Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kowda Luulyo--Happy Independence Day

Recommended Posts

Baluug   

Is there anything going on for Kowda Luulyo in T.O. over the weekend? Or is it all being done on Thursday? That would be a good way to start off my trip, with a good ruwayad :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maashallah,i am going Dust my Heritage Cloth immediately. War dadka sida fiican uga dabaaldago 1st july waa dadka Barawaaniga ahi, i grew up with Brawanis and i love the dancing the songs they sang. I still remember this song. don't laugh silly.

"Brima Luuliya Layloo Magaambiya" thas is all i remember. anyway our Brawani brothers and sisters finish the lyrics. Well In minneapolis i am sure there will be fighting as always ,so get ready to wear your helmet.Another episode of 1st July in Somali Theaters.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

Waraa we're a cursed bunch of qabyaalad blinded morons. Lets be ruled by the karbaash guys aka El Shabab. Old days are gone n never would cum back.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Somali%20independence1.jpg

 

smile.gifsmile.gif

i likes this mugdi kanoor ladies! Can they cock basto for lunch or r they alergic to fire during the day time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Happy Kowda Luulyo again.

 

Soomaaliya ha noolaato, ha jirto, ha waarto. Eebboow dalkeena oo nabad ah na tusi -- aamiin.

 

Celebrations around the world.

 

Nayroobi, Kenya:

 

Munaasabado lagu xusayo 1da Luulyo oo xalay ka dhacay Magalada Nayroobi, dalka Kenya

 

Munaasabadan oo aheyd mid aysan ukala harin somalida Nairobi ku nool laguna xusayay 50guuradii kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobollada koofureed ee dalka iyo midowgii 2da gobol ayaa waxa lagu qabtay city hol magaalada Nairobi.

 

Goobta munaasabada lagu qabanayay oo si aad ah lgu xardhay astaanta calanka Somalia ayaa waxa ay dareen wadaninimo ah galisay kumanaan muwaadiniin Somali ah kuwaasi oo qaarkood ilmeeyay markii ay arkeen.

 

Munaasabada ayaa waxaa si heersana ah usoo agaasimay dhalinta waayaha cusub iyo safarada Somali Kenya iyadoo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka mid ah dowlada Soomaaliya sida wasiirka arrimaha dibadda Cali Axmed Jaamac Jingili, wasiirka caddaalada iyo garsoorka C/raxmaan Maxamuud Faarax Janaqoow, wasiirkii hore ee Beeraha Mustaf Dhuxulow, afhayeenka ciidamada booliska G/sare C/laahi Xasan Bariise, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur Taliyii hore ee x/dalka Yuusuf xusen dhuumaal

 

Madax ajnabi ah oo ka socotay safaradaha Kenya iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin xildhibaan Mowliid Macaane iyo Ibraahin ***** Yarow.

 

Ka soo qeyb galayaasha xafladda ayaa waxaa ka muuqdaywajyadoda xamaasad aad u sareys iyaga oo intooda badan ku labisnaa calanka bulugga ah ee xidigta 5geesoodka ay dhexda uga taallo qaarkdka jirka ku dhagsaday.

 

Fanaanniin ka kala yimid dunida dacalladeeda ayaa munaasabada waxa ay ku s bandhigeen heeso iyo suugaan waddani ah taas oo kicisay qiirada ka soo qeyb galayaasha iyo masuuliyiintii gob joga ahaa.

 

Safiirka safaarada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya maxamed Cali Nuur Ameeriko qeybka ahaa qabanqaabada xaflada ayaa hadal ka jeediyay madasha, isaga oo kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed in ay nabadda taageeraan si uu dalku uga baxo dhibaatooyinka ku habsaday.

 

Ex. Godoomiyihii hore ee gobolka banadir ahna la taliyaha madaxweyna dhinaca arimaha bulshada, Agaasimaha guud w/gaadiis dhirka iyo dhulka Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo hadal qiir leh ka jeediyay munaasabada ayaa yiri “waxaan umada somaliyeed u rajeynayaa sanadkan kiisa kale in ay ka bixi doonaan dhibka ay ku jiraan Allana waxaan kabaryaan in uu noo nabadeeyo dalkena ”.

 

Taliyii hore ee x/dalka Yuusuf xusen dhuumaal oo iska hadalka qaatay ayaa waxa uu ku dheeraaday calanka iyo kooxo uu ku sheegay in ay ku badalayaan mid madow oo aan lagaraneyn halka uu ka yimid.

 

Madaxdii dhinaca safarada ajnabiga ayaa iyaguna hadalo habalyo ku aadan ka jeediyay goobta iyagoo calanka somaliya luxay.

 

Marka ay saacada dul istaagtay 12:00Am habeenimo ayaa waxaa la saaray calanka buluga ah ee xidigta 5geesood dhexda kaga taalo ahna astaanka somalida ay ku faanto, iyadoo loo wada sarakacay saarista calanka heesta calanka ayaana marqura circa lagu shareeray.

 

Magaalada Nairobi oo dhan ayaa si aad ah looga dareemayay maalintan qiimaha badan iyadoo ay si caadi ah gawaarida dadweynaha ugu shaqeynayeen dadka somaliyeed ee calankooda u damaashaadayay.

 

069_JPG.jpg

 

045_JPG.jpg

 

030_JPG.jpg

 

041_JPG.jpg

 

016_JPG.jpg

 

047_JPG.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Istanbuul, Turkiya

 

Soomaalida Turkey oo Siweyn u Xusay Munaasabada 1da Luulyo

 

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Turkey ayaa xalay isku soo doba riday xaflad loogu damaashadayay 50 guuradii kasoo wareegatay maalinta madax banaanida uu helay dalka Soomaaliya oo ku beegan maanta oo kale 1da luulyo 1960.

 

Xafladaasi oo ka dhacday magaalada İstanbul ee dalka Turkey ayaa waxaa kasoo qeyb galay dad aad u fara badan oo isugu jira Arday Soomaaliyeed, xubno ka tirsan jaaliyada Soomaalida ee Turkey, Dhakhaatir Turkey u dhashay oo jaamacadaha wax ka dhiga iyo masuuliyiin ka soctay dowlada Turkey. Waxaa furitaanki xafdalada hadal gaaban kasoo jeediyay oo dadka kusoo dhaweeyay gudoomiyaha ururka ardayda Turkey Xuseen Cusman Sheekh.

 

Quruxda goobta xafladu ay ka dhacaysay ka sokow, wajiyada dadkii Soomaalida ahaa ee kasoo qeyb galay ayaa siweyn looga aqrisankaray sida ay u faraxsanaayeen oo ay ugu hilowsan yihiin dalkooda hooyo, waaxa in badan la xusay oo laga sheekeeyay taakhiirdi halgamayaasha soomaalida iyo dhaq dhaqaaqyadi goobanima doonka ee soo bilowday labaatameyadi qarnigii tagay. kaalintii fanaaniinti ayaa iyaguna halkaas laga xusay waxaana laso bandhigay heesihii iyo gabayadii guubaabada ahaa ee xiligaasi la qaaday.

 

Waxaa hadal gaaban ka jeedayay xaflada xubno ka socday jaalida iyagoo shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada maanta, waxayna alle kaga baryeen sanadka danbe in ilaahay dalka dhibaatada ka saaro.

 

Dhanka kale masuuliyiinti ka socoday dowlada Turkey ayaa muujiyaay farxadooda iyo sida ay u garab istaagan yihiin ardayda iyo shacabka Soomaaliyeed waxayna soo jeediyeen talooyın iyo waano ay kula dardarmeen ardayda iyo shacabka soomaaliyeed.

 

Munaasabada 1da luulyo darteed ayaa wakiilka sharikada xawaalada Qaran Express C/mudalib xaashi Nuure ayaa waxaa uu bulshada ku dhaqan Turkey u ballan qaaday in mudo sedax cesho ah ay qiima dhimis u samayn doonaan dadka donaya inay lacago dirsadaan.

 

Gunaanadkii xaflada oo ku beegnaa 12:00 habeenimo ee Saacada İstanbul ayaa mar qura la wada istaagay oo laga shaqeysiiyay muusika Aastaanta u ah Calanka Soomaaliya, waxaana sara loo qaaday oo dadkoo dhammi ay wada eegeen Calanka jamhuuriyadda Soomaaliya ee Buluuga ah, is marxabayn ayay goobti isku badashay dadku si koox koox ah ayay u istaageen iyagoo ku duceysanayay oo alle ka baryay nabad iyo sanadkan kiise kale dalka oo nabad iyo barwaaqo ah.

 

Turkiga_50_Guurada_1ad_Luuliyo_3.jpg

 

Turkiga_50_Guurada_1ad_Luuliyo_1.JPG

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Toronto, Kanada

 

Shir lagu xusayay sanad guuradii 50aad ee qaranimada Soomaaliya oo ka dhacay Toronto

 

Waxaa magaalada Toronto ka dhacay shir ay soo qaban qaabiyeen ururka Somali Canadian Diaspora Alliance kaa soo lagu xusayay sanad guuradii 50 aad ee xorriyaddii Somalia. Shirkaan oo si heersare ah loo soo agaasimay waxaa ka qayb qaatay aqoonyahanno joogay shirkaas iyo kuwa uga qayb qaatay khadka telefoonka ayagoo kala joogo adduunyada dacaladeeda.

 

Shirka waxaa looga doodayay waxa keenay burburka qaranimadii Somalia iyo sidii dib loogu soo celin lahaa , sidoo kale waxaa ayadana laga dooday sidii loo soo celin la wadaniyaddii Somalia.

 

Dadka shirka joogay oo qaarkood hadalku ku xirmayay maka ay qiiroodaan ayaa waxay soo jeedinayeen in dadkeena qurba joogta ah aanan daawan dhibka umadda heesta ee aan wax ka qabanno dhibaatooyinka ka taagan xagga cafimaadka, waxbarashada, iyo dhismaha waddooyinka, waxay kaloo qireen in dadka dibadaha ka tagay ee hadda dawladda la shaqeeyo in ay yihiin badankood kuwo naftooda iyo tii ilmahooda daryeelan kari waayay oo ay adagtahay in ay umad somaliyeed badbaadiyaan.

 

sdn_50aad_toronto25.jpg

 

sdn_50aad_toronto1.jpg

 

sdn_50aad_toronto27.jpg

 

sdn_50aad_toronto13.jpg

 

sdn_50aad_toronto.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.