Sign in to follow this  
Umm al_khair

Faa'iidooyin yar-yar

Recommended Posts

Bismillaah.............As salaamu calaykum wa raxmatulaah.

 

Bacda-salaam waxan halkaan inoogu soo gudbin Faa'iidooyin yar-yar inshaAllaah.

 

Waxan u qoray hab su'aal iyo jawaab ah, marka hore isku day inaad ka jawaabto su'aasha ka dib eeg jawaabta si aad u aragto intii aad asiibtay baarakalaahu fiik.

 

1-Hadii madaxu ku xanuuno oo qandho"xumad" ku qabato maxad sameyn?

 

1-Waxad soo qaadan maro yar ood biyo qabow dhex galin.......ka dib ka maroojin biyihii ka dib madaxa saaran si uu kuugu qaboobo.........waana inaad nasataa.

 

2-Hadii maro dhiig ku daato maxaad ku maydhi ama ku dhaqi? biyo noocee ah?........biyo kulul?.......kuwo qabow?........mise biyo qandac ah ama diiran?

 

2-Dhiig oo dhan haduu maro ku daato waxaa lagu mayraa ama lagu dhaqaa biyo aad iyo aad u qabow.......si uu kalarkii u zuulo.........hadaad biyo kulul ku maydho ama ku dhaqdo wax ka fujin kara kalarkii ma lahan ilaa bleach" ama jafekis "warankiilo" ma ahane.

 

 

3-Hadii ay xanjo ama luubaan kaaga dhagto maradaada ama shay kale sideed uga fujin ood uga goyn?

 

3-hadii ay maro kaaga dhagto luubaan .........maradiii waxaad galisaa firintijeerka ama talaagada meesha sare oo aadka u qabow.......markay adkaato xanjadii ama luubaantii baad ka ja-jabin. ka dib way ka fuqi.......hadii ay xanjadii"luubantii" wax kale kaaga dhagtona waxaad isticmaali "saliid"......ama oil...........ood uga fujin.

 

4-Barkinta aad ku seexato hadii ay wasaqowdo maxaad sameyn?

 

4- Waad mayri ood dhaqi kuligeed ood qalajin ka dib .....ayada iyo sajaadada ama saliga lagu tukado waa la mayraa labadoodaba markay wasaqooban.

 

5-Sida ugu wanaagsan ee dadka wax loo baro waa sidee?

 

5-Waa in marka hore su'aal ahaan loo waydiiyaa waxii aad baraysay si ay qofkii maskaxdiisii usoo jeesato ........ka dib arintii ka fikirto jawaabteedii.........marka ka dib qofkii la siiyo jawaabtii saxda ahayd si fiican bay maskaxdiisu u qabsan jawaabtii markaa.

 

6-Maxaa kaa caawinaya inaad subaxii nashaad ku soo toosto?

 

6-Waxaa kaa cawin inaad nashaad kusoo toosto.....inaad cadayato intaadan seexan..ood weeso qaadato......Aayatul kursi iyo adkaartii kale aqrisato....hadaad awoodo inaad dhulka seexato aad seexato.

 

 

7-Maxaa ugu muhiimsan labada is qaba inay ka dhaxayso?

 

7-Diin inay iskula dhaqmaan ka dibna Saaxiibtinimo iyo Naxariis.....hadii ay saaxiib noqdaan wax walba way ka wada hadli karan ooy heshiin karaan .....isku sheegan karaan waxa qof walba jecel yahay iyo waxa dhiba oo uu rabo inuu qofka kale ka daayo ama ka joojiyo .......buuq la'aan iyo niyad fiyoobi ayagoo ku dhamaysta wax walba ......haday isku naxariistaana .........qofba qofka kale buu u turi oo ma dhibayo..........waxii qofka kale farax galinayana wuu ku dadaaali.

 

8-Maxaa ugu wanaagsan ee lagu maydhaa ama lagu qubaystaa? ma gacanta kaliya baa lagu"qubaystaa" iyo saabuun?

 

8-Waxaa fiican inaad isbuunyo isticmaasho.....ood isku xoqdo si maqaarkaagii dhintay kaaga soo go'o.....markaa wax wasaq ah kuguma harayso iyo madow ziyaado ah oo awalba ka yimid maqaar dhintay oo ku dul saarnaa :_)

 

9-Sidee ugu wanaagsan ee wax loo bartaa?

 

9-Waa inaad qortaa waxii aad barato iyo waxii faa'iido ah oo kugu soo dhaca si aadan u hilmaamin "qayidul cilma bil-kitaaba" ku gunta cilmiga qoraal.

 

 

Wasalaaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Jazaakallaah Kheyr Ukhtii Muslimah, waa faa'iidooyin aad iyo aad muhiim u ah oo aad u khuseeya nolol maalmeedkeena, shukran walaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mafia   

Aad ayadd ugu mahadsantahay walaal mawduucan/talooyinkan muhimka ah. I'm looking forward inshaa-Allah inaad waliba sii badiso, as I always like to read your posts!!

 

Shukran

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this