Sign in to follow this  
nuune

ila qosol aan innaba caadi aheyn

Recommended Posts

nuune   

Macalimad dugsiga hoose ayaa Cali yare waydiisey xisaab oo tiri Caliyow adiga oo heysta laba shilin haduu aabahaa kuugu daro afar shilin meeqa shilin ayaad haysataa Cali wuxuu ku jawaabey labo shilin, Macalimadii oo xanaaqsan baa tiri, Caliyow waxba xisaab kama taqaanid, Cali ayaa ku jawaabay macalin adna aabahey waxba kama taqaanid, Macalimadii waxay ogaatey in Cali aabihiis gacan adag yahay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin baa soo fadhiistay fasal lagu dhigayo xisaab si uu wax u barto. Ninku wuxuu ahaa reer miyi. Ka dib macallinkii baa waydiiyay ardaydii:

 

Marka 10 laga jaro 1 maxaa soo hadhay ??

 

Ardaydii way garan wayday oo way is eeg eegeen. Ka dib buu macallinkii damcay inuu tusaale bixiyo oo wuxuu yidhi:

 

Hadii 10 adhi ah meel lagu xereeyo oo mid banaanka loo saaro imisaa xeradii ku hadhaya ?

 

Odaygii reer miyiga ahaa baa inta uu soo booday yidhi:

 

Walee adhi baan kaa aqaanaayoo kol hadii oodda laga qaado inaan midh ku hadhayn ,,, :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ looooooooooooool :D:D

 

 

Hooyo Faadumo ayaa aragtay wiilkeeda oo warqad wax ku qoraya, markaasay weydiisay oo ay tiri Cabdiyow maxaad samaynaysaa, wuxuu ku yiri saxiibkey ayaan warqad u qorayaa, hooyadiibaa inta layaabay tiri ma adigaa wax qori yaqaan waqtigii iskoolkaba ma adigaa gaaray, Cabdi ayaa ku jawaabay hooyo saaxiibkeyba wax ma akhrin yaqaan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D:D

 

 

Nin reer Burco ahaa oo la odhan jiray Chief Caaqil Xaji Cabdi Cabdillahi Muse(Alla ha u naxariistee) ayaa had iyo jeer xanaakadin jiray qoladii la odhan jiray “Almadarta”. Sheekooyinka uu ka samayn jiray oo aad u xiiso badnaa waxa uu had iyo jeer ku soo gunaanadi jiray inay Almadartu tahay wax ma tarayaal.

 

Wuxuu Xaaji Cabdi ku eedeeyey Almadartii inay isaga seejiyeen waxbarashadii uu wax baran lahaa ee uu tacliin yeelan lahaa. Wuxuu yidhi Xaajigu “waxaan goostay inaan wax barto dabadeed waxaan isa soo qoray dugsi dadka waaweyn wax loogu dhigo. Buug iyo qalin baan soo iibsaday dabadeed fasalkii ayaan soo fadhiistay. Macalinkii Almadarta ahaa ayaa soo galay sabuuraddii yarayd ee gidaarka sudhnayd ayuu ku qoray kelmad dheer oo xarfo badan ka kooban oo dacal illaa dacal buuxisay. “yaa garanaya?”ayuu na weydiiyay. Dee macalin adigigaanu kaa sugaynay inaad wax noo sheegto oo na barto eh ma annagiibaad wax na waydiisay aanad hore noogu dhigin. baanu nidhi. Waar ilayn Alamadar waa Almadaruun. Kelmaddii ayuu noo sheegay waxay ahayd “Handkerchief” waa maxay baanu nidhi macnaheedu? “Waa masarka” ayuu yidhi. Ma kan yar ee aan afka iyo sanka iska marino ayaa waxaasoo xarafa ka kooban? Ayaanu waydiinay. “Haa buu yidhi.” Inataan buugaygii qaatay oo aan baxay ayaan idhi oo haddii masarkii waxaasoo xarafa noqday awrka iyo daartuna maxay noqon doonaan? Maanaa buugaag aan ku qoraba u helaya.

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The last one is about this man who went to English class ,, during the first lesson the teacher started asking about the meaning of "Handkerchief" after some discussions the teacher explained the meaning ........ the old man got up and left the class saying if all those words mean this little thing then what should i expect when it comes to Camels ,,,,,, "I don't even have books to write" he said ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

JB sxb sheekadaad su'aal bay igu dhalisay ?

 

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Nin baa soo fadhiistay fasal lagu dhigayo xisaab si uu wax u barto. Ninku wuxuu ahaa reer miyi. Ka dib macallinkii baa waydiiyay ardaydii:

 

Marka 10 laga jaro 1 maxaa soo hadhay ??

1 ayaa waxa laga jarayaa sidaas darteed jawaabtu waa -9.

 

su'aashu waxay tahay -9 soomali bal ku sheeg ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

The last one is about this man who went to English class ,, during the first lesson the teacher started asking about the meaning of "Handkerchief" after some discussions the teacher explained the meaning ........ the old man got up and left the class saying if all those words mean this little thing then what should i expect when it comes to Camels ,,,,,, "I don't even have books to write" he said ,,,
:D

saas i dheh, I was thinking he was illiterate and wondered why the somali teacher expected them to read handkerchief ,when it aint somali and they can't read :D

 

Funny storry tho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wiil yar baa hooyadii weeydiiyay:Hooyo aabe bidaarta maxaa u yeelay Kadib hooyadii ku jawaabtay: Hooyo Caqliga waaye,Kadib cuniga weeydiiyay Hooyo adiga caqli malihid miyaaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa su'aal ina waydiiyay ruuxa la yidhaa Arlaadi, su'aashaa oo ah sidan:

 

1 ayaa waxa laga jarayaa 10 waxa soo hadhay -9, haddaba -9 afsoomaali ku sheeg ayuu ina yidhi.

 

Aniga waxa ay ila tahay in ay noqonayso jawaabtu (sagaal taban), xisaabta haddii tiradu ay caadi u qorantahay sidan oo kale 9 waxa la odhanayaa way togantahay oo waa 9 togan. Haddii ay sidan oo kale tahayna -9 waxa la odhanayaa way tabantahay oo waa 9 taban.

 

Aad ayaad u mahadsantahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this