Sign in to follow this  
xiinfaniin

Ali Dhux and Women…

Recommended Posts

Tanaad   

JBaro afsomali iyo ingiriis isku karis ah maxaad ku diideysaa ina abti adiguse maxaad ka taqaan gabayada nin baa na yiri waxban soo raadinayaa oo sidii diinkii sahanka loo diray wali ku maqane adigu waxaad haysid oo gabay ah soo daa bal aan ku sii sugnee.

 

Gabaygii hore malaha waa la garan waayay. bal kan isku soo daya

CIRKA OON DARUUR LAGU OGAYN DUNI ABAAROWDAY

OO HAADDU SOO DAADATOO DEERADII DHIMATA

DAYLOOY LAXDII IYO LODABA DAAYAY HADALKEEDA

DAANDHEERTA KII MAALI JIRAY CAYDH U DALANDOOL YE

 

inta dhexe lama garanayee wuxuu ku dhamaanayay

 

DACAS LAGUMA WAAREE MARKAY DOOGSIN ROOB CURATO

DADKAYGIYO JAHLIGA MAALINTAAN DOW UKALA YEELO

GAAJADA DHARAARTAAN DILEE CUDURKA DAAWEEYO

ADIYO DAALINKII KAA YARAA DOODA WAA U FURIYE

HA DADNAATO XAAJADU MAR BAAN DIIRKA KA CADDEYNE

 

haddii kaa la waayana bal kan fiiriya

 

OLOLIHII MAR UUN BAA LA SHIDI KII ARBACADIIYE

MAR UUN BAA DAR IIMANKA QABA LA IMAN DOONAAYE

CAANUHU DHAWAAN WAY KA QUBAN CIIL DAR LOO QABO E

CAADDAA RAG KORAY BUU NABSIGU HOOS U SOO CELINE

CALOOLYOOW AAN KUGU RAAGAHAYN CIIDDA HA U QODANE

CAGTA II DHIG WAA KAA NABSIGII SOO CADCEEDSADAYE

 

waa gabayadii ku qornaa buugaagtii suugaanta oo iskuuladii waddankii soomaaliya la oran jiray lagu baran jiray haddii aad wax ka xasuusataan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guudkayga boqorrada

Garaareeya heesaha

Gallad qurux cod iyo luuq

Shimbiraha u gaarka ah

Gashan labada qaybood

Haddii ay galaydhkiyo

Galgalkiyo fadhiistaan

Geesigooda caan baxay

Gunta iyo salkaygana

Goodaaddo nacabiyo

Maska goodka halista ah

Inta bahal gurguurtiyo

Gungumaa ku shiri kara

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this