Sign in to follow this  
Daandaansi

qabiil iyo jacayl kee rayndoona!

Recommended Posts

ninba wax kahadal hadba weed soo qaaday,markaba wax tusaaley hadba tobic badal aniguna marka anigana tobic gaygu waa kan

 

 

sidaa wada ogsoontihiin ama badankiin ogsoonyahay adduunku maanta waxyaalo badan ayuu huray uga maray oo dhinackasta leh hadii la isweydiiyo qabiil ama jacayl maanta aduunka waad ujeedaan sida uu uga horumaray waxa layiraahdo qabyaalad oo aan la isticmaalin xaga jacaylkana waxada arkaysaa inay maanta tahay raaxada adduunka.

 

balse hadaan kahadalno Somalia,Somalidda oo aad ogtihiin sida ay jinka iyo jaanka ugu qabaan waxa loo yaqaan qabyaalad oo maanta halkaas dhigtay oo heerar kala duwan soo martay ayaa waxaa dhacday in Somalida oo jacaylka qiimaynjirtay waagi hore in ay qabyaaladii iyo jacaylkii isa soo dhexgaleen wale waa yaab yaabkiis ama kaak iyo lama ilaawaan ayeey noqotay,maanta waxaad arkaysaa oday dhahaya aniga gabadhayda cid aan reer hebel ahayn maguursankarto,qisa yar oo hada kahor igu dhacday ayaan idiin sheegayaa aniga oo Africa markaas joogay,

 

habeen habeenada kamid ah ayaan waxaan wada sheekaysanay gabar[gabadh]ay markaas isugu kaaya horeeysay gabadhii mudo ayaan isla soconay mudona maahane about 1 month meelahaas gabadhu marka wexey ahayd qabiilada ay Somalidu liidaan oo wax kasheeegaan anigana wax iga qarsoon ma ahayn oo waan ogaa taah laakiin runtii waxaan diidayay inaan noqdo in dadka kala takooro waayo dadku isku mid ayeey iiyihiin reer hebel ayaa sidaas ah iyo waxyaalahaasna dhag uma dhigi jirin waxaana cad inaan kusaxnaa sidaas ilaa hadana aan aaminsanahay calaa kuli xaal gabar aan isku qabiil nahay ayaa soo ogaatay inaan wada sheekaysano gabadhaan,maalin ayeey isoowacday wexey tiri xaafadayda galabta ii gu imow haye aan iri waan utagay,wexey tiri

 

inta naago ilmo adeertaa ah ilaahay badiyay maxaa gabadhaan noocaan ah kuugeeyay oo aad nooceebaynaysaa waxaas caado umalihin anagu!

 

xoogaa ayaan intaan aamusay ayaan iri''abaayo gabadha aad sheegayso ee ayaan iyo adigu waad iisimantihiin'' gabadhii yaaba naf kuhaya ma anigaa saas ileedahay oo gabdhaan sidaan ah ila simaysaa ''naa bal isdaji balaaya kugu dhacday aan ahayne wey oroday niman ilmo adeerteed ah ayeey arintiiusheektay,iyaguna kuwo caqli leh ma ahayne wey soo ordeeenoo rag kale ayeey uyeerteen reerkayagii ayeey uyimaadeen oo yiraahdeen wiilkiina ayaa sidaas gabadhayada kuyi waxaa layiri hadii aydaan qancayn gogol soo dhigtay.

 

 

gogol ayaa la isku dhigtay wexey hadlaanba dee waxaa layiri wiilku wax sax ah ayuu sheegay wey qanci waayeen wadaadaa looyeeray wuu saxanyahay ayaa layiri wiilkani,waayo cidna cid wax madheera.wexey kudhaarteen inaysan sidaas kuharayn policeka ayeey utageen habeenkii danbe ayaa la ixiray mudo markaan xirnaa oo inbadan alawada hadlayay ayaa la isoo daayay kadib markii la ogaaday inaysan arintani sax ahayn la igu xiray halkii ayeey kudhamaatay reerkii iyagoo xanaaqsan ayeey meeshii katageen qaybtood hadalkii iyo inay gorigaygii yimaadaan ayeey iska dhaafeen.

 

marka aqyaarta waxaan ogahay inay wali jiraan dad udhibaataysan sidii aniga igu dhacday ama ay kusoo socoto waana iska waayaha aduunka waxaana loobaahanyahay samir iyo dulqaad.

 

waxaa loobaahanyahay dhalinyaradu inay fahmaan waxyaalo badan jacaylkoodana ay ka ilaashaan qabyaalad iyo waxkasta oo wax udhimi kara waayo dhalintaan waa kuwii barito kamaalin dalkeena hogaamin lahaa marka waa in ay wax fiican bartaa.

salaamaaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duqa, sheekada kugu dhacday ayaandaro ee ahayd. Aad iyo aad aan ugu xumahay. Laakiin booliiska iska xiridaa maxaa loogu sheekeey, oo fududaa?

 

Soomaali badan waa inkiraan, laakiin aan kuu sheego, qabiil dadkaas qaarkood Eebbe uu u yahay, oo waa caabudaan maalin iyo habeen. Dadkaas maxaa ka dhahee? Dadkaas hadii magaca Eebbahooda agtooda lagu caynaayo, ma dhibsadaan; magaca rasuulkooda hadii lagu aflagaadeynaayo, shuqulkooda ma'aha. Maalintii qabiilkooda lasoo afaaro gishto, jini iyo cirka aa soo dagaayo.

 

Aniga shaqsi ahaanteey qabiil waligeey waxba ma ii tarin, mana u tarin, oo maba is naqaano.

 

Waligeey taano iyo kumi qaaraan ma dhiibin; baqeylnimo ma iga ahee, hawsheeda maba aha. Meel ee reero qabyaalad iskugu imaadeyna ma tagin. Waligeyna sheeko baraleey oo awoowe iyo hebel ayaa jiri jiray ma dhageysan. Asxaabteeda dhan qabiilkooda ma ogeyn markaa baranaaye, ilaa hadana badankooda ma ogi. Soomaalinimo bas ayaa igu filan, siiba qurbahaan la joogo. Hadee Soomaalinimo maanta wax inoo tarin, goormee wax inoo taree?

 

Kuligeena Eebbe hana soo wada hanuuniyo, walaahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

sxb policeka waxaa loogu sheekeeyay ninkaan gabadha wuu abuse gareeyay mana ay fasirin what kind of abuse it is.markii danbe waa loo sheegay wixii oo dhan policekuna oplogise ayeey isiiyeen.

 

sxb rageedii ayaa tahay waligaa qabiil haka danbayn micnaha qabiil ha isku qafilin waa sidaa usheektaye qurbahaan iyo Somaliyaba Somalinimo aayaa kugu filan.

 

qabiilka qur aanka ayaa sheegaya inuu jiro lakaiin somalida ayaa siqaldan u isticmaasha sxb maxaayeelay waxaa layiri isku garta qabiilka oo isku aqoonsada si aaadan uguursan sodohdaa iyo wixii lamid ah dadkaana wexeyba kadhigeen waxkale oo qaab daran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Gabadha reerkooda police waxay kuugu wacdeen, calaashaan waa diiday inaa gabadha guursato? Saas miyaa, mise sabab kalaa lagu xiray? Kuma fahmin si fiican inabti.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Daansiga, qabiil si xun ayee u fasirteen Soomaalida, waligoodna heer sare ma gaarayaan intee fasirkaas wadaan, oo hebel reerkiisa ayaa saas ah iyo heblaayo reerkooda ayaa saan ah. Is xaasidnimo iyo dacaayad loo joogin.

 

Nabsi ayaa na haayo. Dad isku af, diin, qowmiyad, dhaqan iyo hido laga wada dhigay, oo meeshee ka abaal gudi lahayeen, iska kala saar bilaabay, oo wax kala saaro raadinaayo waligeed dunida ma laga sheegin. Ka waran hadaan sida dalalka Shiinaha mise Hindiya ahaan lahayn.

 

Bishaaro, booliis waxaa loogu wacay 'abuse' ee ku eed sheegatay qoftee qaraabada yihiin, beenteedana gadaal kasoo baxday. Sababta ee ugu wacdayna waxee ahayd hebel iyo adiga waa siman tihiin uu ku dhahay. Koleey "laandheere" ee iska ahayd, sheeko baraleey aaminsan inay ka sareyso Soomaalida qaarkood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bishy gabadhaan wexey iigu wacday Policeka iyada iyo reerkeeduba,gabadha aan lasocdo ayeeysan ayadu raali ka ahayn then iskaga har gabdhaan ayeey igutiri oo gabdhaha kale oo ilmo adeer something like that aad tihiin lasoco,gabadhana wey aflagaadaysay anigana waxaan iri iskukaymid ayaa tihiin adiga iyo gabadhaan intaasay kaxanaaqday ooy tiri saan isku mid unahay gabadhaan sidaan ah ana aan sidaan ahay?

mafahantay hada huuno?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

Bishaaro:

Waxaan is lahaa bishaaro maxaa ku dhacay, markii aan baryo meesha kaa waayey. marka, ma sidaan baad la soo noqotey. :D

 

Ina abti, maxaad iila yaabaysaa. ninku asagaa meesha la yimid gabadh baa iila dagaashay maxaad gabdh kale u shukaansanaysaa. wax laga hadlo waxaasu ma ahan. Gabdhaha soomalida waa isku wada mid.

 

Nin waliba miduu caashaqaa waw canbaro luul. waligaa ma maqashay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

abaadir sxb aniga sheekadaydu ma'ahayn gabadh ayaa sidaas iyeeyshay iyo wax lamid ah mana ahi raga aad igu qaldayso ee waxyaalahaas oo kale kufaana ama beenba samaystay! ee waxa aan anigu ka hadlay waa qiso igu dhacday 2 qodob aan kasoo qaatayna waad fahmi kartaa sida ay Somalida saamaynta ugu leedahay hadaad nin waxgarad ah tahay hadii kale se iska hadaaf ayaan ku oranlahaa! anyway akhyaarta waad salaamantihiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horta maryooleey iyo qabiil maxaa leyska siiyaa?..cudurkaas baas aaba sheydaanka ibtilo ugu dhigey. Cashirkooda ma bartaan, siduu dadkeena iyo wadankeena u burburiye uma jeedaan tii baa weli u cad. Hadane dhinaca shukaansiga uuba weerar xoog leh ku haayaa, madfaca iyo gantaalada ka dhacaayo kaaley arag oo labadii qof oo is rabtey iney isku yimaadaan ey mustaqbal wada yeeshan uuba hapinesskooda meesha ku burburiye..sida wiilka topicga qorey oo kale.

 

 

Geedkaas magaca xun leh, faceenii wuu naga reebey, dadkeenii badankooda qabuuraha aan geyney, kii wadan ahaane...iskaba daa ba....niyada uunbaan ku dhisaneynaa mooyee, meesha wax nooguma horeeyo. Walee saas uun haloo daadihiyo qabiil, adinkane mardhow buuga tariikhda aduunka waa la idinka tirtiri doonaa. "Somaaliya ma aragtey, ma arkin dheh" aa ka dhici doonto...hadaan wax leyskula harin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this