Sign in to follow this  
ayanasli

maxaa kalifey in somali badani ay wakhtigooda ku lumiyan cunista qaadka

Recommended Posts

nuune   

AYANASLI, horta marka hore kusoo dhawoow SomaliaOnline,

 

marka xigta, su'aal muhiim ah weeyaan su'aashaasi, waxeyna yeelan kartaa jawaabo fara badan.

haddii aan dhahno maxaa sababey cunista qaadka, horta wax sabab oo loo cuno ma jiraan aan ka aheyn waqti dhumis iyo madadaalo aan qiima laheyn maalaa yacni sheekeeysi, qaadka asagaaba asbaaba dadka wax u dhimo keenaba wax laga helo haba sheeginba.

 

waayo saan ogsoonahay cunista qaadka caafimaad ma keeno, nafta waxba uma taro, nolosha waxba kuma kordhiyo, marka maxaa loo cunayaa, waa un waqti dhumis iyo waalni dadka maskaxda ka gashey oo balwad iska noqotey.

 

 

-akhyaarta kale ayaa ku sii dari doonaan wixii asbaabo ah

Share this post


Link to post
Share on other sites
ayanasli   

wad mahadsantahay walalo koley anuu wan ku cusubahay somalionline ka

 

horta qaadku wa mid diley dhamanba ama afeyey bulsho fara badan oo ku nool aduunka dafaheeda somali oo kaliyina ma cunto imka waxay mareysa iney cunaan dadkii reer galbeedkii marka laga yimado wadamada qaadka laga cuno Yamen Kenya Itobiya iyo somaliya.

 

hadaba somalidu waxay kaga duwantahay sadexdan wadan ee kale iyagu ma beertan marka laga yimado wakhti ku lumintiisa xanuunadiisa oo uu isagu ugu horeyo waxa walida ku rida dad fara badan oo somali ah waxa u dher iyga lacag aye ka bixinayan oo waliba ay qaali ku iibsanayan markaa maxay dhalin yar fara badan oo somaliyi ay wax u baran waayn oo ay wax dhama qaadka u qaban wayn adunka kale horumarkuu gadhey iney eegan maha waa iney iyagu wax qabsadan

 

waxaan jeclan laha inad ka hadashan koley laba qof iyo sadex qof waxab somali kama tari karan lakiin bal inagu aynu ka hadalno qaadka iyo sababta aya somalidu intasoo dhan wakhtigooda ugu lumiso web page

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Ayan Asliyeey, qaadku Winter-kina dhaxantuu kaa bi'inaa, Summer-kana kulalyka! Sidaasaa loo cunaa abbaayo. icon_razz.gif

 

Ku soo dhawoow SOL.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

^^^Su'aal aad iyo aad Muhim u ah, sida nuune yirina yeelankarta jawaabo fara badan. Waxaan aad oga xumahay inaan shaqo hadda ku jiro oo aanan rayigayga si waadix ah aan u soo qorikarin, waqtiga oo igu yar owgiis, balse insha Allah waan ku soo laabandoonaa mowduucaan. Ayanasli great topic to debate about, thanks.

 

 

Go Figure:.............

Share this post


Link to post
Share on other sites
ayanasli   

walalo waaa si wanagsan dhamanba wan idin salmaya akhyarta

 

walal ta naku hadan wax ka yidhahdo horta waxaan odhan kara waa fikirkaga qofkastana inuu si u fakaro waa wax cadiya lakiin mid ayan ku xusuusinaya walalo aduunka kuma noola uun dadka jaadka cuna waxaa ku nool dadka fayow qaad cunista oo ka cafimadkaqaba

 

markaan ka hadleyna waa waliba dadka dada yar

da yarta dhib wayn ayuu ku haya

nafsiyaadkooda iyo maskaxadood waxweyn ayuu u dhina wakhtigu ku lumya wakhtiguna nolasha waa ku qaali dhaleteed ayuu ku rida oo si qalad ayuu u fikira dhinaca kale wuu warwara qofka cuna wuu is hiifa oo isnaca marka qaarka sida markuu wayo marka lacag qaad lagu yeesho ooo wakuwa isku dhiga gawadhida iyo trainada waxaad arkeysa wiil ama gabdh aad u day yar oo cuneysa qad qaadku dhincakasta qofka waxbuu uga dhima cafimad ahaan moral ahaan iyo dhibatooyinkale oon aan rajeynayo inad idinku ogtiihin

 

 

naku aad ayan ku mahad calinaya koley anuu halkan wan ku cusubahay lakiin waxaan jeclan laha in si fican oo cafimad qabta laga hadlo wayo inan nolasheeno dhan ku qadano khiyali waa laga fican yahay.

 

wiilo walalo wad mahadsanathay inshalaha markad firaqo heshid ayad si fican uga hadli doonata

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa kalifay in somali badani ay waqtigooda ku lumiyaan cunista qaadka? Waa su'aad wacan oo wanaagsan. Maxaa kalifay in dumarka soomalidu badankood telephoneka ku daldalmaan had iyo jeer? telephone baa sidii earings dhagaha ka lusha,iidna waa su'aad wacan oo wanaagsan.

 

Hadaba aan idiin sheego qaadka/jaadka waa nooli soo saarid dhaqaalo oo aad iyo aad muhiim u ah.

Aniga qudheyda 3 qaad/jaad Drive-Thru ayaa ii furan. Mid Hargeysa, midna Xamar iyo mid iiga furan wadanka ingriiska. lacag fawqal caqli aan aheyn ayaan ku dhuftaa.Ayaa mahaan ayaa ka fikiraayey in aa New orleans gato oo aan dib usoo dhiso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ayanasli   

inadero sheekada tellphone waa mid gaara.

ganacsi uu hal qof ka sheqeysta ma jaadka ma dabooli karo dhibta uu qaadku ku hayo somalida

 

way dhici karta inad aduu qaadka lacag badan ka soo gasho lakiin dalin yar badan oo somliyed aya malinkasta u walta qaad dartii ama u bahdilan

 

caloosha u shaqeyso lakiin dadka kale na hal aeego wxanan ku odhan laha qadku waa wax xun iska dhaf hadey runtahay inad ka qanacsatid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shirwac   

Qaadka wuu macaan badanyahay. Wuu ku caateeyaa oo jiim iyo orod uma baahnaaneysid. Ilkaha wuu kuu midabo roggaa --cadaan, jaale, cagaar, madoow. Dantiiste uma baahnaaneysid sababtoo ah adoon ka war hayn bay iska dhacaan. Hurdada badan wuu kaa daaweeya oo inta badan wuu ku soo jeediyaa. Hawsha badan ee timaha, jaridooda, saliid mareentooda iyo shanleentoodaba wuu kaa nasiyaayoo bidaar aadan u dhalin buu ku gashaa. Foolka ay timuhu ka guuraanaa dumarkaa ka heloo, caqli badnida iyo bidaarta waa walaalo. Qaad adoo haysta ma cid kalaad u baahantahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

shirwac sxb i hope inaad kaftamaysid, yaa yiri jaadku waa macaan yahay....

 

maxaa kalifey in somali badani ay wakhtigooda ku lumiyan cunista qaadka?

 

Su'aashani waa in lakala saaraa oo loo kala dhigaa deegaanka, ma waxaan ka hadlaynaa raga ku nool Soomaaliya, mise raga jooga wadamada shisheeye gaar ahaan wadamada reer galbeyka. Haddii aanu ka hadalno wadamada reer galbeyka waxaa loo aanayn karaa arrima badan, waa midde kow, wadamada reer galbeyka gaar ahaan America, Britan, iyo Canada. Waxaa jirta aqoon darro dhanka luqadda, shaqo la'aan, tan kale ee ugu daran oo ah "welfare" lacagaha ceyrta ah ee la siiyo, iyo waliba in aynan jirin caqli ah in laga faa'iidaysto maadaama uu daqli soo galo ayaga oo aanan shaqaynin. Rag badan oo Soomaali ah waxay caadaysteen intii ay wax baran lahaayeen in maqaayado fariistaan oo ay cayaaraan turub iyo jar.

 

Si kastaba ha ahaatee, arrinkani waxaa loo aanayn karaa ugu badnaan aqoon darrada, iyo waliba inaanay garanay muhiimadda wax barashada. Waxaa jirta arrin kale oo aad saameyn wayn ku leh sababaha ugu wayn ay ragga Soomaaliyeed ay waqtigoota ku lumiyaan inay cunaan jaadka, aqbalidda bulshada, bulshada ayaanan ka dhigin cunidda jaadka tahay arrin halis ah, balse ay u caadeeyaan oo aay ku taageeraan cunidda jaadka, tusaale ahaan, waxaad arkaysaa rag fara badan oo guri wada fadhiya oo halkaas loogu karinaayo shaax, oo laga yaabo in guriga ay jaadka ku cunayaan in ay caruur joogto oo ay arkayaan aabahood, walaalkood, ama adeerkood uu ka mid yahay ragga meesha fadhiya oo jaadka cunaya.

 

Runtii waa arrin aad iyo aad nasiibdarro ku ah bulshada Soomaaliyeed.

 

 

Go figure:............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this