Sign in to follow this  
lol

Dacaayadooyin

Recommended Posts

Salaan...

 

Hibo, duqii Juba lahaan jiray ciyaalkiis aan inta isku naqanaa, inkastoo uu hada iska gaday, asaga naftirkiis inta usoo wareegay. Jasiira ma xumo day hee, maqaayada Soomaalida gadaal kaga dhagan aaba i dishay. Heersare, walaahi.

 

Haye sheekadaan arkaba, hada kahor email la igu soo diray.

 

Muriidi iyo Maana oo maalin dhageysanaaya laanta af Soomaaliga ee BBC-da ayee waxee ka maqleen warkii oo sii socdo, "Beesha Abasguul ayaa shirkii Soomaalida ee Nairobi qaadacday, kadib markii ay baarlamaanka kumeelgaarka cusub ka waayeen xubnihii ay xaqa u lahaayeen, waa sidee yiraahdeen..."

 

Maana qosol hala dhacdo hee. Muriidi waa yaabay, ha weydiiyo.

 

Muriidi: Ay Maana, maxaa waaye qosolkaaneeti.

 

Maana: Ar lama-goodle iskool shimees qabiil u naqdayna, kii wax lagu barahaayey lee maahinoo?

 

Muriidi: Horta sii u fahantay ani ma u fahmin; waxaas u fahmay Abeeso lugeey, laakiin hadiis iskool ka wado beri jeeso iyo sabuurad aa ku xigta, anaa ku dhahay maryooleey ka filo.

 

reds.gifreds.gifreds.gifreds.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
lol   

LOL@ Ducaqabe: Hadabba naagtaada ha iska furin u sheeg raga, si looga dhacdaso ayaa jirta nimanka kale....loooooooooooool@ Naaguhuu gabuurayaasha ku qaraacaa....lol Maadaama aad ka heshay tii caliyaale.. mid kale aan kuu sheegaa

 

MMA: Mayaada Hodan horta cuntadeeda waa jeclahay.. especially dheylada....yummy... laakiinse walaalkiis imaaraatka meel aad u qurxoon waaye.. naftaada markaad raaxo u soo doontid.. qashin lama dago ee dey... laakiinse maryooleey aa tihiin... maxaan ka hadlaa... Fasax aan u imid uu ku dhahaa ka dibne... dad aa dulsaar lagu noqohaa.. waa ruuntahay adiga hadi hotel dagti.. dad badan oo lugeyhaayo aa dhaantaa... Maalin hore waxaa nagu soo dagtay islaantoo hooyadeey 73dii iskala bexeen nursing schoolka haregeisa... 73 aa ugu dambeysay hooyadeey arageeda iyo maqalkeedabo.. meeqo sano aa hada laga joogaa? Qoftaas telephone lee u so dirti duqda waa imaanaayaa garoonka iga soo doon... habarteey.. qoftaan yaawaaye ay ka dhamaan weysay.... abaa... waa dhacdaa marka... IIgu baashaal

 

 

Koo Xalane la dhoho aa caliyaale ka yimid...asagoo u soo doontay in uu ku ciideysto magaalada. Waxaa la adimay salaadii ciida adinkeedii markaasuu iskaan intuu jaf yiri uu tagay masaajidkii. Imaamki markaas ayuu bilaabay saladii, " Allahu Akbar, Allahu Akbar, Allahu Akbar".. Tii afaraad marka uu dhahay ayuu Xalane ninkii agtiisa taagnaa ku yiri, " yaayah ya xey tahay hee... salaadi waaba xermi diidee.. imaamkaan maha halaga badalo"

Share this post


Link to post
Share on other sites

LooooooooooooL@bishaaro... " Macbuudka! sidii miiggii aan kuu rusheeyhaa, Muggii hore waa kuu turaayay ee Maha ka roogsaan ku iri" mara waaxid...LooooL..simply nice.

 

 

LoooooooooL@Ducaqabe....Nin ragga aH!

 

 

Sxbkeey MMA...wax yakaniish eey jiq igu noqotay..calaashaan calaanjis eey ku macdahay nooh :D

 

LooooooooooL@hibo....caku iyo caliyaale :D:D

 

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites

I hope this joke doesn't offend anyone..please folks it's only a joke.

 

 

Qabtii ka bacdi> Ninkaan reer xamarka ah maalin kasta aa la dhacaa, baad luus ku jiraa markii aragdid.Maalintii danbe khaati aas istaahay, wuu baxay suuqa uu aadey in uu BASTOOLO soo gato. Wuxuu arkay kuwo ku jiro Kooxda Caydiid Yacni Halka Habar oo xamar jooto :D .Wuxuu waydiistay bastoolo.

 

Reer xamarka: haye, Wadaayaaloow sii maalin kaste la ii dhacaayey, jaqwareer aa igu dhacay, Bastoolo ma heesiin

 

Kooxda Caydiid: Haa, noocii rabtid qaado

 

Reer xamarka : hayabo, tan isiiya.

 

xabadyaashana/bulletsna ma gadiinoo?

 

Kooxda Caydiid: Haa, waa kuwaan, gisho bastoolada qaar oo baroobee

 

Reer xamarka: wuu gishtay, bastoolada uu cirka sadax xabo ku riday, uuu wuxuu dhahay marxaba tan aan gatay, wuuna baxay.

 

Cabaar kak kacdi, ninkii reer xamarka oo gurigiisa jooga, aa waxaa u imaadeen, Kooxda caydiid oo dudaayaan iyakoo MEED wadaan

 

Reer xamarka: haye, maxaa idin daaray? maxaa dhacay?

Kooxda Caydiid: Hadaayey ma xasuusataa markii aa bastoolada baroobo beeyneysay?

 

Reer xamarka: haa

 

Kooxda Caydiid: Ninkaan aad dishay. Magtiisa aa lagaa rabaaa

 

Reer xamarka: Habar Jidirrrr, Koo buubaayo xitaa ma keenteen. :D:D

 

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Hibo macaanto thanks for starting this great topic, and like my brothers and sisters said it is only dacaayad, yaan laga xumaan.

 

 

here goes one, but this is real i was there when it happened.

 

 

Dugsi quraan aan dhigan jirnay xaafaddeena, waa barigii ay dagaaladda ka dhaceen waqooyiga, reer ayaa xaafaddeena soo dagay oo ka soo guuray waqooyi, reerka wiil yar ay dhaleen ayaa dugsiga la keenay, marka maalintii ugu horreysay macalinka waxa uu yiri iska fariiso waxaad fiirsataa nidaamka dugsiga sida ciyaalka ay qadda u riiqdaan, sida looxa oo dhaqo, iyo gabi ahaan sida dugsiga uu yahay. Maalintaa waa lagu kala tagay.

 

Maalintii labaad ayaa macalinka u yeeray wiilkii yaraa markaa uu yiri maanta waxaan kuu bilaabaa alifka. Macalinkii ayaa looxa ugu qoray alifkii, macalinkii ayaa damcay inuu u meyriyo ama uu u aqriyo alifkii...

 

Macalinkii: Ayaa yiri alif wax maalee.

Wiilkii: ayaa ka daba yiri Alif wax maale weeye dee.

Macalinkii: ayaa ku celiyay, alif wax maalee.

Wiilkii: ayaa mar labaad ka daba yiri, alif wax maale weeye dee.

Macalikii: wuu xanaaqay markaas ayuu ku qeyliyay wiilkii, wiilkii ayaa ku celceliyay, alif wax maale weeye dee.

 

Macalinkii wuu xanaaqay wiilkii ayuu tumay/qaraacay. Wiilkii asiga oo ooynaya ayuu aaday gurigiisii, dugsiga waa nala fasaxay annaga oo dhan, wiilkii oo ooynaya ayaan annagoo ciyaal fara badan dabagalnay illaa gurigiisii, hooyadiis ayaa waxay taagneyd guriga hortiisa, wiilkii: yaraa hooyadiis ayaa tiri hooyo maxaa ku helay,

wiilkii: ayaa yiri, hooyo maanta anigoo aqrinahayo quraanka ayaa macalinkii igu garda rooday,

hooyadiis: ayaa tiri ina keeyn macalinkii baanu qabaneynaaye.

 

Wiilkii iyo hooyadiis ayaa isa soo raacay, annagiina waan soo dabagalnay, maxaa yeelay waxa dhacaya oo dhan ayaa waxay inala yihiin something aan waligeyn arag.

 

Macalinkii ayay u imaadeen,

Wiilkii hooyadiis, ayaa ku tiri macalinkii oo macalin maxaa inanka yari ugu gardarootay?

Macalinkii: ayaa yiri canugaan laxni uu aqrinaa, sababta aan u tumayna waxaa waaye laxniga ayaa rabay inaan carabkiisa ka gooyo, canugaanne uma eka in carabkiisa laga gooyn karo laxniga ee ha ii keenin mar kale.

 

Wiilkii yaraa hooyadiis ayaa ku tiri hooyo ina keen aqalkeenii baan qabaneynaaye.

 

The End.

 

Magaranayo sida ay relevant ugu noqoneyso dacaayadaan laakiin this is true story saaxiibayaal.

 

sAlaAma kA dhEh:.............

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Naag reer mudug ah ayaa Somalia Airlines soo raacday, markaey dadkii oo dhan ay fadhiisteen , gabar hostess ayaa dadkii oo dhan waxay u qaybisay SuuF (guuxa dayaarada ay dhagaha ka gishtaan)Cabaar ka ka bacdi gabertii hostesska oo meesha mareysa aa waxay aragtay Naagtii reer mudug aheyd oo Suufkii SANKA gishatay LooL, markaas ay intay u timi waxay tiri:

Gabarta hostesska: Eedo suufka dhagaha ayaa loogu tala galay

Naagtii reer Muduga: Naa waan ogahay, ee waan ku eegayey.LOOOL...they will never never ever admit to ANYTHING

 

Allah dadkaas indho adkaa LOOL They have strong eyes i tellya LOOL

walaahi waa runtaa, indha adeeg waa loo daayey reer mudug, kuwa aan anigu aqaano shakhsi ahaan ayaa shactiro iigu filan iyo qossol :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Muriidi: Ay Maana, maxaa waaye qosolkaaneeti.

 

Maana: Ar lama-goodle iskool shimees qabiil u naqdayna, kii wax lagu barahaayey lee maahinoo?

 

Muriidi: Horta sii u fahantay ani ma u fahmin; waxaas u fahmay
Abeeso lugeey
, laakiin hadiis iskool ka wado beri jeeso iyo sabuurad aa ku xigta, anaa ku dhahay maryooleey ka filo.

:D:D

 

Reer xamarka: Habar Jidirrrr, Koo buubaayo xitaa ma keenteen.

:D:D:D

 

Labadaan waligeey ma maqal...maxaa ii keenteen waan qoslay si xun.

 

A helluva thread...keep them coming maryooleey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
lol   

LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL..... Checkmate.... adigaa....Ilkii horta ma kuu koreen :D

 

Baashi: Meeshaan waa imaanaa waa qoslaa ma soconeyso walaalkiis u have to contribute.

 

Aniga the reason I know so much about Caliyale is because our maid is from there... this is what happened between my father ( a hardcore qaldaan) and our caliyale maid ( who have never seen a reer waqooyi man)

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dhacday in aan aniga iyo ayada isla galnay jikada si aan u sameyno casho special ah. Maalintaas aabo waxa uu fadhiyey barsada ama fadhiga asaga oo joornaal aqrisanaaya. Maadaama AC ga fadhiga iyo ka kushiinka isku xiran yihiin ayaan ku dheereeyney aabo AC ga. Aabo ayaa inoogu soo galay kushiinkii asaga oo dhaxmooday markaasuu yiri

 

Aabo: Labo Shaadhbaad ii geliseene

Aniga: Sorry aabo buts its too hot in here

 

Aniga igama aheyn english ugu jawaab laakiinse waa iska dhacday....saaxiibteey soomaligii aabana ma fahmin englishkiina iska dhaaf... markaas ayeey inta ay sugta aabo.. markuu albaabka ka baxay ayeey tiri

 

"Ya xow yiri"

 

Markaasaan aabo u sheegay aabo inta uu qoslay buu iisheegay waxa asaga iyo ayada kala qabsaday maalin aan caruurta, aabo iyo iyada isaga tagnay guriga.

 

Aabo: Shukrii

Shukri: hee adeer

Aabo: Tuwaalkeygii xageed dhigtay

Shukri: Waa kuu soo raadaa isug ( She had no clue wat tuwal was)

 

Aabo markii uu sugay oo cid u timaadaa uu waayey ayuu hada u yeeray..

 

Aabo: Shukriii

Shukri: Hee adeer

Aabo: Dee tuwaalkii aan ku weydiiyey meeyey

Shukri: Adeero maha dhan waa ka fiirshay tuwaal wax u eg waa soo waayey. Sow u egyahay muga aan mar labaad soo fiirshee?

 

Aabo waxa uu yiri saan u qoslay weligey uma qoslin... markaasaa asna ileen waa qaldaanee... tuwaal adlee kaalay reer xamar ku sheeg... walaalheey ayuu u wacay uu ku dhahay.. tuwaal u sheega waxa uu yahay shukri... Can u believe... this man who can't even say tuwaal in xamari lived in xamar for 30 yrs?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Loooooooooooooool Hibo that was HElllleerious Story.....

 

 

Sheeko Run ah:..

 

Aabahey iyo waxaa saaxiibo ahaa nin reer xamar ah oo la oran jiray Muriidi Xaaji (Dad keena Cad Cad) No offence aqayaarey. Ha ahaadeene isku meel ayay ka shaqeeynayee. Sugunto Liido, qofkii ayaanno ayaa yaqaanee, ayay Office ku lahaayeen.

 

Maalin ayaa waxaa dhacday in xafiiska ay Aabahey iyo sxbkiis ka wada shaqeeynayeen ayaa waxaa yimid nin kale oo ay Aabahey sxbo yihiin while my Dad was in the bathroom. Muriidi Xaaji oo fadhiyo xafiiska ayaa ninkaan kale soo galay oo waydiiyay Aabahay in laud Viose.

 

Ninkii aa dhahay Subax wanaagsan.

Muriidii wanaagsan, soo dhawaaw ayuu ku jawaabay.

Ninkii aa yiri sxbkaa ma joogaa?

Muriidi ayaa ugu jawaabay Abdi Sheikhaa? (that is my Dad's real name by the way)

Ninkii aay yiri haa, aaway Abdi Sheikh?

Muriidi aa yiri Abdi Sheikh musqushaas fuulaa.

 

Inta ay intaa is dhaafsanaayaa wuu maqlayaa Aabahay, markii uu Miriidi dhahay Abdi Sheikh musqushaas fuulaa, Aabahay suuligii ayuu ka qayliyay oo yiri war annagu musqulo ma fuulnee afkaaga wanaagso, afar xaas baa leeyahee.

 

Wallaahi halkaan kuma soo koobi karo dhibta ay isku qabeen Aabahay iyo sxbkiis. Waxaa jirtay marar fara badan ay Aabahay iyo sxbkiis hadalka isku qilaafi jireen, waxay ku tusaysaa sida Soomaalida ay luqaddu ugu kala hadlaan, waxaa dhici kartay in Aabahay uu fuulid u yaanay Something else whereas sxbkiis ay u aheyd something else.

This one was the funnest very.

 

Go figure:......

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hibo, Maya :D laakiin adiga Rinjigii ma kaa dhaqmay..Ha ha ha Kix kix kix :D;)

 

Haye Mid kale:

 

Maalin maalmaha ka mid ah, Wadaad iska lugeeynaayo aa wuxuu soo hoos maray geed/tree hoostiis, markuu maqlay sharqan iyo cod, markaasuu geesaha iska fiirfiiriyey, mise geedka korkiisa uu fiiriyey, wuxuu arkay GABAR yar ah oo geelka korkisa ku ciyaareeyso.

 

Wadaad: Ar hooy soo dag

Gabarta: waa yahay

Wadaad: hoo $50/kontonkaan shilin, bax KASTUUMO ku soo gado, ka bacdi geedka korkiisa ku dheel

Gabarta: waa yahay

 

Gabartii waa bax day gurigooda ay aadey, hooyadeed ey siisey lacagtii oo waxay dhahday, ninkaan wadaadka aa maanta lacagtaan isoo siiyey oo wuxuu yiri: bax KASTUUMO ku soo gado,islaantii way faraxday. waxay istir lacag ka sameey meeshaan.

 

 

Maalintii danbe, ninkii wadaadka ahaa oo geedkii hoosmaraayo aa hadana sharqan iyo cod maqlay, markuu kor u fiiriyey mise waxaa saaran Naag weyn( gabartii hooyadeed)

 

Wadaad: Ar hooy soo dag

Naagtii: haye

Wadaad: Intuu boorsadiisa/walletkiisa SAKIIN ka soo bixiyey uu yiri: bax iska soo XIIIR :D:D

 

Moral of this story: what's in your WALLET it better not be Capital One Card Fellaz :D:D

 

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
lol   

^^^^^ loooooooooool.... Check... weli rinjigii waa igu dhagan yahay......casiirkii uu hada ku nuuray :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabar dhaqtarad ah oo reer shangaani ah baa waxaa shaqo loogu diray Gaalkacyo.

Markey subaxdii soo shaqo tagtay baa waxaa fisito ugu timid habar reer Gaalkacyood ah.

Gabadhii (doctor): eedo xagee ku xanuunnaysa?

Habartii: ma aniga?

Doctor: haa eedo.

Habartii: Mar Alla marka aasku madoobaado baa halkaa samada ah leyla aadaa!

Doctor: eedo shimmee lagu soo ceshaana?

Habartii: Naa shim-shimtaada maahene dhegeyso,

Doctor: markaasna maxaa dhaca?

Habartii: halkaas labada garab dhexdooda ah baa waran leyga taagaa.

Doctor: hadda makugu jiraanaa.

 

Goor ay isku rafaadsan yihiin ba habartii qofkale loogu yeeray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pacifist   

Originally posted by xiinfaniin:

Gabar dhaqtarad ah oo reer shangaani ah baa waxaa shaqo loogu diray Gaalkacyo.

Markey subaxdii soo shaqo tagtay baa waxaa fisito ugu timid habar reer Gaalkacyood ah.

Gabadhii (doctor): eedo xagee ku xanuunnaysa?

Habartii
: ma aniga?

Doctor
: haa eedo.

Habartii
: Mar Alla marka aasku madoobaado baa halkaa samada ah leyla aadaa!

Doctor
: eedo shimmee lagu soo ceshaana?

Habartii
: Naa shim-shimtaada maahene dhegeyso,

Doctor
: markaasna maxaa dhaca?

Habartii
: halkaas labada garab dhexdooda ah baa waran leyga taagaa.

Doctor
: hadda makugu jiraanaa.

 

Goor ay isku rafaadsan yihiin ba habartii qofkale loogu yeeray.

KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK LMAO kusaal qariir baaba igu dhacay this reminds me of my mother walahi reer gaakacyood lool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Hibo, duqdaas aa ka hadlee, aniga hadaan adiga ku ogaan lahaa in aad joogtid waa kugu soo dagi lahaa, oo anigoo garoonka diyaaraha taagan aa kusoo wici lahaa, isoo doon yacni. Soomaali iska dhaqankaas ee leedahay, oo anigaba hoteelkaas maku dagi lahayn hadaan wax badan joogi lahaa; gabadhii ilmo habreedkana aan qaraabada ahayna Shaariqa ee dagayand. Too far, yac.

________________

 

Xiligii Kacaanka kululaa aa duqoow Macoow la dhaho oo iskool Xaawo Taako ag maraayo maalin subax allaseey tahay ayaa waxaa ka hor imaatay gabar iskoolka u ordeysay. Isla markiiba waxee weydiisay, "Adeer, Xaawo Taako mala xiray?" (Waxee ka wadaa irida ganjeelka iskoolka mala xiray camal.)

 

"Yaah?"

 

"Xaawo Taako mala xiray hee?"

 

"Iyaah! Xaawo Taako iyadoo feeraha falaar ugu dhagantahay aan ogaa ee hadane shimees la xiray? Kacaankaanaa, hadana dirito waxaas usoo dhigtay sanab xiroow inaas bilaabo. Macbuudka!"

 

"Maya adeer..."

 

"Ar kii farasta la boodaaye ii kii kale dhagaxa tuuraaye ma lagu daray magoow adigaaba war hayee..."

 

:D:D:D

_________________

 

Checkmate, Reer Canjeex dhaaf waraa. Unuga waana taqana dagaal ma fadaana, mahaan ma rabno in na lagu burbursado ciyoowba. Allaheena ka alla!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

:D You got jokes walle.

 

Hadda ka horaa wiil walaalkay ah, gabar dariska ah soo tuuryeeyay. Gabadhii & hooyadeed oo dacwo ah baa hooyadeey u yimaadeen.

 

Gabadhii Hooyadeed: Igaarkaa gabarteey aas soo dhabi.

 

Hooyadeey: Yaah? :confused:

 

GH: warkeey ma makhloosid miyaaa xaajiya, igaarkaa, gabarteey aas soo dhabi aan ku iri.

 

Hooyadeey to my brother: Waryaa Libaan kaalay, maxaa gabadhan ku suubisay?

 

Gabadhii started crying markay isagii aragtay, and goes: Haa waa kan, usi waaye, usi, waa i dhabay.

 

H: Allaa hoogayeey ma intaan isagoo la'eg buu waxaas bilaabay. She took off her shoe..

 

Brother Lee: Alla hooyo maya

 

Ilaa markii dambe dad kale soo dhex galeen, oo naloo sheegay Dhabid = Dilay, and not That

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this