Sign in to follow this  
Sharmarkee

Abaal Laa'we - Salaan Carabay

Recommended Posts

Abaal laawe ama Abaal dhac, waxa u salaan u tiryay gabayga wiil u adeer u yahay, nolashiisha uu furtay laakinse ku abaal furay.

 

PS. All clanish names is taken out.

 

Qaylada xaduurkii ninkay xaraqday laabtaydu

Xusul duubka orodkii ninkaan dhab ugu xuurtoobay

 

Guuraha xanbaarada ninkii xagarku ii jeexay

Jillabkii xadhaadhaa ninkaan ugu xajiimooday

Xoolaha markay timi ninkaan xulayay geelayga

 

Xidhkii odayadheerood marki rag is xiniin taabtay

Xaraamigii Olol markuu xilafur kaw siiyay

 

Waataan u xuubsaday sidii xuurta baalka lehe

Xarbigii shisheeyaha ninkaan xeebashada diiday

Dumarkuba xublada foosha way xanaf wareeraane

 

Balse inay xasuus daran yihiin xaylka kale mooge

Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine

Xaasha ee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe

.......

Farasna wuxu xakama diid noqdaa kolu xaraamaaye

cidluunbaan xayuugnahay sidii xuunshadi Gubane

Xeegada hadaan dhalin lahaana xoog madaan ahaye

 

Xeer beegti murantaa gartay xeeli hadashaaye

Xubin rag isku waajahay haday xayga ka cadaato

Afku wuxu la xoog yahay magliga xawda ka jarae

 

Raguunbaan xisaab talo aqoon xiinna loo diraye

Xikaayo iyo baanaba anaan xaraf i seegayne

Nin Xukaantu wada naadisoo xaadsadaan ahaye

Xafiiskii magaalada wixii xaalad iga gaadhay

 

Xabsigii cadaawaha ninkan xaalal uga saaray

Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine

Xaasha ee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe

 

Xoontii walaalaha ahayd xodayadii faayo

Xarago qaadadkii Suub markay xiito ololaysay

Dartaa baan xanaaq ugu lurriyey xaasidkii Buqule

 

Xawdheerta goortaan la baxayna Xaashibay garane

Xinjirtaan wafoobine kolkay xuurtu kor u yeedhay

 

 

Xasan Nuurna way marag haddii rag isu xaydnaaye

Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine

Xaasha ee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe

 

Nimankaan xanaanada lahyn Xaawa iyo Aadan

Xigaala an tabacaday Reer ^^^^ xarawigii raacye

Waayadan xayaat lama kaftamo xaashir nololeede

Qasaalkii Xaddiyo kaa dhacaad xinif lahaydeene

 

Xuska dhalasho waa kula sinaa xilase kaa yeelye

Ogoobey xidaayadi dartaa kuma xoroowdeene

Ninkaygii xortaba kaa dhigaad ximi tidhaahdaaye

 

Xidaar baa khaliqigu ii yaqaan xaq iyo maamuse

Xamdi baaba lay wada naqaa xeeb haddaan tagoe

Sida xayska roob buu nafluhu ii xiddigiyaaye

 

Ooduba xirsiga reerka way bela xijaabtaaye

Hadii aniga lay xidho Rabaa xugunki meel yaale

Adiga oo xabeebsaday intaad kun igu xaydaantay

 

Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine

Xaasha ee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe

 

Xintifaalo doqoneed nin ragi waa xaasiliyaaye

Xubadaan idiin dhaqanayaad igu xasdayseene

Alayle xurmo hadii aan lahaa waygu xilateene

 

Ragba kii aad xaradhaamisaa kuu xasaas colahe

Xawlal mariiddada mergiga xididadays oojey

Feedhaha xidhiidhsamay lafaha xuubku ka idlaaday

 

Jidhkaygii xariirta u eekaa xaaluf quruxdiiye

Haduun baan xaraarugay sidii Xamilgab awrgaale

Xafta waxaydin ii laba listaan xooxdidii la i maalye

 

Ifka intaynu xay nahay hadaynu xiiso kala waynay

Aakhiro Rabaa inna xukumi xaqa inoo yaale

imikaan nabsiga kuu xaddilan xaynka kuu sudhaye

Xagaygii wax dhigo haatanaan kaa xaliil jabaye

Salaan in Abaal laa'we

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xagaygii wax dhigo haatanaan kaa xaliil jabaye

 

^^Raggeedii.

 

Salaan wuxuu ka mid yahay ragga aan sida gaarka ah gabayadooda u jeclahay. I personaly thought that he won Guba contest. Gabay waxaa jiray uu seedigii oo xoolo usoo doontay u tiriyey. Sharmaarkow kaa mahaysaa?

 

Waxaa ka mid ahaa:

 

Wiil labaatan kowsaday adduun waa lagdamayaane

Haddaan anigu lawfari aqiin haatan lawlabaye

Lixdan labiyo toban baan kormaray waana la hubaaye....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xagaygii wax dhigo haatanaan kaa xaliil jabaye

 

^^Raggeedii.

 

Sallaan wuxuu ka mid yahay ragga aan sida gaarka ah gabayadooda u jeclahay. I personaly thought that he won Guba contest. Gabay waxaa jiray uu seedigii oo xoolo usoo doontay u tiriyey. Sharmaarkow kaa mahaysaa?

 

Waxaa ka mid ahaa:

 

Wiil labaatan kowsaday adduun waa lagdamayaane

Haddaan anigu lawfari aqiin haatan lawlabaye

Lixdan labiyo toban baan kormaray waana la hubaaye....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan Wacan,

Xiin,

 

Deleting the tribal nonsense - Salaan was having in depth of miyi and magaalo, that is why is poems are different than others - he was seafarer,and Nomadic at the same time, and used to live different parts of the world, that give him an insight of culutral prospecive - me thinks, secondly the chances that Salaan's stanza becomes a proverb is so high. see the previous gabay

"Afku wuxu la xoogyahy megliga xawda ka jara" is a good example, as as "Waxba yaany xoolana is siin xeergayna i marin - Xaashe nin libin ka xistaiyay xumihi waa yaabe" is another example

 

Waan gartay gabaygaa:

Here it's - Xaaji Xiin

 

Lukaansi gabay Faaraxaw laaqin ma lahayne

Laflafkiyo lahwiga loo tirshiyo jaray lurkiisiiye

La'da xarafka laanka iyo ba'daan loyar ku ahaaye

Nin awawgii loox ugu dhigoo liilgashaan ahaye

 

Legjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo beene

Oo waliba laasima intay lib isku moodaane

Ase waxan u laaqimahayaa tix ay ku luuqshaane

 

Nin labaatan buuxsaday aduun waa lagdamayaane

Hadaan anigu loofari aqiin haatan loowlabaye

Nin ciradu lamaanaha dhigtoo oo laylyamaan ahaye

Lixdan laba iyo toban baan dul maray waana la hubaaye

 

Lafta dhabarka lixaadka i debciyo laafyihii gacanta

Lubbigaygu leyl xalay ma ladin laadadyiyo taahe

 

Waataa lanleemada indhaha araggu liitaaye

 

Liiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleede

 

Ma laxiibto geelaba hashi lahantay jiilaale

Ku laabudan shisheeye ninkii Laxawsi moodaaye

Hadba waxan lacaab riday ragbaa laastay yaradkiiye

 

Xaqaygaan ku laacibay haday igu lihiimeene

Sidaan ugu lalabay waanigaa laayacays badaye

Nin laqwiyey tashigu waa ka lalay laguna leecaanye

Lammaanaan xadhigi loo tidcay lugi ka toogtaaye

 

Lufan baa ka hadha dawliskii liilsanaan jiraye

 

Hadaan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdiiye

 

Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye

Xaajadan laciifka ah aday ku lid noqotaaye

 

La fil ma ahi laankiin danbaan duxi lillaynayne

Laqantooyo xidid kii horaan laabta ku hayaaye

Iminkaan ladhkii weli qabaa laqanyadeediiye

 

Nin yaraan ku loofaray wuxu lumiyay raacdeeye

 

Fardahaba libaadshaha iyo duntaa ladha abiidkoode

Rag laacdamaya lool iyo rogaal leexaday is goysay

 

boodada ma laasimo darmaan leeddo fuulihiye

laanjeertidaan qabo barbaar ladani waa mooge

 

Adigoo lamada awr leh wadin ama liggood keenin

Leegleegsadaha waan necbahay laanta dheer sida'e

Waar Seedaw haygu soo lug goin lahasho wa

 

 

The end:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ma laxiibto geelaba hashi lahantay jiilaale

Ku laabudan shisheeye ninkii Laxawsi moodaaye

Hadba waxan lacaab riday ragbaa laastay yaradkiiye..

 

^^Tells it like it is..and he had unique chioce of words. Thanks Sharmarke.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Xiin,

 

Wiil labaatan kowsaday adduun waa lagdamayaane

Haddaan anigu lawfari aqiin haatan lawlabaye

Lixdan labiyo toban baan kormaray waana la hubaaye

Could you explain these particular lines and how they relate to the gabay in general. I only got the reference to the 21 year old who wrestles with the world(or is it will come into conflict with the world ?). Jazaks

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Good one. Salaan Carabeey is one of my fav poets. He is a literary giant. His take on age and aging process is of a particular interest to moi.

 

This particular gabay is very famous.

 

Waxba yaannu xaalkay ii marin, xoolana ii siine,

Xaashaaye nin libin kaa xistiyey xumihi waa yaabe!

 

Right on!

 

Kashafa, this particular poem is about brother-in-law who came to poet's home for handout. In nomadic tradition in-laws are accorded to special treatment. Salaan is complaining about old age and low funds to do right for this particular in-law as he has done throughout especially in the heydays of his prime years.

 

In the same token he is making a statement about youth indescretion. He's taking a lil dig at the young lad by saying for guns at ur age it is all about material world, getting more, and spending like no tommorow!...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaam,

 

Salaan was a brillian poet indeed, in 1945 some of his friends came to him arguing that Somalis are from Arabs, and from Arabic blood and this and that we are arabs afterall, he was in Burco at that time:

He said:

 

Burco iyo Shaam(Syria,jordan,philestine,Lebnan)

Miya Daris wadaagayaa

Mise aniga iyo nin iga diircadba damac-heshiinayna

Mise Diin jacaylbaa midhka igu dukhuulaaya

Mise Yamantan dooryaanka leh aya dad iga riixaysaa.

 

he carried on in that way,

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Good rhetorical question @Mise aniga iyo nin iga diircadba damac-heshiinayna!

 

Sharmarke, you are a literature repository. Caadi ma tihid saaxiib. These are good stuff. Keep it coming.

 

Kashafa, I think good Baashi has answered your question.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

This called fasaaxatal qowl ya Xiin, Adiga iyo Baasheba waa yasaan ee meesha hanagu waalin, and by the way where is Senor Maygaag, I loved how he reviewed "Qayaash Maasha" of Xuseen Dhiqle.

 

Salaan waas wiil hoog, it was interesting stuff when he said:

 

 

Xeer beegti murantaa gartay xeeli hadashaaye

Xubin rag isku waajahay haday xayga ka cadaato

 

Raguunbaan xisaab talo aqoon xiinna loo diraye

Xikaayo iyo baanaba anaan xaraf i seegayne

Nin Xukaantu wada naadisoo xaabsadaan ahaye

 

When it come to the constitutional prestigious legal instituation which is the "Geed hoostii or Shir" were men are aruging with in the legal frame work and what is wright and what is wrong -hey Am the dashing and the legal ace, so superior in that regard, and when Barristers are in short supply am the one every judged needed to have in his court. what a self-Boasting of Salaan.

 

Xoolaha markay timi ninkaan xulayay geelayga

And when it comes to wealth ... Iwas giving away my camels for your sake.

 

Rageedii Yaa Xiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Xiin, and without putting alot of passion and emotion to your reply; do tell me how he won Guba.

 

Awaiting your thoughts on this.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Cawlkuba markuu cawsha kudu way u cibaroone,

Cisaydi markay heli caadaday ku uuraysane,

Cururada iyo lawyada intuu ku cuskadoo saaro,

Cosob iyo ciriid cunuga beertiisa

Carshiguu wara uga eegaya ceerigaa sare,

 

Calaamooyin loo nuuriyuu ku cilmi qaataaye,

Cabdiyow ninkii caashaq wado, looma caal helo

Dad ninkii ka caawa-caawiyuu, kala colloobaaye

Inaad culustahaan moodayee, kuma canaanteene

Carrabkayga kuma daaliyeen, cod aadan yeelayne

 

 

Anigoo cadaaduu i yahay maxadu cawlkaase,

Cishriin ninkii jiray ma yara cad iyo dheeraade,

Haddaan talada caad lagaga rogin, caaqil waa yahaye

Cinda-llaahi baan kuula talin caadil oo kale,

Bal citibi cabaar gibina baa la cilmi qaateeye,

 

Ceesh lagu ilawsiinayo iyo calaal la boodayey,

Inta aad caafimaad wali qabto aan caamil lagu siinin,

Cududaha intaadan ka jabin ciidan waa iyage,

Ciyaar faarax bay uga tageen caynab iyo dayre,

Cararka iyo diidaduna waa cudur u sii dheere,

 

Curudaale aan godob lahayn caato iyo haayir,

Abiidkii cad reer kooshin waa naga cantuugaaye,

Maantana dar bay ugu culeen looma ciirsade,

Cawado Ilaahay u dhacay calamadii Nuure,

Waxaan cudhay waxaan celinayiyo waxaan cashuuraayey,

 

Caruurba wakaa u riday cadaw horwaynkiiye,

Adna haatan cudurkii na galay kugu cusboonaaye,

Waxaan kaa calool fiiriyaa caynkii reer gorade,

Raga kale calaalbuuba helay calafi sooreede,

Anigaa cusuyb doonadii laygu cuud tiraye,

 

Waa calaal xaro-daan sidii caado buuxsadeye,

kama ciganin geel maalintaan caydhshey dabadeede,

waa taan casaan kiisa jaray carab sideediiye,

Culimada sadcaalkiyo wadaad caalim may haybshaaye,

 

Imikaan cashiiriyo tolkay wada caroshaaye,

kuwii aniga ila cayn ahaa waxay caweeyaanba,

Goortuu Cishaagigu galay culus u yeedhaane,

Hadhuub culun marqaha caawin bay uga cadeeyeene,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sophistow, remember it’s a personal judgment of mine that Salaan won the Guba contest. Though Ali Dhuux admittedly played the lead role and served as its literary stud, he fell short in many critical areas of great moral concern. Salaan on the other hand, save his introductory verses, which were full of boastful extravaganza, came out as a measured and a rational fellow. Perhaps time had given him the upper hand. I gathered it was Ali who provoked him to participate in Guba when he cited Salaan’s clan in a demeaning metaphorical manner:

Harraadkiyo ragggiii aan aqoon hawdka maridiisa

Kolay Habar-jecliyo Ciise tahay waa ka helayaane’e

Haweenkuna hadday doonayaan in hadoodaane..

 

And boy look how Salaan responded with a barrage of historical anecdotes decorated with his clan’s camel-wrestling success. You excel in the ceaseless sophistry, he seems to be saying to Ali, but the facts are not with you this time around. Embarrassingly you can’t affect a favorable change to the kin in whose grief you dwelled. Keep talking in vain, Salaan concludes, as angels record your banter.

 

Haddaad ficil haraatiday asaad hiilin kari weydey

Ma afkaad ku hawl bixin cidlaad ka hanjabaysaaye’e

……………..

Iska hadal aakhiraba waa lama huraankiiye’e

 

This is not to conclude that Salaan owned the literary thrown of that emotional contest but it’s to say he quelled Ali’s uncalled insults. Hence he won in that regard.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin, Ali Dhuux was nothing but "naar afuuf" aakhirkiina waad ogtahay inuu gabeygii ka xidhmey. Sida gabayda raggii cali yaqaan kacad, cali diralaale ayuu ahaaye Alle haw dambi dhaafo e.

 

Ismaaciil Mire wuxuu Cali Dhuux ku yidhi:

 

>>Dabkaad hurisay Cali Aadanow, dogobbadaad oogtay

 

Dambaaburadaad ololisiyo, dirirta guusheeda ...

 

Kumana diirsan maansadu hadday, dunida aafayne

 

Duunkaaga kuma suubbanayn, diradiraaluhuye

 

Allay lehe denbaab lama hadlee, kulama doonayne

 

 

 

Dalkoo nabad ah baad uumiyaha, belo la doontaaye...

 

Dammanaansho nimankaad biddaye, doqon ku sheegeysey

 

Cawlkii la dabay oo mindida, dabaxda loo waayey

 

Oo qoday birtii lagu deg-dhabay, kuugu duurxula'e

 

Allay lehe dubbuur kugu danniyay, waaba kuu digaye

 

 

 

Qamaan Bulxan Wuxuu yidhi:

 

>>Dabbaad ololisaa kumana gubo, daa'in abidkaaye

 

Intaad dogob shiddaa baad taqaan, dirdirayn jaane

 

Daaskaad fadhido saw gubee, degelkan qiiqaabi

 

 

 

Buraale Cali Ubaxle

 

>>Waa iga da'weyn yahay ninkaa, dirirta oogaaya,…

 

Da'day maaha reer nabad ahoon, diradireeyaaye

 

 

Ismaaciil Cigaal Bulaale oo Cali Dhuux seedigii ah:

 

>>Nin da'yari dambaab iyo ha galo, diradirayntaase

 

Diintii Rasuulkiyo haddaad, daacadda ujeeddid

 

Oo aadan dariiqada ka bixin, duudkii Nabi Aadan

 

Oo madaxu deebtaa ku yahay, waa digniin dhab ahe

 

Sidee baad dawaar ugu rogtaa, dunida geestaada?...

 

 

 

Adaa D-i-r iyo d-a-o-d dhex dhigay, dab iyo baaruude

 

Dacar gelisey reerihii ahaa, ul iyo diirkeede

 

Mugga haatan dirir uumiyuhu, waa is dilayaaye

 

 

 

Salaan Carrabeey

 

>>Bal inuu hanfade waalan yahay, habi la'aantiisa

 

Hadmuu ku hirtey Cali Yuusufkuu, humay colaadiisa?

 

 

 

Dadka kale tashiga waa hojaa, kay hadhaw noqone

 

Waxaanu hubsan reer Cali Geraa, haa dhawaan jiraye

 

Dabkaad hurin habeen iyo dharaar, holocyadaad oogi

 

Halna kuma xereyside dadkaad, ku hawaraysaaye

 

Aduunbaase hor Eebbiyo la tegi, hollacii naareede

 

Iska hadhaye aakhiraba waa, lama huraankiiye

 

Rabbaa wacad gondaha kuugu xidhay, waadna gogataaye

 

Adunbaa geyiga uunka yaal, gubaya waa noole

 

Hadba inaad garidda duul ku tumi, galuhu noo keenye

 

Afkaagaaba Geydh lagu diliyo, Gaani berigiiye

 

 

 

Jaamac Xirsi Guuleed, Ina Dubbe

 

>>Deyn qaadka gabay waa xun yahay, dira-diraaluhuye

 

Duq gaboobay waxa u roon afkii, inu daboolaaye

 

Marse haduu duleeddada ka ciyo, waa darxumo weyne

 

 

 

Damenaanse Caliyaw rag waa, laga dambeeyaaye

 

Darbo waxaad Islaan kula jirtoo, dab isu dhiibtaaba

 

Dux ka guro dib uun baad u dhiman, duuga weligaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this