Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Ereybixin

Recommended Posts

Ka warama soo jeedintaan uu soo jeediye walaalkeena oo hoos ku qoran.

-------------

 

Kumbiyuutarada [Tubsheelada]:

  • Computer = Tubsheel
  • Disk Drive = Xogmeer
  • Keyboard = Farasoor
  • Input = Xoggelin
  • Output = Xogbixin
  • Central Processing Unit = Unugta Dhexe ee Xogmiirka
  • Software = Qorashka
  • Hardware = Qolofka
  • Program = Qaashaar
  • Programmer = Qaashaaryahan
  • Data = Xog
  • Screen/Monitor = Dhugad
  • Databank = Xogkeyd
  • Technology = Tabraad
  • Multimedia = Indha-badan
Ereyada caafimaadka:

  • Prescription = Jalsiino
  • Medicine = Jal
  • Pharmacy = Jalhaye
  • Pharmacist/Pharmocologist = Jalyaqaan
  • Treatment = Dhaqtarin
  • Hygiene = Fayadhowr
Ereyada warbaahinta:

  • Magazine = Biiraale
  • Column = Halkudhig
  • Columnist = Halkudhigle
  • Freelance Journalist = Wariye baarfuran [mise madaxbanaan]
  • News article = Deex
Waxbarashada guud:

  • Education = Waxbarasho
  • Informal Education = Waxbarasho Dadban
  • School = Dugsi
  • College = Aqoondaar
  • University = Barkoob
  • Library = Qorool {The Library = Qoroolka}
  • Science = Kasmasho
  • Organism = Noole
  • Acceleration = Karaar
  • Velocity = Keynaan
  • Linguist = Afafyahan
Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Thanks sxb MMA,

 

Qormadan yar ee soo socoto waa muhiim, waliba xagga eray bixinta, in qofka eray bixinta curinaya waa laga maarmaan in uu yaqaano qaabka iyo xeeldaha loo eray bixiyo.

 

============================

 

Af-Soomaaliga oo ah af ka hanaqaaday xaga suugaanta ayaa misna ah af ka soo koraya xaga soobaanta(The language other than the literature).

 

Kolol badan ayaad isu weydiinaysaa erey aad ku aragtay af kale waxa uu af-Soomaali ku noqonayo, lama waayo haddii tab loo leeyahay lana garanaayo tubaha ereybixinta ee af-Soomaaliga.

 

Haddaba waxaan halkan ku soo bandhigayaa tubaha ereybixinta ee af-Soomaaliga:

 

1-DOOYEYSI: Tubta 1-aad; waxa la dooyeystaa erey afka ku sii jiray oo lahaa macne hore -si macne labaad oo uu yeesho loogu qabatimo.Tusaale:

 

-GUJISKA BADA; ereyga gujis marka hore waa bahal ka mida bahlaha miyiga ku nool,hasehaatee waxa macne labaad loogu dooyeystay si uu ugadhignaado ereyga SUBMARINE oo ah macne nagu soo kordhay. Tubtan koowaad marka ereybixin lagu hidinayo waxay qofka uga baahan tahay inuu ereyada af Soomaaliga hodan ka noqdo, si uu ugu soo helo ereyga ku soo kordha ereyga u dhigmaya. Tusaalayaal ereybixineed oo sidaas oo kale ah waa kuwan:

 

-Theme= Dabuub -Term= Tiraab -Phrase= Tibaax -Email/Mail/Post= Dhambaal -Dialect= Laqan -Bank Account= Qandi -Bank= Deni -Instrument= Daab -Bachelor= Yood -Master= Yahan -B.A.= Taawo-Yood -B.Sc.= Kasmo-Yood -M.A.= Taawo-Yahan -M.Sc.= Kasmo-Yahan

 

Haddii tubta koowaad lagu hidin kari waayo ereybixinta waxa loo dhurtaa tubta labaad oo ah sidatan.

 

2-LADHKAB: Tubta 2-aad ee ereybixinta waxaa la isku ladhkabaa laba erey oo ku jiray afka oo kala lahaa laba macne,si ay u soo ifbixiyaan macnaha cusub ee markaas la maaganaaday. Tusaalayaal:

 

Bir+Lab= BIRLAB=Magnet

War+Faafin= WARFAAFIN= Broadcasting

War+Baahin= WARBAAHIN= Mass-Media

War+Geys= WARGEYS=Newspaper

War+Baan= WARBAAN=Sentence

Biiraa+Leh= BIIRAALE=Magazine

Qor+Ool=QOROOL= Library

Mash+Dhac= MASHDHAC=Music Beeg+Qaab=BEEQAAB=Format

Or+Og=OROG=Colloquial

Gar+Eef= GAREEF= Grammar

Hal+Ged= HALGED=Subject

 

 

Sidoo kale haddii erey lagu hidin kari waayo tubta koowaad iyo ta labaad waxaa loo gudbaa tubta kale ee jirta sida tubta seddexaad.

 

3-NUDUBSI: Tubta 3-aad ee ereybixinta waxa la adeegsadaa nudubada afka(The Prefixes and Suffixes).Erey jira oo macne la yaqaan leh ayaa macne kale oo ay is-xigaan ka soo baxayaa marka lagu nudbo nudubada jira.Qofka tubtan yaqaanaa waxa uu astaan u yahay af-aqoodnimo(Is a Linguist)maxaa yeelay waa tubta ugu adag ee erey lagu soo bixitimiyo iyadoo Erey lagu hordarayo ama dibkarayo nudub,ereyga markaas la bixitimiyaa waa inuu yeeshaa beeqaab jira.Tusaalayaal:

 

Qor+Aal= QORAAL=A Book/A Writ

Cur+Is= CURIS=Composition

Gur+Aab= GURAAB=Slang

Tub+Aab= TUBAAB=Mathematics[Waxay isku beeqaab(FORMAT)yihiin Hiraab,Tiraab] -Dal+Ti= DALTI= Nationalist[Waxay isku beeqaab yihiin Murti,Marti]

Odh+Ni= ODHNI= Oral[Waxay isku beeqaab yihiin Shacni] -Qor+Ni= QORNI= Written Tal+Ni=TALNI=Government

Cur+Iye= CURIYE= Element

 

 

(Seid Cabdi)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

 

Kumbiyuutarada [Tubsheelada]
:

  • Computer = Tubsheel
  • Disk Drive = Xogmeer
Keyboard = Farasoor
Input = Xoggelin
Output = Xogbixin
Central Processing Unit = Unugta Dhexe ee Xogmiirka
Software = Qorashka
Hardware = Qolofka
Program = Qaashaar
Programmer = Qaashaaryahan
Data = Xog
Screen/Monitor = Dhugad
Databank = Xogkeyd
Technology = Tabraad
Multimedia = Indha-badan
Ereyada caafimaadka
:

  • Prescription = Jalsiino
  • Medicine = Jal
Pharmacy = Jalhaye
Pharmacist/Pharmocologist = Jalyaqaan
Treatment = Dhaqtarin
Hygiene = Fayadhowr
Ereyada warbaahinta
:

  • Magazine = Biiraale
  • Column = Halkudhig
Columnist = Halkudhigle
Freelance Journalist = Wariye baarfuran [mise madaxbanaan]
News article = Deex
Waxbarashada guud
:

  • Education = Waxbarasho
  • Informal Education = Waxbarasho Dadban
School = Dugsi
College = Aqoondaar
University = Barkoob
Library = Qorool {The Library = Qoroolka}
Science = Kasmasho
Organism = Noole
Acceleration = Karaar
Velocity = Keynaan
Linguist = Afafyahan

^ what lingo is this MMA ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ :D lahjad beel kan may & maxaa tidhi midna maha !

 

labadaan ugu daran:

# Computer = Tubsheel

# Disk Drive = Xogmeer

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ Geeloos, akhri qormadaan kor ku soo qorey, adaa fahmayo waxa uu MMA soo qorey, qumaati u dhuux,

 

eray bixinta la iskama allifo, tab, xeelad iyo taawo ayey u baahantahay marka la curinayo ama la hidinayo, bal yara akhri qoraalkaas kor ku xusan adaa fahmi doona eray bixinta!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Cajeeb abti gacan baan kuu taagay runtii

 

inaan afsomali aqaanaan isku haystay belaya i qabsatay badh ka mid ah ma garan lakin wan fahmay qaabka eray bixinta u socoto ....... meeshan hadii la sii joogo maaliba maalinta ka dambaysa in yar baa kaa sii fakanaysa !

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geeljire, Afsoomaali waaye, wah. Ereyo la isku kab kabay waaye, sida la iskugu keenayna Nuune ayaa sharxay, oo aad u faahfaahiye.

 

MMA, hade waxaan dhoho ma garanaayo..

Hee, xaa jirina.

 

Bir+Lab= BIRLAB=Magnet

War+Faafin= WARFAAFIN= Broadcasting

War+Baahin= WARBAAHIN= Mass-Media

War+Geys= WARGEYS=Newspaper

War+Baan= WARBAAN=Sentence

Biiraa+Leh= BIIRAALE=Magazine

Qor+Ool=QOROOL= Library

Mash+Dhac= MASHDHAC=Music Beeg+Qaab=BEEQAAB=Format

Or+Og=OROG=Colloquial

Gar+Eef= GAREEF= Grammar

Hal+Ged= HALGED=Subject

Nuunka, aad aaba ula dhacay tan. Suu Afsoomaaliga hodanka u yahay arag, runtii. Qeyb ayaa jaamacadii Gaheyr oo Afsoomaaliga hormariskiis ku taalay, badanaana ereyada cusub meeshaas laga alifi jiray.

 

Jacbaro, soo daa waxa ka qaldan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA iyo Nuune, waxaaba adag kuwa Soomaaliga lagu turjumay in la dhaho ama la fahmo. JIL kulahaa, medicine=daawo. BIIRAA+leh kuyeh inta.. baba maxaa la isku geeyey inta waaye? "leh" waaba la fahmee "biiraa" fasirbal inta. Midba mid uu ka sii adag yahy. Kuwa Somaaliga ah intuu qoro inuu Enshlish ku turjuma aaba ka fududeyd..Waa ka haray ani :confused: :confused:

 

Ps: brother put good effort though and need to be praised for that.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Kolay Soomaaligan kii aanu naqiinay maaha,lol, How have to be so difficult, kelmado yar yar oo fudud baa la isku geeyo. Kuwa badan waa macquul,

 

Sarwaji = facial skin

Goorayso= Watch

Saxe =Spell checker

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

Miskiin>>

 

Sxb ereyadaan iney hirgalaayaan ilama ahan.

Teeda kaleeto, ayaga dhan dhagax camal ayeeba u adag yihiin, xoogaa naga soo jilciya nooh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

G.T. iyo Prince, qoraalka qofkaas soo bandhigay suu u arko waaye. Ani kuma raacsani in uu badalo wixii horey loo micneeye, sida farmashiye iyo jaamacad uu ereyo cusub Afsomaaliyeed ah usoo saaray. Waa wax fiican, laakiin jahwareer lee keenayaan kaliya.

 

Kuwa ereyada cusub ee afka shisheeye kaga haboon in ereyo Soomaaliyeed cusub loo helo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this