Sign in to follow this  
me

Af Soomaaliga ma in aan ilaalinaa?

Recommended Posts

me   

Saaxiibayaal aad ayaan uga helay in aan helo qeybtan SOL.

 

Waxa aan idin waydiin lahaa waxa weeye. Af Soomaaliga ma in aan ka ilaalinaa erayada qalaad ee sanad walba ku soo biira.

 

Sanad walbana waxaa luma erayo fara badan oo Af Soomaali toosan ah, erayo fara badan oo afaf kale laga keenayna wey ku soo biiraan afkeena. Marka waxaan idin weydiin lahaa, maxaad ka qabtaan arintan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ereyga SOL af qalaad maahinoo, widaayoow? :D

 

Horta marka koowaad kusoo dhawoow golahaan gaarka ah.

 

Tan labaad mida kaliya aan ku xishmeen jiray dowladii hore kacaanka waxee ahayd sidee igu taxluujisay afkeena hormarkiisa.

 

Jaamacada ugu sareysay dalka, waa Gaheyr, maadooyinka lagu dhigi jiray waxaa lagu sheegi jiray afkeena hooyo. Waa dalka kaliya Afrika saas ka ahaa, marka laga reebo wadamada Carabiga ku hadlo, xataa kuwaas, sida Tuniisiya iyo Marooko, saas uma ahayn, oo Faransiiska ku dari jiray.

 

Isla jaamacadaas waxee lahayd kuliyad lagu turjumo, ifafaalan jiray erayada qalaad, oo sanad walba lasoo saari jiray. Kuwii af Soomaali loo waayo, afka Soomaaliga ayaa loo ekeysiin jiray.

 

Intuu dalka qasnaa ereyadaas, ayaandaro, badankood waa wada dhumeen maanta. Waxa kaliya laga xasuusto waa dhif maanta.

 

Heer in meeshii laga sii wade iska dhaafee, maanta hoos ayaa loo dhacay. Laba af ayaa dalkeena lagu tartamaa. Iskooladii manhaj ajnabi ayaa loogu dhigaa, ama Carabi mise Ingiriis. Taariiq ama juqraafi Soomaaliyeed in loo dhigo iska iloow.

 

Mar badan ma aragtay sawirada xaflado laga soo qaado meelaha ee bulshada iskugu imaadaan ee dalkeena ka dhaco? Waxaa ku qoran boorarka meesha yaalo af Ingiriis ama Carabi, oo Soomaaliga qashinka lagu daray.

 

Tusaale koowaad. Jaamacadaha Xamar ku yaalo, sida dhabta loo yaqaano waa af qalaad. Aan kasoo qaadano Jaamacada Muqdisho, dhabtii waxaa loo yaqaanaa "Mogadishu University" oo waxii dhabta ah oo jiro saas ku qoran, sida dukumentiga iyo saxiixyada. Taarkooda weyna markii la galaayo saas ku dhegsan iyo ereyada Carabiga u dhigmo.

 

Sidaas camal Jamaacada Banaadir.

 

Hoteeladii sidaas camal. Waagii hore dadka isku kalsoon ayaan ahayn, oo hoteeladeena afkeena aan ula bixi jirnay. Maanta? Kuwa ugu caansan maanta af qalaad ee la baxeen, sida Saxaafi, Ambassador, Global, Peace iyo wixii lamid ah, meeshii waagi hore ka ahayd Guuleed, Wehliye, Shabeelle, Jubba...

 

Tukaamadii saas camal. Tukaan walba aad aragtid al uu ka biloowdaa maanta, sida Al Shukri, Al Bakaraad, Al Xarameyn...

 

Iskooladii saas. Iskooladii Xamar ugu caansanaa qaarkood magacyadii laga badalay, oo lagu badalay 'abuu hebel.' Tusaale Iskoolada Sheekh Madar iyo Koowda Maajo maanta Al Shaafici ayaa la isku dhahaa. Kii Banaadir Sare asagana magac kale aan xasuusan uu lee yahay oo Carabi ah.

 

Qofka kaliya dhibsado dabardarada afkeena hodanka ah ku dhacday kaligeey ayaan ismoodi jiray meeshaan ku jiro.

 

Waa wax fiican inaan arko dad ila wadaago inay jiraan oo aan meeshaan isla wadaagno.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Inaadeer (sxb ma rabo in aan dhaho, sxb waa af-carabi smile.gif )

 

Aad ayeey u adag tahay maanta in af Soomaali toosan lagu hadlo. Anigu kama hadlayo dadkan dibadaha jooga. ee waxaan ka hadlayaa dadkeena oo dhan.

 

Barigii hore waxaa i dhibi jiray marka aan arko nin oday ah oo dhowrkii ereyba eray af ingiriisi ah ama af talyaani ah ku daraya. Taas anigu waxaan u arki jiray in ey tahay hushmo daro, ama maskax yari. Dad badan oo aan si fiican wax u baran ayaa iska doon dooni jiray in ay yihiin dad dibada wax ku soo bartay.

 

Maanta hadii aad eegtid afkeena waxaan u maleenayaa in eray walba oo afkeena ah lagu badali karo eray qalaad.

 

Dhibaatada ugu wayn afkeena hooyo haysata waa af carabiga. Sidi aad tiri dadku kalsooni kuma haystaan akooda hooyo. Dadkeenuna si kale ayeey u fahmeen diinta. Dad badan ayaa u malaynaya in wax walba oo carabi ah in ey ku xirantahay diinta.

Dhaqan carbeed ayaa nalooga iibinayaa si ah diin tahay( diin waa eray af carabi ah, maxaan ku badal naa?).

 

Wey adag tahay in aad dhowr erey isku taxid adoon af carbi ku darin.

 

Marka sidee ayaan tanka yeeli karnaa?

 

Dadka aduunyadu dadba wax ayeey sameesteen aan lagu ilaawin. masaridi waxay disteen buuraha sadexgeeska ah, anaguna waxaan dhisanay af soomaaliga. Dishamheeni ayaa maanta burburaya cid wax ka qabanay sana ma jirto.

 

Waxa aan ku weydiin lahaa waxa weeye, maxaan ka qaban karnaa tan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin ila fahmay adigaaba ka jiro meeshaan. Sababta aan u isticmaalo ereyga widaay ama widaayoow waxaa ugu wacan anigoo iska ilaalinaayo isticmaalka ereyada aan loo baahneen ee shisheeye, siiba Carabiga. Saas ayaan iskaga ilaaliyaa inaan isticmaalo 'saaxiib' oo aan ku badasho widaay oo ah erey Soomaali dhab ah, inkastoo Soomaali badan aan garaneynin micnihiis.

 

Waligoodba waxaa jiray dad jeclaa inaan ku hadalno af Carabiga, intaa ku hadli lahayn af noo gooni ah ee Soomaaliga. Waligoodba waxee dhihi jireen wadamada nagu hareersan [waxee ka wadaan Masar, Liibiya, Tuniisiya iyo Algeeriya iyo Marooko] kale ee diinta Islaamka qaatay af Carbeed ayee qaateen maxaa u diiday Soomaalida. Ayaandaro dadkaan saan aaminsanaa Soomaali ayee ahayeen, walina yihiin.

 

Maanta dadkaas ayaa fursad helay, ka koow waa qolooyinka surwaalka gaabsado. Iyagoo ku haayo markaa aragtid 'akhii' iyo 'ukhtii,' inte ka dhihi lahayeen walaal ama aboowe/abaayo. Intii yarayd af Soomaaliga loo haaye ayee rabaan inay sii tirtiraan, qaarkood qoraalo ayeeba ka qoreen rabitaanka ay rabaan af Carabiga, ayna rabin af Soomaaliga oo hada kahor aqriye.

 

Waligaa muxaadaro [erey Carabi ah] oo dadkaas fikirkaas qabo wadaan ma tagtay? Waxaa arkee iyagoo ku haayo ereyo loo baahneen oo Carabi ku wado qudbada [erey Carabi kale].

 

Tusaale, sheekh inta joogo waxaa jiro jecel ereyada Carabiga inuu isticmaalo, intuu ka isticmaali lahaa ereyada Soomaaliga. Waa caadadiis, inkastoo aanan hubin in uu iska warqabo iyo inkale. Waa sheekh caan ah magaaladaan. Waxaan ka dhandhansadaa markuu muxaadarada soo jeedinaayo, ereyo badan aanan loo baahneen ku dardaro, qaas ahaan hal erey aan ka xasuustaa uu jecel yahay had iyo jeer in uu ku celceliyo, ereygaasna ah matalan, intuu ka dhihi lahaa tusaale, matalan ayuu ka jecelyahay in uu isticmaalo.

 

Kuwii kalena Talyaani iyo Ingiriis ee dhanka kale ka wadaan, inkastoo wanaag ahaan Talyaani dib u dhacay hada. Ar maxaa la maqli jiray 'aloore' waayadii hore. Waaba laga neefsaday hada, wax yar ka ahayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Dadkan aan dhaqankooda jecleen anaga ayeey dhibaato noo keenayaan. Meel walba waa nalagaga dagaalamaya baryanan. Kuwo hub noo isticmaala iyo kuwo afkeena iyo dhaqan keena la dagaalama. Kolay maanta Soomaali dhibaato ayeey ku jirtaa.

 

Kuwa gardheere yaasha ah, daqan carbeed ayeey u moodeen in uu yahay diin. Kuwaas haba i soo ag marin.

 

Laba wadan ayaan arkay oo arintani ookale haysato.

 

Hollan iyo Bilgin.

 

Labadu isku af akeey yihiin. Hollanndiisku afkooda uma ilaaliyaan sida ay reer Bilgiku u ilaaliyaan.

 

Hollandiisku wey iska jecel yihiin in ay erayo af fransiis ama af ingriis ah ay ku darsadaan afkooda marka ay iska hadlayaan, marka sanad walba eray cusub oo af qalaad ah ayaa ku soo biira afkooda.

 

Bilginku wey iska ilaaliyan taas. Eray cusub oo af kale ah haduu soo baxo, waxay u sameeyaan eray afkooda ah. Marka labadooda af wey kala f********, midna waa af toosan, midna waa af qasan.

 

Afkeena hadii aan eegno wax waa laga qaban karaa hadii aan hel no maamul ilaaliya afkeena. Maamulkaasi wuxuu qaban karaa.

 

In sidii hore erayo Af Soomaali ah loo sameeyo wax walba oo cusub intii aan af kale ka soo qaadan lahayn.

 

In warfaafinta lagu adkeeyo in ey af toosan ku hadlaan. In buugaagta lagu qoro af toosan. Caruura wax baranaysana lagu guubaabiyo afka fiican ee toosan. Shaqaalaha lagu kale doorto afkooda. Sida dhulalkanba loo dooran qof af xun.

 

Warfaafina qoran waxaa lagu xidhi karaa in eray kasta oo ey qoraan in lagu xidhayo in ay bixiyaan lacag. Marka kolay dhowr maalmood marka lacag lagu xiro, yagaa dantooda u baranaya in ay ka fogaadaan erayada qalaad.

 

Waxa aan ku werydiin lahaa waxa weeye, maxaan ka qaban karnaa tan hada? wax aan anagu maanta qabankarnaa ma jirtaa, mise waa in aan maamul sugno?

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Hungurisarcaad: Erey Bixinta Af Somaliga

Abdulfatah Ismail

July 6, 2006

 

 

Dawlad laa'aantii ku habsatay Somaliya ayaa waxay dib udhac wayn kuriday Af Somaaliga, dhaqanka iyo sugaanta iyadoo ay meesha ka baxday hay'adihii daryeeli lahaa afka iyo dhaqanka. Muddo 16 toban sannadood ah lama samayn wax cilimbaadhis ah oo sugaanta iyo Af Somaaliga xidhiidh la leh, inkasta oo isgaarsiinta casriga ah iyo aaladda enternetku ay door ka qaateen daboolida dayaca jira. Waxa xusid mudan in afka hooyo ka tamar badnaaday kala qoqobnaanta bulshada oo burburku dhaliyey. Inkast oo erayo badan oo Af Somali ah uu dabar go'o ku dhacay, haddana sidii uu weligiiba ahaan jiray Af Somaligu kuma joojin ee kuwo cusub ayaa abuurmay oo ku salaysan dareenka bulshawaynta Somaaliyeed. Erayadaas waxaa maanta lagu adeegsadaa dhammaan meel kasta oo Somalidu ku noohashahay. Waxayse u badantahay in aan sidaa loo adeegsan intooda badan haddii

wadciga lagu jiro laga baxo.

 

Bilawgii Qaranigii labaatanaad waxa kacdoonkii Daraawishtu Af Somaliga ku soo biiriyey Erayo cusub oo mug leh. Waxaa erayadaa ka mid ah: Jaalle, Gunno, Xarun, Guddi, Musuqmaasuq, Daraawish, Qusuusi, Duubcad, Qadaadwayn, Yamyam iyo kuwe kale oo farabadan.

 

Waayadii dawladaha rayadka ah, xiligii dawladdii miltariga ahayd iyo intii burburkaba erayo cusub ayaa ku soo biirey Af Somaliga. Waxaan halkan ku soo bandhigayaa qaar ka mid ah erayadii abuurmay ama sida gaarka ah loo adeegsaday labadii xilli ee ugu danbeeyey, waa waayadii dawladii milatariga ahayd iyo sannadihii burburka.

 

Ayaamihii dawladdii u dambaysay ee Soomaaliya waxa ka mid ah erayadii soo shaac baxay ama sida gaarka ah loo adeegsaday: Kacaan, Kacaandiid, Labokaclayn, Dibusocod, dabadhilif, Afmiishaar, Labawajiile, Wadaad Xume, Hawlwadeen, Iskaa wax uqabso, Sicir barar, Xatooyo xoolo dadwayne, Xisaabi xil maleh, Samadiid, Guulwade, Xeerka qoyska, Koofiyad cas, Olole, Danwadaag, Canaasiir, Indho indhayn, Dhago dhagayn iyo kuwo kale oo

badan.

 

Tan intii burburku ku dhacay Soomaaliya waxaa afka hooyo ku soo biirayay erayo ku salaysan wadciga jira. Waxaa erayadaa ka mid ah: Goolaaftan (boolixoofto been ah), Fadhi ku dirir, Basbaasayn (isku dirid laba dhinac - waa laysku bisbaaseeyey), Buufis, Is xambaar, Dhaqan celin, Ashahaado la dirir, Ku habso, Ku qabso Ku qadimayside, Moor-yaan, Qabqable

Dagaal/Dagaal Ooge, Tikniko, Leejo, Isku dhac Beeleed, Gooni Isu taag, Dawlad Gobeleed, Dhaameel Daadin, Kaadi Usoo cabbid, iyo kuwa kale farabadan.

 

Erayga "Indho sarcaad" ayaan isagu inagu cusbayn oo ah erayada muddo dheer la adeegsayanyey, balse waxaan usoo qaatay si aan u barbardhigo erey kale oo Indhosarcaad bahwadaag (waxay wadaagaan "Sarcaad") la ah, hase yeeshee la jaanqaadaya erayada burburkii inagu soo biirayay igana soo gaadhay nin oday ah oo sheeko na dhex martay, eraygaas oo ah Hungur isarcaad. Erayga Dhego dhagayn ayaa isagu bahwadaag la ah erayga Indho indhayn. Wuxuuna soo soobaxay burburkii ka hor mar masuul aan

indhaha aad wax uga arag uu booqasho ku kala bixiyey xafiisyo dawladdu lahayd dabeedna la heegay in uu soo dhagad hegeeyey sida hawluhu u socdaan halkii laga oran jiray wuu soo indhoindheeyey.

 

Odaygu wuxuu ii sheegay inay u riyaaqeen nabadaynta magaalada muqdisho iyo guulaha

maxkamadaha laakiinse wuxuu ka digay inuu ku dhaco wadaadada wax uu ugu yeedhay Hunguri sarcaad. Waxa uu odaygu uga baqay in wadaadada damac madaxmaro markay arkaan Villa Somaliya iyo Muqdisho iyo gobolada ku dhow oo gacantooda ku jirta hilmaamanna in Muqdisho tahay caasimaddii dalka oo hal reer ku hadhay, dalkuna ka koobanyahay 18 gobol oo kala qoqoban. Odaygu wuxuu wadaadada ugu baaqay inay galaan marka hore Jihaadul Nafsi (Jihaad ay nafta lagalaan) si ay u xakameeyaan xukun jacaylka oo ah wax baniaadamka ku abuuran iyo in hugurigu ka saayid caleeyo caqliguna shaqayn waayo oo ay qaadaan wadadii kuwii kahoreeyay. Odaygu wuxuu wadaadada ka codsaday inay shacabka Somaaliyeed u naxaan, samraanna seddexda sano ee dawladda u hadhay. Waxa uu wadaadada ku booriyay in ay la shaqeeyaan dawladda kmg ah si dalka loo xasiliyo layslana meel dhigo sidii marka xilliga ku meel gaadh ahi dhammaado doorashooyin xor ah dalka looga qaban lahaa, nin walibana usoo bandhigi lahaa qorshihiisa.

 

Odaygu wuxuu intaa kudaray in taasi keenayso in shacabku dooran doono ku dhaqanka Diinteena Islaamka oo ay iyaga iyo wadaadada kale ee Somaaliyeed hormuud ka yihiin dalkuna saa ku adbaadi karo. Odaygu wuxuu ku celceliyey in ay habboon tahay lix iyo

toban sano oo burbur ah ka dib in laga fakaro sidii ay xeega xeego u noqon lahayd ilkana ku nabadgelilahaayeen.

Ugu danbayntiina Odaygu wuxuu ka digay in hugurigu wadaada ka xoog bato danta guudna la gees maro. Wuxu ku nuuxnuuxsaday in lagu dadaalo sidii meesha looga saari lahaa isku dhac dhexmara maxkamadaha iyo dawladda kmg ah iyo in quwadaha shiyeeye isku dhacaasi ka dhex muuqdaan. Taas oo horseedi karta burbur hor leh iyo dawlad la'aanta shacabka Somaaliyeed ragaadisay oo sii daba dheeraata.

Ugu danbayntiina Odaygu, isagoo da'diisu caga cagaynso sideetameeyo, wuxuu shaki galiyey suura galnimada inuu arko dawlad Somaaliyeed oo caadalad ku dhisan, shacabkuna raalli ka wada yahay. Wuxuuse Ilaahay ka baryey inuu sidii kharyku ku jiro Umadda waafajiyo iyo in uu Hunguri sarcaad noqdo eray bixintii u dambaysay ee xiligii burburka.

 

Ka dib markii aan Odaygii kala dhaqaaqnay ayaa waxaa igu soo milmay erayadii hunguri sarcaad iyo xukun jacaly. Waxaan xusuustay mid ka mid ah masrixiyadaha ugu caansan ee uu lahaa William Shakespeare, qoraagii reer Ingriis. Taas oo ka turjumaysa aafooyinka xukun jacaylka iyo sida qofka xukundoonka ay midi ugu caddahay mid kalena uga madowdahay isagoo ku jira xaladdaa Odaygu kusheegay Hugur isarcaad. Riwaayadda la magac baxday

Machbeth ee uu allifay Shakespeare, ayaa waxay si qurux badan u iftiiminaysaa damaca iyo xukun jacaylka ku abuuran bani'aadamka.

 

Sida ku cad sheekadaas, Macbeth wuxuu ahaa abaanduule ciidan oo ilma adeer la ahaa boqorkii reer Scotland ee la oran jiray Duncun. Wuxuuna guulo waawayn ka soo hooyey Dagaaladii u la galay kuwii la dirirayey xilligaas boqortooyada. Wuxuu boqorku ku sharfay dhammaan jagooyinkii rag lagu tuhmayey in ay boqortooyada Scotland khiyaameeyeen.

Wuxuuna noqday wasiirkisii gaashandhiga. Ehelinimada ka dhaxaysay isaga iyo boqorka iyo jagooyinkii lagu maamuusay midina may xakamayn damacii Macbeth. Waxaa ku dhacay Hugurisarcaad oo wuxuu isu diyaariyay in uu boqorka dilo xukunkana la wareego kadib markuu arkay darjooyinka uu gaadhay, habro sixiroole ahina ugu faaliyeen in uu noqonayo Boqorka Scotland. Macbeth waxaa ku dhiirig aliyey inuu boqorka dilo haweenaydiisa oo la oran jiray Lady Macbeth, oo lagu tilmaamo in ay ahayd habar shar badan. In badan ayuuna Macbeth ka walaacay caawaaqib xumada ka iman karta dilka boqorka. Waxaase ku dhacay Hugurisarcaad. Wuxuu iska dhaadhicayey in uu noqonayo boqor, waxaase u muuqan waayey maadaama boqorkii nool yahay caruurina u joogto meesha ay u soo marayso boqornimadu.Waxaana isaga iyo afadiisii laysla meel dhigay in dilka boqorku yahay arrinka keliya ee boqortooyada lagu hantiyikaro.

 

Haddii aan sangaabta soo qobto, boqorkii waa la dilay. Macbeth wuxuu isu magacaabey boqor, inamadii boqorkuna waxay u carareen Ireland oo dagaalbay soo qaadeen, dalkii waxaa ka dilaacay dagaal sokeeye, Macbethna wuu bahaloobay, dad badana wuu laayey si uu xukunka u xejisto. Akhrikiina isaga iyo afadiisii may calfan xukunkii ee iyana way waalatay isna waxaa dilay nin caruurtiisa iyo naagtiis uu dilay oo la' oran jiray Mucduff.

Wuxuu Macbeth la dhintay muraara dilaac, murugo iyo isciil kaanbin uu u gaystay Hunguri sarcaadkii uu xakamayn kari waayey. Wuxuu ku tiraabay erayadan soo socda:

 

"Life's but a walking shadow, a poor player that struts and frets his hour upon the stage, and then is heard no more. It is a tale told by an id-iot, full of sound and fury, signifying nothing."

 

Isagoo ku tilmaamay aduunka: "a walking shadow" hadhkaa wareegaya, "a poor player that struts and frets his hour upon the stage" iyo riwaayad uu matalay nin aad u farsamo liita, "a tale told by an idi-ot, full of sound and fury, signifying nothing" iyo sheeko na-cas sheegay oo aan wax macno ah samaynayn. Bal hadaba aynu dhowrno sida dawladda kmg ah iyo ee shacabku u baahan yahay isaga caabido faragalinta Eithopia oo dal Somaliyeed haysata, sida Maxkamduhu uga badbaadaan Hugurisarcaad saaqa oo madax mara iyo sida labadooduba u gartaan in maanta Soomaaliya labadbaadsho.

 

Abdulfatah Ismail

guulo@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Isweydii: Imisa eray oo af qalaad ah ayaad ku aragtaa, qoraal'kan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Wax badan aa ku jira saaxiib, balse waxeey isoo xasuusinee sxb-kay Miskiin Macruuf, weli ma aqirsatay qoraalada Miskiin Macruuf wallaahi waa ku wareeresaa aqriskooda 2 eray ka dib ingiriis, kadibna soomali jini qaba, ka dibna ingiriisi afsoomali loo qoray sidan camal "baliis dad waaween oo adult iska dhiga noo otherwise aniga will do shaqdeyda here" :D

 

Tan kale ME-yoow, marka hore adiga magacaada aaba ingirisi ahe ka warran hee saaxiib?

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Allamagan af Soomaali jini qaba kolay waa afSoomaali toosan. Aniga erayada shisheyaha ee afkeena lagu daro wey i dhibaan. Qofku sida uu u hadlo ama sida uu afka u isticmaalo ayaan ku xushmeeyaa.

 

Sida Dadka Danishka ah ba ey afkooda u ilaashadaan oo eyn qof si fiican ugu hadlin afka eyn u siin shaqo anaba waa in aan eegnaa afkeena sidii aan u ilaalin lahayn.

 

Maskaxyari weeyaan dadka afkooda ku ciyaara.

 

Magacayga ME waa soo gaabin aan soo gaabiyay MI'I. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Anigu dhibaato kama qabo afafka qalaad in la isticmaalo. Laakiin anigu waxaan la jiraa in af Soomaaliga la ilaaliyo oo la xushmeeyo.

 

Marka lagu hadlayana in si toosan loogu hadlo.

 

Af ingriiskaba toosanba waa lagu faanaaye, af Soomaali qaloocan in la istcmaalo maxay caado u noqotay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

^ Adiga waa dambeesaa nooh. Ilbaxnimada ay ka mitahay in la diido Af Somali. Qof jeans D&G & belt AX xiran suu af Somali ula soo shir tagaa? Waa dhoore-nimo waxaasi, maahan? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

hahahah@tyj

 

Dhoore nimo taas waa dhaaftay, reer mi'i ee maree.

Ilbaxnimo meel kasta waa lo galay, ma tiri?

 

ilbaxnimo afka ha u hagaajiso. Ilbaxnimo ha ka saarto smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

ME, sxboow af-soomaliga maanta jira waa loo yaabaa. Waxaan ka cabsanayaa in afsomaligu goor dhow uuba dhinto waayo haddii aad aragtid dhallinta maanta & afsoomaliga aay ku hadlaan waa mid tacbaan ah oo aay ka buuxaan kaabayaal badan oo ah kalmado laga soo deynsanayo hadba wadanka qofkaasi joogo. Kuwa Danmark jooga soomali with danish ayey ku warramaan, kuwa sweden sidoo kale, kuwa talyaaniga, kuwa carabta kuwa ingiriiska markaa ka warran dadkaasi wixii aay sii dhalaan maxay noqonayaan? macaaac sow ma noqonayaan?

 

Walle soomaliga waa loo yaabaa saaxiiboow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

jaamacada_muqdihso_6.JPG

 

Waxaa ka hadlaaye waa kanaa. Boorkaan aa u jeedid waxa ku qoran waxaa soo qabanqaabiye Jaamacadda Muqdisho, oo ay ku dhagsanayd meel ay kulan ku lahayeen maalin dhawayd.

 

Boorka kalena waxa ku dhagsanaa waxaan:

 

jaamacada_muqdihso_3.JPG

 

Marka saa u jeedid hadii 'waxgaradkii' af Soomaaliga ka faantamaayaan oo dalkooda joogo, maxaa ka sugee kuwii kale awalka iska liitay dhanka waxbarashada.

 

Ninkaas, in la dhahaa jeclahay Cali Dheere, meesha ku masawiran sawirka labaad Xamar aan kulanay sadex sano kahor oo ahayd meeshee ku masawiran yihiin oo waagaas la dhisaaye, qofka maamulo waaye Jaamacadda Xamar. Yar ajnabi oo Mareykan u dhashay hay'adna ka socday ayee Xamar meelahee wax ku baraan kusoo wareejinayeen, anigana soo raac soo arag ayee i dhaheen. Waa nin Sacuudiga wax kusoo bartay, jecelna dhaqan Carbeed.

 

Inaan weydiiyo ayaa fiicneed su'aalaha maxaa afkooda hodanka u diiday oo ugu ganbadaan, oo ay kor ugu qaadeynin. Ayaandaro wax kalaa ka fikiraaye maalintaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

http://www.afrol.com/articles/13719

 

http://www.isesco.org.ma/pub/Eng/Marabic/P2.htm

 

 

Hi MMA,

 

Mahadsanid sawirada aad meesha ku dhajisay si fiican ayeey noo tusayaan sheekadu meesha ay marayso.

 

Labadan meelood ee aan soo diray bal guji. Ta hore waxaa qoray nin la yidhaahdo Cali Baxar. Waxayna ka sheekaynaysaa dagaalka laguhayo dhaqankeena iyo afkeena.

 

Ta labaadna waxay ka sheekaynaysaa koox carbeed oo u halgamaysa afka carabiga ah sidii loogu soo celin lahaa dhulalka Soomaaliya iyo kuwa Africa oo dhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this