Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Maagmaag

Recommended Posts

Salaan...

 

Lankii aadiis dhooro aaroodiisna geed saaree.

 

Lan banaan maroow faragshey geed ma daaraaw.

 

Hooba naar galaasa bartaa ay la aragnee, tiimbooy!

 

Lan aawka taab ingooyi aada taag man waayaw.

 

Beenta hori runta danbi ya in baasleti.

 

Lammi dheri lankii dab saaridi koowa ku bure.

 

Libeeh dhulshee inroogni jabaan sagaari leeyih.

 

Aadaa jinka guursiti aw-dheh iya kiin dilaasa.

 

Aawkey ani ku roon Aadey ani ku roon adaaba liin gale.

 

Dubu dameer li daagow baridi dhuusa baride.

 

Doora daaqshee ninkii fiiriya dhaawtiyee ma helaaw.

 

Ajuusah erti Aboodeeyaa husee mooradiyee walka ogdeh.

 

Dabeyl hoobo kooyto, lamba hindhooshee.

 

Saadaa oo geegoolee diiddi mal ingooriyaaw.

 

Habartaa mariidi kobtaa dhuntiyu.

 

Idaaley dubbud bariidi eesang is taawiyaas.

 

Seddi lankii dhatiyoo galo ke dhimadee, lankii ku dheeraado in dhiboodee, lankii in dhowna ka dheefsadee: Dab, biya ii dowlo.

 

Seddi walhaadba seddi in doron: Lan saan dheer, seefaan in dorinhe; lan sanwiin sanboor in dorinhe, lan sariir fuuline see-ete in doronte.

 

Geedkii jinkaa boode, boodowmaa haluulishi maleh.

 

Hanqi miski diimaa, gomaraa ki diimee.

 

Watariiriye madii walhalayoo is wareeriyee.

 

Dhalaan dheelaa baradi dhusuntaa far koo galiyee.

 

Lan koo hoog wiin, salaan bood may inkah dhiibaaw.

 

Lanki aawkaa taab ing gooyi Aadaa taleediyee ma waayaaw.

 

Uluma abaareed injirtiyoo mal daaraaw.

 

Lan Illaahey dhawi dhagtiis may dheegaaw.

 

Libeeh lutoobi beelinaado loo fiighiyee.

 

Daanyeer hoo waltaraw dubsheewa daboolidi fadi. :D

 

Karsiney i dubunay dhatiyo fooda ku dhume.

 

Lan alifsheey humaadi albaqri mikitoosaaw.

 

Laf eey ku daali waraabi in usubta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Arawello:

Illaahow hadaan xabad kafahmay....walee afsoomaligu waa badan yahay

Qaarkood ayaan isku deynaa in aan fasiro.

________________

 

Lankii aadiis dhooro aaroodiisna geed saaree. (Ninkii hooyadiis dhooro, sharaftiisa uu geed saaraa)

 

Lan banaan maroow faragshey geed ma daaraaw. (Nin banaan maraaya faraqiisa geed ma taabta [gaaro, yacni dhib ma arko])

 

Hooba naar galaasa bartaa ay la aragnee, tiimbooy! (Tan iyadaaba ugu fudud: Haddaa naar galeysid, bartaa yaala arkin, tiimbo! [yacni si fiican u gal])

 

Lan aawka taab ingooyi aada taag man waayaw. (Nin aabahaa soo maray, hooyadaa ma u daahaayo)

 

Beenta hori runta danbi ya in baasleti. (Tan turjumaan maba u baahno: Beentaada hore runtaada danbe ee dishaa)

 

Libeeh dhulshee inroogni jabaan sagaari leeyih. (Libaax dhulkiis joogin, fiigmo sagaaro uu lee yahay)

 

Aadaa jinka guursiti aw-dheh iya kiin dilaasa. (Hooyadaa facaa guursatay "aw-dheh" [yacni aabo ku dheh] ee kugu dilee)

 

Aawkey ani ku roon Aadey ani ku roon adaaba liin gale. (Aabaheey anigaa ka roon, hooyadeyna anigaa ka roon cadaab lagu galaa)

 

Ajuusah erti Aboodeeyaa husee mooradiyee walka ogdeh. (Cajuusa dhahday ayeeyeydeey ayaan xusaa mooradeeda ee wax ku og tahay)

 

Habartaa mariidi kobtaa dhuntiyu. (Tan anigaba ma fahmin, yacni ereyga "mariidi" ayaa ii gooye)

 

Seddi lankii dhatiyoo galo ke dhimadee, lankii ku dheeraado in dhiboodee, lankii in dhowna ka dheefsadee: Dab, biya ii dowlo. (Sadex qofkii dhexdooda galo wuu ku dhimanaa, qofkii ku dheeraadana wuu u dhiboonaa, qofkii u dhowna wuu ka dheefsanaa: Dab, Biya iyo Dowlo)

 

Seddi walhaadba seddi in doron: Lan saan dheer, seefaan in dorinhe; lan sanwiin sanboor in dorinhe, lan sariir fuuline see-ete in doronte. (Sadex wax ahaadaba sadex ayaa ugu daran: Nin saan dheer, seef aa u daran; nin sanweyn sanboor ayaa u daran iyo nin sariir saaran 'see tahay' ayaa u daran)

 

Dhalaan dheelaa baradi dhusuntaa far koo galiyee. (Dhalatooy (mise ciyaal) ciyaartaa bartay dabaduu far kaa galinaa)

 

Daanyeer hoo waltaraw dubsheewa daboolidi fadi. (Daanyeer haduu waxtaraayo, dabadiis uu dabooli lahaa)

__________________

 

Intaas ha inoogu joogto.

_________________

 

Xiinka, duqa speaking of xiin faniinka, Sayidka oo af Maay ku hadlaayo ma maqashay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Here's one af maay maahmaah:

 

Af waakan meylaga aamee

 

 

Xiinka, duqa speaking of xiin faniinka, Sayidka oo af Maay ku hadlaayo ma maqashay?

MMA, sayidka qofkii Ibriiq dhaho qoorta uu ka jari jiray, awoowgiis la shidka. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-

Xiinka, duqa speaking of xiin faniinka, Sayidka oo af Maay ku hadlaayo ma maqashay? [/QB]

MM, yaa oghee? Ninku caadi ma aheyn! :cool:

 

Malaha waad maqashay darwiishkii reer-koonfureedka ahaa ee Sayyidku maaraada u waayeey ee subax walba kula soo jarmaadi jirey Sayyidii gabay aa ihaaya. :D

Maalintii danbe baa Sayyidku yiri war bal sheeg waxaa ku hayya! Hadda maxaa ka danbeeyey.....

 

I guess Bishaaro knows the rest of the story.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Noorah   

Af Soomaaligii caadiga ahaa ayaaba loo maara la'yahayee oo dhalinyarada nuskood ka tagay( :( ) ee ma waxaad sugaysay kan in la fahmo?

 

It would be interesting to hear it spoken though :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Af waakan meylaga aamee

Maah maahda haku ciyaarin nooh. Yac! 'Waakan' kulahaa. Af waakoow meyliki aamee dheh. Bishaaro aa lagu cuni lahaa maxaa kale.

 

Heesta uu Shimaali qaadaayo ma dhageysatay, oo "Kalifoorniyaa tagee Kanada markaan u socdo anigoo kulyeeri..." ereyo Maay uu hoosta ka galinaa ku darsanaa, ma xasuusti hada.

 

Xiinka, Siidka wuxuu dhahay markuu Sheekh Aweys ugu yimid Tiyeegloow (Biyooleey), markaasna codsaday ciidamo ama uu dagaal ka bilaabo Koonfurta, sheekha wuxuu ugu jawaabay, "Dagaal ma fadaana."

 

Aw Siidoow waa xanaaqay, awalba seef labood uu iska ahaa, laakiin maadaama uu deegaankiis joogin wuxuu lasoo booday, "Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin!"

 

It would be interesting to hear it spoken though

Listen to this Mal ii karoow song if you want to hear af Maay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

War waxani ma luuqad soomali baa ? :confused: and how long will take me to learn??

 

but heard abt the story,,,GABAY AA IHAYA,lol :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

Why would Sayidka say: af gaalo ama af muslim ku hadla. I thought he knew southeren people were muslims. Mise luqada aa ka dhigtey gaalo. He was a hero; freedom fighter; a mujaahid who fought against gaalo; and a mad man who carried massive killig agains koonfur people. was he basically the epitome of all ? There are rumours that his soldiers killed Sheikh Awies.

 

:confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Originally posted by Bakar:

Why would Sayidka say: af gaalo ama af muslim ku hadla. I thought he knew southeren people were muslims. Mise luqada aa ka dhigtey gaalo. He was a hero; freedom fighter; mujaahid who fought against gaalo; and mad man who carried massive killig agains koonfur people. was he basically the epitome of all ? There are rumours that his soldiers killed Sheikh Awies.

 

:confused:

Some of the practices in those areas were condtractictory to the preaching of the sayid,thus he may have killed some,including Awies.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

His, Siid Cabdille's, suufi tariiqa was Saalixya, while Sheekh Aweys auspiced Qaadariya brotherhood, which always was neck to neck, competing for new members. Also a third called Axmediya existed.

 

Sheekh Aweys, whose grave is said if one visited seven times in Biyooleey is equivalent of visiting Makka, was assasinated, allegedly, by followers of Siidka at his base near Tiyeegloow, later becoming known Biyooleey.

 

My abti completely memorized many poems of Siidka, readily reciting it to anyone who wanted to hear it anytime, day or not. I never understood them from him, though.

_____________

 

Waraada maxaa waaye af qalaadka aan ku qoraaye meeshaan maadaama kaliya af Soomaali loogu tala galay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this