

miskiinkii oo weli maskaxda ku haya hadalkii gabdha ayaa markii uu arkey ninkii iyo tibtii oo wada socda, cagaha wax ka deyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

nuune, tib micneey. Thanks.

 

L0L@kaalay soo wada tuugsanee. Good 1.

 

Maalin ayaa islaan waxay soo raratay siisoow ay ka buuxdo dooro markii ay controlka xamar ay imaatay, ayaa isbetoore nin u diray si uu u sameeyo inspection,ninkii lasoo diray ayaa inta siisoowgii soo koray ku yiri: eedo doorooyinka meeqo xabo waaye. Islaantii aa inta xanaaq la fuurtay ayey kab askarigii baabuurka kaga soo tuurtay. Iyagoo murmaayo ayaa kii isbatoorihii isyiri dhexgal naagta iyo askarigiisa markaasuu inta baabuurkii koray u yiri: xaa ku baalal badan yahooy dooradaan xagaad u wadaa? Islaantii ayaa inta sii xanaaqday tiri: dee kii ugu weynaa baa naag hoosteeda wax ka sheegaya dee nimankani walaween bilaa edebsanaa.. lol lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lool@Nephise doorada :D:D , taas maxaad ka sheegi, summerkii hore sweden mar aan joogney ayaan maqaaxi Soomaali ayaan saarneyn oo

my team iyo aniga aan wax ka cuni jirney, guygoo neceb erayga dooro aa nagu jirey, he hated da word, anyway, one of the guys oo ka shaqeenaayey maqaayada specially odeygoo reer Balcad ah oo erayga dooro maxaa kaa galay uu u isticmaalaa, intaan u yeernay baan ku dhahay adeer wiilkan baa nagu jiro oo neceb erayga dooro, odeygii intuu qeela kor u qeeliyey buu yiri "ar dooro, ar dooro, yaaya, ar dooro, qandha fil daran qaad qofkii dooro diido, ar dooro maa dood ka qabtaa" wiilkii ciil iyo xanaaq meeshuu ka sii kacey asoon waxba cunin, odeyga maa ka daba haraayo hee, "ar yaaya, kaalaybo, ma digaag aa rabtaa inaa dhaho oo af carabi ah(dajaajah) dooro hadaa diido adaa dabaal ah deeqsiyoow dabaalkaan soo badbaadi" :D

 

 

Tib waligaa maadan maqal, maba dhici karto, how about tib iyo mooye, mise kal iyo mooye aad taqaan, hada waad fahantey marka smile.gif

 

 

Gabay baa jirey oon ku xasuustey tibta:

 

Tib iyo mooye naagtaan aqoon tacabka reerkeeda

Taabuut mid aqalkeedu yahooy tuludi qaadayso

Tambareerigaa inaan ku jiro waan ka tooshadaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Nephissa:

nuune,
tib
micneey. Thanks.

 

L0L@kaalay soo wada tuugsanee. Good 1.

 

Maalin ayaa islaan waxay soo raratay siisoow ay ka buuxdo dooro markii ay controlka xamar ay imaatay, ayaa isbetoore nin u diray si uu u sameeyo inspection,ninkii lasoo diray ayaa inta siisoowgii soo koray ku yiri: eedo doorooyinka meeqo xabo waaye. Islaantii aa inta xanaaq la fuurtay ayey kab askarigii baabuurka kaga soo tuurtay. Iyagoo murmaayo ayaa kii isbatoorihii isyiri dhexgal naagta iyo askarigiisa markaasuu inta baabuurkii koray u yiri: xaa ku baalal badan yahooy dooradaan xagaad u wadaa? Islaantii ayaa inta sii xanaaqday tiri: dee kii ugu weynaa baa naag hoosteeda wax ka sheegaya dee nimankani walaween bilaa edebsanaa.. lol lol

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this