Sign in to follow this  
xiinfaniin

Ali Dhux and Women…

Recommended Posts

Cali Dhuux, the flamboyant poet of Hawd region, had a questionable attitude toward the womenfolk. His rebut to Qammaan in the infamous Guba series had few well memorized verses that attributed woman to a demeaning qualities; he shamed them for their feminine characteristics.

 

Naagahaa dhankii loo dhigiiyo dhinacna diidayne’e

Dhedigoodka baa lagu arkiyo dhiigga caadada’e

Haddii aysan dhiilka caanaha lahayn laguma dhaarteene’e

 

Women are a domesticated being. Ali asserts. And that, he guessed, is markedly a feminine trait. The reason lies, Ali dedicatedly expounds, in that they are inflicted by cycles of menstruation, and that they give birth to offspring. The absurdity of Ali’s assertion in his well composed verses, which has almost an evil quality to it, lies in his reasoning. Women have menstruation and give birth hence women are weak. There is the totality of Ali’s critique.

 

In the same series, Ali indirectly likened an entire clan to a woman. That was indeed the analogy that provoked Salaan, another poet from the same region, and got him join the series in defense of his clan. Wuxuu yiri:

 

Harraadkiyo raggii aan aqoon hawdka maridiisa

Kolay [rebel heble] iyo [rebel hebel] waa handadayaan’e

Nin waliba haruub buu toshiyo haaman gooniyahe’e

Haweenkuna hadday doonayaan inay haguugaane’e

 

Even the womenfolk want their share of reer hebel’s camel choice just like the meek reer hebel wants it too--that was the effect of Ali’s poetic bullet.

 

Haddaba why Ali seems to have harbored a look-down attitude toward the sisters? Could there be other alternative explanations short of a sheer ignorance to the meaning of these particular verses, and what are those meanings?

 

War yaa usoo baxay?

 

ps--btw, Ali is my fav poet after Sayid Mohamed :D !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Uum! interesting questions indeed.

 

I will have to take time I guess to think this over.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

Cali Dhuux, the flamboyant poet of Hawd region, had a questionable attitude toward the womenfolk. His rebut to Qammaan in the infamous Guba series had few well memorized verses that attributed woman to a demeaning qualities; he shamed them for their feminine characteristics.

 

Naagahaa dhankii loo dhigiiyo dhinacna diidayne’e

Dhedigoodka baa lagu arkiyo dhiigga caadada’e

Haddii aysan dhiilka caanaha lahayn laguma dhaarteene’e

 

Women are a domesticated being. Ali asserts. And that, he guessed, is markedly a feminine trait. The reason lies, Ali dedicatedly expounds, in that they are inflicted by cycles of menstruation, and that they give birth to offspring. The absurdity of Ali’s assertion in his well composed verses, which has almost an evil quality to it, lies in his reasoning. Women have menstruation and give birth hence women are weak. There is the totality of Ali’s critique.

 

In the same series, Ali indirectly likened an entire clan to a woman. That was indeed the analogy that provoked Salaan, another poet from the same region, and got him join the series in defense of his clan. Wuxuu yiri:

 

Harraadkiyo raggii aan aqoon hawdka maridiisa

Kolay [rebel heble] iyo [rebel hebel] waa handadayaan’e

Nin waliba haruub buu toshiyo haaman gooniyahe’e

Haweenkuna hadday doonayaan inay haguugaane’e

 

Even the womenfolk want their share of reer hebel’s camel choice just like the meek reer hebel wants it too--that was the effect of Ali’s poetic bullet.

 

Haddaba why Ali seems to have harbored a look-down attitude toward the sisters? Could there be other alternative explanations short of a sheer ignorance to the meaning of these particular verses, and what are those meanings?

 

War yaa usoo baxay?

 

ps--btw, Ali is my fav poet after Sayid Mohamed
:D
!

Hi Xiin,

 

I thought we talk about Ali-dhux previously, he was a great poet but contraverial one, sometimes of not short of trouble-maker, as he was having a grudges with sayid of nugaal, and many others, no one diagree with you the sheer ignorance in Haud at the time, were resources were scarce, a partched dry land, were always survival comes to mind. women were a good scape-goat, to show how hard you are against the odds. the whole sceen was like Suuqu Alkoaz in pre-islamic arabaia, and the Asxaab Almucalaaqat.

 

But Salaan portrayed twice that Ali-dhux was nothing more than a great badow-geeljire.

 

Hiinraaca wa lagu yaqaan hiida doqnoneede

Hebednimada qaarkeed aday ku hadnoqotaaye

Bal inu hanfade waalan yahay habi la'aantiisa

Hadmuu ku hirtay Cali Yussufku humay colaadii

Inkastu higaad qabo hadaan anigu so haabto

Waxaw halisa badaw hayjad galay inuu habaabaye

Xajada badhba la hojiyaa huga la saaraayee

Haasaauhu uma ekeyne wuu hadadfaayaaye

Hulaxamuda uunkoo col u horseedaaye

Dadka kale tashiga way hojaan kay hadhow odhane.

 

Ali-dhuux came with another baot to Salaam:

 

Salaanow Kalaamkayga gabay waw kal tiriyaaye

Kursi uguma soo yuurursado kiishadoo madhanne

Kun jeerbuu habeenkii ciyaa kelebka qayshaaye.

 

 

and again same salaan came back to ali:

 

Rag hadduu Garbadho xaajadii waa galgalataaye

Goodaadsi Doqonbaa taqaan Gawdhis iyo ceebe

Gelbis bay Ladqabo yeelataa goobta dabadeede

Maantuu gaboobiyo markuu gaban ahaa wiila

 

Waa waxaan Garduur iyo ka tegin Godanka ciideede

Waa badaw caqligu gaaban yahay guurtinays bidaye

Ninba inuu garaadkiis hadlaa gedihi weeyaane

Isagoo gunaafyo xunxun oo go’ iyo qayraanleh

 

Oo gorofta caydheed sitay mid u gangaameene

Waxay gabayday H.Y(Reer Hebelka)siisay naag gobahe

Tolkaybaa gulguluca I badee gocondho meesheede

 

Marse haddii aan is galabayn naqaan aniga way guule

Hadday gumaradii noqon lahayd quulle iyo goone

Amuu gudimaduu sidan lahaa gali ugaadheede

 

Cirkoo soo galgaallieyey hadduu godol cusbooneeyo

Guulaamo wuxu soo kacshaa geydha dabadeede

Gal biyo leh gelgelin roob helaa galab la laacaaye

Anse webi Ganaanaan ahoon laga geyoonayne

 

Gantaashaba ma qayrsado ninkii Gumuc cabbaystaaye.

 

Am short of time see ya Xiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@Sharmarke..

Salaan was quite good at inuu Cali shiddeeyo..

 

One time Ali paid visit to Salaan and found him in a slaughterhouse, working hard and butchering stuff. But in the Hawd dhaqan that was ceeb for a rebutable man do that. Salaan sensed that Ali was about to say something about this, and thusly preempted him first and said:

 

Kafadaha dalooliyo mindaan daba hasytaaye

Nafta dooji mooyyee xarrago laga dawaaraaye'e

Da-a-r-o-o-d siduu beri ahaa loo dad qalatowye'e :D

 

Ali was left scrambling for words in response to Salaan's witty verses...

 

But Ali was also a serious poet:

 

Naagtii gambada taabatee gacanta loo mayray

Oo gelisay meeshii xumayd :D gabaygu soo maaha.

he once said to Salaan (i believe it was salaan). Middaan taariikhdeedii ma hayyo ee bal Sharmaarkow nagu sadaqayso~~

Share this post


Link to post
Share on other sites

But Ali was also a serious poet:

 

Naagtii gambada taabatee gacanta loo mayray

Oo gelisay meeshii xumayd gabaygu soo maaha.

he once said to Salaan (i believe it was salaan). Middaan taariikhdeedii ma hayyo ee bal Sharmaarkow nagu sadaqayso~~

Xiinow, gabayga waxaa iska lahaa Qamaan Bulxan sheekaduna waxay kutimid sidaan kuhayo mar Cali iyo Qamaan oo habro-wadaag ahaa lugu heshiisiiyey inayna mar-dambe isu gabyin maadaama ay walaalo yihiin. Marka maalin maalmaha ka mid ah ayaa cali iyo qamaan oo shax duleedka reerka kuciyaari ayaa waxaa soo agmaray iyadoo haan biyo ah dhabarka kusida Qamaan hooyadii oo dhinacakalena Cali habo u ahayd.

 

Cali intuu heshiiskii jabiyey ayuu sida kubilaabey:

 

Maxaa loo hogaan barey duqdii innugu hawshootay?

Kanaan degey!

 

Qamaan oo fahmey duurxulka cali ayaa sidan u celiyey:

 

Sidii naagtii gambada taabatee

gacanta loo madhay

ee hadana meeshii xumeyd galisey

gabaygu sow maaha

 

Kanaan degey!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Maxaa loo hoggaan baray duqdii inaku hawhsootay

Oo hilayga loo suray....

 

Thanks Abdiladifow. I think Inaad qummantahay.

 

Qammaam was a cool poet! Ragga Cali sida fiican iskaga dhiciyey buu ku jirey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

lol@Sharmarke..

Salaan was quite good at inuu Cali shiddeeyo..

 

One time Ali paid visit to Salaan and found him in a slaughterhouse, working hard and butchering stuff. But in the Hawd dhaqan that was ceeb for a rebutable man do that. Salaan sensed that Ali was about to say something about this, and thusly preempted him first and said:

 

Kafadaha dalooliyo mindaan daba hasytaaye

Nafta dooji mooyyee xarrago laga dawaaraaye'e

Da-a-r-o-o-d siduu beri ahaa loo dad qalatowye'e
:D

 

Ali was left scrambling for words in response to Salaan's witty verses...

 

But Ali was also a serious poet:

 

Naagtii gambada taabatee gacanta loo mayray

Oo gelisay meeshii xumayd
:D
gabaygu soo maaha.

he once said to Salaan (i believe it was salaan). Middaan taariikhdeedii ma hayyo ee bal Sharmaarkow nagu sadaqayso~~

Xiinow you mixed up many thinks:

 

"One time Ali paid visit to Salaan and found him in a slaughterhouse, working hard and butchering stuff. But in the Hawd dhaqan that was ceeb for a rebutable man do that. Salaan sensed that Ali was about to say something about this, and thusly "

 

The story is not in that regard, Salaan take part of yarad-doonasho, reer misna la xididyahay: then no prober food or sooryo didnt come out from the Reer: then salaan said:

 

Naagyahay hannaan xiditinnimo waa hantiyo soorre

Laba la hinjiyaba waa hunguri kii horreyn jiraye

Aqalkaan hilbiyo soori ool haqab la' oo buuxa

Aan Haanta caanuhu ku jirin halab karuurkeedu

guur uma hagaagine waxbaa loo hadoodilaye

 

Then either Ali-Dhuux or someone else said in return:

 

Salaanow naf samiri wayday waa sed iyo laayaan

Siddeeddii cishaba waa intii sahanku laalnaaye

Waa soo sidnaa Xeedhyihii Saabka loo tolaye

Reer Hebel sal fududaa wuxuu sugayo muu dhawro.

 

When it was like that a novice young man not familiar in poem circles saw Ali dhuux when he was selling meat in late afternoon meat market - ceeb in haud dhaqan as you said:

 

the boy tried to pre-empt Ali-Dhuux and said such like:

Aqallada Dixaha laga dhiseed dabato moodeyso

Danbaa meesha keentee xarrago looma soo degine

Reer Hebel siduu beri ahaa loo dad-qalatowye

Kefada daloolo iyo midi ayaa daabka la hayaa'e

Nafta joogi mooye xarago laga dawaareey'e

 

Abdultif's input was correct - tixda waxa laha Qamaam Bulxan, was basically, and morally in high ground better than the rest of the Guba chain: he showed everyone's fault and their shortcomings, in his peom he advanced the somali proverbs such as:

 

Badida ninba kula daydayaa oo daalna ka badine

oon donayahay inaad hesho daam abidkaa'e

Dadkuna wada moodi dool wada dhasho wax u dahsonayne.

Dalo malaha akhiro hadii loo kitaab da'ye.

 

Xiinow:

Macalimiintu nin waynaan iskuul ku galay wax uma sheegaan

Waab waabtintaaskaad ku baran shuqulo waawaayne :D Jix jix jix = my best frined's hal hayn.(Said unkown).

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^lol@Macalimiintu nin waynaan iskuul ku galay wax uma sheegaan

Waab waabtintaaskaad ku baran shuqulo waawaayne…

 

The reason I am mixing things up is because I have not met my literature mentor :D for a while. But honestly, I always thought Salaan was the one-time-butcher that Ali caught in a surprise visit, and who in turn, in a witty preemptive manner, composed tixdii aan kor ku sheegay! You say otherwise, and I take your word for it---and for now I stand corrected yaa Sharmarke (i am in your home turf now :D ). Until I go back digging my sources that is.

 

Qammaani’s standing in the infamous Guba series is beyond dispute adeer, and as you said the man left behind immortal verses that to this day people cite in search of wisdom. Considering the whole series was triggered by Ali’s guubaabo directed at Qammaani’s subclan of the larger clan for which both men belonged to, the way Qammaan reacted to it was quite marvelous.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Xinow,

salaan was never a butcher, he was seafairer, and reer miyi too, but the other boy, was Salan's kin and keith and was professional butcher, he knows Ali-dhuux, cos they are isu reer abti most cases. so the boy fired his little couplets or afray.

 

Salaan when he heard that afaray from his boy he said i may suppose to buy that, its indeed a suitable couplets and how do i missed saying it, he said and is been said about him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

I was impreessed by this thread and decided to do more research . In my effort i found this long Taarikh. In a way i learned that during those times peopple were more wise and tolerant to each other especialy qolooyinka wadadega. unlike present times. Despite minor conflicts they still coexisted and shared alot.

Just take time and read this.

 

http://aftahan.com/taariik*****cledetail.php?aaid=3

 

Sorry the link wont work cause the deleted alphabets are synonom to qabiil name . anyways you can get this article in detail at aftahan.com just go to the search engine type gabayo and click the drop list, choose taarikh and go to the link that says Taarikhdii Cismaan Gun iyo Baar eeg 1902-1980. Otherwise read this copy and paste.

 

 

Article Name: Suugaantii iyo Taariikh Nololeedkii -1902-1980

 

 

Suugaantii iyo Taariikh Nololeedkii(1902-1980)

 

Abwaan Cusman Adam Ismaaciil – Gun iyo Baar Eeg

 

Hordhac:

 

Abwaan Cisman Adam Dibi oo loo yaqiin “Gun iyo Baar Eeg” wuxuu ku dhashay deegaanka gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Beer xilli ku beegnayd 1902. Cusman xilliga uu barbaaray waxay ahayd xilli ay taagnayd tartan iyo xifaalo suugaaneed oo ka jiray jiidda uu ka dhashay oo u dhexeeya beeshiisa iyo beesha bariga ka xigta. Abwaanku wuxuu gabayada bilaabay isaga oo aad u da’yar. Gabaygu wuxuu ahaa mid uu hiddaysanayo maadaama aabbihii Adam Dibbi uu ahaa nin gabyaa ah oo leh gabayo iyo murti badan oo dhaxal gal ah. Sidoo kale walaalkii Cumar Aadam Dibbi ayaa isna ahaa gabyaa weyn.

 

Haddii aan qaar ka soo qaadano gabayada aabbihii iyo walaalkii, iyada oo ay Soomalidu tahay xoolo dhaqato reer guura ah noloshooduna ku xidhan tahay xoolaha ayaa xanaanada iyo ilaalinta xooluhu waxay ahayd shaqada ugu badan ee dadku qabtaan. Xoolo raacistu may ahayn mid dadku ka hawl gabaan ee qofku waliba sida uu xoolaha ugu foogan yahay ayuu ku dhiman jiray.

 

Waxaa dhacday in Aadam Dibbi oo odoyoobay, itaalkiisii iyo waxtarkiisiina gabaabsiyay uu maalin maalmaha ka mida uu inankiisii Cumar ku yidhi aabo maanta geela raac, Aadan Dibi isagoo tixgelinaya codsigii wiilkiisa ayuu maalintii sidii geela kuraacay. Odaygii oo maalintii tacab u soo dhammaaday ayaa habeenkii markii uu geelii soo xereeyey intuu dab weyn shiday wiilkiisii Cumar iyo raggii kale ee guryaha joogay isugu yeedhay, ka dibna u mariyay gabay uu kaga warramo cimriga uu joogo, hawsha loo diray ee geel raacista iyo dhibaatadii ka soo gaadhay, isagoo dhinaca kalena raggiisii xasuusinaya iyo wiilasha facooda ah ee beeshooda ka tirsani aanay aabayashood geel u dirin. Wuxuu Aadam Dibi yidhi:

 

 

Nimanyahaw gankaan ahay ragbaa geel iraacsadaye.

Sida gallowga iyo fiinta oon gelis ka yaabaynin

Sidii aan goblamay foodhidaan giida ku hayaaye

Gacmahayga kama tuujiyeen goror habeedaade.

Wallee gabanaddii aan dhaloow gacaladay reeban.

 

 

Markii Cumar Adam Dibi oo ahaa ninkii odayga maalintaa geela u diray uu gabaygii dhegaystay ayuu isaga oo is difaacaya ayuu gabaygan aabihiis ugu jawaabay. Cumar wuxuu tusaale u soo qaadanayaa odayaal aabihiis la gado ah oo beeshooda ah oo aan geela maalin keli ah ka hadhin kana dhexbixin:

 

Guntigawma furo Ciise Goray goor iyo allayle

Cawad Sowdhe gabanka uma diro gaagaxsiin yaha'e.

Goobaar la mood Maxamed Madar gooxuu yuururaye.

Gurigiyo carruurtaba ninkii gaadhi kari waayey ,

Gucladii u dhigay Aw Siciid gacalo weeyaane

Aabbow gartana waad taqaan guuna waa tahay

Ama geedka joog maalinta rag is gadhxiiraayo

Ama geela raac talo adduun gurubsi weeyaane

 

Murtida iyo abwaanimada Gun iyo Baar Eege waxay dhaxalsiisay inay ku hal qabsadaan marar baddana ku taamaan raggii kale ee abwaanada ahaa ee beeshiisa iyo beelaha kaleba ka kacay ee ay isku xiliga ahayeen iyo kuwii ka dambeeyay labaduba.

 

Abwaankii weynaa ee Salaan Carrabay isaga oo u baanaya beesha Cali Dhuux oo xifaaltan gabay ka dhaxeeyay wuxuu xusay in ragga beeshiisa ka mid ah ee uu aad ugu kalsoon yahay uu safka hore kaga jiro Gun iyo Baar eeg.

 

Mar uu Salaan Carrabey u goodiyayaay beesha Cali Dhuux waakii lahaa isagoo tilmaamaya, kartida suugaaneed ee guniyo baar’eeg sidatan.

 

Intooda gabayda oo idil hadii laysu wada Geeyo.

Gammuutiyo keliyaa igaga filan Gun iyo Baar Eeg".

 

Sidoo kale Gabyaagii Cabdi Gahayr oo ay isu gabyeen nin abwaan ahaa oo la odhan jiray Mire Gudhidin oo ka soo jeeday beesha (Gun iyo Baar Eeg) ayaa muujiyay inuu jeclaan lahaa inuu gabay la wadaago Gun iyo Baar Eeg ayaa isna yidhi :

 

Haddaan Guniyo Gaar'eeg afxumo guuna laga keenin.

Gundhidin iyo gabaygiisu waa geed iskaga laale.

 

Sida la sheegay markii gabaygaasi soo baxay ayaa Gundhidin geed koray wuxuuna sheegay inaanu geedka ka soo degyen ilaa iyo inta Gun iyo Baar Eeg gabaygaa Cabdi Gahayr wax ka odhanayo.

 

Cismaan Aadam Dibi oo ah Guniyo Baar'eeg, ayaa ugu jawaabay Cabdi Gahayr gabay dheer oo ay ku jireen midhahani:

 

Intaad aniga igu geedi tahay ama I goobaysid.

Gudhidin iyo gabaygiisu waa gummuc rasaaseede.

Maxaad geed kulaashaa, illaah kugu gallooleeye.

 

 

Nin ka mid ah abawaanada dambe oo magaciisa la yidhaaho Maxamuud saleebaan xirsi laguna naanayso (Ina Walad Baas) oo ka hadlaya murtida iyo ragga ilaahay dhaxalka u siisyay ayaa isna wuxuu yidhi Ina Weled Baas.

 

 

Afartaa daruur gaaxatiyo.galalacdaydii dheh.

Onkod galaba, jibin goohday iyo garasho waayeel dheh.

Gurxankii Salaaniyo naxwihii,Guniyo Baar'eeg dheh.

 

Guniyo baar'eeg suugaantiisa iyo halkaraanimadiisu way qotodheerayd wuxuu kaloo abwaanku taabtay dhinaca suugtaanta jacaylka lafteeda qayb ayuu kulahaa,maruu gabay kula hadlayey gabadh ay ilmaabti ahaayeen,oo la odhan jirey Ugaaso Nuur Qaaje gabaygaas inaabtidii uukula hadlaayay oo ahaa gabay aad uqiimo badan somaaliya oo dhana caan ka noqday, iyadoo gabaygaas markii danbe fanaaniinta soomaliyeed qaarood intay laxankii muusikada saareen ay uleexiyeen sidii hees jacayl oo kale loogu luuqeeyey. hadaba anoon gabaygii halkan kusookoobi doonin dhamaantii hadana waxaan idiinsoo qabtay dhadhankii gabayga oo uu kubilaabay abwaanku sidatan.

 

Alayl dhexe illayskii imaray ababa'daan mooday.

Ma Ugaaso nuur baa qalbiga waanka oogsadaye.

Inaabtaay nin aragaaaga jecel kuuna imanwaayay.

Oo eed sokeeyiyo kabaqay ubatiyo qaylo

Oo' oodi kaga meersantahay Aqalka aad joogto.

Arin sidaad ukala laasataan adiga uun baa og.

 

Geeluba ugaasooy markuu ayda miranaayo.

Abeerkiisa naaxiyo markuu aaranku iswaayo.

Iasaguba makala Aamusee waysu ololaaye.

Inaabtay nin aragaaga jecel kuuna iman waayey.

 

Sidaan idiin sheegayba gabaygani intan kumawada dhama waxaanse ugu talagalnay qormadan inaan idinku dareensiino qiimihii iyo wanaagii ay lahayd suugaanta abwaanku inaan wax idinka taabsiino.

 

Sida Magacu ugu Baxay

 

Xilliga uu Cisman Adam Dibi noolaa waxay ahayd xilli inanta guurkeeda laga eegi jiray beesha ay ka soo jeedo oo qiimaynta kowaad ay lahayd qabiilka inantu ka dhalato. Cisman Adam markii ay gashay hawo guur ayuu bilaabay inuu indho indheeyo reerkii uu ka guursan lahaa isaga oo si gaara isha ugu hayay beelihii markaa la kala guursan jiray ee ay isku deegaanka ahaayeen. Muddo markii uu guur u meer ahaa, ayuu Cisman tiriyay gabay aad u dheer oo uu faalo kaga bixinayo hablaha reerihii uu yaqaanay. Waxa uu gabaygaa ku xusayaa qabiil walba god daloolooyinka uu hablahooda ku arkay ee aanu ku doornayn. Waxa uu si gaara ugu fogaaday qabaa’ilka dega bariga Somaliland oo ahayd halkii uu ku dhashay kuwaas oo uu iyaga jilibjilib u faalleeyay halka uu beelaha kale duuduub isugu qaaday.

 

Habka gabaygu u dhacayo waxay ahayd inuu marka hore qabiilka uu ka faalloonayo magacaaabo isagoo ku xijinayay tuduca ah "….Gabdhahooda waaweyn haddaan gun iyo baar eegay". Tuducaas oo ahaa (hooriska gabayga amaba dhextaalka ) ayaa ahayd halka ay ka soo jeedo naanaysta abwaanka ee (Gun iyo Baar Eeg.) . Cusman isla gabaygaa wuxuu kula baxay naanays kale oo uu abwaanku can ku ahaa ahaydna (Dhulqas). Kuwaasoo hadheeyey magaciisii dhabtaa ahaa ee Cisman Adam Dibbi.

 

Waxa la yidhi xilliga uu Cismaan gabaygaa tiriyay waxay ahayd xilli beelaha dega Burco ay colaadi dhexmartay, xakuumadii Ingriiska ee dalka ka talin jirtayna ay soo rogtay sharci xaaraantimaynaaya in la tiriyo gabayada ay ku jiraan magacyada qabiilku maadaama uu gabaygu ahaa shay dadka kiciya oo sii shidi kara colaadaha. Markii gabayga abwaanku fiday ee la maqlay waa la soo xidhay. Hase yeeshee markii gabaygii la fasiray waxa loo aqoonsaday inuu yahay gabay aan fidmo wadin laba qabiil oo keli ahna aan xusayne ay dhammaan qabaa’ilka Somaliland kuwada xusan yihiin. Sidaasaana abwaanka lagu sii daayay.

 

Guurkii Gun iyo Baar Eeg

 

Cisman Gun iyo Baar Eeg oo gabaygiisii uu hablaha qabiilooyinka ku faalleeyay weli cusub yahay lana hadal hayo bal reerka uu ka guursan doono ayaa maalintii dambe u soo geed fadhiistay gabadh la yidhaaho Ina Cadood oo qabiilkeedu ahaa Reer Hagar. Taasi dad badan ayay fajiciso ku noqotay waayo reerka ay gabadhu ka dhalatay waxay ka mid ahaayeen beelihii uu hablahooda lahaa “guur u dayan maayo”. Abawaanku markii uu faalleynaayay qabaa’iilka waxa uu ka yidhi reerka uu gabadha ka doonay:

 

Gabdhaha reer hagar hadaan guniyo baar eegay

Gaag lagama hayn naaganhay Ganacsanaayeene.

Guumihii Hayaag loo hayiyo gaban yar weeyaane

Iyana guulahaybaa jiree guur u dayan maayo."

 

 

Cismaan markii la weydiiyay sababta uu uga guursaday reer Hagar wuxuu ku jawaabay "gabantii yarayd ayaa soo kortay"

 

Sidii dhaqanku ahaa markii uu usoo geed fadhiistay nin layidhaahdo Cadood oo uu kasoo doonay gabadh, waxa Cismaan lagu xidhay inuu keeno boqol halaad oo yarad ah. Iskuma xiline wuxuu markiiba soo tubay boqolkii halaad. Hase yeeshee markii geelii la keenay gurigii reerka inanta laga doonaayay ayay nimankii ay inantu ka dhalatay oo si fiican u yaqaanay geela reer Adam Dibbi isla markaana filaayay hal ka tilmaanayd geela oo la odhan jiray Maahir in yaradka la soo raaciyo ayaa arkay hashii Maahir oo aan geela yaradka loo wado ku jirin. Cismaan markuu maqlay iyada oo la leeyahay “oo geela hashii Maahir kuma jirtee waa sidee” wuxuu markiiba dib ugu soo noqday aabbihii si uu hashaa ugu soo kordhiyo geela. Waxa uu tiriyay gabay uu marka hore odayga kaga dhaadhicinayo gabadha uu doonay isagoo xagga dambe ee gabaygana ku soo daraya in waxa hadda gabadhaa intaas oo ammaana uu ka sheegay ka hortaagani ay tahay hasha Maahir. Gabaygiina waa kan:

 

Aaboow malaa waanad arag midab haldhaaleye.

Aaboow mankii Faarax iyo madaxdi weeyaane.

Aaboow ma meermeeri karo mayaynasoo hoorye.

Aaboow Midgaankuna sidaa igaga miisroone

Aaboow qabiiliga madhwayn haygu madiyeyne

Aaboow marbaa igu hadhoo mooshinkii ridaye.

Aaboow inlay meheriyaan maanka kuhayaaye.

Aaboow rag manidiisu waw madhax samaataaye.

Aaboow hashii Maahir baa magacu saarraaye.

 

Cismaan markii uu aqal galay wuxuu noqday nin inan layaal ah oo ladegan reerkii uu gabadha ka guursaday,Markii uu todoba baxay wuxuu damcay inuu tijaabiyo xaaskiisa iyadoo ragu meelo badan gabadha katijaabin jireen wuxuu usheegay xaaskiisa inuu tegaayo xagaa iyo reerahoodii mudana kumaqnaanayo waxaase lasheegay inaanay ka ahayn dhab ee uu rabay gabadha uun inuu jirabo, subaxnimadii ayuu dhaqaaqay gabadhiina kuyidhi waan tegeyaaye aabahaa sidaa ugu sheeg.

 

Guniyo Baar'eeg markuu libdhay mudo saacad kudhowna uu maqnaa oo uu fadhiistay geed aan kafogayn guriga ayay ina Cadood oo ahayd xaaskiisa ay dhaqaaqday iyana oo ay uwereegtay reerkoodii kuna tidhi odaygii saakuu naga tegey oo uu aaday xagaa iyo reerahoodii.

 

Abwaanku waa intuu rabay gabadhii markay kabaxday aqalkii ayuu usoo daba marey maalintii oo dhana wuxuu joogay aqalkii oo sidii ayuu gabalku ugu dhacay. Marwadii abwaanku oo ah Ina Cadood weli waxay kulaalan tahay xagii gurigii hooyadeed,markii shaacu madoobaaday ayaa hooyadeed waxay ku tidhi orod hooyo habluhuna caawa xagaa hakula joogaane gurigii tagoo bal dabka shido.

 

Marwadii abwaanku waxay kasoo hormartay hablihii oo ay kutidhi iga daba kaalaya aad caawa ii wehel yeesheene waxaay kusoo laabatay aqalkeedii oo ay maantoo dhan kamaqnayd oo madoow,waxay hulaaqisay dabkii. Guniyo Baar'eegna wuxuu maantoo dhan ku fadhiyey suradii aqalka markay iftiimisay aqalkii waxay dareentay in aqalka lagu jiro oo dhaqdhaqaaq ayay dareentay waxay aragtay odaygii oo kufadhiya surada aqalka kadibna waxay waydiisay “oo hadaad soo noqtay ana aan maqnaa maxaad gogosha ula soo kala bixi wayday”,markii ay u soo qaaday gogoshii oo ay rabto inay kala bixiso ayuu gabaygan tiriyey

 

wuxuuna yidhi:

 

 

Anigoo dhibtii socod qaboo dhereran oo taagan.

Waa dhimasho gogoshaad hadeer dhigo tidhaahdaaye.

Dhawaaq laguma karo naagaha dhamacda Daaroode

Dhashooda iyo way jecel yihiin dhaqanka xoolaha,e

Dhegta kama maqlaan ruux haduu maalka dhaafsado,e.

Dhafka aniga hay moodin iyo dhoobi iyo saare,e.

Sidii reero dhiniciina yaal hay Dhulbahantayne.

Dhirbaaxaan indhaha kaaga jari dhiif anoo qabo,e

Dabadeedna dhaartii cuslayd wayga dhowdahaye.

 

 

Guniyo Baar'eeg iyo Cali Dhuux

 

Xilli lagu jiro abaartii la baxday Baaha oo dadka qaarna u yaqaaniin Maadh Gembiya oo ku beegnayd 1928kii ayaa dawladii Ingriiska ee berigaa maamuli jirtay Somaliland waxay samasay xarun ay isugu keentay dadkii xoolahu ka baxeen oo ku tiil tuulada Beer. Cali Dhuux Adam oo ay Salaan Carrabay hoos ka tuur lahaayeen ayaa markii loo sheegay in beeshii Salaan abaari xuni ku dhufatay dadkii oo aad u jilicsanna lagu ururiyay Beer, u soo socdaalay xagaa iyo Beer si uu indhihiisa ugu soo arko xaalada dadku ku sugan yihiin malaha markaa ka dibna uu gabay ka tiriyo.

 

Waxa la yidhi Cali Dhuux markii uu Beer yimi wuxuu soo galay makhaayad rag aad u badan oo uu Gun iyo Baar Eeg ka mid yahay fadhiyeen. Cali Dhuux markii uu raggii salaamay oo fadhiistay ayuu inta shaah dalbday raggii ku yidhi “waar Salaan meel ku sheega”. Salaan Carrabay isagu xilligaa wuxuu ku maqnaa Nairobi. Gun iyo Baar Eeg markiiba wuxuu gartay sababta uu maanta Cali u socdo wuxuuna goostay inuu gabayga kaga horreeyo Cali Dhuux. Waxa la yidhi markii inankii makhaayada ka shaqaynayey uu Cali Dhuux shaahii u soo dhigay ayuu Gun iyo Baar Eeg soo hor fadhiistay oo gabaygan soo socda u mariyay. Cismaan gabayga waxa uu kaga hadlayaa xooluhu siday u baxeen gaar ahaan nugulka isla markaas waxa uu sheegayaa in geelu yahay ka ugu qiimaha badan duunyada Somaliadu dhaqato. Gabayga oo meelo badan taabtay ayaad moodaa inay dadku ka qabsadeen ereyga ah (******* siduu beri ahaa loo dad qalatowye).

 

Waanakan gabaygii iyo taariikhdii uu soo baxay ookusinaa abaarta lagu riiqmay eelamagac baxday Maadhgembiya amaba Baaha kolba sida loo yaqaano

 

Gabaygani waxa uu ka mid yahay oo aan ka qoray(Research materials of the late Muse Galal) Waxa la tiriyey abaarta la magac baxday “Maadh-gembiya” dadka qaarkiisna u yaqaan “Baaha” ee dhacday 1928.

 

Abwaanku wuxuu aad ugu talaxtegey amaanta geela oo uuku taabanayo inuu yahay geelu xoolaha nool ee la dhaqdo kan ugu sita uguna qiimaha badan, akhristayaasha qiimaha lahoow gabaygani waa gabay aad udheer waxaanse idiinka soo qabtay rubuc ahaan waxaanan uga danleeyahay si'aan shaqsiga akhrisanaya qoraalkan taariikheed ugu caajisin duxda qoraalkana aanu udiidin. halkana kuma wada dhama gabaygani waana gabay aad udheer. tixdii waatane

 

Dirirkii gugii ee arligan, dayrta laga waayey

Ee ay daruur soo kacdaa, dibiq ku siin weydey

Ee laba diraacood abaar, laysku daayimiyey

Ee deyrka xoolaha nin gelin, diiq ku yahay caawa

Ee debedda adhi looga baxay, duunyo noqon waaye

Dibnahaba ha kala qaadin baa, iiga debecrone

Dalaamista bani-aadmigii, daynse kariwaaye

Aan dig siiyo gabay waanigii, daabax ku ahaaye

Nafta dooji mooyee xarago, laga dawaareeye

Kefedaa dalooliyo mindaa, daabka la hayaaye

Nin dilaal u baxay bay xishood, kala dawaafeene

Wax arsaaqad laga doonayaa, daasad gudaheede

******* siduu beri ahaa, loo dad-qalalowye

Aqalada dixdaa laga dhisaad, dabato moodayso

Danbaa meesha keentay xarrago, looma soo degine

 

Cali Dhuux markii uu gabaygii si fiican u dhegaysatay ayuu isagoon jawaab ka bixin dib u noqday. Salaan Carrabay markii uu soo noqday ayaa looga warramay safarkii Cali Dhuux iyo gabaygii uu Gun iyo Baar Eeg mariyay. Salaan oo ay laf dhuun gashay ku noqotay tuduc ku jiray gabay uu Ducaale Dheere beri hore u mariyay oo ahayd " ****** sal fududaa wuxuu sugayay muu dhowro" ayaa markii uu gabayga marayay "****** siduu beri ahaa loo dad qaltowye" ku tiraabey "waar waa kaa eraygaan weligay doonaayay". Waxa Salaan laga hayaa in haddii uu ogaan lahaa in ereygaasi maskaxda Gun iyo Baar Eeg ku jiro uu ka siisan lahaa konton qaalmood.

 

Iyada oo xilli nabada lagu jiro ayaa ciidan darawiish ahi weerar ku qaaday beel deggenayd Buuhoodle oo ka tirsanayd beesha Cali Dhuux. Waxa la yidhi ciidankii daraawiishta inta si xun loo jebiyey ayaa hubkii ay siteenna lagala hadhay. Maalinta dagaalkaasi dhacy waxay ahayd maalinta uu baxay magaca Balli-Dhiig oo hadda ka mid ah degmooyinka gobolka Togdheer. Xilliga dagaalku dhacy Gun iyo Baareege weli muu hana qaadin. Cali Dhuux oo lib gabyaya ayaa gabay dagaalkaa uu ka tiriyay wuxuu ku soo daray eraydan.

 

Cayuun shaabka wiilkii ahaa shaaha karinaayo

Waayeelna xeeb uga shir tegay ma leh shirshooruuye

Isagaan shaarublow reer ***** shucub aan reebeyne

Shamal ay tuntaan iyo haween shuqulki mooyaane

Sharba idinma daareen haddaa shalay na dhaaftaane

Daraan idin shideeyeenba waa naga shiheeyeene

Shanlihii wadaadkaa sideen shugux ma siiseene

 

Iyadoo gabaygaasi weli taagan yahay oon cidi ka jawaabin ayaa beri dambe oo daraawiishi jabtay ay col reer Biciid Yahani weerar ku ekeeyay beeshii Cali Dhuux wixii xoolo lahaayeena ka dareersadeen. Markii warkii la is gaadhsiisyay ayaa isaga oo gabaygii hore ee Cali Dhuux daba socda ayuu Gun iyo Baar Eeg gabaygan soo socda weerarkaa ka tiriyey:Isagoo war bixina siinaayay abwaankii Salaan Carabey oo markaas badda ka yimi:

 

Shibtaydaan galaa gabay hadaan shuqulkii oognayne

Marse haday shanqadho ii baxaan shuumis ma aqaane

Shilka dhacay Salaanoow miyaan weli lagu sheegin

Sheekada God-dhuub timi miyanay shaaca ka cadaanin

Shangaliyo Dhulbahantoo fadhiya shiilcaskiyo ceelka

Ayadoo shirkooduna u dhan yahay sheybe iyo wiilba

Oo qoriga lala soo shirtegey kun iyo shii' gaadho

Shakada iyo maadhiinka oo lala shuxlaynaayo

Shanfacood la naar nimanku waa shiqibka Daaroode

 

Shaki maleh ********** inuu sheemo weeraro'e

Iyadoo shamsadu soo baxdoo waagu shararaaxay

Shifay uga dareersheen xeryii laguma shaaddayne

Laye laba shanaad raacdadaa daba shanbuurrayde

Iyadood shamaal quruxsaneey shaal asliya moodo

Shanlahooda goortay arkeen ama shallaadkooda

Ka shakiye markii loogu yimi sheedda Dhagaxley'e

 

Ararsame shafku dhigay siduu shuux ku soo dhacaye

Shuguxshugux mawaayine,wadnaha shiil Allaw dhigaye

Shimbirawga ciyey ayihii wada shareerraaye

Shullaweyntii reer Hagar ma gelin shaaxin dirirtede

Shuhuuboobe nimankii lahaa shayga saa'idahe

Hadhowbaa hagoog lala shuxlayn shacabka Caymeede

Shurbaddii magaaliyo maxaa shaahi lagu fuudi

Sharafmaa hablihii Khaalid dhalay lagula sheekaysan

 

Waxa laga weriyay Gun iyo Baar Eeg "anigoo maalin geel barqinaya ayaa waxa igu soo baxay Cali Dhuux oo aad u gaboobay oo talaabada dirqi ku qaadaya, markii aanu is waraysanay oo hal cabbaara aanu sheekeysanay ayaan ku yidhi Calow waa tan oo hadda gabowdaye gabay dambe ha u celin. Cali Dhuux wuxuu ugu jawaabay "tolow ma waxaan dhimanyaa aniga oo aan sadexdaadii gabay ee Gun iyo Baar Eeg , ****** siduu Beri ahaa loo dad qaltowye iyo Shilka dhacay salaanoow midna ka soo jawaabin". Ilaahay ha u naxariistee Cali Dhuux wuxuu xijaabatay isagoon sadexdaa gabay midna ka soo jawaabin.

 

Waxaa isku soo duba riday soona ururiyey

 

Abdullahi Mohamed Dabey ( Xigmaawi)

Abdurahmaan Mohamed Ahmed (Dooddi)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tanaad   

waa ina salaamay akhyaarta

haddii aad garanaysaan gabaygaan fadlan ii soo dhamaystira>

 

DUQAYDII DHAMMAATEE TOLOOW DIRIRKA YAA EEGI

DABSHIDKII HADDUU GALO AYAA DHUXULIHII DAADIN

AYAA DAAHA LAANTII KU XIRI QURAC INTUU DIIRO

DEGMO TUHUN MA GUURTEE AYAA SAHANKA LOO DOORAN

REERKOO YAGLEEL DAGAY AYAA GURI USOO DEYRI

 

intaas ayaan ka xusuustaa ciddii garanaysa fadlan ii soo qor

Mahad sanidin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tanaad,

as per literature-lovers in SOL, Xiin comes on the top of the class, Odaygu maansada belo ayuu ku qabaaaye xaagiisa ula ciir, i Never heard really.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tanaad   

Thanks Sharmarke for the referral.

Xiinoow raggii wuxuu isku raacay inaad gabay yaqaan tahaye xaggee kaa soo helnaa dee niyow. bal iskeen waa laguu baahan yahaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this