Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Maki Xaaji Banaadir

Recommended Posts

Salaan...

 

Maki Xaaji Banaadir, Eebba ugu hideeye sida sahlan ee ereyada la iskugu toosiyo. Gacan iyo nus ayaan u taagay. Shiribkaan (shirib miyaa horta? Saar?) hoos ku qoran oo loogu magac daray Wamal Xayaatul Dunyaa ila Mataacul Quruur waxaa la alifay, saan filaayo, shirkii Carte ee Jabuuti lagu qabtay sanadkii 2000. Cajal aan wali haayo oo shirkaas laga soo duubay ayuu ka qaaday, oo xataa madaxweynihii Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo nafta ka baxday suu ugu qoslaaye cajalkaas ku jiro. [Qeybta hoos ku qoran ma'aha qeybtaas oo qosolka miiran ah.]

 

Shiribkaan mid dheer oo kala baxa ayuu ahaa, laakiin intaan ayaa soo guurinaa hada.

 

Mar haddeey madaxdeena madasha toos u furaan

Murunka soo afjaraan

Muujiyaan is walaashi & mowduuc nabadeed

Maslaxo caam ah dhisaan

Masaakiinta caruurta

Maatida heer tabareedka

 

In mudnaanta la siiyo

Midnimo loogu adeego

Moxogoodana u xirtaan wax macaan badan waaye

 

Oon ku miirsan kareyno maskaxdeen ku dageysoo

Muraalkeen ku dhismaayo

Muuse shaah iga dhiib :D

Macoow haashka isii :D

Maaxi koostar isaar

Maanaboolyo igeey

Muxudiin alif keen :D

Maadeey qaam iska baar :D

Mursal ii macbileey xaajiyayaasha midood ood macruufo tihiin

 

Madiinaan u socdaa

Ama meel uun ku sheeg

Maska diirta cambuulo iyo madaalka galeey

 

Inaan maanta niraahno

Mehered noo noqon meyso

Mustaqbalaa la rabaa

Rajo muuqan kareysoo miraheed la cunaayo

Masaariifta caruurta

Mugdi beey ku jirtaa

Marasho, madaxsaar iyo minan ijaar ma awoodno

Mushahar meel laga dhiibo

 

Oo maciishadda suuqda

Maamulka qoyska

Lagu moodi karaayo

Marhoraa u dambeysay

 

Inaan meesha yuurarnoo

Maalin daa'in marqaano

Waa marduuf ama qeyb

Majin iyo qoriyaal maskaxdeen ku duqeyno :(

Meherad noo noqon meyso

 

Mustaqbalaa la rabaa

Rajo muuqan kareeysoo

Miraheed la cunaayo

Mufumeento la'aanta

Mashaalkilka taagan

 

Macbuudoow naga mooti

Maslaxo caam ah nasii

 

Inaan maanta niraahno meesha waa ku jirtaa

Mindi daab an laheyn

Madax dooro ma gooyso

Xataa malaay sarsaroow ma awoodi kareyso

Midigta & bidixdeeda ismagan sashadooda waa muhiimadda guusha

 

Mowqifkeena israaca

Midnimo & xasilooni

Maslaxo & nabad waarta

Wax kaloo na maraaya

Ineey meesha oolin

Wa iska muuqan kartaa...

}

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Hadiin waano maqleeno

Oo Macbuud ka baqeeno

Iska deeyno maneeno

Maki Xaaji banaadir

Murtiduus ku hadlaayo

Maskaxdeena ku beerno

Waa muhiim aad u ween :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qeybtii labaad.

 

Magaceena Soomaali

Mushtamaceena Islaam

Mawaadiniinta dadkeena

 

Midab oo kala sooco

Mabda' oo kala qaado

Meesha iigama muuqato

 

Midigteena kitaabka

Mahuraanka islaamka

Iyo mowqifka diinta baan ku mideeysanehee

 

Waxa meesha iiga muuqda

Oo masiibada keenay

Iyo macaluusha kordheeyso

Maamul iyo kursi waaye

 

Muran taa kama joogtee

Maanka hanoo taliyo

Maskaxdana ha shaqeyso

 

In Soomaali maseerto

Midnimo loo hanqal taago meesha waa ku jirtaa...

_______________

 

Passion, adiga ma aqrin miyaa kor. Meeshaas ayeeba ku qoran yihiin ereyada "wamal xayaatu dunyaa ilaa mataacul quruur."

 

Maki Xaaji Banaadir abwaanimo iyo jilaaye uu isku darsaday. Filimaantiis cusub laga keeno qofkii fiirsado waala dhacaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

MMA waan ku salaamay marka hore, long time no see, sxb ilaahay amarkiis maki xaaji banaadir waagii hore aan aad oga heli jiray balse hadda iigu ma baxdo nooh somehow, hadda ruwaayadaha uu dhigo wuxuu sameeyaa asigoo jaad cunaayo, somehow i dont find him funny anymore, but i still listen to his old riwaayado...

 

 

thanks for posting this...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Wamal Xayaatul Dunyaa, Ilaa mataacul Qaruur..

 

Ilahey dadka wax garadka ah Somalia Haka qaadin..

Maka waa abwaan Culus.. ilaahey ha dhaafo danbigiisa....

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Maki riwaayadaha ama aflaanta uu ku jiroo dhan waa wada halaag, khattar cathiim waaye Odeygaan Ilaah ha daayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ma fiirsateen ruwaayada WADCI...msrkuu makki dhahaayo "moos maku siiyaa"...naagta haa ee dheehee....markaas oo isaga wuxuu dhahaa "qolka noo suubi adna isa suubi, anna waa isa suubinaa, markaas wixii la suubin lahaay aan suubineynaa".............looool xaajiga caadi ma aha yaaqe!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ P4F, loooooooooooooool sheekada maxaa udhameestiri weesay! wax ma la suubiyey hee?

MMA

Sxb, great stuff from great man! thanks!

 

By Paragon

Hadiin waano maqleeno

Oo Macbuud ka baqeeno

Iska deeyno maneeno

Maki Xaaji banaadir

Murtiduus ku hadlaayo

Maskaxdeena ku beerno

Waa muhiim aad u ween [big Grin]

Thats true! the guy is hilarious and true abwaan. I am true fan of this him!

 

 

am

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Passion_4_Fashion:

ma fiirsateen ruwaayada WADCI...msrkuu makki dhahaayo "moos maku siiyaa"...naagta haa ee dheehee....markaas oo isaga wuxuu dhahaa "qolka noo suubi adna isa suubi, anna waa isa suubinaa, markaas wixii la suubin lahaay aan suubineynaa".............looool xaajiga caadi ma aha yaaqe!

:D:D:D Waa kasaa Maki Awxaaji Banaadir Abaa Xamar aan ka hadlaaye. Raggeedi.

 

Aaheey, "moos" maxaa ka macaan? Filinkaas inaa mar fiirsado waaye, dhowr mar ayaanba magaciis maqlay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

^ Ninkaa aad ka hadlaysaan kan ku jiro miyaa film kaan cusub'e Xaajo Ugub?

 

Midka ku qaylinaayo Hindi-Somaliga, isha Sangub inuu gato rabo, asaga miyaa? Oo dhahaayo: "Unuka Somali aa nahnay, Islaan aa nahnay, il la gato, beer la siibo, calool la bixiyo, unuka ma kaseeno, sharafkaanyaa ka ween." :D:D L00L.

 

Funny guy wallee, haduu kaas yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bishaaro, ninkaa ka hadleyno Maki Xaaji Banaadir waaye, wah.

 

Filankaas oo "mooska" ka sheegaayo waxaa la dhahaa, sida kor ku qoranba, Wadci, [ma'aha wacdi] oo wuxuu soo baxay, saan u maleeyo, 2003.

 

Jilayaashii ugu shactirada badnaa aniga qaas ahaan saan ee iskugu xiggaan:

 

Awkoombe

Jeeyte [Eebbe ha u naxariisto]

Awkuuku

Xaaji Banaadir

Siyatoom

Odey Cabdille

 

Ninkaas Jeeyte la dhihi jiray oo lambarka labaad aan siiye dad badan ma yaqanaan, laakiin hadaa fiirsatid riwaayadahiis sanbab iyo beer xanuun aa kugu dhacaayo qosol daradiis.

 

Meeshaan ka fiirso Jeeyte, Siyatoom iyo Awkuuku oo nafta inay kaa baxeyso u maleynaysid qosol daradiis lee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this