Sign in to follow this  
mangalool

ladnaan lama xejinkaro!!!..(sheeko gaaban)

Recommended Posts

nin saboola ayaa beri waxaa uu maqlay shimbir leh LADNAAN LAMA XEJIN KARO,ninkaas oo ay sabool nimadu sida roobka biyo dhigtay, ayaa inta uu shimbirtii si cadho leh u eegay yidhi ALOOW maa anaga naloo dhiibo,anagaa intaanu xejino weliba ku mahad niqi lahayne,shimbirtii way iska duushay iyada oo weli leh ladnaan lama xejin karo ladnaan lama xejinkaro!!!, isna isagoo cadho aawadeed is neefaynaya sida abeesada ayuu duurkiisii(aydiisii

iska xulay, wuxuu sii jibaaxo aydiiba wuxuu kusoo baxay ninkii guri weyn oo qasriya, gurigaas oo boqorkii lahaa uu mudo hore aakhira ukacay, waxaana guriga iyo magaalada utalisa haweenaydii uu qabey boqorkaasi oo iyadu markaa ah boqorada magaalada, barqadii ayuu usoo baxay suuqii ama faras-maagilihii isagoo aan garanayn,meeluu ujeedo iyo meeluu kajeedoba, iraadada ilaahay waxaa indhaha ku dhufatay markiiba boqoradii, oo ku laydh sanaysey xiligaas fooqa gurigeeda, waxay uyeedhay mid kamida adeegayasheeda khaaska ah waxaana ay kacodsatay in loogu yeedho ninkaas, nin ku wuxuu ahaa nin aad uxoog badan ama ah(doob-gaamur) aan hore uguursan, iyo isagoo ahaa nin hubqaad leh,markii ninkii boqoradii uyimid ,ee uu uuga waramay xaaladiisii ayey kutidhi diyar ma utahay inaad xilka boqortooyada qabato ?oo aad odaygaygii, ama boqorkii magaalada metesho,wuxuu si deg dega uugu yidhi haa, aadbaanan uugu farax sanahay arintaas, ilayn waa nin meel kulul kayimidoo meel qaboow waysaga baahan yahaye,sidii baa ninkii gurigii lagu geeyey waxaana loo furay qol weyn oo kamida kuwa guriga waxaana halkaas , lagaga bedeley calaladii caydha iyo busaarada, waxaana ay shuruud uuga dhigtay inuusan weligii weydiin waxa qolkaas kujira,laakiin wax kasta oo qasriga kamida uu ogaan karo, run ahaantii ismuusan odhanin calaladaadiibaa meel ladhigayaaye, qolkaa waxaa la dhigay calaladii laga furay, odaygii wuxuu qasrigii dhex mushaaxaba , markuu dhawr sanadood ka ahaa meeshii boqor ee uu ladnaaday ,wuxuu amar iyo talo bixiyaba waxaaa arintiisii kusoo urutay in loo furo qolkaas.waxay boqoradii isku dayday inay ilawsiiso qolkaas iyo arimihiisa.wuxuu yidhi hadaan qolkaa la ii furin taladay talo maaha, waxay boqoradii uyeedhay qarkamida shaqaalihii waxana la amray in odayga loo furo qolkii, ilayn ladnaan lama xejinkaro,e, waxaana qolkii laga soo saaray calaladii sabaan hore laga furay , afkala qaad iyo an fariir bay ku noqotay odaygii, waxaana lagu yidhi intaas mooyee miyaad waxkale la timid gurigan jawaabi waa maya ,halkaas ayuu ninkii qaboowga soo galay uugu noqday abaarihii iyo jiilaaladii ilaahay uuga gar gaaray wuxuuna xusuustay, shimbirtii lahayd ladnaan lama xejinkaro....dhalinyarooy dulucda sheekadani waxaa weeye inuu qofku ku mahad naqo nimcada ilaahay .dhib iyo dheefba iada oo ay waajibtahay inuu qofwalbaaba yidhaahdo(al xamdulilaahi calaa kuli xaal)waxkasta oo uu lakulmo.........malaa dadka qaarbaaban afsomaliga akhriyin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Iffah   

Sheekada saas uma gaabno!...mar labaad inaan ku celiya waaye..si fiican uma fahmine. Moralka leen ka fahmay. smile.gif

 

meeshaan waxaa joogo gabdho oo laga qeyliey oo qurux qurux badan oo guur doon ah oo hadii ey kuu bogaan wey kuu foorinaayaan oo biis ee ku dhahaayaan hadii aad u biisi weeso wee kula dagaalamaayaan.

Lool.

War wiilka been haku cabin! Gabdhaha meeshaan jooga, wa kuwa edab leh, oo waxaas kuma saqarjaamaan. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Clown tnks sxb 100%, wax sidaa noo soo dhoweeyaba maanu arage.

malaa meesha martida lagama jecla,,martidu way kala naxdaa baan maqli jiraye, laakiin sxb shaaxa ma cabo bubkana waaban ku dibiraa, alaylehe lows baan cuni lahaa,lol

Ilhaan.. meesha malaa hablaa jooga , ahahahah way isugu timide isma oga.

hadaan helayo islaan yar oo 16jir ah oo naasku dhagaxoobey anaaban sii deynayn, ahahaha.

waa islaan naaskuna waa dhagax!!! inaanay guursanin ama gacan hore kusoo dhicin laga yaabaa

. :D ilka weyne ala ku qabey adna ma qosolbaad wadaa..ahahahahahah :D waxaa layidhi nin ilka waaweyni haduu go,ayona inuu qoslayaa lamoodaa, aar bal kan ila eega :D:D :.

icon_razz.gif ahahahah dal wanaaje qurboow muxuu duul isu keenay!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

hadaan helayo islaan yar oo 16jir ah oo naasku dhagaxoobey anaaban sii deynayn, ahahaha.

waa islaan naaskuna waa dhagax!!! inaanay guursanin ama gacan hore kusoo dhicin laga yaabaa

ha hahaha LOL@mangalool,u know sxb u got wonderful name i have 2 say,war heedhe bal fiiri,gabdha badan ayaa buuxee bal hoos hadalka u yara dhig xoogaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bismilaahi raxmaani raxiim,

Adeer Mangalool waad mahadsan tahy. Hadii Eebahay idankeeda leeyahy, waxad i soo xasuusiyay oo aad dib iigu celisay caruurnimadaydii.Sheekadan waxaa ii sheegtay eedaday markaan 10 jir ahaa.((Thanks again for taking me back to my childhood memories)).Ta kale,nin mustaqbal ku leh xaga wax qorida yaad u eegtahy. xagaa ka sii wad:)

Share this post


Link to post
Share on other sites

asalaamu caleykum dhamaantiinba.

bismilaahi raxmaani raxiim, ILAAHAY ya mahadle uugu horayntii tnks CALI__WEYNE, sxb waa ay wanaagsantahay baan filayaa inaynu mar mar xusno sheekooyinkeeni hooyo amaba aabe ama wadaniga ahaa

waana wax xusid mudan run ahaantii,xoorkii xagaagii laga maaliyo xusuusbaa GEEL lagu xer-geeyaa.

:DNUUNE sxb magacaygu waa ok baan filayaa ? mangalool , hadaad si fiican u dhuuxdid ama aanba kuu qeexee waad qaadan doontaa,lol.

MAN=UBAXA GALOOLKA and GALOOL waxaan filayaa inaanu qeexid ubaahnayn , ubaxa galoolka ayaa layidhaahdaa (man)..... teeda kale sxb maxaa kugu saliday habrtayda yar ajajajajaj lol sxb adiga iyo xirtaba,,,khaas ahaan cali-weyne waan idin salaamayaa.

hablahaad sheegaysona sxb waan salaamayaa inkastoon aadba wax umaqal hadana aragaan ka jeclaan lahaa,,ahaha....horaase loo yidhi ninba meesha bugtaa isagay bel-beshaa ......sxb ha deg degin sibaad u dheeraynaysaaye hablahana waad ii sheegaysaa habartii yaraydna waad qaadatay,,,,kaftan aan turxaan lahayn sxbayaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this