Sign in to follow this  
nuune

Halxiraale

Recommended Posts

nuune   

cumar dhuule iyo maryan mursal ayaa qaadey heestan, waxeyna u sameesantahay sidii hal xiraale camal oo su'aala ayaa la is weydiinayaa,

 

waan idin maqashiin lahaa balse waan waayey website ay ku jirto, waa hees aad iyo aad ii cajjabisey, mana ka daalo dhageesigeeda mar kasta

 

hadaba hal xiraalahan heestan ku jiro isku dayya inaad ka jawwaabtaan, qeebta hal xiraalayaasha ah waa qeebta farta madoow ku qoran.

 

 

Heesta Miraheeda

 

Dhuule:

 

hadal kaa da' weynoo

lagu doodi kareeynoo

oo daawa aan kuleeyahay

dahaboow u fiirso

 

dhulka waxaan usoo dagan

cirkana daarad ku laheyn

ee duula ii sheeg ?

 

maryan

 

hadal kaa da' weynoo

dib u qaadi doontaa

waa haa xeerka dunidee

deyroo u fiirso

 

cudurkii ku doorshee

daduu helana aan dilin

dawa aan yeelan ii sheeg?

 

 

Dhuule

 

waa iga digniinoo

waa iga dardaaranee

dabiirta aan ku leeyahay

dahabooy u fiirso

 

waxa socodka diinka leh

dabeeshana ka orad badan

een daalin iisheeg?

 

maryan

 

dabarka iyo hogaankiyo

dabbaal jooga weeyaan

waxaa la isku dagayee

deyroow u fiirso

 

waxa dugaaga raaco

dibadana u hoydo

dad la moodo ii sheeg?

 

dhuule

 

wixii daacad loo yahay

ee lagu dadaalo

wixii lagu dadaalo

ee daacad loo yahay

dariiq looma waayee

dahabooy u fiirso

 

xidigahan dusheena

middaan uga dan leeyahee

doonaayo ii sheeg

aan doonaayo ii sheeg?

 

maryan

 

daruur soo hillaacdiyo

roob xalayto da'aybaa

deg-deg ugu riyoodee

deyroow u fiirso

 

qof dibbira la jiifo

gaajana la daaco

diidaayo ii sheeg?

 

 

ps: jawwaabaha hal xiraalayaasha aad bey u fududyihiin haddaad qumaati u akhrisid qaabka ay heestu ku socoto, jawwaabaha heesta ayey la socdeen balse anaa ka saarey!

 

laakin ha illoobina heestan ula jeedadeeda dhanba waxey aheyd hal su'aal, su'aashaas hal xiraalaha ah yaa ka soo dhaxsaari karo lyricska aan kor ku qorey?

 

 

aawey jamaal, jaceylbaro, xiinfaniin iyo akhyaarta kale, kasoo jawwaaba smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

dhulka waxaan usoo dagan cirkana daarad ku laheyn

 

Waxaan filaya haadka duula

 

cudurkii ku doorshee daduu helana aan dilind daawa aan yeelan iisheeg

 

Caashaq/jacayl

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Bakar, jawaabtaada hore waad u soo dhaweesay balse saas ma ahan, su'aasha si fiican u dhuux,

 

tan danbena waa khalad, balse isku day wacan, kuwa kale ayagana isku tijaabi!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Checkie, halkoo xabbo xattaa ma isku dayyi weysey, xabbadoo waalan aa soo tuuree haye si aa u dhuumato,

 

 

haye waxba la islama hayyo miyaa, gabdhaha ayaaba laga yaabaa iney furaan halxiraalayaashan heesta ku maldahan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^^ sxb Ray, jawaabta aad dhiibtey hal xiraale kale weeyaan oo ku jiro isla heesta, that is a big HINT, jawaabtaada halxiraalaheeda kasoo dhax hel heesta!!

 

 

anyway, waxa duula waa un xayawaan saas ogoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

Originally posted by nuune:

anyway, waxa duula waa un xayawaan saas ogoow.

Nuune, haadkaba waa xayawan, wuuna duula. Mise waxaad rabtaa hal nooc? In other words, are u asking specific one?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

dhulka waxaan usoo dagan cirkana daarad ku laheyn ee duula ii sheeg

 

waxaan u wadaa waa shimbirta la english ka lagu dhaho Albatros

 

waxa socodka diinka leh dabeeshana ka orad badan

een daalin iisheeg?

 

Dayaxa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Farxaan, hintigii aan dhiibey baad ka faaiideesatey, waa sax jawaabta, jaceylbaro wuu ka faaideesan waayey smile.gif

 

 

Bakar, haa sxb, mid khaasa ayaan rabaa oo hal nooca,

 

salaaxudiin, maya sxb, saas ma ahan, laakin suaasha maad dhuuxdaan, waa dhulka waxaan usoo dagan!!

 

MMA, Ilaah waa isoo nabad celiyey, laakin meeshii ma gaarin, meela kaloo u dhaw baan gaarey, waqtigaa igu yaraa marka saas ay tahay meela badan oy meeshii ku jirin baan soo marey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

ok waxaan u malaynayaa in jawaabuhu ay 'D' ka wada bilaabmaan. :D

 

dhulka waxaan usoo dagan cirkana daarad ku laheyn ee duula ii sheeg ?

 

Dukaha

 

waxa dugaaga raaco dibadana u hoydo dad la moodo ii sheeg?

 

Daanyeerka :D

 

qof dibbira la jiifo gaajana la daaco diidaayo ii sheeg?

 

Doqonka :D

 

xidigahan dusheena middaan uga dan leeyahee

doonaayo ii sheeg aan doonaayo ii sheeg?

 

Damaashaadka? :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Salaaxudiin, horta

 

 

dhulka waxaan usoo dagan cirkana daarad ku laheyn ee duula ii sheeg ?

 

Dukaha

khalad sxb,

 

waxa dugaaga raaco dibadana u hoydo dad la moodo ii sheeg?

 

Daanyeerka

waa sax, tan ayaaba ugu fududeed su'aalaha,

qof dibbira la jiifo gaajana la daaco diidaayo ii sheeg?

 

Doqonka

waa khalad sxb, laakin jawaabtan aad dhiibtey su'aasheeda kasoo dhax hel heesta, meesha aad ka tiri Doqonka ka dhig doqonimo, isla su'aashan jawaabteeda, hint kale, su'aashaas aad hadda khaladey jawaabteeda D bey ka billaabataa :D

 

xidigahan dusheena middaan uga dan leeyahee

doonaayo ii sheeg aan doonaayo ii sheeg?

 

Damaashaadka?

waa khalad, balse, su'aashan aad bey u adagtahay.

 

 

ps: salaaxudiinoow, ma xasuusataa mar aan iri, ula jeedada heestan hal su'aal oo halxiraalo ayey aheyd, ee yaa sheegi karo halkaas halxiraale?, adaa sheegey hadaba, balse midey tahay kuu sheegi maayo ee keen adiga!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this