Sign in to follow this  
nuune

Gabdhaha reer miyiga ah

Recommended Posts

nuune   

Waad ku raaxeesan doontaan qoraalkan smile.gif

 

Gabdhaha reer miyiga ah

 

Ababinta gabdhaha reer miyiga Gabdhuhu marka ay lix sano gaaraan, waxay bilaabaan inay ariga wax ka raacaan. Toban jir iyo ka weynna waxaa lagu bilaabaa inay keligood ariga raacaan. Waxaa gabdhaha intay yaryar yihiin lagu bilaabaa in la baro hawsha ay dumarka reer miyiga ah qabtaan.

 

Sida la ogyahayba, hawlaha haweenka iyo ragga, waa ay u kala qaybsanyihiin. Hawsha haweenku waa tan guriga, xannaanaynta ubadka iyo raacidda ariga iyo maqashooda, haddii uu reerku ishkin leeyahay(geel iyo lo'), ari lisidda, caano lulidda, subag shiilidda iwm.

 

Gabdhuhu inta ay yaryaryihiin, waxaa loo tababaraa hawlaha kala duwan ee ay haweenku bulshada raacatada ah u qabtaan oo dhan. Hawlahaas waxaa ka mid ah kuwan hoos ku xusan: Cawda oo la falkiyo ayna ka sameeyaan: darinta (salli, gogol, jeex gogol iyo feeragashi), qufadda, satiga, babiska, xaarinka iwm. Cawska waxay ka sameeyaan: rarada oo laga sameeyo cawska, mayraxda la sooho, marriinka iyo xaskusha. Raradu waxay leedahay noocyo kala duwan oo mid walba shaqa gaar ah loogu tala galo. Waxaa ka mid ah: Dheegsaarka, barbargashiga, dhextuurka, daaha, jarcaysiga, dabagashiga iwm. Waxaa kaloo oo ay haweenku cawska ka sameeyaan: Gogosha, daroofka, abjadka iwm.

 

Calallada waxay ka sameeyaan: Kebed ratida, karbaashka, aloolka (ilxirta ama digo xaaraha)iwm. Mayraxda waxay ka sameeyaan: Kebed (aqal/galool), xargo kala duwan; sida, geeddiga, qoosha (mareegta), xargo samays ah, marriinka rarada, xargaha aloolka, xargaha kebed aqasha, iyo kuwa kale oo badan. Qabada oo la tolo, waxay ka sameeyaan: haamaaha biyaha lagu shubto, kuwa ciirta lagu lusho dhiilaha caanaha lagu shubto/kaydsado oo haruubkoodana ariga lagu maalo, doobiyada geela iyo lo'da lagu maalo, qufad oo ah sanduukh oo kale, xaarinka (masafta) badarka lagu haadiyo iwm. Argeegta xididkeeda waxay ka sameeyaan: Haamaha (cabayo iyo biyoodba), dhiilaha, ubbooyinka, qufadaha, xaarinka (masafta).

 

Hargaha iyo saamaha xoolaha waxay ka sameeyaan: adabta, qalqalaha, xashinta, abxadda, xabka, sibraarka, tebbedda, qumbaha, jilka oo loo isticmaalo dhigaha, saababka haamaha iyo tebbedaha, dahaarka satiyada iyo weelasha sariirtooda. Waxay kaloo ka sameeyaan higaagga haamaha, suumanka dhiilaha, siddooyinka, naarka (darta iyo wadaanta), lammada, weylaalista ( hargo weylaad oo la isku tolay oo la goglado), kaldho (hal harag oo ishkin ah), harag waxar, indhisha oo ah hargaha naylaha iyo sagaarada (mid wax lagu tolo ama afsaar (durbaan) ah) , cukadda oo ah harag dhisan iwm.

 

Saamaha waxaa kaloo laga sameeyaa hoggaanka ratiga, shakaalka fardaha, qoofalka, xargaha aqalka. Waxay kaloo sameeyaan dhigaha oo ka kooban lool iyo qabax oo laga sameeyo harag la aslay iyo laamaha geed miroodka, sida kuwa dhuyaca, dhebiga iyo geed miroodyo kale. Gabdhaha waxaa loo ababiyaa in ay hawl kasta oo ay hooyadu qabato ay bartaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

^lol@ kala dhig dhig, af soomaligaaga waan ka helaa sometimes ;)

 

Nuune, Indeed, gabdhaha reer miyigu farsmada iyo shaqooyinka lifestyle-kooda ku saabsan wey ku dheereeyaan. Isla mar ahaantaa, si cadaalad dari ah ayaa shaqada loo qeebiyaa miyiga; invariably, the vast majority of work, in all forms, fall on the women's shoulders.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

MMA, lol, sxb waku kaa waan kuu kala dhig dhigey sidaa codsateyba, anigu qaska iyo labkaanba ka helaa niyahow, wixii federation ah dhan waa hawlahayga.

 

Ku raaxeeso sxb qoraalkaas,

 

 

Haneefah, waa runtaa, cadaalad darradu wey ka jirtaa miyiiga, balse ma ogtahay shaqada dhibkeeda badan in loo dhiibo ragga, maxaad u maleeni wiil yaroo kurey ah oo geel la raacsiiyey isla markaasna dhowr habeen ama dhowr todobaadyo xirkaas ku jiro, iskaga nool caanaha uu ka maalo geela, kolleey dhib intaas ka badan garan maayo

 

Waan ogahay shaqooyinka guriga in gabdhaha loo xil saaro,

 

Waxaa jirtey oraah Soomaaliyeed oo oraneyso: "Dhiilkaa ku tabey", oraahdan waxaa loo adeegsadaa wax kastoo la hilmaamey ama gadaal laga soo xasuustey, tusaale ahaan gabadh sidii ay ari u raaceesay maantoo dhan, guriga markey ku soo dheelmateyna aan wax cunto ah aan la siinin, sidey wax u sugeysay kol danbe iska seexatey ayadoo beerkeeda iyo caloosheeda isku dhagey gaajo darteed, markaas baa saq dhexe markey tahay la xasuustaa oo galleey diirkeedu ilkaha ku goyni la siiyaa inta la toosiyo :(

 

 

Waxay kaloo oraahdaasi ku timaatey asal ahaan, hasha kolkaa dhashey qurbaca ama nirigta, oo candhadu caanaha la ciirayaan intey buux dhaafiyeen, illeen hadaan laga maalin ama aan laga lisin hasha ayey dhibaata u geesanayaan, hashii oo rafanayso oo cuncun iyo wareer naasuhu caanaha buux dhaafiyeen baa xilli danbe ayaa reerka waxey tabeen in reerku caana u baahanyahay dhiiluhuna ay maranyihin oo cadeys iyo wax la cabo kol hore la dhameestay, markaas baa hashii geela oo tabcaana wax ka neefiyey waayay baa loo yimaadaa, sidii baa hashii loogu magac darey, "dhiilkaa tabey" ama "dhiilkaa ku tabey" halkii baa lagu ogaaday in la iskaba hilmaamay hashii oo ay halis ku sugneyd, dhiilkaa ku tabey smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Sugabo, SUGA...........Hadee gabdhihii reer miyiga ahaa ay arigii raaceen, howshii guriga qabteen, caruurtii koriyeen, arigii liseen, caanihii culeen, dhiishii lagu shubaayay caanaha sameeyeen, cawdii falkeen, haamahii biyaha lagu shubaayay sameeyeen, xaarinkii badarka lagu haadinaayay toleen (iyo wax yaalaha kale oo kor ku qaran), intaas dhan hadee sameynaayaan, just what hell are the 'men' doing? Libaaxa, dhurwaaga iyo dawacada meyladagaalaayaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ haa reerkay libaaxa iyo waraabaha ka celinayaan, inta badan raggu xirkuu iskaga jiraa oo waa mar uu geela raaco iyo mar uu reerka raro, mar uu la lagdamyo dhurwaa iyo mar ay indhaha isku kuuraan aarka libaaxa ah e shaashka badan,

 

Hawl aysan dumarku fahmi karin ayey raggu hayaan, habeen madoow buu caruurta iyo reerka dhurwaa wada gawrici lahaa, marka meel uu nin ka gurxamayo kana taahayo libaax iyo dhurwaaba cag ma soo dhigayaan caqligooda ay leeyihiin smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Kool_Kat:

Sugabo, SUGA...........Hadee gabdhihii reer miyiga ahaa ay arigii raaceen, howshii guriga qabteen, caruurtii koriyeen, arigii liseen, caanihii culeen, dhiishii lagu shubaayay caanaha sameeyeen, cawdii falkeen, haamahii biyaha lagu shubaayay sameeyeen, xaarinkii badarka lagu haadinaayay toleen (iyo wax yaalaha kale oo kor ku qaran), intaas dhan hadee sameynaayaan, just what hell are the 'men' doing? Libaaxa, dhurwaaga iyo dawacada meyladagaalaayaan?

Sug, Nuunka, anaa u jawaabaayee.

 

Nimanka habeenkii "donation" bixiyaan nooh, markee iskala warto iyada siiba. ;)

______________

 

Xaniifa, waaku salaamay, abaayadiis. Meeshii tuuladii maa joogtaa Calibeesteenka wali?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Rageedi wallaahi, waa la heshay :D

 

Anu wax yara qar qari baan is lahaa, balse adigu tagoogtaan ka toogatey illaa ay miskuhu qarxeen!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

Waxaas wa rafaad, Alhamdulilah in aan reer miyi ka dhalan iyo somaaliyana aan ku korin.

 

Nuune, Wiilasha reer miyiga mexey qabtaan aan eheen war-wareeging ayago ul wato oo **** qaawan? bal maxaa u diiday go'a ee madaxa ku duubtaan in ay isku qariyaan. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

MMA, fakfakadaa tahay ma is tiri...Aaba ahaatid maxumee, anaa u jawaabaayo intaa la soo booday maa waxaas soo sheegtay? Donation iyo iskala war kuyeh, ala miyi style wilibo...Iyaah! :eek:

 

Originally posted by Cabdiyo Cabdi:

bal maxaa u diiday go'a ee madaxa ku duubtaan in ay isku qariyaan.
:D

Maskaxdoodaa intaas le'eg! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

quote:Originally posted by Kool_Kat:

Sugabo, SUGA...........Hadee gabdhihii reer miyiga ahaa ay arigii raaceen, howshii guriga qabteen, caruurtii koriyeen, arigii liseen, caanihii culeen, dhiishii lagu shubaayay caanaha sameeyeen, cawdii falkeen, haamahii biyaha lagu shubaayay sameeyeen, xaarinkii badarka lagu haadinaayay toleen (iyo wax yaalaha kale oo kor ku qaran), intaas dhan hadee sameynaayaan, just what hell are the 'men' doing? Libaaxa, dhurwaaga iyo dawacada meyladagaalaayaan?

Sug, Nuunka, anaa u jawaabaayee.

 

Nimanka habeenkii "donation" bixiyaan nooh, markee iskala warto iyada siiba.
;)

War ninku af xumaa! :eek: smile.gif

 

Gabdhaha hawlo badan waa hayeen, laakin waa dhib ah kuwan qurbaha ku koray oo casiirka uun dhama. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

 

Sug, Nuunka, anaa u jawaabaayee.

 

Nimanka habeenkii "donation" bixiyaan nooh, markee iskala warto iyada siiba.
;)

Ahaha...maxaa waaye jabshaha la isla dhacaaya ne?

unukaa balaayo aragnay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Waraa nuune and maskiin macruuf wali waad joogtaa yaah, waawaray,,, warka keena maxaa iga dambeeyay?

 

 

Go figure:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Waraada shaxaari ma'ihi ee iga wareegsada yaaqeey. Baas banooni la ii salaaxay lee gool ka dhalinaaye.

Shaxaari maatiri? Sheekadaada shaxaari waa dhaaftay aboow...Shiirkaagaa kuu uray aan u maleynaa...Mugoo midoo aa isku xoqxoqdid oo ku carfiso allaha kuu sahlo, sheekada hadeyba 'donation' iyo 'iskala war' maroyso...Najeynaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this