Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kowda Luulyo--Happy Independence Day

Recommended Posts

Malaysia - 2013

 

Malaysia iyo dabaaldega maalinta xornimada Soomaaliya ee 1 da Luulyo

 

2.jpg

 

81.jpg

 

11.jpg

 

19.jpg

 

7.jpg

 

Munasabada si heer qaran ah loo soo agaasimay laguna dabal degayay 53 sano guradii ka soo wareegatay maalintii gobolada konfureed ka xorooben gumestihii Britain, iyo weliba midowga gobolada konfur iyo waqooyi kana soo qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee somalida Malaysia ayaa habeenimadii xalay ahayd ka dhacday mid ka mid ah hotelada ugu caansan dalka Malaysia oo lagu magacaabo hotel Kualalumpur.

 

Munasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen midowga ardayda somaliyeed ee dalka Malaysia ee loo soo gaabiyo “SSSM” ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda jaaliyada somaliyeed ee dalka Malaysia, madax ka socotay safarada somaliyeed ee dalka Malaysia, qaar ka mid ah fanaaninta hobolada Walalaha KL, Abwaan Maxamed Deeq ALPHA, dhamaan ardayda somaliyeed ee gobolada kala duwan ee dalkani wax ka barta, iyo weliba ajaanib xiiseysa dhaqanka suuban ee dalkeena, sida ciyaar dhaqameedka dhaantada.

 

Ugu horeyna waxaa xaflada furay gudoomiyaha midowga ardayda somaliyeed ee Malaysia Abdulahi Mohamed Ali “Sultan” oo Hambalyo ku aadan munasabada 1-da luulyo hawada u mariyay dhamaan shacab waynaha somaliyeed gaar ahaan somalida reer Malaysia ee u gudoomiyaha u yahay.

 

Sidoo kale waxaa xaflada ka hadlay wafti ka socday safarada somaliyed ee dalka Malaysia oo guud ahaan ummadda somaliyeed hawada u mariyay hambalyo ku aadan munsabadan qiimaha badan ee xuska maalinkii calan somaliyeed oo xor ah laga taagay ciida somaliyeed.

 

Abaaro 12:00 saq dhexe markay Saacadu isku taagtay ayaa mar qura waxaa howlkii xaflada ka jirtay is wada qabsaday sacab iyo weliba luxida calanka, waxaana la saaray calankii Qaranka astaantii qaranka laga shanqariyay.

 

Munasabadaan ayaa intii ay socotay waxaa ciyaraha Hidaha iyo dhaqanka ku so bandhigay dhalinyaro yar yar oo aad iyo aad jaanta iyo ciribta iskula helayay, sidoo kale waxaa heeso live ah oo u badna heeso wadani ku soo bandhigay fananiinta walalaha KL, ee uu hogaamiyo alfanan ciise gubta iyo weliba fananada qaran ee Tufax Darajo oo munasabada awgeed ugu timi wadanka Finland.

 

Isku soo wada duboo xafladan ayaa noqonaysa midii ugu abaabulka wanagsaneed uguna bilicda quruxsaneed marka loo eego sida loogu soo shaqeeyay iyo isku xirka ka dhaxeeyay guud ahaan howlwadeenada xaflada, waana markii ugu horeysay ee xaflad lagu mamusayo malinta xornimada lagu qabto hotel ka mid ah hotelada ugu caansan magaalada, madama munasabadihii hore lagu mamusi jiray mid ka mid ah jamacadaha ay ardayda somaliyeed u badnayeen.

Lasii socda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;966293 wrote:
Here, for your pleasure.

 

Bunnik, Holland - 2013

 

 

 

Thank you so much for sharing this sxb. I've already seen that video on Youtube but it was more xaflad dugsiyeed and not about 1 Luulyo.

 

I hoped reer Olland would celebrate like in london and sweden iyo wadamada kale :rolleyes:.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Helsinki, Finlaan - 2013:

 

Xuska 1-Luulyo oo si weyn loogu dabbaaldagay magaalada Helsinki

 

10.jpg

 

16(1).jpg

 

26.jpg

 

14.jpg

 

Munaasabada 1-da Luuliyo oo ah xilligii gobalada koonfureed ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga isla markaana ay israaceen gobalada Koofur iyo waqooyi ayaa xalay waxaa si la yaab leh looga xusay magaalada Helsinki ee dalka Finaland.

 

Munaasabaddaas oo lagu qabtay xarunta ururka dhalinyarada ee KANAVA ayaa waxaa si wadajir ah usoo qaban qaabiyey ururada dhalinyarada Kanava & Sateenvarjo. Xafladdaas ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyadoo halkaasi ay ka hadleen masúuliyiin, aqoonyahanno, salaadiin, haween iyo dhalinyaraba. Masuuliyiintii halkaas ka hadlay ayaa waxa ay ku nuuxnuuxsadeen qiimaha ay leedahay maalinta, iyagoo umadda soomaaliyeedna ugu hambalyeeyay munaasibadda qiimaha badan ee 1da luulyo. Waxayna umadda soomaaliyeed kula dardaarmeen iney ilaashadaan midnimadooda & xorriyaddooda, meelna uga soo wada jeestaan kuwa aan rabin qaranimada soomaaliya.

 

Masuuliyiintii halkaas ka hadashay ayaan ka xusi karnaa Suldaan Xuseen, Maxamed Axmed Yabarow, Sh. Maxamed Xasan Yuusuf, Suldaan Abshir, aqoonyahan C/risaaq Xasan Maxamed iyadoo magaca haweenkana ay ku hadleen marwo Luul Xasan Cabdi & marwo Salaado kuwaasoo si gooni ah ugu guubaabiyey haweenka soomaaliyeed iney u midoobaan una kacaan samatabixinta umadda soomaaliyeed iskana ilaaliyaan qabyaaladda & qurunka burburiyey dalkeenna. Xafladdaas ayaa lagu soo bandhigay riwaayad lagu magacaabo Xorriyo oo ay dadkii daawanayey ay aad ula dhaceen. Riwaayaddaas oo uu allifay Maxamed Cali Yaanyo ”Inj. Goobe” ayaa waxaa ku wehliyey carruur & dhalinyaro uu isagu dhalay oo tilmaamo ka bixinayey xorriyada & dhalinyarada.

 

Waxaa sidoo kale halkaas lagu soo gabagabeeyay tartan kubadda cagta oo ah oo loo qabtay dhalinyarada da´doodu ka hooseyso 15 sano, iyadoo ay kasoo qayb galeen dhalinyaro ka kala timid magaalooyinka Helsinki, Espoo, Vantaa, Oulu & Vaasa. Waxaa halkaas koobab, billado & shahaado sharafyo gudoonsiiyay dhalinyaradaas masuuliyiin, ciyaartoy & garsoorayaal barisamaadkii magac ku lahaa dalkeenna, waxaana kamid ahaa: Garsoore Maxamed Axmed Yabarow, garsoore Cismaan Cabdi Jeelle, Cali Shariif, Ibraahim Axmed Takar, Xuseen Aarow, C/risaaq Xaaji Xuseen, Siciid Jaamac Guuleed iyo masúuliyiin kale.

 

Waxaa sidoo kale abaalmarinno lagu guddoonsiiyey saddex dhalinyaro ah oo ku guuleystay tartan aqooneed loo qabtay ardeyda da´doodu ka hooseeyso 18 jir, waxaana gudoonsiiyey macalimiinta kala ah: Maxamed Cabdi Alifley, Xabiibo Axmed & Caadil Ismaaciil.

 

Waxaa xafladda heeso waddani ah oo isugu jira kuwii hore & kuwo cusub dadweynihii kasoo qeybgalayna aad u qiiro geliyay ka qaadayey fannaanka da´da yar ee reer Helsinki fannaan Aweys Cali Shaambax, & korneyl C/laahi, waxaana garabkooda buuxinayey fannaanadda weyn ee Xaliimo Boolaay. Iyadoo uu halkaasina gabayo waddani ah oo qiiro leh uu kasoo jeediyay abwaan Inj. Axmed.

 

Isku soo wada duuboo xafladdaas ayaa lagu soo gaba gabeeyay jawi aad u macaan oo ay ku dheehan tahay farxad & damaashaad.

Finlaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiinaha - 2013

 

Munaasabadda 1da Luulyo ee Lagu Dhigay Magaalada Nanjing ee dalka Shiinaha

 

IMG_7148.jpg

 

IMG_7116.jpg

 

IMG_7285.jpg

 

IMG_7254.jpg

 

IMG_7181.jpg

 

IMG_7187.jpg

 

Magaalada Nanjing ee dalka shiinaha waxaa lagu dhigay Xaflad ay si weyn u soo qabanqaabiyeen guddiga Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha kala duwan ee magaaladan, iyadoo kazoo qeybgalayaasha munaasabadda ay intooda badan ahaayeen Arday soomaaliyeed iyo Arday ka kala socota wadamo farabadan.

Xaflada waxaa khudbad qiimo leh oo ku wajahan munaasabadda 53aad ee Xoriyadda Soomaaliya ee 1da Luulyo ee midowga gobolada waqooyi iyo koonfur oo gumaystaha ka xuroobay Guddoomiyaha SOMESTA (Somali Medical Students Associations) Ibraahim Maxamed Nuur, wuxuuna kula dardaarmay dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee dalka Shiinaha wax ku barta inay midnimadooda ilaaliyaan isla markaasna ku xisaabtamaan in dalkooda wax u qabtaan.

Dhanaka kale waxaa magaca ardayda wax ka barata Jaamacadda Southest ku hadlay mas`uuliyiin matelayay iyadoo dhanka Aaladda Maqalka iyo muqaalka uga qeybgalay Guddoomiyaha guddiga SSUJ ee wax ka barata Jaamacadda Jilin ee dalka Shiinaha Axmed Nuur Warsame Iidle.

Ugu dambeyn waxaa halkaasi lagu soo bandhigay qeybaha kala duwan ee ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka, iyadoo Abaalmarino Isboortiga lagu guddoonsiiyay ciyaaryahanadii iyo kooxihiisa Munaasabadan ka qeybgalay.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.