Sign in to follow this  
Daandaansi

Omar Bin Ladin Jean Flex Brown(What do you think about this)

Recommended Posts

Omar Bin Ladin & Jean Flex Brown

 

 

Cumar Osaama Bin Ladib oo ah Wiil uu dhaley hogaamiyaha shabakada Al-Qaacida ayaa la xaqiijiyey in uu qudbo sireed ku guursadey haweenay 51 sano jir ah oo u dhalatey wadanka Ingiriiska, taasi oo ah hooyo dhashey 3 caruur, isla markaana sii ah ayeeyo ilmaheedu ilmo sii dhaleen.

 

Jean Flex Brown oo ah haweenayda uu guursadey wiilka afaraad ee ka midka ah 17 ilmood ee uu dhaley Osaama Bin Ladin ayaa u sheegtey jariirada Times in ay ku faraxsan tahay guurka ay guursatey Ina Bin Ladin iyadoo tibaaxdey in meher qarsoodi ah uu ku dhexmarey magaalada Qaahira ee caasimada wadanka Masar 24-kii April, waxaana ay sheegtey in meherkaasi uu ahaa mid qarsoodi ah oo aanay ogaan dad badani marka laga reebo dad yar oo sirta ay isku qarsadeen haweenaydan uu guursadey wiilka uu dhaley Osaama Bin Ladin.

 

Mss Brown waxay sheegtey inay Cumar Bin Ladino oo 27 sano jir ah ay isku barteen magaalada Qaahira mar ay halkaasi socdaal ku tagtey, waxaana ay sheegtey inay noqotey xaaska labaad ee Cumar Osaama Bin Ladin, iyadoo soo qaadatey in diinta Islaamka ay ninka muslimka ah u ogoshahay in uu guursan karo 4 xaas.

 

Iyadoo ka sheekaynaysa sida ay isula xiriiraan wiilka guursadey ee uu dhaley Bin Ladin waxay tiri “ Maalin walba waynu wada xiriirnaa, waxaan kuwada xiriirnaa Telefoon ama Internet-ka oo aan wadasheekaysi ku sameyno (chating).

 

“Wiilkan Cumar ah ee aan is caashaqney ee aan is guursanay waa nin beri ka ah waxyaabaha uu ku kacayo aabihii, waana nin aan lagu xukumi karin, ama aan loo qaban karin waxyaabaha dhacaya, waxaan markii aan isqabnay mudo 2 bilood ah aan waydiiyey aabihii Osaama Bin Ladin, waxaana uu ii sheegay in aabihii waa Bin Laden’e in isaga oo yar uu ka soo wadey wadanka Sacuudiga, uuna geeyey wadanka Suudaan, halkaasi markii ay mudo ku noolaaneeyeen waxay u wareegeen wadanka Afganistaan, laakin sanadkii 2000 ayaa Cumar wuxuu ka soo tagey aabihii Osaama Bin Ladin” ayey tiri Jean Flex Brown.

 

Jean Flex Brown haweenaydan 51 sano jirka ah ee uu guursadey wiilka Cusaama Bin Ladin waxay sheegtey inay horey u soo martey shan guur oo guurkan uu u yahay kii lixaad, laakin waxay “ Guurkani waa mid iiga duwan guurkii hore ee aan soo marey, Cumar aniga ayaa caashaqey waayo waa dooqeyga, waana nin aan jeclahay, waligey ma heli doono nin la mid ah, aniga nafteyda ayuu soo jiitey, waa shaqsi degan, hadalkiisuna ma ahan mid leex leexad leh” ayey tiri Flex Brown.

 

Jean Flex Brown markii ay isguursadeen wiilka Osaama Bin Ladin waxay iska badashey magaceedii reer galbeedka ahaa waxayna la baxdey Zeena Mohamed, mar ay ka hadlaysey sida ay ku wada xiriiri jireen iyo caqabadaha la soo gudboonaadey xiriirkooda waxay sheegtey in inta badan ay dhib kala kulmi jireen xaga luuqada, balse waxay intaasi ku dartey in dareenkooda uu yahay mid isa soo jiidanaya.

 

Mar ay ka sheekaynayey in uu jiro xiriir u dhaxeeya wiilka Ina Osaama Bin Ladin ee ay isguursadeen waxay sheegtey Jean Flex Brown in wiilka iyo aabihii aanay wax xiriir laheyn tan iyo sanadkii 2000, waxay sidoo kale ka warantey dhibka gaarka ah ee inankan haysta, waxay tiri “ dhibka haya Cumar wuu badan yahay, xitaa safar uma bixi karo, waayo magaca aabihii ayaa ka dhigey mid Qatar ah oo ma jirto cid fiise ama dal ku gal siinaysa.

 

Haweenaydan uu sodoga u noqonayo ninka Mareykanku ugu raadinta yahay waxay sheegtey in haatan ay wado sidii safaatada Britain ay uga heli laheyd dal ku hal ama Vissa ninkeeda cusub uu ku tagi karo wadanka Ingiriiska.

 

Dhawaan mar ay booqatey waxay ka baxsatey oo ay ka gashey dhuumaaleeysi saxaafada, iyadoo ka cabsi qabtey inay sheekadan si weyn u lafa guraan.

 

 

 

Flex jacayl laabta iyo dhuuxa galey ayey u qaadey Cumar ....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this