Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kowda Luulyo--Happy Independence Day

Recommended Posts

Roome, Talyaaniga - 2014

 

 

 

Xuska 1da Luulyo Oo Lagu Qabtay Safaarada Soomaliya Ee Wadanka Talyaaniga

 

kkk

 

dada

 

Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa xalay lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Roma ee dalka talyaaniga,waxaana kasoo qeybgalay diplomaasiyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya,mas’uuliyiin ka tirsan dowladda talyaaniga diplomaasiyiin ka tirsan safaaradaha Caalamka ee fadhigoodu yahay Roma iyo jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan talyaaniga.

 

Dadweynihii kasoo qeybgalay xaflada ayaa muujinayay sida ay ugu faraxsanyihiin xuska sanad guuradii 54-aad ee kasoo wareegatay xornimada Soomaaliay waxaana goobta lagu saaray calanka jamhuuriyadda soomaaliya saqdii dhexe ee xalay.

 

Mas’uuliyiintii goobta ka hadashay oo ay ku jireen xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda talyaaniga iyo diplomaasiyiintii kale ayaa ugu hambalyeeyay shacbiga soomaaliyeed sanad guuradii kasoo wareegatay markii ay somalia ka xurowdey gummeystihii.

 

Marwo Safiya ku simaha safiirka safaaradda soomaaliya ee dalka italy ayaa ka hadashay marxalidihii kala duwanaa ee loo soo maray gobannimada somalia waxeyna ku ammaantay geesiyaashii keennay xornimada doorkii wanaagsanaa oo ay qaateen.

 

Sidoo kale mas’uuliyiinta safaarada soomaaliya ee dalka talyaaniga ayaa casho sharaf u sameeyay madaxdii iyo shacabkii kasoo qeybgalay xaflada ,iyadoo munaasabaduna kusoo dhamaatey jawi aad u farxad badan.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

MMA,

 

3dii sano ee ugu dambaysay keligaa ayaa halkan 1da Luulyo uga dabbaal degay!.

 

Waa 2 mid uun, ama sol aa dhimatay ama dadkii waddaniyaddii baa ka dhamaatay!.

 

Mar uun bay igu soo dhacday inaan halkan soo siyaarto. Waan idin slaamayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Koowda luuliyo is not a day to celebrate there is no independence in somalia because the country is occupied by Amisom and there is certainly no longer a union between Somalia and Somaliland. so what is there to celebrate

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.