Sign in to follow this  
Hanna

Soomaali Waa Kuma?

Recommended Posts

Hanna   

I thought this poem was very interesting...tho'

I think Somalis nowadayz are exactly the

opposite of what the poem describes...

 

so what do the nomads think?

 

Waqtiyada socdaalka ah

Ayaamaha silsidda ah

Xilliyada bal suuree

Soojire haddaad tahay

Sadarrada dib ugu noqo

SOOMAALI WAA KUMA?

 

Sinnaantaan la magac ahay

Sanku-neefle ma oggoli

Inuu iga sarrayn karo

Anna garasho sogordahan

Sooryo ruux ugama dhigo

SOOMAALI BAAN AHAY!!

Ninna madax-salaax iyo

Kama yeelo seetada

Sasabada ma qaayibo

Sirta waxaan iraahdaa

Saab aan biyaha cellin

SOOMAALI BAAN AHAY!!

 

Inkastoon sabool ahay

Haddana waan sarriigtaa

Sacabada ma hoorsado

Saaxiib nimaan nahay

Cadawgayga lama simo

SOOMAALI BAAN AHAY!!

 

Socdaalkaygu waa meel

Sahaydaydu waa dacar

Soohdintaydu waa caan

Seeftaydu waa cudur

Naftuna geedka iga suran

SOOMAALI BAAN AHAY!!

 

Nin i sigay ma nabad galo

Nin i sugayna maba jiro

Libta weli ma sii dayn

Gardarrada ma saacido

Nin xaqlana cid lama simo

SOOMAALI BAAN AHAY!!

 

Nabaddaan u sahanshaa

Colaaddaan ka selelaa

Sooma jeesto goobaha

Ninka nabarka soo sida

Gacantiisa kama sugo

SOOMAALI BAAN AHAY!!

 

Ninkaan taydu soli karin

Uma yeelo suu rabo

Sida dunida qaarkeed

Ninna kabaha uma sido

SOOMAALI BAAN AHAY!!

 

Ninka iga sed roonow

Siintaada magaca leh

Ogow kaama sugayee

Hana oran "sasabo bedow"

Dareen seexda ma lihiye

SOOMAALI BAAN AHAY!!

 

Saan la kala jaraan ahay

Summadi ay ku wada taal

Rag baa beri i saanyaday

Anoo xoolo soofsada

Xil midnimo anaa sida

SOOMAALI BAAN AHAY!!

 

Maansadan waxaa tiriyey Cabdulqaadir Xirsi

Yamyam wuxuu na kaga hadlayay sifooyinka uu leeyahay qofka Soomaliga dhabta ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
jaaluut   

a good peom. this is about the ideal somali in the good old days.

insha allah we will look at ourselves the same way as the poet described us.

way to go hanna.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hanna   

Maybe someday in the future Somalis will go back to their roots and all of our problems will disapear

 

Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada oo

hadba kiina taagtaranee, taageera waligeena

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saanjo   

Thanx Hanna for the Poem, Abdulaqadir Hiris YamYama is one of my favourite contemporary poets and I have seen this poem on a book published in Sweden

 

Thanks again Hanna

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this