Sign in to follow this  
Tuujiye

Geerisheeynn

Recommended Posts

Haneefah   

Inaa Lilaah Wa Inaa Ileyhi rajicuun :eek: Tanina ma ii dhineyd, aduunka intaad ku nooshahay ileen wax walba waad maqli

Share this post


Link to post
Share on other sites
qumane   

Tuujiye iyo akhayaarta kale ee moodaysa inay Geerashayntu hadeer soo baxday waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa mid ka mida gabayada ugu caansan xaga gabay dheegadka waxa loo yaqaan (Gabay dheegad waa gabay hanaanka uu u dhacayo loo eekaysiiyay gabay hore u jiray balse midhaha iyo fikirka uu ka hadlayaa ka duwanyahay. Gabaygan waxa laga soo dheegtay gabay uu tiriyay Ismaciil mire oo kaga hadlayay duulaan ay daraawiishtu gashay halka kan dheegadka ahina uu ka hadlayo gabayaaga iyo 7 asaxaabtiisa ah oo Geerashayn hargaysa ku sameeyay. Gabaygan waxaa la tiriyay sanadahii lixdamaandka ilowgoodii. u fiirsada sida uu u sharaxo geerashayta iyo habka ay u dhacdo.

 

CABDISLAAN AADAN-TUMASHO,

 

 

TUMASHO

 

Duhurkii Togaa Herer hadaad qado ka soo tuurto

Hurdo laguma taamo e naftaa lala tacaalaaye

Aniga iyo todoba aan ku jiray tumasho soo qaadnay

Rag tabaabulshuu leeyahay ee wax is tusaalaynay

Sahan kama tagana meel mirqaan loo tawaawacay e

Laba tubaha noo sii cayma hore u tuurayay nay

 

Tog Wajaale qaadkii ka yimid tacab ku soo miidhnay

Markay laba tobnaad noo xidheen toobiyaha qaadnay

Taksi lagama maarmee nin waday suuqa nagu tooci

Tilmaan quruxsan goobtay fadhidee agabtu noo taalay

tusmadii hablaa lagu yiqiin saani ugu toosnay

 

Rag kaleeto goobtuu turqaday maare kaga teednay

Tubtii horeba boqol jaa'ifa ah taybalka u saaray

Nin waliba tankiisii haraaq tiilay ugu laabnay

Isaga oo falaas lagu tamilay laysu tebi shaaha

 

Tirsan mayno naag laga tegay iyo tu aan la doonayne

Laba aad Tukriga moodo oo tikhilka naagood ah

Iyo laba tafiirtii Janada lagu tilmaamaayo

Iyo laba wax layskuma tirshee sida tiriigaas ah

Iyo taan lahaan jiray markaan tumasho soo qaadno

Intaas oo xarago tiicaysa oo timeshla luudaysa

Intay toobab noo soo xihdeen tel iyo xiisaan leh

Anaguna gabdhaa kama tagnee geerash lagu teedi

 

Kaman talalax leeyiyo durbaan tiririgtood yeedhay

Tiiraanya qayshaha rabaab gacanta taabsiiye

Ilaahay ha tabantaabiyo e noogu tacab sowdka

Anaguna tastuurtay lahayd sacabka tiitaynay

Markii ay cabaar naga tumeen tegis u qoondayste

 

Tafwareenka sheekada rag weys tira tireeyaaye

Kaftan aan turxaan lagu ogayn la isku taataabay

Gabdhahay sheekadu noo taxnayd toganay haasaawe

Sidii tayse roob nagu onkoday taaha ku caweynay

Warmihii tumaatida cadaa tiirka qabadsiinay

Rag takooran baa nagu jirayee tabaha qaar diidnay

Inkasta ay taftuba noo dhaweyd teedka sharaf eegnay

Habeenkaa ninkii tamar badnaa taxay mirqaan kiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

Abrar my sentiments exactly, although Iam glad I have learned something ghastly about my people. It seems more like a "groupie" thing. Subxanallah waaba geeri tani :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Qumane, mahadsanid, laakin waxani ma ahan wax cussub saad sheegtayba,

 

 

tuujiska, duqa saas aan kaa rabaa, adi lee kugu cusubyihiin alaabtaan

 

 

Rauliina, yaabkiina hayye, waxani waa dhaqan soo jireen ah waligiis, ee saas ogsoonoow

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Waraa Tobaliiniyahow kaalay, UK alaabtaan caadi ee ka tahay yaah since idinka xaga Jaadka la idinku daqro..lol...I asked marax yaasha inta qayilo in waxaas sameeyeen oo ee hore u maqleen..lol..wee igu qosleen..lol..Waxaa la i dhahay reer xamarka waataan barnay dee adigu hadaa qayililahay waa hore baanu ku bari lahayn huunon "reer jabuti ee ahaayeen"....Yaab ani....

 

Raula lol..alaabtaas mardhaw holleywood aa lageynaa oo filimaad ee ka sameynayaan waa og tahay nooh..loooool

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

^^^^Ajaajah, maxaa tiri neh, tuujis sxb hollawood aa kaaga dhagantahay miyaa. waa kuu diraynaa yaaqeee adiineh.........

 

 

Go figure:.........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this