Sign in to follow this  
Haashim

JACBURKII DHOODAAN ,, HADDAY DUMARKU LACAG LEEYIHIIN MABA GABOOBAANE

Recommended Posts

Haashim   

this bit is FUNNY but TRUE :cool:

 

Hadday dumarku lacag leeyihiin MABA gaboobaabaane

Kol hadday qubays iyo wajiga bootar ku caddayso

Lixdankii siddeed baan jireey kugu tiraahdaaye HEEDHE

 

Jacaylkana anaa kala bartayoo wuu I daashadaye

Gabdhahaan ay ka daba boodayaan lacag ma haystaane

Habar kun iyo boqol haysataa la oggolaadaaye

 

Soow hadda maad garan

 

Sheekeeyooinkeedaana waa laga dhegeystaaye

Hadday tiraahdo shan baan diiday waa laga dhegeystaaye

Hadday tiraahdo cirkaan taabtay waa laga dhegeystaaye

Hadday tiraahdo baddaan jiiray waa laga dhegeystaaye

Hadday tiraahdo anaa kaa yar waa laga dhegeystaaye

Gaarinimo kolkay sheegatee muranka dayn weydo

Waxaa lagu yiraahdaa bullooy shaah inoo kariye

 

Qaxwahay samaysaa hadduu muufo noqon waayo

Kolkaa been inay sheegtay baa lagu ogaadaaye

Soow hadda maad garan

Ayaa lagu ogaadaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

I like Dhoodaan. He is so funy and talented. here are some of his works. This is not Jacur though.

 

1. Gidigeeda Soomaalidaa guudka ka islaan dheh. Gun markaad u sii fiirisana gaalo taag daran dheh.

 

 

2. Nabi Muxamed baa loo jeclaa jaah mar la arkaaye (csw)

Isagana waxaa lagu jirabay inuu jihaadaaye

Idinkuna xornimo saa jirtaad jiif ka damacdeene

 

 

3. Waxaa murugo iyo qoomamiyo maanqashiyo ciil leh. Maskax iyo garaad iyo wixii muruqba kaa liita. Markuu adiga sharaftaad mudnayd kaa maroorsado e

Naftu inay maqnaato iyo inay mahad ku noolaato. Maaweelis weeyaan haddii mid u dhexeeyaaye.

 

 

4. Waraabaha ku ruugaaya iyo aar ku raamsanaya

Sidday kuugu kala roon yihiin maad u kala reebtid

 

 

5. Ninkii rodolna miisaama ee kiilo raajiciya

Ee raasamaalkuu helaa rubuc ka hooseeyo

Xisaabtaa inuu dib u rogrogo sow ra'yigu ma aha

 

 

6. Danbaaburiyo gaaraabidhaan fiid is daba yaacay.

Danbas iyo wax nool kay yihiin daa'imaan garane. Dab iyo qiiqna waan kala aqaan saa duqbaan ahaye

 

7. Qof walaalkii gaday meel shishaa laga ganaaxaaye. Gacal uu xigaalkood hagraday gocosho dayn waaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abaadir sxb gabaygan

 

.. Waraabaha ku ruugaaya iyo aar ku raamsanaya

Sidday kuugu kala roon yihiin maad u kala reebtid

ama kan hose....

 

 

Gidigeeda Soomaalidaa guudka ka islaan dheh. Gun markaad u sii fiirisana gaalo taag daran dheh.

sxb ma dhameystiri karta amaba xogga sii wad.

 

thanks

 

 

am

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saaxib waa saaase mideeda kale ok waayo hadad soo heshid haddii kalena waa ha ubixin.

 

magacaada wuxuu isoo xasuusiyey sheekh abaadir oo Harggeysa ayuu ku aasan yahay sida la ii sheegay "Aabadiroow soo uruuri caashaqa " ayaan maqli jiray inay ku digriya. Waxaa kale oo loo yaqaana sheekha jaceylka. maxaa arrinkaa ka jirra :D ´

 

 

am

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

Sheekh Abaadir Muuse wuxuu ahaa sheekh caan ah. I never knew in uu hargaysa ku aasan yahay.

 

Burgeesoole maxaa sheekha loogu aasi wayay ama Bali Kibir.

Ok hada saaxiib Waan sii socone...

Quulaa Dabka ii saarane :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Abaadir, Quulaa maxaa la yiraa?

 

Qaxwahay samaysaa hadduu muufo noqon waayo

Kolkaa been inay sheegtay baa lagu ogaadaaye

Soow hadda maad garan

Ma garan. :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Bishaaro, wuxuu ka wadaa aan u maleenaa geed sabuul galeey camala aa dabka u saaran, sida ontorta & Goosayga camal.

 

Abaadir, saaxib Bur Gæsøle waa meel qaboow badan dee sheekhuna waligiis ma soogaari kaarino, waqooyigaas yara kulul ayaa malaha u fiicnaayd baan filayaa.

 

kuna dhimay akhirkii! (Alla ya arxama)

 

 

am

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this