Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kowda Luulyo--Happy Independence Day

Recommended Posts

Bristol, Ingiriiska -2013

 

Dabaaldega 1da Luulyo oo lagu qabtay Magaalada Bristol ee wadanka Ingariiska

 

Xaflada lagu xusayay 53 guuradii ka soo wareegatay maalintii ay dadaka Soomaaliyeed qaateen xuriyadooda ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Bristol ee wadanka boqortooyada ingariiska.

Xafladaas oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybqaatay dadweyne aad iyo aad u fara badan oo aad wejiyadooda ka dheehan karto farxad iyo reynreyn.

Xafladaas waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyada Bristol. Martisharaf ka kala yimid magaalooyin kale sida London, Birmingham, Leicster, Northhampton, Coventry, Gloucster, Sweindon iyo Milton Keynes ayaa iyagana waxay qeyb libaax leh ka qaateen munaasabada xuska 1da Luulyo

Mayorka Bristol, Xildhibaano dowlada hoose iyo tan dhexeba sida Lord Mayor Farouk Choudry, Hibaq Jama, Margret iyo Miss Hickman wwwy ka qeebqaateen munaasabada waxayna ka jeediyeen qudbado qiimo leh iyagoo xanbaarsan calanka quruxda badan een buluuga ah.

Barnaamijkaan wuxuu ahaa mid si LIVE ah uga baxaayay RoyalTV. Faanaaniin waaweyn ayaa habeenkaas wacdaro ka dhigay magaaladan Bristol. C/risaaq Gaadaco, Kaltuun Bacado, Jihaan jalaqsan, Nabiil iyo C. Amoore ayaa heeso aad iyo aad u macaan ka qaaday goobta.

Fanaanada da da yar ee reer Jabuuti, kuna nool magaalada Bristol ayaa iyana aad iyo aad loola dhacay heesaha aya meesha ka qaaday.

Xafladaas oo guul ku dhamaatay ayaa waxaa la sheegay inay aheed xafladii 1da Luulyo ugu qurruxda badneed ee ka dhacda meel ka baxsan wadanka Soomaaliya.

Waxaa mahadnaq balaaral loo jeediyay Mudane Axmed Xasan Geedoow oo ahaa abaaulaha xaflada.

 

sa11.jpg

 

saw3.jpg

 

saw6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

MMA qoordhereeydhaan yaa waaye? ma ta la yiri baarlamarka UK or something along those lines bey ku jirta.

 

Oh yeah & best of merries on July 1st SOMALIA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

NORWAY OSLO 1 Luulyo

 

 

 

Happy independence day!! Like somalis never knew what independece was prior to the British & the italians... yall niggers are sum fools

 

PS; WE NEED MORE HAG PPL in Norway hihihih

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

i'm missing Olland!, ma istiri! Where is the so called "Somalische Associaties Nederland (FSAN) " what have they done in Amsterdam or Denhaag!

 

 

:eek: can't find a single video/news in Dutch about Somalia's Independence day on the internet. Please share!

I wish i was the organizer of this event!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rawla, mid kaa qoordheer aragtaa miyaa finally? 058.gif

_____________________

 

Turkiga - 2013

 

Dalka Turkiga Oo Si Weyn Looga Xusay Munaasabadda Koowda Luulyo

 

350nlmv.jpg

 

9uvj9e.jpg

 

2i1nntg.jpg

 

2n8ohly.jpg

 

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay Munaasabadda 1da Luuliyo oo ah 53 guuradii ka soo wareegatay maalinta Xornimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

 

Xafladani oo ay soo agaasintay safaaradda JF Soomaaliya ee Dalka Turkiga ayaa waxaa ka soo qeyb galay, Wasiiradda Adeega Bulshadda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mrs. Maryan Qasim, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee dowladda Turkiga Safiiro iyo Diblomaasiyiin ka kala socday Dhammaan safaaraddaha Caalamka ee ku yaala Dalka Turkiga, Madax sare oo ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Turkiga, shacabka Soomaalyeed ee Ku dhaqan Dalka Turkiga, Ardayda wax ka barata Dalka Turkiga iyo Marti Sharaf Kale.

 

Xafladani oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay Safiirka JF Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Danjire Maxamed Mursal, Wasiiradda Adeega Bulshada Mrs. Maryam qasim iyo wasiirka Macdan iyo Biyaha ee Dowladda aan walaalaha nahay Turkiga Veysel Eroğlu ayadoo dhammaan madaxda ay ka hadashay muhiimadda ay ku fadhido maalinka Xornimada, xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo horumarka ay Dowladda JF Soomaaliya ku talaabsanayso.

 

Xafladda ayaa ku soo gabagabowday jawi aad u qurux badan.

Sawiro kale

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hindiya - 2013

 

Dalka Hindiya Oo Laga Xusay Koowda Luulyo

 

nbezxu.jpg

 

35c36ee.jpg

 

2nq8v47.jpg

 

 

 

Koowda luulyo oo ku beegan sanad guuradda 53-aad ee ka soo wareegatay, markii ay xorriyadda qaateen Goballada koonfureed ee dalka, ayna la midoobeen Goballada waqooyi ee Soomaaliya ayaa caawa laga xusay magaalada Hyderabad ee Dalkan Hindiya.

 

Xaflad balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka SURAD (Somali Students And Community Organisation), ayna ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan Hyderabad, ayaa ka dhacday isla magaaladan Hyderabad.

 

Xafladda oo bilaabatay abaara 8-dii habeenimo ee waqtiga magaalada Hyderabad, ayaa lagu soo bandhigay barnaamijyo lagu weynaynayo xuska kowda luulyo, waxaana munnaasabada khudbado ka soo jeediyey culumo awdiin, aqoonyahanno, arday, iyo qaar ka mida hooyooyinka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan Hyderabad.

 

Gudoomiyaha Ururka SURAD ee ay ku midaysan yihiin Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalkan Hindiya, Suheyb Cilmi Dhuxulow oo munaasabadda daah furay, Ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Munaasabadda Kowda luulyo, Waxaana Gudoomiyuhu ku taliyey in wada jirka ummada la xaqdhowro.

 

Faadumo Olol oo ka midda Hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Hyderabad, Ayaa iyaduna ka sheekeysay Muhiimadda ay ku fadhiso Maalintani, Waxaanna Faadumo Olol ay ugu duceysay Ummadda Soomaaliyeed in dhibta ragaadsatay Rabbi ka dulqaado.

 

Qaar ka mida aqoonyahannadii xafladan ka hadlay ayaa iyaguna ka sheekeeyey muhiimada ay maalintan kowda luulyo ugu fadhiso ummada soomaaliyeed, iyagoo wax ka taabtay taariikhdii halgankii loo soo maray xorriyad ku soo dabaalida dalka, oo ay sheegeen in geesiyaal soomaaliyeed ay naftoodii ku waayeen.

 

Munnaasabada oo socotay saacado badan ayaa laga soo jeediyey khudbado, gabayo, iyo suugaan kala duwan oo looga hadlayey qiimaha ay ku fadhiso maalintan kowda luulyo, waxaana gabayadii halkaa laga soo jeediyey ka mid ahaa gabay guubaabo ahaa oo goobta uu ka mariyey Amiin Cali.

 

Sidoo kale, waxaa xafladda lagu soo bandhigay ruwaayado ka turjumayey micnaha ay xorriyadu leedahay iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqabka, waxaana ugu dambeyntii markii saacadu ay soo gaadhay 12-kii habeenimo la saaray calanka jamhuuriyadda soomaaliya, markaa oo ka soo qeyb galayaashu ay si saf balaarana ugu istaageen heesta calanka.

 

Kowdii luulyo waxay asqeysan tahay, markii goballada koonfureed ay ka xorroobeen gumeystihii talyaaniga, lana midoobeen walaalahooda waqooyiga Soomaaliya, waxaana maalintan sanad waliba si weyn looga xusaa meelaha gudaha dalka iyo meelaha caalamka ay soomaalidu kaga sugan yihiin.

Sawiro kale

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayroobi - 2013

 

Xuska 1 luulyo Sida Looga Xusay Magaalada Nairoibi

 

2.jpg

 

3.jpg

 

4.jpg

 

5.jpg

 

2ed3386.jpg

 

Inta badan magaalooyinka dalka Kenya oo ay Soomaalida ku nool yihiin ayaa si weyn looga xusay munaasabadda 1-da Luulyo.

Magaalooyinka Nairobi,Mombaasa.Eldoret,iyo Nakuru oo ay dagan yihiin Soomaali badan ayaa laga xusay sanad guurada 1-da Luulyo ee 53-guuradii kasoo wareegtay markii gobollada Konfureed ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga ahna israacii gobollada Waqooyi iyo Konfureed.

Magaalada Nairobi waxaa ka dhacay mid ka mid ah munaasabadihii ugu weynaa ee xuska 1-da Luulyo iyadoona ay kasoo qeyb galeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dahqan magaalada Nairobi.

Kooxda Fanaaniinta Waayaha cusub ayaa soo qaban qaabiyay xuska 1-da Luulyo iyadoona safaarada Soomaalida ee Kenya ay maalgelisay xaflada.

Shiine Akhyaar oo ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ee dalka Kenya, ahna gudoomiyaha Waayaha Cusub oo munaasabadda furay ayaa sheegay in jaaliyadda Soomaaliyeed oo kaa shaneysa safaaradooda ay guul weyn u tahay in ay qabtaan xafladda dabaal dega xuska kowda Luulyo oo ah maalin ku weyn shacbiga Soomaaliyeed.

Qunsulka safaarada Soomaliya ee Kenya Siyaad Maxamuud Shire oo ka hadlay munaasabada ayaa shacbka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay faraxada xuska kowada Luulyo.

Siyaad ayaa qeexay in Soomaaliya ay martay waddo wanaagsan waxii ka dambeeyey markii gumeystayaasha Talyaaniga iyo Ingiriiska ay ka xurowday 53-sano kahor.

Safiirka Soomaliya ee Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo qadka taleefoonka kaga qeyb galay xaflada isagoo ku sugan wadanka Canada ayaa shacabka Soomaaliyeed ee degan Kenya ku amaanay sida ay ula shaqeeyaan safaaradooda ayna ugu taagan yihiin muujinta maalmaha qiimaha weyn ku leh umadda sida 1-da Luulyo.

“Anigoo ku hadlaya magaca safaarada Soomaaliya ee Kenya iyo kan dowlada Federaalka waxaan leenahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan sanad guuro wanaagsan, ka shaqeeya midnimada,waad ogatihiin halgankii loo soo maray xorriyada waxaan ku weynay geesiyaal badan”sidaas Ameeriko ayaa ku yiri shacabkii kasoo qeyb galay munaasabadda.

 

Kooxda Waayahaya Cusub oo ay wehliyaan fanaaniin ka timid wadamada Yurub ayaa goobta kusoo bandhigay madadaalo iyo Heeso ay jecleysteen dadkii kasoo qeyb galay xaflada.

 

Shacabkii Xaflada joogay ayaa aad gacmaha ugu luxayay heesaha ay caanka ku yihiin Waayaha Cusub ee Raabka iyo kuwa kale ee caadiga ah.

 

Ugu danbayntii waxaa la saaray calanka Soomaaliya iyadoo Abwaan Shiine Akhyaan Gudoomiyaha Waayaha Cusub iyo Fanaaniinta kale ay cod sare ku qaadeen heesta calanka Soomaaliya.

 

Sababa laxiriira amaanka ayaa habeenkii 1-da bisha loo baajiyay munaasabada Luulyo ,iyadoona kadib markii lagu guuleystay sugidda amaanka lagu qabtay xaflada fagaaraha weyn ee Easlieght high oo ku yaala xaafada Soomaalida ee Islii.

 

Xafladda ayaa waxay kusoo dhamaatay jawi wanaagsan, iyadoona safaarada Soomaaliya ee Kenya iyo Kooxda fanaaniinta Waayaha Cusub ay siwada jir ah ugu mideysnaayeen qabashada Xuska 1-da luulyo.

Once again, Nayroobi has the biggest crowds for Kowda Luulyo -- three years in a row

Share this post


Link to post
Share on other sites

Koonfur Afrika - 2013:

 

Sida Munaasabada 1-da Luulyo looga xusay Koonfur Afrika

 

73.jpg

 

53.jpg

 

42.jpg

 

Munaasabada 1-da luulyo ayaa si weyn looga xusay dalka Koonfura Africa halkaasi ay ku weyneeyeen shacabka Soomaaliyeed ee magan galsaday dalkaasi.

Waxaana kala qeyb galay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Koonfura Africa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kambaala - 2013:

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif oo Kampala uga qeyb galay munaasabada 1da Luuliyo

 

kamballa_xuska_1da_luuluyo-2-620x465.jpg

 

kamballa_xuska_1da_luuluyo-4-620x465.jpg

 

kamballa_xuska_1da_luuluyo-3-620x465.jpg

 

kamballa_xuska_1da_luuluyo-1-620x465.jpg

 

Munaasabad si heer Qaran ah loo soo qaban qaabiyay oo uu uu ka soo qeyb galay Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Cabdi samad Macalin Maxamuud iyo xildhibaano luguna xusayay 1-da Luuliyo ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Kampala ee caasimada wadanka Ugandha.

 

Munaasabada oo ay soo qaban qaabisay Safaarada Soomaaliya ee wadanka Uganda ayaa waxaa ugu horen furay Safiirka Soomaaliya ee wadanka Ambassador Sayid Ahmed Sheekh Daahir iyo Xog-hayaha Kowaad ee Safaarada Cali Maxamed (Khadar) kuwaasi oo mas’uliyiinta ugu mahad celiyay sida wanaagsan oo ay uga soo qeyb galeen Xuska maalinta 1-da luulyo oo ah maalin Umadda Soomaaliyeed ku weyn meel walba oo ay Dunida ka joogaan.

 

Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Qudbad uu ka jeediyay munaasabada ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed in ay hal meel uga soo wada jeestaa kuwa diidan jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed, lana taageero dowlada Federalka ah si loo gaaro nabbad iyo xasilooni taam ah.

 

Intaasi kadib uu Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed Salaan sharaf ka gudoomay saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaasi oo xalay Saqdii Dhaxe Calanka Jamhuuriyada ka taageen goobtaa ay munaasabada ka dhaceysay.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gothenburg, Iswiidhan - 2013

 

Xaflad qurux badan oo lagu xusayay 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Magaalda Gothenburg

 

swedan_jully_9.jpg

 

swedan_jully_12.jpg

 

swedan_jully_14.jpg

 

swedan_jully_18.jpg

 

swedan_jully_22.jpg

 

Waxaa xalaytoole magaaladan Gothenburg lagu dhigay xaflad aad u qurux badnayd oo lagu maamuusayay munaasabadda 1-da Luulyo oo ah maalintii ay xoroowday koofurtu iyo israacii labadii gobo lee woqooyiga iyo koofurta Soomaaliya sanaddii 1960-kii.

 

Munaasabaddan oo aad u qurux badnayd ayaa waxaa ka hadlay marti sharaf, fanaaniin, abwaanno iyo dad kale oo ka tirsanaa bulshawaynta Gothenburg, waxaana dadkaasi ka mid ahaa Sheekh Cabdi Rashiid, Ibraahim Qalinle, Colonel Cumar Jaamac Cali Jiir iyo Sacdiyo Soomaali.[/quote[

 

Sii fiirso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abbaas;966251 wrote:
i'm missing Olland!, ma istiri! Where is the so called "Somalische Associaties Nederland (FSAN) " what have they done in Amsterdam or Denhaag!

 

 

:eek: can't find a single video/news in Dutch about Somalia's Independence day on the internet. Please share!

I wish i was the organizer of this event!

Here, for your pleasure.

 

Bunnik, Holland - 2013

 

1da Luulyo oo laga xusay Magaalada Bunnik ee dalka Nederland

 

bunnik1.jpg

 

6.jpg

 

16.jpg

 

Xaflad lagu maamusayey munaasibada 1-da Luulyo ee xornimada Soomaaliya ayaa shalay lagu qabtay magaalada Bunnik oo ka tirsan gobolka Utrecht ee bartamaha dalka Holland, taasoo ay ka soo qeyb galeen jaaliyada Soomaalida ee nool magaalooyinka Zeist, Bunnik iyo Utrecht.

 

Xafladan ayaa waxaa lagu casuumay oo ka soo qeyb galay duqa magaalada Bunnik Hans Martijn Ostendorp iyo madax ka tirsan hayáda caawisa qaxootiga ee wadanka Holland, waxaana goobta xaflada lagu soo bandhigay heeso ka tarjumaya qiimaha maalinta xoriyada iyo filimaan documentary ah oo ka sheekeenayey taariikhda halganka gobinimodoonka.

Sii aqriso, fiirso sawirada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.