Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kalifoorniya iyo Kanada

Recommended Posts

Kalifoorniya aan ka tagey

Kanada markaan u socday

Kuluyeeri anoo kor fuulo

Kaligey meel fadhiya

Kaltuuma waxay i tiri:

 

"Aboowe, adi kumaad ahayd?"

 

Kanada markaan tagey

Kuluyeeriga aan ka degay

Kormeera waxaan ka arkay

Gabar kuusanoow madoow

Indhaha soo kuulatey

 

Hadii kale waxaan lahaa

 

Raggow afadaan dirsaday

Adduunkeygii u huray

Awlaadeyda hooyadood

Markii aan agteeda imid

Amuur gaaray la timid

 

Hadii kale waxaan lahaa

 

Albaabka markaan tumay

Ilmihii igu soo ordeen

Umaydiin meeday iri

Indhaha aan hore u dhigay

Ayaa gaal ii anfacay

 

Hadii kale waxaan lahaa

 

Waxaan iri:

 

"Iisha Yareey, naa waa maxay eeygani?"

 

Waxay tiri:

 

"Hoy ogow inanku waa boyfriend

Ha eegine irida dhaaf"

 

Hadii kale waxaan lahaa

 

"Iisha Yareey

Isma oran...irida dhaaf

Iima taal iima hayside"

 

"Anoo kaa keeney meel

"Kuunya Baroow u dhow

Kunturwaarey agteeda

Kismaayo intaa la gaarin

Kanada markaan ku geeyey

Kibir baad biloowdey

Indhahaad soo kuulatey

Kabtaada aad moodid

Kooyo gaadaal saanta looga kabay

Surwaalkeeda kar karan

Kuleetiga kor u taagan

Sida Kuuleey Cali Banjar"

 

Animaa adiga kir kaa mudan

Iima taal iima hayside

 

Waxaan iri:

 

"Iisha yareey

Islaanimedeena iyo

Awlaadan wada dhalniyo

Sidii caadadu ahayd

Ma oodaa laa ganbiyey"

 

Hadii kale waxaan lahaa

 

Hadii aan oran lahaa

Maxkamadaan aadayaa

Ragu soo aayo ma leh

Ashuunkey ku adimaan

Haweenkaa ka amar weyn

 

Hadii kale waxaan lahaa

 

Waxay tiri:

 

"Irida dhaaf

Markii alle uu yiraa

Xukuumadi ay iftiinto

Ana dalkii aan imaado

Ayaad aarsan doontaa"

 

Hadii kale waxaan lahaa

 

War hoy ina raggow

War hoy ubadkiina dhawrta

War hoy gaalada u diida

Way hoy ooryaha xareysta

War hoy waa iga dar daaran

 

Hadii kale waxaan lahaa

 

Anaa eeday oo ka ooyey

Anaa ciil aqal la seexday

Anaa ubadkeey rajoobey

Ninkii ashahaadanaayoow

Dadkaa gaalada ha aadin

 

Hadii kale waxaan lahaa

 

Iisha yareey

Isma oran...irida dhaaf

Iima taal iima hayside

 

Beledkeena bur buray

Basali lahaydee

Dadki shalbaheen

Beled gaalo degeen

Barbaartii halawdey

Dhega bogsadeen

Bilan isku dhaafeen

Badi barshoow qabanee

"Buuloow" ani dhali

"Kuuleey" hada is baradaane

 

Boorsa qaadatey

Bug bug leey la saare

Bye bye ay yeertey

Kud ii ba'aw yahay

Bisinka qabsadey

___________________

 

Heesta la yiraahdo Ani maa adi kir kaa mudan, oo alifay, qaadana Shimaali Axmed Shimaali

 

Waxaa soo guuriye qof magaciis aan sheegin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zaahidah   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

 

Heesta la yiraahdo
Ani maa adi kir kaa mudan, oo alifay, qaadana Shimaali Axmed Shimaali

 

Waxaa soo guuriye qof magaciis aan sheegin.

Walaal Miskiin-Macruuf qofkaa aan magaciisa sheegin ee soo guuriyay "faaxishadan" miyuusan ogayn inaysan banaanayn in la faafiyo xumaanta iyo faaxishada?.

 

Waxa uu meesha kusoo guuriyayna waa dacaayad aad u foolxun oo aysan waxba ka jirin ee Allaah yahdiih! walaal kaa.

 

Wasalaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

waa in yaroo qosol miiran ah, markaad dhan kalena eegto waaba dhab waxa halkaas ku qoran!

 

As-salafiya , walaal anigu shakhsi ahaan kolleey faaxisho am dacaayad umaan arag waxa uu MMA inoo keenay, waxey iila muuqataa wax jiro oo ummadeena soomaalida caan ku ah khaasatan kuwa qurbaha joogo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zaahidah   

As salaamu calaykum.

 

Ma waxan baa wax jira ah? ilaah baan idinku dhaarshaye!

 

"Iisha Yareey, naa waa maxay eeygani?"

 

Waxay tiri:

 

"Hoy ogow inanku waa boyfriend

Ha eegine irida dhaaf"

 

Meel baa looga dhacay dumarkii qurbaha joogay hadii waxaa laga sheegay.

 

Wasalaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

^^^ sxb boyfriend aa roon.. at least he is a man..kkkkkkk.. Anaa kuu aqaan naago somali la qabo oo naago kale la tumta..makaa sii naxshay?..well my friend come to North america anaa ku tusaayee.....

 

MMA..waraa heestaan waxee soo baxday waqti on time ah nooh.. waa markee waxaan socdeen oo somalida ee ku cusbeed..also waxaa laga sameeyey ruwayado kala duwan sida qabyo iyo kuwa kale..Somalida dhaqanka sida ee u badashteen fool xumadiisa bee ka hadleysaa...

 

An maa adi kir kaa mudan uu dhahay..hada kir iyo wax ka daran ee ka mudan yihiin maxaa yeelay raga somalida ahi wee ogolaadeen madaxa in loogaga xaaro hadana waaba lagu banooyaa.. Laakiin nimankana dhaqa wuu u badal may... Rag waxaan aqaan oo tumta iyagoo xaasleey ah oo hadhootiina naagtooda hoosta ka gala..yaa u sheega what goes around comes around..Karma....

 

Wareer Badanaa!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

:D

"Anoo kaa keeney meel

"Kuunya Baroow u dhow

Kunturwaarey agteeda

Kismaayo intaa la gaarin

Kanada markaan ku geeyey

Kibir baad biloowdey

Indhahaad soo kuulatey

[bKabtaada aad moodid

Kooyo gaadaal saanta looga kabay[/b]

Surwaalkeeda kar karan

Kuleetiga kor u taagan

Sida Kuuleey Cali Banjar"

 

Animaa adiga kir kaa mudan

Iima taal iima hayside"

 

Classic

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaan idin iri heestaan uu qaaday shimalai axmed shimaali waa wax dhacay ama dhaca oo hada xitaa socda alsalafiya walaal waa wax xunbaad leedahay waxaani runtii weytahay wax xun laakiin waa wax xun oo jira marka hadii din in laga hadlo oo wax laga sheego,maxaa yeelay xumaantu markay dhacdo waa laga hadlaa ee lagama aamuso magaratay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Originally posted by Biixi:

:D

"Anoo kaa keeney meel

"Kuunya Baroow u dhow

Kunturwaarey agteeda

Kismaayo intaa la gaarin

Kanada markaan ku geeyey

Kibir baad biloowdey

Indhahaad soo kuulatey

[bKabtaada aad moodid

Kooyo gaadaal saanta looga kabay

Surwaalkeeda kar karan

Kuleetiga kor u taagan

Sida Kuuleey Cali Banjar"

 

Animaa adiga kir kaa mudan

Iima taal iima hayside"

 

Classic

:D:D:D
[/b]

^ Classic walle :D , that's the part he's rapping really fast, yea?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bishta, ma ogeyn miyaa? Maraxoo aan isnaqaano ayaa markee heesta meeshaas mareyso i dhihi jiray ii turjun. Maxaa ka wadaa aan dhahaa? Afmaay uu ku heesoyaa ee ii turjun kulahaa. Kir iyo wid liki eri aan ku dhahay.

 

Ereyo Afmaay wuu ku dardaraa, laakiin qeybtaas ma'aha aan u sheegay. Sida kuwaan camal:

 

Beledkeena bur buray

Basali lahaydee

Dadkii shalbaheen

Beled gaalo degeen

Barbaartii halawdey

Dhega bogsadeen

Bil'aan isku dhaafeen

Badi barshoow qabanee

"Buuloow" ani dhali

"Kuuleey" hada is baradaane

 

Laakiin maraxaas wuxuu u maleyn jiray heesta dhan Maay inay tahay badankeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

^L0L. Ninkaa waxbaa u dhimanaa. Halaha rap-ka erayo qaarkood maahee, inta kale af Somali caadi waaye.

 

MMA-yoow, meeshaan (Dood-wadaag) waa lagu kala qaxay, ma iska xertiinoo intii Ilaah ka yaabtiin? :D Qaabdaro! Tacbaan waaye walle. Wuu raaracshoomooyaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan sare walaashiis.

 

Laakiin qax ma jiro. Meeshaan bas waaye, waala shidaa hada ka bacdi, sidii Tabakaayo Madoow ama biibatadii Faay Cali camal.

 

See waaye, ciyaarba hadee bilaabatay. Inta ciyaarta noo bilaaban, hal hees kale aan ku tuuraa, ee iigu baashaal.

_______________

 

Wiilyahoow adigaan kugu waashee

Warsan kaama helee

Wadnaheey adigaa wehelkiisa ahee

 

Waan kaa helaa

Wallee waa iga wacadee

Illa wadee

Wixii aan kaa rabee

 

Waagii baryaba wajigaaga aan waayo

Wedna iima dhinee

I wanaajisidaa

Waajibkaaga ahee

 

Waan kaa helaa

Wallee waa iga wacadee

Illa wadee

Wixii aan kaa rabee

 

Waxba kuuma taree

Is wareerkaan

Wacdi iiga maqlee

Aan ku waayee adaa

Kugu wareersadayee

 

Waan kaa helaa

Wallee waa iga wacadee

Illa wadee

Wixii aan kaa rabee

 

Waalidkaa wax u sheegi maayee

I walwaal waligaa

Aan walqaado ubaxee

Wakhti aan tumanee

 

Waan kaa helaa

Wallee waa iga wacadee

Illa wadee

Wixii aan kaa rabee

________________

 

Xaada ma i kacday? XuuXaaX bas lee iga soo hartay. ;)

 

Feynuustii iyo boqoradii fanka Faadumo Qaasin Hilowle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Intuunan Shimaali qaadin heestiis Kalifoorniya iyo Kanada, waxaa ka horeeye Maryan Mursal Mataan iyo Max'ed Jaamac Joof heestooda maanta laga maarmi karin ee Beri hore waxaa jiray.

 

Heestaan ma laga maarmo, see iskugu jawaabanayaan waxaa ka daran in uu dhaqanka is badalo, ninba kii hore jiray u xiiso.

 

Inta ka dhageyso dhageyso.

 

Heesta oo qoran:

 

Max'ed Jaamac Joof:

 

Beri hore waxaa jiray

Inan timaha dibtoo

Baarkana u tidicdoo

Boqorkiyo dhaclahiyo

Maro beyle xiratee

 

Wax badaley kuwii hore

Belo geesa dheeroo [ :D ]

Buur madaxa saartoo

Suuqa baratamaayee

 

Naa bi'ise dhaqankii

Sharcigii ka beyroo

Diintii burburiseen

Habloow maad is barqabataan

 

Maryan Mursal Mataan

 

Boqolsano horteediyo

Beri hore wixii jiray

Ee la iska baal maray

Budulkii dib u ha u qaban

Laga soo baqoolee

 

Hadaad baratamin orod

Bisha iyo cadceediyo

Beesha loo horseedoo

Aanu beegsaneynaa

 

Horta baro tacliintiyo

Buugiyo dhigaalkoo

Badowyahoow dib ha u celin [ :D ]

Dadka soo baraarugey

 

Max'ed Jaamac Joof

 

Naa bi'ise dhaqankii

Sharcigii ka beyroo

Diintii burburiseen

Habloow maad is barqabataan

 

Maryan Mursal Mataan

 

Ilaahii bad iyo wabi

Biyahooda daadshee

Meel kula balamayee

Dhulka baaxadaliyo

Buuraha rakibeybaa

 

Bini aadamgiisana

Ruuxba ay u beere

Waad baadiyowdee

Cidi kulama beyrine

 

Horta baro tacliintiyo

Buugiyo dhigaalkoo

Badowyahoow dib ha u celin

Dadka soo baraarugey

 

Max'ed Jaamac Joof

 

Beri hore waxaa jirey

Inan baarax geeliyo

Faraskii baxdoowaba

Yarad looga bixiyaa

Bunduqana la raacshaa

 

Wax badaley kuwii hore

Isu bogga bar maqanoo

Bahdii ay ka dhalatiyo

Beylihisey waanee

 

Naa bi'ise dhaqankii

Sharcigii ka beyroo

Diintii burburiseen

Habloow maad is barqabataan

 

Maryan Mursal Mataan

 

Baarax geela iyo faras

Iyo boqon yaraha ari

Hablihii lagu badali jiray

Diinta aynu baraniyo

Ma baneyn kitaabkuye

 

Booli quutayaashii

Biicsan jirey haweenkiyo [ :D ]

Baxadsoorihii tagay

Maanta looma baahnee

 

Horta baro tacliintiyo

Buugiyo dhigaalkoo

Badowyahoow dib ha u celin

Dadka soo baraarugey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heestan Kalifornia iyo Canada ayadoo "REMIX" ah ayaan waxaan ku arkay MYSPACE. Waa tanaa ee dhageysi wacan...waxaa weeye mida ladhaho Somali Remix ayaan filayaa.

Eeg inta

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this