Sign in to follow this  
lol

Dacaayadooyin

Recommended Posts

lol   

Waxaa igu soo dhacday maanta, in ay really tahay wax madadaalo leh in aan isu sheegno inta daacayad ee qabiileed ee uu qof kasta yaqaan.. Ha u qaadanina in qabiil qabiil ay jiriyso laakiinse Ilaaheybaaba quraankiisa ku yiri, " Qabiilo ayaan idinka dhignay si aad isku garataan"....marka run ahaantii waa wax xiiso leh in aanu dacaayadooyinkaas is weydaarsano..

 

Aniga ma sheegaayo ilaa aan ogaado indinka waxa ay idinla tahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hibo caddeey, kor iyo hoosba waa lagaa salaamay. Imaaraadkana shimee tagtay walaashiisna, mise waa iska qoratay? Hoteel Jasiira Dubeey ku yaalo iiga waranba? ;)

 

Haye, sheeko dacaayad waa tanaa. Diyaar ma u tahay?

 

Xariifkoo Reer Xamar aa Koostarka gobolada aado wuxuu la soo raacay kuwoo Reer Baydhabo ah oo u socday Baydhabo. Baabuurkii wuxuu istaagay Daafeed si ee kistoo loo cuno, loo luga baxsado. Gaaygii Reer Xamar waa dagtay, kistiis uu soo cunay. Markuu kusoo noqday uu wuxuu waayey boorsadiisii. Dadkii baska la saarnaa uu wuxuu ku dhahay, "Boorsadeey aawina?"

 

Reer Baydhaboodkii waxay u maleeyeen inuu leeyahay: "Boorsadeey aami."

 

Hal mar ay waxay ku wada dhaheen: "Eebeey hakii daaweeyo." Yacni waxee u maleyeen in uu dhahay boorsadey aa soo cunay, iyagana duca kas ah ee u dhiibay, oo nin qac eh in uu la socdo moodeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^LooooooooooooL

 

Haye anigana iga hooyahee!

 

Xaafad aa waxaa xaaraan ku heystay gaygoo reer wuqooyi eh, ilmaha dhan waa ka cabsan jireen. Maalim maalmaha ka mid eh aa xaafada waxaa soo degay cidoo reer xamar cusub iyo wiilkooda "muudeey".

 

Muudeey oo banaanka wareegaayo eey iska soo hor bexeen gaygii heer wuqooyiga ahaa iyo ciyaalka xaafada dhan, muudeey dharka siib aa la dhahay? muudeey intuu diidey uu gaygii reer wuqooyiga ahaa ka dhidhijiyey

 

Muudeey dagaalkaas uu ku guuleystay, marka waxay noqotay in hada ka bacdi isaga laga cabsado. muudeey style cusub uu lasoo baxay. Hadal heyskiisa wuxuu noqday markuu wax baadaayo

Abaa xalay waxaan ku riyooday anoo feero kooyohaaga qabo, horey aa laga siibaa waa la siinaa.

 

Wuxuu sheekada wado uu siduu wax ugu riyonaayey dadka wax kasta ka dhacay, uu si aad iyo aad ah isku mahdiyey. Markaas uu maalintii danbe wuxu yiri "xalay waxaan ku riyoodey anoo SIYAAD BARRE qabtay"...warkii aa orday, wax yar ka bacdi KOOFIYO GADUUD aa imaatay, muudeey waa la wati.

 

Hal isbuuc ka bacdi, muudeey oo socdo aa la keeney, dadkii oo dhan aa ku soo shamuumeen ar muudeey aa imaadey, muudeey aa imaadey. Markaas aa la waydiiyey Muudeey haye xalay maxaa ku riyootay? markaasuu ku jawaabay: La riyoodo ma xumo, Laakiin la jiifto ma ka roonoo horte

 

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
ADNAAN   

^^ Good one guys, inkastoonan aad u fahmin ninka boorsada cuney... :confused: :D

 

 

Teydiina wa tan here we go...

 

Baribaa nin reerxamar ah ayaa usoo guurey waqooyiga. markaasuu maalin maalmaha ka mid ah tagey tukaan isagoo doonaya inuu xalwad (xalwad la cuno) iibsado, hadaba ninka tukaanka hayana xaaskiisaa ayaa Xalwo layidhaa, aduu sheekadii sidan ayey u dhacdey:

 

customer: saxibow xalwo ma qabtaa (inuu iibsado ayuu rabaa)

 

shop keeper: haaye!!, ninyow maxaa adiga ku barey xalwo?

 

customer: xalwo waa lawada yaqaan nooh.

 

Shop keeper: waaryadhaheen waar bal ibtiladan eega, maxaad tidhi..waa lawad yaqaana ya?

 

Customer: wax kale ma u jeedee, Xalwo xamar aa ku dhuuqdhuuqi jirey nooh.

 

 

ninkii tukaanka lahaa cadho ayuu bastii noqdey

oo ninkii budh buu ku eryadey........isagoo leh....." alla wuxu muxuu dhintey!!..wasakh fooqal wassakh". :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

^^^^^^^^ just wanted to add this bit

 

" ar sidi xalwo ugu xiisi leee"

 

:D:D keep it coming

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^ :D

 

Nin reer Mudug ah ayaa Xamar berri yimid. Saqdii dhexe mar Muslimku wada seexaday buu reero albaabkooda garaacay. Saa nin hurdeysan baa ka furay.

 

Reer Muddugii: Ina adeer sow xaafadii inna hebel ma hah?

Ninkii gurriga lahaa: Haa! hebel adoogey waaye

Reer Muddugii: Hadde waxaan sheegahayaa ninkii inna hebel hebel hebel ahaa ee ogow?

Ninkii gurriga lahaa: maxaa see camal waaye. Addi NSS maa tahay see ahaan waaye.

Reer Muddugii: Alla hooyadii u ekaa Ina adeer waxaa la yiraahdaa hebel hebel oo waxaan ahay ninka dad kuu xiga. Haatanna salaanta baan kula dhaafi waayey ee shido ma jirto...waxaan ku weydiiyey meeqa wiil baad leedahay?

Ninkii gurriga lahaa: Yaa saatiriin adi see kaa noqotay meza note aa la joogaa aa reero dadow minankooda aa iska imaahee...maalin cadeey ii imow hee ..waa lagu habee haa...ar dadkaaneeti intee laga keeney.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qac Qaac   

nin reer xamar aa wuxuu tagay, magaalo ka mid ah, magaalooyinka waqooyiga, marka nin kaan wuxuu rabay in uu iibsado ama gato shaah nooh.. laakiin problem ka wuxuu ahaa waala is fahmi waayay nooh..

 

wuxuu ku dhahay ninka maqaayadda leh, ama biibitida adeero shaah ha dhalada iigu shub, meaning pour it in the bottle.. raggaan marka dhalo waxee u yaqaan, bidaarta nooh.. marka duqa waxaa lagu dhahay, ina adeero ma hubtaa dee, shaaha wuu kulul yahaye ma dhalada baa kuugu shubaa.. kan reer xamarka wuxuu dhahay haa nin yoho, dhalada iigu shub.. kii kale wuxuu dhahay waa tahay hee, marka ninkii odayga ahaa shaah kulul aa looga shubay bidaarta, meesha dagaal aa ka dhacay marka lol..

Share this post


Link to post
Share on other sites
lol   

LOOOOOOOOOOOOOOOOL>.......

 

MMA: Jaziira meel ma ahan, idinka hadii rabtiin istareex lacagta quura nooh... vacation aa loo imaanaa... hotel cheap *** aa la galaa... macbuudka.. walahi isnadaamis aa ka qaadee....bisinka... laakiinse Hotel Juba ok waaye iyo mid kale aa jiro oo aan weli magaciisa baranin... laakiinse.. Golden Sands waa fiican yihiin... waa apartments oo kale laakiinse hotel camal aa loo ijaaraa... Waa joogaane Abu Dhabi meel la dhoho aan daganahay anaga... hadii imaatid... hoodi hoodi isoo dheh...

 

Aniga teyda waa tanaa:

 

Berigii hore dadka reer baadiyaha ah, waxaa jiray mid ayaga ka mid ah oo alaabta ka soo iibsan jiray magaalada kadibna wixii cusub umada u keeni jiray.... maalin maalmaha ka mid eh aa koow reer caliyaala ah.. aa xamar soo aadsaday..

 

Aqwaankaan wuxuu ku soo toosay ayadoo salaadii taraawiixda aheyd la dukanaayo.. markaasuu yaabay ileen weligiis meel taraawiix lagu dukanaayo ma arkin.. Markii uu caliyaale ku noqday aa la wareeystay, " Yahow xaad war cusub magaaladii ka keentay? " Markaasuu yiri, " Ya war cusub nig dheh. Nabiyaa yimid. Saladii la badshaa...Meehii cishaha laga dukajiray afar.... hada toman iyo koobeey naqatay".

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOOOL@hibo

 

here is another one

 

Naag reer mudug ah ayaa Somalia Airlines soo raacday, markaey dadkii oo dhan ay fadhiisteen , gabar hostess ayaa dadkii oo dhan waxay u qaybisay SuuF (guuxa dayaarada ay dhagaha ka gishtaan)Cabaar ka ka bacdi gabertii hostesska oo meesha mareysa aa waxay aragtay Naagtii reer mudug aheyd oo Suufkii SANKA gishatay LooL, markaas ay intay u timi waxay tiri:

Gabarta hostesska: Eedo suufka dhagaha ayaa loogu tala galay

Naagtii reer Muduga: Naa waan ogahay, ee waan ku eegayey.LOOOL...they will never never ever admit to ANYTHING :D:D

 

Allah dadkaas indho adkaa LOOL They have strong eyes i tellya LOOL

 

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

^^LOL @strong eyes. Waxaa jiray mid kaloo reer mudug ahaa oo isagoon wax akhris aqoon, soo qaatay newspaper oo gidis gidis u aqriyay (upside down) markii loo sheegay inuu khalad u haayo journalka buu xanaqay, kuye: waqtigaan ku dheeraysnaayaa, hadii kale dhaqsuu iga dhamaanaa oo wax kaloo aan akhriyo ma haysto.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
ADNAAN   

^^^ LOL, :D:D reer mudug dee dhulkaad la dhacdeen.I wonder how come they are not responding.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qac Qaac   

reer muduga dad fur furan waaye, illaayo waligoodna wee ku bixi jirtay foorjada.. ee marka ma aha, caay..

Share this post


Link to post
Share on other sites
lol   

looooooooooooooool@ Checkmate & Bishaaro...

 

Adnaan: I can safely say me & checkmate represent reer mudug...and u can c one of us is already on their dhuun...

 

Mid reer waqooyi ah..

 

Labo nin oo reer waqooyi ah ayaa waxey is yiraahdeen tuuladan ka lugee oo mid kale u lugeeya ayaga oo baadiyaha jooga.. Markii ay saa u dhaqaaqeen ayaa waxa ku soo da'ay roobyar oo xagaa ah. Markaas ayeey raadsadeen meel yar oo dugaal ah oo ay kaga dugsadaan roobka.. markii ay saa u galeen meeshii ayuu roobkiina istaagay... markaaseey hadana carabeen. In ka yar shan daqiiqadood markii ay socdeen baa hada roobkii soo da ay. Markaas isla markiiba meel galeen...hadana waa uu istaagay...markii ay sidaa u dhaqaaqeen buu kuu roob ahaana adiga oo moodid in uu sugaayey so oda ay, markaas baa

 

Ina cali fanax yiri: War heedhe.. maanta waxaan u maleynayaa in Kii alle ahaa uu hurdoo.. malaa'igyashii qasabadahii ku ciyaaraayaan"

 

Istaaqfurulaah..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

^LOL

 

I hope this one doesn't offend anyone..

 

Beri baa waxaa subax walba aroortii is raaci jiray nin la yiraa Tooxoow & Xaaskiisa oo iyadana la oran jiray Kutubeey si ay u soo kaadshaan.

 

Subax walba marka la is raaco ayaa kaadi loo fariistaa. Kutubeey mar walba kaadida waa ka hor dhameysaa Tooxoow oo inta ay SHUX ka siiso ku tiraahdaa "dhakhso hee Halsaac maha ha goomaarine"

 

Tooxoow isagoo maalin walba xanaaqsan, kaadidana aan dhameysan ayuu inta isku kala gooyo iska soo dhaqaaqaa.

 

Markii ay guriga soo gaaraan ayuu xaaskiisa weydiiyaa " Kutubeeyeey Xey tahay waxaanu waa iska shubee asaad iska soo rooree Ar waaku sahlanaantaa " Markaasay ugu jawaabtaa " Rabigaayna aa noo abuuray"

 

Sidii sidaa loogu jiray dhowr isbuuc ayaa maalintii dambe Tooxoow wuxuu go'aan ku gaaray in aysan Kutubeey markaan ka hor kaadin.

 

Intuusan guriga ka bixin ayuu kaadidiisii sii diyaarsaday oo koob ku shubay, intuu u yimid xaaskiisa ayuu ku yiri "Waa inoo berito iyo barxadda".

 

Markii banaanka la yimid ayuu kaadidii koobka ku jirtay FASH ka siiyay.

 

Kutubeey oo yaabban aa la soo booday "Acuudkoow Aryaa Tooxoow caawa say wax kaa yihiin??"

Wuxuu ugu jawaabay " Macbuudka! sidii miiggii aan kuu rusheeyhaa, Muggii hore waa kuu turaayay ee Maha ka roogsaan ku iri"

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Hibo,

 

That Caliyaale joke is funny. You almost said it in Caliyaale accent. I'm gonna tell it to a friend of mine who's from Caliyaale.

 

Waxaan ka hadasheen reer mudug iyo reer waqooyi, bal anigana aan ka hadlo reer "falante" baydhabo.

 

Naag ayaa ninkeeda ku waashay dhageyso codka mu'adinka masaajidka. Maalin walba markuu hadlo ayey tiraahdaa aamus oo dhageyso "axsanu sowt" ayaa adimaya. Ninkii ciil iyo maseer ayaa nafta u keenay. Wuxuu ka shakiyey qoftaan & sheekada mu'adinka masaajidka axsanu sowt. Maalintii dambe ayuu wiil yar lacag siiyey kuna yiri gurigaas tag naagta joogta waxaad ku tiraahdaa axsanu sowt caawa ugu imoow qabuuraha gadaashood.

 

Habeenkii markii la gaaray ayuu ninkii arkay qoftii oo labistay markaasuu ku yiri waan jiranahay ee caawa ila joog. Waxay ku tiri maya waan loo laabanayaa. Markii ay tagtay ayuu dhar cad-cad xirtay qabuuraha isku siidaayey. Wuxuu kula kulmay qabuuraha markaasuu garuun ku dhacay naagtii. Guriga ayuu kaga soo hormaray. Xoogaa ka dib ayey soo gashay ayadoo tukubeysa.

 

Maxaa kugu dhacay? ayuu yiri. Waxay tiri dadka xaafadaan ayaaban nacay. Meel wabla god lee ka qodeen. Cawa godaan ku dhacay oo khatar ayaaban galay inaan jabo. Wuxuu yiri kaalay i tus lugtaada. Waxay tiri maya iga fagoow caawa ma fiicni. Subaxii dambe markii aadaanka yeeray ayuu yiri "Alla Axsanu sowt" ayaa adimaya. Alla cod fiicnaa. Waxay tiri kaas warkiisa ha igu soo qaadin. Wuxuu yiri maxaa dhacay? Waxay tiri warkiisa ma maqal miyaa? Naagaha ayuu qabuuraha gadaashood ku garaacaa ayaa la yiri.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this