Sign in to follow this  
guleedyare

Galiilyooday

Recommended Posts

Galiilyooday hadaad gabyi kardho waa iska garankadhaa Waxaa tariyay qoraha waana u furan yahay akhyaarta xerta caano geel isugu timi siiba jamaal, baashe, sophist iyo ruuxii gabay jecel oo dhan.

 

 

Xalay galin dhexaadkii baan gami iyo jiif diiday

Gobta dalkaan ku ahaa baan gees walba ufiirshay

Gogasha halkaan dhigan jiray oo gubanaysaan eegay

Khayraadka badaha gaamuri jiray oo gam laga siiyay

Suntii naagasaaka gumaaday oo nalagu aasaayo

Gudin iyo gubniin baa lala galay geedihii udaga waynaaye

Afartaa sidii garnayl qarxay gow makaga siiyay

Ma garansiiyay qof garaadleh oo gacal ma gaadhsiiyay

Gardarada ragaan aqoon iyo gafafaka qaarkiisa

garyaqaan hasoo galo maansadaan soo gunaanadayo

Gaarida iyo gabanadan sidee geel xeryaha lagu xeraynaayo

Ee sangadhuudi iyo cagogaab quudhsadee ul ladabo joogo

Ee Jahiima iyo utaanga ilmada gabax ka siinaya

Galiilyooday imasaa badwayn laash la caariday

Garabkaga bidix miyaa go ay maalintaan ina gashaan waayay

Gabikalana waa nimankii noo horkacay guuldaro iyo hooga

Gunta guntu dhashay ee xoolaha agoomeed ku laba canleynaaya

Ee Gacal iyo xigaal dhexdhigay jac iyo baaruuda

Ee qoomu luudkii aydhaleen reer galbeedku gowsaha ubuuxshay

Qawsaaradan iyo gabdhahan kashbacay ee aad wada gidaarmoodo

Galinka hore qayb qaybin iyo community cusub furid bay go uqaadtaane

Galinka danbena gaaladii balagta dheerayd bay gacanta haystaani

Guruucdan gaagmareebtada dhigay ee wali usii qooqan

Gafuuraxuntan goaansatay inaan qaranimo ka dhalan gabiga somaali

Jahanama inay galahayaan oon aan loojid bixinaynin

Gullaa inoo sheegay iyo jesaska qaarkoodeh

Galadle uma gargaaro qoonkaan ceeb ka dhiidhiyine

Garaaca oo gowraca ilayn geeridu marbay nolasha dhaantaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Waaq baa iga marag ah hadii maanta la'i oran lahaa tix ku sheegan qoran sax, wallee baan 1 jabkii xitaa aan kuu quureen.

 

Ina adeer gacaliye xumaan marnaba ka ma aan wato u jeedo taas shaki yeysan kaa galin ee waxaan ku oran lahaa in taan ku iri guubaabin u qaado maxaa yeelay faanoole fari kama qodna.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Subzero Waaq baa iiga maraga hadaad intaad tiri aad tix kadhigi kardho inaad fagaaraha keeni lahayd nin la careeyey ba aad noqotide.

 

Guutooyin galiilyooday oo miirana waan soo galbinayaaye

guluc layda qarso yaan indhaha gaasku kaa galine

Share this post


Link to post
Share on other sites
Waaq baa iiga marag ah aa? Ma anigaa mise labadiinaba aqoondarraa idinka heysata macnaha Waaq? Intaan diintu soo gaarin baa erayadaa oo kale adeegsata. Marqaati Ilaahey baa lagashadaa iyo aadanihiisa ee lagama dhigto Ilaahyadii jaahiliga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You see, waxaan mooday inaad af soomaaliga iga badiso. Mise adiga urugley iyo yool-yool besaad taqaan.

 

Come on, Bishaaro :D . I did not like the usage of Waaq. It represents an era when humans were on the death rows; hanging from the cliff of ignorance. Sister, to see a Somali with sanity use it is a showy display of unawareness and playing fast and loose with words. Waaq is the imagined god of Somalis (Oromos if you like) before the message of God has arrived to them. How could a Muslim (assuming they are Muslims)dare to signify such pre-Islamic idols? redface.gif Bal aan sugo waxay ikhyaarto ku jawaabaan.

 

As for you Bishaaro aka Qalanjo, Ciyaarta naga daa afsoomaali waa naga badisaaye! ;)

 

P.S: Indha adeygayga ma la yaabteen, rag gabyaa ah baan isku taagayaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin, maanta you went searching for bones in a lions den eh? :D

 

Hopes you are familiar with "mortal compact" the game.

 

** throws two freeze balls, freezed, comes close hits with crazy uppercut fallowed by mad combination**

 

Voice: Finish Him

Another voice: flawless victory :D:D

 

Bal hada aan isku dayo in aan kuu aqoon kordhiyo xiinoow

 

Erayga: WAAQ wuxuu ka dhigan yahay Lord, God, Allah

Luqad kasta aduunka qarni kasta wey is badashaa, waxna waa ku saa’idaan waxna waa ay ka nusqaamaan.

 

Hada waxaad ka muran keentay in eryga:waaq aanu is ticmaali jirnay intaysan diintu na soo gaarin: macnaheedu na yahay qofkii isticmaala erayga:waag waa jaahil amaba diin ma heysto. Marka halkaa waxaa iiga cadaan karta labo mid: in aad primitive logic isticmaashay ama in ay sheekooyin qabyo ah aad ku maqashay.

 

Gabogabo: luqadu wey dhuntaa laakiin gef/bedci ma gasho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaboobow, noo faa'idee oo noo sheeg in Waaq ahaa magac Ilaah la caabudi jirey sida Laata iyo Cuza oo kale. Ama uu ahaa eray u dhigma Allah oo loo adeegsan karo Allaah, sida God oo kale.

 

Hadduu kan danbe noqdo waad iga garjoogtaa, aqoondarro iyo deg-deg baana isku kay biirsaday.

 

Hadduuse kan hore noqdo xeego baad toobin ku haysaa; waxaan dux laheyn baad rabtaa inaad nagu oomiso, saaxiib, ee gar qaado.

 

P.S. Guuleedyare raali ahow, ardaagaan kaa bannaday!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guutooyin galiilyooday oo miirana baan soo galbinayaaye

Gulucda qarso yaan indha qiiqu kaa gaaline

Gift baan u helay oo sidii waxiye iguma soo guurin

Waa guarded missal oo aan ku dhicin naag garays xirane

Waa geraan wareegtoo lada ah gaatamoo kale

Afartaa gubaabo gabay gogal dhigiisii dheh

Ma uganay sidii gantaal oo gees ma qabad siiyaye

Giraankalena waa gabanadan gow isoo yidhi eh

Gambooley baa lagu yiqiin hadal jid gooya a he

Mise qoonkii aan gowracayaye baad hiil wadaagtaaneh

Gabikalena waa aniga iyo gaar u hadalkayga

Gilgilay oo gubaabiyay oo wali qoortii baydhigane

Gasri hadaan ka dagay iyo gurigan geedaale

Oo aan ku guursado gabadhan guule garanaysa

Oo aan galidiyo waxii Rahmaan gaarka isiiyaye

Oo aan ka gaabsado munaafiq iyo ducfigan dabo higlaynaaya

Gartayweeye oo way igaran qoon garaado ahi

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^This is for you, little Guuleed! redface.gif

 

Markii gabayga Guuleed tirshaan gaabsadoo nacaye

Nin garaadleh waysagaa xishaa maanso gabaneed

Goos-goosad iyo iima ah inaan gafaa jeere

Markaad Waaqa soo gelisaybaan ka ganaanacaye

Iska gaabso oo aamus yaan Baashe soo ganine! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Lol.. nice thread. Aniga iyo ragga intiisa badan gabay garanmeyna ee, idinka lee waaye smile.gif .

 

FG: Ereyo eey ka mid yihiin WAAQ, WAD'AAD, GAR'AAD, QO-RA(X), GOW-RA©, BAR-RE, BAR-WAAQ(O) iyo AB iyo ISIR ayaan naga soo raacey amba ka haray luuqadii hore ee So'maaliyeed, ee sida cad xiriirka -luuqadeed iyo midka jinsiba - ulalahaa faraaciintii hore.

 

PS: there is a fellow nomad who has useful literature, thats if you are interesting in the meanings of these words.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Waa hagaag jamaaloow nagala hadal nodamkaas aniga iyo xiinfaniin ha nakala bixiyee.

 

Erayga "Waaq" Asliyan wuxuu ka soo farcamay luqada la yiraahdo(Orominya) wuxaa na lagu dhawaaqaa "Waqo" micnaheeduna yahay GOD One god to be precise.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Do the Oromos (the Muslim ones) still use it? or the usage of this name has vanished with pre-Islamic culture many moons ago?

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinow erayadan Waaq,Ilaah, iyo God waa ka horeeyeen intaan diintu ina soo gaadhin God iyo Ilaah somali badan baa isticmaasha iyadoon afkoodii ayan ahayn.Waaq waa weedha saxa ah ee udhiganta asalkeedu wuxuu doona haka soojeedee. waa kalmada somaalidii hore iyo kuwa taariikhada somaalida yaqaanaa ay wali isticmalaan. Baabka inoo diidaya inaan afkeenii hooyo waxa ku sheegno iyadoo macanihii isku midka yahay waa kee. Waxaa jirta magaalooyin iyo heeso ay ku jirto erayga Waaq qiyaastiina aan jeclahay in lagu magacaabay iyo in latiriyay diintu intay ina soogaadhay kadib sida ceelwaaq, caabudwaaq.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiinow Waaq weedhii aan ari hadaad wali daba joogto

war waa afkeenii hore oo waayo soo jiraye

war waa kii walideenteen iyo waladadii kiinka

war sedexdaasi waa waano gabay iyo waxa istusaalaneeee

Wadaad bayd gaaba baa lagu yiqiin inuu waranyar tuuraye

war waxagarad kolkuuse afka uga galaa wadhi ka yeedhaaye

war waataad supzerohaad ogayd wiish la caariday

warka noqo yaanan Washintontaad joogto wiiqa soo dhiganeee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this