Sign in to follow this  
NASSIR

Gablan Weeye Soomaaali ---Abwan Sangub

Recommended Posts

NASSIR   

Gablan Weeye SOOMAALI

Gabay By M Abdulaahi Singub

 

Horudhac.

 

Abwaan Singub waxa uu gabaygan alifay badhitimihii sanadkan 2005ta goortaas oo uu ka waramayay dhibaatadda haysata ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba iyo sida aysan dadka u dhashay dalkaa rag iyo dumarba uusan jirin ruux ay xanuun ku hayso halka ay marayso xaaladiisa, marka lagaba soo tago dagaal oogayaasha mariyay oo madoobeeyay Naf iyo Qalabba wixii Qaranku lahaa ee qimiga wayn ugu fadhiyay. Abwaan Sangub oo aad u caraysan ayaa eraydan mar kaliya sii daayay. Wuxuu yidhi

 

 

Masaajid markii la galo

Intuusan guntanuhu aqimin

Qabiil baad ku goodidaanoo

gacmaha la isku fiiqayaa

Xan baa lala wada guclayn,

beenbaa laga gajo baxay

Zinaa loo guurayaa

geelana waynu kala dhacnaa

Gaalo iyo Muslim keenu nahay..

 

Isla wayn gun iyo baar,

ama garo ama ha garan

Hadal malagi galay idhi.

 

Sancadda kii garan lahaa,

gantaalo samayn lahaa

Aduunyadda gaari lahaa,

gabooy bay ugu yeedhayaan

 

Isla wayn gun iyo baar,

ama garo ama ha garan

Hadal malagi galay idhi.

 

Kashi waa lakala qabay,

la iska siiyay godob reeb

Gari allay taqaanaa,

lagu dhameeyay gedkii

Dib usoo gunuunaca

soo gocoto fiidkii,

kuli uur gumaareey

 

Isla wayn gun iyo baar,

ama garo ama ha garan

Hadal malagi galay idhi.

 

Ninka geela qaadee,

reera gabagabeeyee,

gorofkooda mariyee

Gogol nabadu ay taal,

gocandhadda ku sayree,

hoyadii gablamiyaha,

yaad geesi ugu yeedhaan.

 

Isla wayn gun iyo baar,

ama garo ama ha garan

Hadal malagi galay idhi.

 

Nimay gaajo haysoo,

goolmoonoo haraad qaba,

ifka uma gargaaraay,

kolkuu geriyoodana,

gool wayn u loogaay.

 

Isla wayn gun iyo baar,

ama garo ama ha garan

Hadal malagi galay idhi.

 

Waa goorma goortaan ismageeyadda sheegnaa

Waa goorma goortaan gaball dhacay aroornaa

Waa goorma goortay garashadu sabool tahay

Waa goorma goortaan isgujaysanaynaa

 

Dhaliinyaro guclaysiyo,

Hooyo gacal ahoo wacan,

Aqoonyahan gardaadshiyo,

garcadaadi kuma harin

Gablan weeye Soomaali.

 

 

Fiiro Gaar ah Waxaa gabaygan idiin soo qabtay islamarkaana halkan idiin kaga soo jeediyay Barbaarta AGABSO, oo fadhigoodu yahay Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka.

 

 

www.agabso.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

Masaajid markii la galo

Intuusan guntanuhu aqimin

Qabiil baad ku goodidaanoo

gacmaha la isku fiiqayaa

Xan baa lala wada guclayn,

beenbaa laga gajo baxay

Zinaa loo guurayaa

geelana waynu kala dhacnaa

Gaalo iyo Muslim keenu nahay..

So sad yet so true...incredibly depressing really :(

 

Waa gabay qiiro leh (as is the case with this talented poet's work always), waad ku mahadsantahay CAAMIR!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jaylaani:

The Name is SINGUB and SANGUB...

 

The man doesn't have a clean heart and he's pointing at others.

Marka hore golahaan af Soomaali kaliya ayaa loogu tala galay, af shisheeye waaka reeban yahay. La soco.

 

Teeda labaad muxuu Sangub galabsay uuna u heysan 'wadno nadiif' ah?

 

Kaalay horta xaa SANGUb loogu sanka moow ka gubtay?

Magaciis hore Singub ayaa la dhihi jiray, laakiin markuu yimid Xamar "ciyaal Xamarkii" sinta ee kari waayeen oo Sangub ugu badaleen. Asagana wuu qaatay oo Sangub aa la dhahaa hada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

When you speak proper Somali than I will before that...English is the norm.

 

Singub Is f.ucking hypocrite every body knows that.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

Jaylaani Saaxiib, Sangub ma ahan nin Qabiilist ah. Sangub waxyaabaha uu aad uga soo horjeedo waxaa ka mid ah.

 

1. Ciidomo Ethipian ah in soomaliya la keeno

2. In Soomaliya la kala Gooyo

3. Waxaa uu aminsan yahay in waxa fedaristismka la dhoho aysan somalia dan ugu jirin.

 

Sangub waxaa uu waligii taageersanaa in dawlad dalka loo helo. waxaa uu aad ugu ololeeyey in dawladii Carta hirgasho. hadana waxaa uu raali ka yahay in Dawlada Kenya lagu soo dhisay ay hirgasho oo dalka oo dhan ka shaqayso. Waxaa uu ka mid yahay Abwaandii hore u mariyey fanka iyo suugaanta soomalida. Heeso badan oo aan maanta ku raaxaysano ayuu alifey. Marka saaxiib Sangub ma taqaanid ee marka hore bal la sheekayso. Wadani hadii uu jiro, Sangub waa number one. Soomaliduna waa iskugu mid Qabiilkay rabaan ha noqdeene.

 

Sangub waa nin aad u maskax badan una qiimo badan. in wax uusan ahayn lagu sheegaa ma fiicna. Soomali oo dhan baa u baahan sangub

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Oh really...I know that guy too very well, Family wise and personal level as well....he's double face hypocrite. Ma qurbahaa wadani lagu wada noqday miyaa. You can't change history.

 

One thing I have to agree with you on is that the guy is a big time play and song writer. I thank him for his contribution to Somali literature…other than that I have no respect for him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jawaazay   

Maskiin Macruuf

 

Waa ku mahadsantahay sharaaxada! Aniga Singub inuu magaciisa saxda yahay maantaa iigu horeyso. Singub haddii la ii jilciyo waa farxi lahaa.

 

 

Af ingiriiska in sida dacaska la iska baxsho waaye intaan qolkaan la soo galinba. Af Soomali qorana qof kasta wuu fahmaa ama waqooyi ku kor ama xamar cadeey ama kismaayo. Xumaana ha u qaadanina haddii la idin dhaho af Soomaali wax ku soo qora. Somaliaonline hal qol kaliyee luqadeena af Soomaliga ka siisay, marka yaan af soomaliga meesha lagugu cariirin.

 

PS -- Dadkaan af Soomaliga si fiican u aqrin ama qori karina intaa ku fiicneen kartiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^loool qufyehey saxiixaaga waa ka cabso....areey saanna xee eheed....xanjo dhacday aad noqotay xaa la yiraa? manii la yaabo yaasiinka.

 

jeylaani....fadlan xushmey luqadeena....teeda kalena fikrada aad ka haysatit sangub ama singub fadlan adiga lee hakuugu ekaato.

 

caamir - gabay culus waaye walaahi....runta oo taabtay abwaabkaan....inkastoo igu adkeed inaan fahmo erayada qaarkood

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this