Sign in to follow this  
nuune

ila qosol aan innaba caadi aheyn

Recommended Posts

anna bal tan iga qabta

 

waxa la yiri laba nin oo xamar gaari dameer kaga shaqaysta ayaa fiidkii makhaayad soo galay, waxaa aad laysula dhacay khamiir (muufo), haddii ay makhaayadii ka soo baxeen ayaa mid baabuur dar-darey dad badan baa meeshii ku soo xoomay oo sxbkii oo naxsan weydiiyey war ninka ma garaneysey, ninku ma dhintay iyo hadallo badan oo saas, ninkii sxbkii gaarigu maray ayaa hal mar sidii wax hurdo kasoo toosay yiri " haba iska dhindhee wallaahi halka badar ah oo ku qasaaray aa iiga daran"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Originally posted by dambarsame:

" haba iska dhindhee wallaahi halka badar ah oo ku qasaaray aa iiga daran" [/QB]

Dambarsame looooool, :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa mid kale

 

Soomaalidu intaan isticmaarku u iman waxay u kala degganeyd qabiil qabiil (ood ood) qolo walibana si uun ayay isu maamuli jirtey degsiimaduna miyi ayay u badnayd meelo aan badnayn oo xeebaha ah ma ahee.

annaga xaggayaga waxaa ka jirey maamul boqor oo hab maamul kistoo isku dubaridan lahaa sida: ciidan, nuwaab, qudaat and so on , xaruntiisu tahay magaalada baargaal.

haddaba waxaa jirey nin la oran cawad ilka-maddane

oo xukunka dilka ah ee qaadiyaashu xukumaan fulin jirey, ninkaasi aad ayuu u aamminsanaa boqorka oo wuxuu u qabey inaan cid ka amar weyni jirin.

haddaba maalin ayaa nin wacdiyey cawad oo ku yiri dadkan aad laynaysid waa laguu qabsan doonaa iyo hadallo badan oo waano camal ah, hadalkoodiina wuxuu u dhacay sidaan:

 

Ninkii: cawadoow dadka dilkiisa iska daa hadda kii ugu dambeeyey oo aad dishey wuxuu kugu sugayaa luxudka (iilka, yacni xisaabtiisu).

Cawad: kaas anaa ogoo meelna igu sugi mayo waayo markaan seefta kula sii socdey siduu u gariirayaan arkayey.

Ninkii: cawad miyaadan naar ka baqayn?

Cawad: dhib ma lahoo aniga lay cadaabi maayo waayo xataa haddii safka cadaabka laygu daro boqorkaa oranaya ii soo daaya wiilkayga cawad ah annagaa jannada isu raacaynee.

Ninkii: oo boqorku inuu janno tegayo miyaad ogtahay?

Cawad: hadday saas tahay jannada boqorkuba waayey maxaan ku falayaa anigu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

Sheekoyinkan caadi maaha walahi. 2di rakco an tukaday miyan muslin ku noqday ku lahaa lolz Islaan ayeydey ah ayaa hadda ka hor looga sheekeeyay janada iyo in ay kala daraja sareyso, dadka qaarkood meela sarsare la geynaayo nabiyaasha camal, markey sheekada intaas mareyso ayey intey soo booday tiri " Maandhoow janada mug hadaan lugta la helo darajo waxba igama gelin"..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

^Odaygoo reer koraad eh aa maalin xus(sab) qabay, hooyadiis oo xusaayay, duqa dhalinyaro ciyaalka xaafadda ah aa albaabka u taagnaayeen oo in badan aana iridda laga celinaayay, mid ka mid ah dhalinayradii oo hoos ka gunuunacaayo aa wuxuu dhahay " Odayga habrtiis ha %@#&^% moo na sii daayo?

 

Odaygii hadalka wiilka oo maqlay, isagoo careysan oo middi/tooreey(aasto) lasoo baxay, wuxuu dhahay " Yaa ma hooyadeey culumo caalin ow qabriga ku dheellihaa, Nabee waa dilaa he ka warama, nabee waa bireyhaa "

 

Wiilkii sabta amoo iska hilmaamay hee, oo naftaad ala baxso ka dhacday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Poul the Octopus aa la weydiiyay, Madaxweyne Geele goormuu xilka madaxtidnimada iskaga dagi? Pouloo madluunsan yaa yidhi, dee cimrigeed yaa, cimrigeedu alle ha ina gadhsiiyo adeer magaran!

 

FG, Octopus-ka wuxuu noolaadaa ugu badnaan muddo afar sano ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muriidi   

web page

 

walaal wariye (xitaa kuwa sol-camelmilkthreads)

 

.. hadda waa soo afuray ..

 

maxaad ku keentay , ciidamada ka shaqeeya (Allaha ilaaliyee ) dhulka ku yaallaan 3da xaram ee islaamka .. Makka , Jerusalem iyo Medinah .. inaad caydo oo sameysatid kartoon camal kuwa ah oo ku kacaya falal foolxun ..

 

 

wadamada ka dacwooday in la caayo mujahidinta :

 

PKLWPROUDT.jpg

 

 

PR_229634.jpg

 

 

scotland-the-brave.jpg

 

 

-- jagged edge

 

200777181115129849_Hunting_Knife_sliding

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laba nin oo waalan ayaa ku murmay diyaaradaa madax weynihii baa saaran iyo ma saarnaa,,,, Mid ayaa kii kele waydiiyay Maxaad ku ogaatay inaanuu madaxweynuhu saarnayn, markaasu yidhi hadduu saarnaan lahaa laba mooto ayaa hor socon lahaa ..... :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
ruqqayah   

labels=1labels=1labels=1

omg Sheekoyinkan caadi maaha walahi. 2di rakco an tukaday miyan muslin ku noqday ku lahaa lolz Islaan ayeydey ah ayaa hadda ka hor looga sheekeeyay janada iyo in ay kala daraja sareyso, dadka qaarkood meela sarsare la geynaayo nabiyaasha camal, markey sheekada intaas mareyso ayey intey soo booday tiri " Maandhoow janada mug hadaan lugta la helo darajo waxba igama gelin"..

Share this post


Link to post
Share on other sites

3 sakhran ayaa Taxi is taajiyay say uracan marki ay fulen ayay yidhah den halkaas iyo halkaa nagee.

 

Tagsiilihii wuu gartay inay sakhran san yihin intuu gadhigi isataadhay oo u bakhtiiyay ayuu yidhi dega wan idin keene . . . .

 

Kii hore lacagti intu bixi yay ayu iska degay

 

kilabad wuxu yidhi mahad sanid

 

kii sadexad ayaa intu so wareegay dhirbaaxo ku jiiday oo yidhi MAR DANBE DHAKHSO HANOO KEENIN ..... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Macalin aa Arday ku dhahay jeeztada qaadee bal sabuurada wax kuqor. Ardaygii oo tusaaya macalinka inoow wax qori karo, aa waxoow qoray. XAA DHACAY, XEEY TAHAY, AREEY UKAADI, Macalin aa soo booday oo dhahay "war heedhe waa maxay waxa kani maad afkeeni HOOYO kuhadashid ba'aa"

 

Ardaygi oo kursigiisi kusii noqonaayo aa dhahay " muunukaa is ku HABARA hee qandha qadiinle quad"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hhhhmmmm go0d sheekoyin waa aniga oo macalin geyka dugsika far inkaar iyo far duco ii so taagay anne maxaa ka naxaa hee ciyow tii inkaarta dhab ma dhihinoo hee, waa walatay ku yiri ee dugsika iga bax, inoo iga caqli badiyo muu u maleynaye annoo nin weyn eh buu rapaa inaa dugsi u dhex fadhiyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this