Sign in to follow this  
Fandhaal

[B] kiilo cune (nin cir weyn)[/B]

Recommended Posts

Fandhaal   

Beri baa waxaa la yidhi nin aad u cir waynaa ayaa guursaday gabadh, haday muddo wada noolaayeen ayay gabadhii u dul qaadan wayday ninkan cuntadiisa, maalinkii danbe ayay u soo ban dhigtay inuu furo maadaama wax kasta oo ay kariso aysan ninkan deeqsiin karin.

Ninkii oo aad u wel-welsan ayaa u yimid saaxiibkii ugan sheekeeyay arintii. Saaxiibkii ayaa ku yidhi aniga igu daa arinta anigaa xal u heli e.

Ninkii saaxiibkii ahaa wuxuu u tagay gabadhii ninku qabay wuxuuna ku yidhi: Kiilo cune ma joogaa? gabadhii way yaabtay oy is tidhi show ninka cirta waa lagu ogyahay, waxayna tidhi: maya.

Ninkii wuxuu yidhi: kiilo cune markuu yimaado waxaad ku tidhaahdaa waxaa kuu yimid LABA KIILO CUNE, wuxuuna ku yidhi aniga iyo SADDEX KIILO CUNE noogu imow gurigii AFAR KIILO CUNE.

Gabadhii way yaabtay oy is tidhi malah raggu waa wada sida ee adigaa haweenka la qabo ugu nasiib badan oo HALKIILO CUNE ku qabaaye qarso.

Halkii ayayna ku joojisay furitaankii ay u socotay reerkeediina ku dhaqatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

AAHAHAAHAHAHAAHAHAHAHAHA

 

Misana GAXGAXGAXAXGAXGAXGXGAX

 

sxb waa qoslay walaahi..sheeko kale aa isoo xasuusisay oo xoogaa wasaq ah aanan inta lagu qori karin...lol...

 

Wareer badaaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

ahahahahaha :D:D:D

 

Anigaba sheeko ka daran oo wada wasaqnimo ah aa igu soo dhacday ,,,,, hadhow aan dhegta idiinku sheegi doonaa halkan ma ku qori karayeee ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

qix qix qix inaa qoslahayo ayaad modaa

fandhaal waad iga qoslisaye tan adna iga qabo.

Nin baa xaas kiisii waxay ka heshay codkii mu adinka Masaajidka. Maalin walba markuu wadaad kaasi salaada dadka ugu yeedho waxay tiraah daa Alla shiikhu cod macaanaa. Ninkii qabay gabadhaa waxuu qaadan waayay arintii. Maalin buu wuxuu kuyiri xaaskiisii waan safarayaaye oo waxaan maqanaanayaa ilaa labo maalmood. Waxaba magaaladii kama tagin wiil yar buu usoo dhiibay hilib wuxuu kuyiri gabadhaa u gee oo waxaad ku odhanayasaa wadaadka masaajikaa ka adima baa ku soo dhiibay wuxuuna yiri hilibka soo shiil magribkana iigu kaalay geedo magaalada xoogaa u jira oo layiraahado Ilmo nuune.

wuxuu soo xidhay qamiis madaxan cimaamad buu ku duub tay si aanay xaaskiisu u garan ul aan lafah jabin laakiin xanuun badana wuu soo qaatay

Markay geedihii timi buu ku garaacay iyadoo kab na laa laadinaysa kabna sidata bay soo carartay.

Maalin tii danbe buu gurigiisii ninkii kusoo noq day wadaadkii baa casarkii eedaan ku dhuftay waxaba way odhan wayday Magrib buu hadana ee daamay waxa may odhan, markaasuu ninkeedii yiri Alla wadaad kaasi cod macaanaa markaasay xaas kiisii soo booday oo tiri war nagadaa waxa geedah ilmo nuune buu dadka ku laayaaye.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

kkkkkkkk lool

 

war ana bal tan iga hooya!

 

 

Nin ka mid ah Bakhaylada ugu waaweyn dunida ay-aa waxay xaaskiisu u keentay cunto, dabadeedna wuxuu billaabay in uu la cuno xaaskiisa, iyagoo cunaya ayuu wuxuu ku yidhi ‘cuntadu macaan badnaan lahaydaa haddaanu cidhiidhi jirin !’

 

Xaaskii oo yaaban ayaa ku tidhi "waa maxay cidhiidhigu waa adiga & aniga uune? "

 

Markaas buu ku yidhi "waxaan jeclaan lahaa in aan noqono aniga & weelka oo keliya!"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this