Sign in to follow this  
Nephissa

Sheeko Somali

Recommended Posts

Nephissa   

SCWW

 

Halakan hada ka dib wixi sheekooyin Somali & ila qosol aad heshaan ku soo qora saaxibayaal.

 

Nin ayaa wuxuu dhalay wax ilmo ah hal gabar markay 5 sano gaartay ayuu ka socdaalay oo uu dibada ka aaday, waa danbe ayuu soo laabtay waxaana loo sheegay in gabadhii la guursaday oo ciyaal ay dhashay hase ahaatee gabadha waxaa guursaday mid aad iyo aad u gaaban oo cilin ah asaga iyo sadexda ciyaalkaa way is le'eg yihiin.....

 

laakiin hal meel ayay ku kala wayn yihiin odaygii ayaa maalinkii danbe soo booqday markay ciyaalkii ku yaaceen ayaa waxaa is iloobay kii gabadha qabay oo asna ku orday odaygii....

 

wixiina waa gaaban yahay odaygiina wuxuu ku bilaabay inuu qaad qaado ciyaalkii laakiin isagii markii uu kor u qaaday ayaa waxaad budh aad moodo ayaa odaygii xabadka kaga dhaceen ...

 

odaygiina waa naxay markaasuu ku yiri gabadhiisii naa maandhay kani ragsanaa ma kii ugu waynaaabaa ???

 

markaasay inta qososhay tiri alla alla aabe dhig dhig kani waa ninkaygiiye.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

IMMISA SHINBIR?

 

Macallin xisaabta dhiga ayaa ardadiisa mid ka mid ah uu ka daalay sidii uu u fahamsiin lahaa kalagoynta.

 

Haddaba wuxuu isku dayay in uu tusaale u soo qaato shinbir meel joogta. Macallinkii wuxuu ku yiri ardeygii: Cali dhageyso haddii shan shinbir oo geed saaran mid ka disho immisa ayaa soo hareysa? Cali wuxuu ku jawaabay hal. Macallinkii oo xanaaqsan ayaa yiri: Cali waad qaldantahay affar ayaa soo hareysa.

 

Cali ayaa isagana ku jawaabay macallin adigaa qaldan affar wey duulayaan. Halka shinbir ee aad dishay oo kelya ayaa soo hareysaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

ISKA DHAADHICI:

 

Nin baa maalin dhakhtar u tegey isagoo u sheegay dhakhtarka inuu xanuunsanayo. Dhakhtarkii ayaa ninkii baritaan ku sameeyey su'aalana weydiiyey si uu u ogaado inuu ninkan cudurka haya iyo noociisa uu bal helo. Dhakhtarkiise wuxuuna dareemay in ninkan uu hayo wax la yiraa cuqdad nafsi ee uusan cudur kale hayn.

 

Wuxuuna dhakhtarkii ninkii ku yiri "Waxaan kugula talinayaa inaad iska dhaadhicisid inaadan xanuunsanayn markaas ayaad bogsan doontaa." Ninkii ayaa yiri "Waahagaag dhakhtaroow", oo inuu tago isku dayey, markaas baa dhakhtarii yiri "War

ninyahow lacagtii baadhitaanka isii". Ninkii baa yiri "Dhakhtaroow, adiguna iska dhaadhici inaan lacagtii ku siiyey.

 

Salaama Ka dheh:.............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pujah   

great sheekooying

 

* wishes she had something to add

* then realized yes she does

 

Sheekooy sheeko

sheeko xariiro

shilin baa duustay

shaah bay karisay

wuu qaraaraaday

wee daadisay...

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

great sheekoyin gabdho nasib xumo lakin sheko aan kudaro baanan hayn lakin waa kuso dari dona insha allah*

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Sheekaddii Hog Baas

 

Qaybtii Kowaad

 

 

Maanta oo dhan wuxuu dib usoo jiidayay gacantiisa midig. Markuu laba taako dib usoo celiyoba taako iyo badh bay hore u carartaa. Markuu u caalwaayay inuu gacantiisa kala soo baxo sursuurtan ay gashay ayuu telefoon agtiisa yaallay qabsaday oo la-hadlay afadiisii oo dhawr saacadood ka hor booqasho ugu kicitintay xaafaddii hooyadeed.

 

Qaali! Een! een! waxaan ku idhi gacantaydii, een, een… Hee Macaan, maxaa ku haya? Ma-inaad wax ii sheegtaad doonaysaa? Muna oo aad uga yaabsan waxa seygeedii ku dhacay ayaa su'aalo ku badisay, waa maxay? Waad neefkudinaysaa ma-waxbaa kugu dhacay xabiibi?

 

Maya! Maya!… waxba iguma dhicin qaali, runtii waxba caynkaasi iguma dhicin. Een, een. Waa maxay Faarax maxaad la-een een leedahay, hadda malaha sidaadii baad qasaaladdii oo aan saani u xidhnayn maryo ku dhaqaajisay. Hay odhan aqalkiibaa wada biyo miidhan noqday? Waad ogtahay in gogosha taallaa qaali tahay, waa markii saddexaad ee aad sidaas u kharribto. Mar horena waadigii qasaaladda ku kharribay gurigoo dhan. Habeenkaad qasabadda soconaysa ka seexatayna waad ogayd, Muna oo aad uga werwersan in Faarax sidiisii gurigii kharribo ayaa soo xusuusisay wax alla wixii uu dhibaab guriga hore ugu geystay….

 

Maya, xabiibi, xaasha, sownigii kaaga ballanqaaday inaanan dib dambe aqalka gogoshiisa u kharribin, Faarax baa yara illaaway dhibaatadii haysatay oo niyadda u dejiyay ooridiisii. Waan ogaa macaan inaanad sidaas qalqaalli u ahayne mararkii horeba shil uun bay iska wada ahaayeen, imika ma-waxbaad ii sheegilahayd? Gacantaada iyo wax baan mooday inaad soo hadalqaaddaye? Ma-waxbaad madbakha ku samaysanaysay oo mindi baad isku-goysay?

 

Xabiibi waxba ma-jiraan ee waxaan is idhi bal ka war-hel inay xaafaddii hooyo gaadhay, arrin yar oo aan sidaas usii ridnayna waan kuu sheegilahaa, waa dhinacii amaahdii jaamacaddayda oo aan waraaq ka helay iyo waxyaabo yaryar oo iska caynkaas ah, hadhow baynu ka sheekaysan-doonnaa…

 

Waa hagaag my dear, degdeg baan usoo noqonayaa kollayba hooyo ku raagimaaye. Maya, maya take your time, waxba haysa soo jirrabin, anigu kollayba madadaalshahaan cabbaar sii daawanayaa……

 

Waa yahay xabiibi and yes one last thing, Internet-ka haku-raagin ahahahaha, Muna oo aad uga warhaysa balwadda seygeeda ku dhejisay kombiyuutarka hortiisa ayaa dardaaran yar oo ay kaga waaninayso isticimaalka badan ee Internet-ka kusoo goysay hadalkeedii..

 

Hayga werwerin xabiibi imika waan dhimay oo warka dalka waxaan ahayn kama eegee, allow yaa u sheega halka ammintan xaaladi ila-marayso ayuu uurka ka yidhi Faarax.

 

Gigigigigigig!!!!ararararar!!!uhuhuh! markuu telefoonkii gacanta ee uu dhegta ku hayay dhigay ayuu arkay gacantiisii midig ee uu maanta dhan dib usoo jiidayay oo inay sursuurtii ku-wada libidho u dhow…..

 

Intuu xoqadihii fardhexadiisa bidix kor ugu riixay ayuu kursigii wareejistay oo gacantiisii bidix kaga buuxsaday garabkiisii midig oo ku dhow inuu raaco gacanta inteedii kale. Inta Faarax baaxadsoorahan ku jiro murankii iyo sawaxankii ka socday qolka haasaawuhu weli halkii buu kasii socdaa…..

 

[Hibo--Private] Hirad xaggaad ka dhacday?

[Hibo--Private] Hirad ma-sidaasaad fulay u ahayd?

[Hibo--Private] Waar ma naagtaadii baa ku aragtay?

 

Wuu arkaa Faarax qoraalka hortiisa firigfirig leh laakiin wax macne ah u samaynmaayo. Markuu is yidhaahdo qoraalka u fiirsaba indhihiisu way weydaaranayaan, wuxuu qalbigiisu u tallaabayaa hummaag ka shisheeya qoraalka.

 

Eehehehe qabo wuu kuu fasaxanyahaye…Eraygii igu dambeeyay ee Hibo ku tidhaahdo ayaa maskaxdiisa sidii dawanka ugu laba-dhacaya. Wuxuu taaganyahay xaalad ah "yaa kaa dammiinta "…..

 

Waxaad mooddaa in gacantiisa midig iyo tufaaxan geedka dhankiisa bidix ka laalaada ee inuu goosto lagu casuumay yihiin dar abidkood is-mudanjiray.

 

Faarax maaha nin qalqaalli iyo gacandhaaf u dhashay. Waa laba iyo afartan jir ilaa maalintii uu garaadsaday salaad sax ahaa. Gurigiisa dacalwalba waxa ku taxan cilmi, mid diineed, mid saynis iyo mid nolosha kale lagaga baaraandego….

 

Waxyar ka hor intaanu hor fadhiisan kombuyuutarka wuxuu soo tukaday salaaddii casar. Runtii isticimaalka kombuyuutarka guudahaan iyo gaarahaan Internet-ka Faarax aad buu beryahan dambe u xiisaynayay.

 

Inkasta oo uu inta badan ku koobnaanjiray baadidoonka warka dalka, muddo dhowayd ayuu bartay isticimaalka goobaha ra'yiga laysku weydaarsado. Faarax wuxuu had iyo jeer jecelyahay inuu fikradda uu mawduuc ka qabo kala doodo oo kala-murmo cid kasoo horjeedda, waa sababta ku dhiirigelisay inuu badsado warwareegga goobaha Internet-ka ee muranku ka duulo…..

 

In muddo ahse xaalkiisu wuu dhaafay murankii siyaasadda iyo arrimaha caalamka ee uu ku foognaanjiray. Wuxuu bartay inuu galo goobaha haasaawaha iyo shukaansigu ka dhaco.

 

 

Faarax iyo Muni waxay isqabeen muddo lix sannadood. Waa laba ruux oo aad u maskax furan. Tiraabkasta oo ay isweydaarsadaan waxay siddaa macne guud oo noloshooda sii toosiya. Maaha dad ku dirira xaggaad qabatay iyo hawshii waad igaga baxday. Carruur isumay dhalin, maahase mawduuc dhimay xiisaha iyo kalgacalka ay isu-hayaan.

 

Hooyo! Waan sii carraabayaa ee galab wanaagsan, waxaan gurigii kaga imi Faarax oo keligii joogaye. Waa yahay hooyo. Muna intay hooyadeed soo nabadgelyaysay ayay soo ambabaxday iyadoo ka-yara-werwersan hadalkii ninkeeda. Tolow maxaa ku dhacay ee uu kaa qarinaayay?

 

Gaadh! Tiigso! Soo qabo. Siduu isu-barbarinayay ayuu komiyuutarkii miiska dabadiisii ka xooray. Ahaha.. fulay baad tahay maadigaa ku dhaca, waxaad ka baqaysaa xaaskaagee!!!…. weli madaxiisa waxa ku mudan hadaladii Hibo.

 

Faarax!!!! Alla bisinka, Muna oo guriga soo gashay ayaa waxay ku naxday Faarax oo miiskii kombuyuutarku saarnaa dushiisii wax kula legdamaya… Faarax!! Faaraxow, intay dhinaciisii usoo dhaqaaqday ayay magaciisii ku celcelisay, miyuu maqlayaa, intuu soo qooraansaday ayuu isagoo gacantiisa midig waxaan Muna u muuqan aad ugaga buuxsanaya ku yidhi; ma-inaanan kusoo gaadhayn baad moodaysay Hibooy…..

 

Caawaa la-ba'ay, intay tidhi ayay dib isu-yara-taagtay. Tolow ma-qof dumar ah baa kuusoo dabamartay intii aad maqnayd? Waa ayo Hibadan uu sheegayaa? Waxa Muna ku beermay masayr aanay weligeed dareemin….

 

Faarax, xabiibi waa ayo qofkaad la-hadlaysaa? Maxaa kombuyuutarka riday? Waxay isku-dayday bal in hadal uga soo baxo.

 

Inyar! Haddaanan gaadhin halkaan kuu sheegayay, imisaan ku-lahaa haasaawaha sidaas fogaynin. Ma-waxaad u haysataa inaanan London kuugu imankarin anigoo qalfoofkaygu Toronto ku suganyahay? Sow imika saani ii dareemimaysid?

 

Muna waxa ilaahay isugu keenay naxdin iyo argagax, intay labada dhaban gamcaha saartay ayay dib u guratay, halkii ay markii hore islahayd bal waxa Faarax haya eeg ayay imika baqdin xad-dhaafi guudmartay…

 

Tolow maxaad samaysaa? Waxa ku caddaatay talo. Bilays ma-dalbataa? Mise walaalahaa baad telefoon u dirtaa.

 

Qaw!qaw..iyadoo weli hammigii ku maqan ayaa albaabkeedii debedda la-garaacay, sidii ruux gurmad filayay ayay degdeg dhankii irridda ugu orodday. Isla-doonasho-illaah, waaba mid ka mid ah walaalaheedii ay niyadda ku haysay iyo wiil ay Faarax saaxiib yihiin oo ay muddo hore masaajidka dhexe tafsiir ka-wada marinjireen….

 

Alla walaal Cabdi, alla waan ba'ay, waxay qorta iskaga duubtay walaalkeed oo ku muusawday. Maxaa walaal dhacay? waa maxay? maxaa ku helay? Cabdi weligii ma-arag walaashii Muna oo sidan u muraaradillaacsan.

 

Walaal waa Faarax! Waa Faarax! Waa Faarax!, Muna ayaa hadalkeedii dhaafiwaayay walaal waa Faarax. Cabdi iyo wiilkii kale oo yaabban ayaa ku celiyay Muna, maxaa Faarax ku dhacay…Waa kan, waa Faarax. Maxaa dee Faarax helay? Innamadii oo yaabban kana naxsan waxa inanta helay ayaa gurigii hore usoo galay, mise ninkii Faarax oo aad mooddo inuu qof la-legdamayo ayaa miis dushiisii rafanaya….

 

Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Acuuddu billaahi mina-shaydaani rajiim, waa jin, waa jin, wiilkii ay Faarax tafsiirka wada marinjireen ayaa Cabdi hoos ula-xanshashaqay. Oo ma-sidaasuu wax u galaa? Haa, mar haddaad aragto qof sidaas cid aan la-arkayn ula-legdamaya waa jin… Illaahay haynaga indhasaabo innaga, Cabdi oo aad u baqay ayaa ku celiyay wiilkii. Shaydaanka iska-naar, aad u naar weliba. Ma kor baan ugu dhawaaqaa? Adigu korna aad hawgu dhawaaqin, hoosna haw hadlin ee meel dhexaad hadalkaagu ha-noqdo.

 

 

 

Qaybta labaad is coming soon!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taasaa Mashaakila!

 

Bishaaroy waxaa jiray nin hal-heyskiisu ahaa erayga taasaa mashaakila. Waagii danbe baa waxaa ninka iyo reerkiisaa soo booqday sodohdii(xaaskiisaa hooyadeed).

 

Markayse timid isagu reerka ma joogin oo shaqo buu ku maqnaa. Markuu soo laabtay baa loo sheegay iney sodohdii timid. Sidii lagu yiqiiney buu wuxuu yiri taasaa mashaakila.

 

Duqdii baa markay maqashay eraygaas caro la baqtin gaartey kadibna carootay, ninka iyo gurigiisana isaga haajirtay. Maxaa meeshaa lagaa dhibsanayo ku dhigay bay mindhaa isku canaanatay!

 

Markuu ka warhelay in sodohdii hak-heyskiisii dhibsatey oo sidaas darteedna u carootay wuxuu ku jawaabay: taasaa mashaakila.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

xiinfaniin sxb waan maqlay sheekadaan.......

 

 

Sheekaddii Hog Baas

 

Qaybtii Labaad

 

 

Dhinac iska-taag, weligaa dhanka bidixda lagama maro qofka jinku galo, ma-maqashay faryarada bidix buu ka-baxaa?. Haa waan maqlay, Cabdi oo yaabban ayaa wiilkii ugu jawaabay.

 

Sow maad maqal, iska ilaali haddaba dhinaca bidixda sababtoo ah haddii imika jinku go'aansado inuu Faarax ka-baxo wuxuu kasoo boodayaa farayarada bidix, wuxuu ku dhaqaaqaa xawaare kan ilayska ka dheereeya, markaas haddaad dhinaca bidix taagantahay waxa laga yaabaa inuu xawaarihiisu ku durreeya oo meel aad martayba lagu waayo…. Weligaa ma-maqashay dad baa dabayl jin jiidhaa? Haa waan maqlijiray; Cabdi jawaab maahee hadal kale kuma jiro.

 

Dabayshaasi waxkale ma-ahayn ee waxay ahayd xawaaraha jinku ku socdo.

 

Een! Waxaan u malaynayaa inaynu u baahannahay wadaaddo kale oo ina caawiya, wiilkii baa Cabdi ku wargeliyay, inanta u sheeg inay qolkeeda hoosta kasoo xidhato, marmar buu dadka isqaba iyo kuwa isdhalayba u kala-tallaabaaye…

 

Ma-jinku? Haa jinku!!!

 

Cabdi oo talo ku caddaatay ayaa walaashii Muna hoos ula-hadlay oo ku yidhi orod walaal waxwaliba caadi bay noqonayaane qolkaaga iska-gal. Muna iyadoo aad u murugaysan ayay u dhaqaaqday dhinacii qolka.

 

Shiikh waxaan ku weydiiyay, Cabdi baa qunyar ula faqay wiilkii… Hee Cabdi..

Ma-waxaad tidhi jinku dadka isqaba iyo kuwa isdhalayba waa u kala-tallaabaa?

Haa, miyaanad kitaabka "Rixlatul Duyuuf" la-yidhaahdo akhrisan ee uu qoray ninka Carabka ah ee jinka bariga Afrika turjubaanka u noqday? Maya, Shiikh kitaabkaasi ima soo gaadhin….

 

Waxbadan baa kuu dhiman Cabdow, markaynu Faarax dawayno ayaan kuusoo qaadidoonaa kitaabkaas oo habeennada qaar kuu marindoonaa…

 

Oo Shiikh waxaan ku su'aalay, Cabdi baa hoos ula-faqay wiilkii, Hee Cabdi. Miyaad u malaynaysaa inuu xididka u kala-tallaabikaro jinku?

 

Waa wax dhicikara, laakiin weli baabkaasi uguma soo bixin. Haddii inaynu la-joogno Faarax neecaw qabow iyo wax aad dareento bal ila-socodsii. Oo Shiikh ma Toront ayaa neecaw qabow laga dareemiwaayayaa?

 

Noocaas maaha, waar waxaan kuu sheegayaa neecaw xadanto oo kale ah. Eeg waxaanad fahansanayn Cabdi haddii uu gabadh gelayo wiil buu iska soo dhigaa, haddii uu wiil gelayana gabadh buu iska soo dhigaa, miyaanad maqlayn in Faarax markaynu usoo galnay uu ku dhadhabayay magac dumar? Mayee wallaahay waan maqlayay…

 

Qabowga aan kuu sheegayaa waa gacantii inanta oo ku taabanaysa, may fahantay…

 

Haa Shiikh, xaax imikaaba wax I xulayaan…..

 

I sug aan masaajidkii inoola hadlee, wuxuu kadinka isla-taagay telefoon…..

 

Haa, Salaamu Callaykum waar waa Diiriyee ma Shiikh Tarmadi baa, waar haaye caleykuma salaam. Shiikh Tarmadi hawl yar baa inagu soo korodhay. Oo ah?

Waa ninkii Faarax! Subxaana waa haye! Gurigiisii baannu joognaa….Waa qadder illaah, waa kow! Waxaannu u malaynaynaa in jin durreeyay. Waa wax dhicikara, haye. Dee waxaannu u baahannahay ciidan halkanna keligay uun baa jooga, waxa ila jooga wiilkii seeddigii ee Cabdi isaguna saamic weeye ee qaarinimada waa ka arradanyahay…

 

Waxaad yeelaysaa Diiriye! Hee Tarmadi. Aniga iyo Shiikh Axmed iyo Shiikh Mukhtaar iyo Shiikh Muraad baa isasoo raacayna ee toban daqiiqo nagu sin, waa xagaag Shiikh…

 

Cabdi! Hee Shiikh. Culimadii oo dhan baa inoo imanaysa markaasaynu hirdi iyo tantoomo isu raacinaynaa inantan wiilkii inaga afduubtay ee waxba ha-werwerin caadigiisii buu kusoo noqonayaaye…

 

Intuu dhinacii Faarax u dhaqaaqay ayuu ku yidhi, naaya waa naagta jin maxaad ku sheegtay magacaaga? Hibo iyo maxaad lahayd waa lay-yidhaahdaa?

 

Inta xisaabtan ballaadhani dushiisa ka-socoto Faarax wuxuu ku jiraa halgan hoose. Qaybo ka mid ah xiskiisii ayaa afduub xun lagula wareegay oo mar hore raacay khadadka Internet-ka. Sheekada guudka sare ka socota oo dhan maqlimaayo. Weli waxay maskaxdiisu ku qafilantahay halkii Hibo sheekada marinaysay markii la-haleelay…

 

Muni waxay oohin la-dul gawdiidsatay sariirtii hurdada. Walaalkeed Cabdi ayaa u tegay oo intuu garabka qabtay ku yidhi, walaal waxba ha-werwerin wuxuu Shiikhii yidhi waxaannu kaga saaraynaa toban daqiiqee, imika culimadii oo dhan baa imanaysa…

Waa yahay walaal, Ilaahay khayr haka-dhigo…

 

Salaamu Callaykum, Wa-Callaykuma Salaam. Soo dhaafa culimo, Cabdi baa soo dhoweeyay wadaaddadii. Shiikh Tarmadi oo u horreeya ayaa ugu jawaabay waar wada culimaynu wada-nahaye hayna kala soocin…..

 

Shiikh Diiriye, Shiikh Tarmadi, Shiikh Axmed, Shiikh…Shiikh, salaan iyo gacanqaad baa mayayga layskaga dhigay. Ma-sidana ninkii Faarax laga dhigay, Shiikh Tarmadi baa u dhaqaaqay dhinacii Faarax, naa maxaa kugu soo qaaday ninkan Islaameed miyaanad diin lahayn, ma-jinkii gaalada ahaa baad tahay?

 

Faarax oo baaxadsoorihii kasoo miiraabay ayaa arkay Shiikhan kusoo libidhsan ee dhaddigga ugu yeedha, markaasuu intuu istaagay ku yidhi waar waa sidee maanigaad naag igu tilmaamaysaa?

 

Faarax iyo Shiikh Tarmadi aad bay isu yaqaanniin. Wuxuu Faarax ku ogaa Shiikh Tarmadi nin xishood badan oo aan dhacdhaca aqoon, wuu yaabay oo wuxuu is yidhi maxaa tolow shiikhii qaaday, oo waa maxay dadkan daba tubani, oo waa Shiikh Axmede oo waa Shiikh Mukhtaare, oo waa Shiikh Muraade..

 

Intuu kor u eegay ayuu yidhi; waar maxaa masaajidkii idinka keenay? Shiikh Tarmadi baa intuu qoslay dib ugu soo jeestay culimadii kale oo ku yidhi; waaba jinkii Dixon ka shaqaysanjiray ee aynu maalintii dhowaydna inanta ka saarnay…..Adigaannu kuu nimi, waana ku gubaynaa….

 

Waar guriga ii dhaafa yaynaan isku sharaf dhicine….Subxaanallaah, ma-naagtaada ilaa London kasoo doolaalo tagtay baa sharaf ilaashanaysa? Shiikh Diiriye oo xusuusan magacii "HIBO" ee Faarax ku dhadhabayay ayaa ku tiiqtiiqsaday Faarax isagoo culimada kalena u caddaynaya in naagtan jin London kasoo duushay….

 

Waar waa ku sidee Diiriye? Maxaad meel iigaga dhacaysaa, Faarax bay shalay mooyee dorraad ka tagtay, waar sowkuwan culimadooda maahee seeddigaana kaaga xishoonwaayay ee hortiisii kugu aflagaadeeyay, waar nimanka iska celi…

 

Dhaafa guriga intaan arrintu faraha ka bixin. Ahahahaa…. Shiikh Mukhtaar ii qabo gacanta bidix, Shiikh Axmed I caawi adna, ninkii Faarax baa marqudha lagu degay. Markuu arkay in xaaladdu meel xun marayso oo culimadani soo tashadeen ayuu is yidhi waar nacalabee yaan seeddiga hortiisa baqdini kaaga muuqanne nimanka hilbo kala hadh, hig wuxuu feedh bidix qabadsiiyay Shiikh Mukhtaar aaaaaaaaaaa……GIG markaasuu Shiikh Axmed kaad xiniinyaha u geliyay…..oooohoohh waar ninku I dil, waar qabta, waar celiya…..marqudha uun baa ninkii Faarax lagu degay….

 

Hig!hig..hig-hig dhengedo loo samaystay oo dadka jinka lagaga saaro ayaa loo darandoorriyay, aah ooh iih, Tola'ay, waar Cabdow nimanka iga qabo, waar nimanku I dile, waar maxaad iigu eegaysaa…

 

Cabdi baa talo ku caddaatay, wuxuu is yidhi soo dhaqaaq markaasaa wadaaddadii mid ka mid ihi ku yidhi, waar ma naagta jin baad Faarax moodaysaa? Waar waa iyadii oo Faarax iska dhigaysa…. Markaasuu dib u hakaday…

 

Muna oo qolkii hurdada ku jirta ayaa is-haynweyday markay qayladii Faarax maqashay oo qolkii kasoo boodday, Cabdi oo kadinka qolka fadhiga taagan baa isku duubay, soo noqo walaal waa naagtii jin oo Faarax iska-dhigaysee….

 

Shiikh, miyuu uuunnn… miyuu miyirbeelay? Diiriye oo iska ilaalinaya in Cabdi iyo Muni maqlaan ayaa Shiikh Tarmadi weydiiyay sababta Faarax u naaqdaayay. Uuushh, hoos u hadal.

 

Shiikh sidee wax-u-jiraa?, Haa Cabdi waa caadi weeye, waxay u muuqataa inay inoo yara-dhabbacanayso.

 

Maxaa Shiikh dhabbacaanaya? Een naagtii jin, sidaad aragto Faarax wuu isla-maqanyahay markaas ma-hubno inay wada-dhaaftay iyo inkale, waxayse u dhowdahay inaanay weli weydaaranin, miyaad waxa qabow yara-dareentay intaad kadinka taagnayd Cabdi? Maya Shiikh waxba ma-dareemin……. Haddaa way joogtaa, may tegin, waar may tegin, sidaas mid ku tegaysa maaha, culimadii oo dhan baa isku-wada-raacday inaan qoftii ay Faarax ka-saarayeen aanay weli ka-bixin….

 

Muna oo luudaysa ayaa kusoo dhiirratay inay halkii Faarax yaallay usoo dhowaato, heh-eh-qiq, waxa taageeray walaalkeed Cabdi oo isagoo niyadda u dhisaya ku yidhi; ha-werwerin walaal, Eebbe waa sahlidoonaaye….

 

Markii muddo shan daqiiqo ku siman dadkii kala-aammusnaa ayaa Faarax indhaha kala-qaaday. Wuxuu arkay nimankii maanta dhan garaacayay oo ku xeeran iyo Muna iyo Cabdi oo halkaas meel ah soo taagan.

 

Qaybta saddexaad is coming soon

 

 

Salaama Ka Dheh:..........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Wiilo & Xiinfaniin, Waad Mahadsantihiin. Keep them coming.

:D

Wiilo: sheekada qaybta hore si fiican baan u akhriyay, laakin part II waan ka baqay. Acuudu Bilaahi Mina Shaydaani Rajiiiiiiiiiim.

 

Bal soo wad, ninka waxa haayo aan aragnee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fandhaal   

KIILO CUNE!

 

Raali ahaada sheekadan meel khaldan ayaan ku daabacay e

 

--------------------------------------------------------------------------------

Beri baa waxaa la yidhi nin aad u cir waynaa ayaa guursaday gabadh, haday muddo wada noolaayeen ayay gabadhii u dul qaadan wayday ninkan cuntadiisa, maalinkii danbe ayay u soo ban dhigtay inuu furo maadaama wax kasta oo ay kariso aysan ninkan deeqsiin karin.

Ninkii oo aad u wel-welsan ayaa u yimid saaxiibkii ugan sheekeeyay arintii. Saaxiibkii ayaa ku yidhi aniga igu daa arinta anigaa xal u heli e.

Ninkii saaxiibkii ahaa wuxuu u tagay gabadhii ninku qabay wuxuuna ku yidhi: Kiilo cune ma joogaa? gabadhii way yaabtay oy is tidhi show ninka cirta waa lagu ogyahay, waxayna tidhi: maya.

Ninkii wuxuu yidhi: kiilo cune markuu yimaado waxaad ku tidhaahdaa waxaa kuu yimid LABA KIILO CUNE, wuxuuna ku yidhi aniga iyo SADDEX KIILO CUNE noogu imow gurigii AFAR KIILO CUNE.

Gabadhii way yaabtay oy is tidhi malah raggu waa wada sida ee adigaa haweenka la qabo ugu nasiib badan oo HALKIILO CUNE ku qabaaye qarso.

Halkii ayayna ku joojisay furitaankii ay u socotay reerkeediina ku dhaqatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Bishaaro macaanto iga hoo sheekada qaybteedii saddexaad.....

 

 

Sheekaddii Hog Baas

 

Qaybtii Saddexaad

 

 

Waar malaha dadka oo dhammi adigay kuusoo wada-tashadeen, oo haddii wadaaddadu ogaan kuu dilayaan maxaa ku dhacay ooridaadii iyo seeddigaa? Cajiib, wallee waa yaab..

 

Aah, juuu…intuu madaxa kor usoo qaaday ayuu is yidhi soo sara-fadhiiso. Cabdi oo meel durugsan taagan ayaa u holladay inuu taageero, aah.aa..no!no maya! Maya xaasha, ha-taaban Cabdi, oo xaggee hadalku kaa dhaafayaa miyaannaan maanta dhan ku lahayn xigtada iyoxididkaba wuu u kala-gudbaa, dib u joogso, Shiikh Tarmadi baa amar siiyay Cabdi…..

 

Haa! Diiriye oo xusuusan su'aashii Cabdi mar hore weydiinayay ee ku saabsanayd in jinku xididka u kala-gudbto ayaa been ku yara-ladhay hadalkii Shiikh Tarmadi, haa Cabdiyow arrinkii waa sidaan kuu sheegayay, wuu u kala-tallaabaa xididkana….

 

Cabdi oo baqdini gashay ayaa dib isu taagay.

 

Waar yaadhaheen waa nimanka, waar I dhaafa guriga jin iyo cali-cali-lahayninee!! Out all of you!! Faarax mar qudha tamar cusubi soo gashay oo kusoo sarakacay wadaaddadii, ob-ab qabta, celiya, waar qab, riix, dhankan ka gal, dhinaca kale ka mar… marqudha ayuun baa samadaas lala-tegay Faarax oo kursi halkan yaalla labadible loogu xidhay…

 

Shiikh Tarmadi iyo colkiisii arrintii way ku adkaatay, gabadhii jin ee ay caawa dhan eryanayeen meel ay ka baxday oo ay Muna iyo walaalkeed tusaan ma-hayaan. Ninkii Faarax oo masaajidka iyo salaamu-callaykum laysku-ogaana maanta sidii feedh iyo laad loogu waday ayaa si xun loo kala-dhintay…waxay u muuqataa in talo fara-ka-haadday..

 

Diiriye? Hee Shiikh Tarmadi bal kaalay. Shiikh Tarmadi baa Diiriye debedda ula-baxay, waar heedhe arrinku sidaad noogu sheegtay uma muuqdo, meesha naag magaceed waa lagu hayaa laakiin jin iyo insi waxay tahay ma-hubno, ninkiina sida ka muuqata caqligiisii wuu fayowyahay inkasta oo aad mooddo inuu yara-sirinsirqaysanyahay….waxaynu yeellaa, aynu cisbitaalka geyno oo dhakhaatiirta u sharraxno sida wax u dhaceen ee sidaas ugu sheeg inanta iyo Cabdi.

 

Waa hagaag Shiikh. Oo kaalay, kaalay, nabarro badani kama-muuqdaan markaas waxaad ku tidhaahdaa inanta iyo Cabdi dhakhtarradu wixii ay inaga su'aalaan nabarada ugu sheega inuu isagu isgaadhsiiyay, waa hagaag..

 

Wuxuu Diiriye gooni ula-faqay Muna iyo Cabdi. Faarax oo ilaahay yaab u keenay ayaa markuu arkay ninkii saaxiibkii Diiriye oo ooridiisii iyo seeddigii gooni ula-faqaya qaylo ku dhuftay. Waar Diiriyow, ma-adigiina? Ma-ninkaagii aan gurigayga ku korijiray ayaa maanta xaaskaygii gooni ula-faqaya…..

 

Acuudu billaah, digooy ku-bax, dabow ku kac, deerooy ku did, xuknnu bilaa-qiyaas, naxnu xaadir wa-markhaati, waannu soo taagannahay, indhahaaga olol leef, tan iyo London wax kula-duule, wadaaddadii oo Shiikh Tarmadi hoggaanka u hayo ayaa markay qayladii Faarax maqleen afdhurwaa aanu weligii maqal isu-daba-dhigay….

 

Intuu qosolgariir ilka-caddeeyay ayuu yidhi; waaryaadhaheen ma-maantaa taasina ii dambaysay? Haaheey, jin baad tahay aan oggolayn inuu baxo. Idinkiyo hooyadiin baa jin ah. Istaaqfurrallaah! Waxay ku hadashay ma-maqasheen jinniyaddii, waannu kaa shidi jidhka Faarax….

 

Miyuu xanuun hore oo xagga maskaxda ah hidde u-lahaa? Maya dhakhtar. Maxaa sidan ugu xidhxidheen? Dee wuu cararayaa oo na-laayay oo xaafaddii kala-burburiyay..ma-sidaasaa? Haa haddaa sow aayar maannaan soo kaxayneen….

 

Tanaaba ugu daran, oo illayn dhakhtarradana arrinku wuu gaadhsiisanyahay…

 

Faarax! Faarax…may maqlaysaa? Dhakhtarkii baa su'aalay. Intuu cabbaar indhaha ku gubay ayuu kasii jeestay……..cabbaar markuu dhakhtarkii isku-deyay inuu hadal kasoo saaro ayuu ka tegay oo ku noqday Mun, Cabdi iyo wadaaddadii oo halkan meel ah tuban. Waxaad yeelaysaan wuxuu ninkani u muuqdaa in diiqadi ku dhacday markaas caawa waanu jiifinaynaa, kiniin dejiya iyo waxoogaa dawooyin ah baannu siinaynaa, markuu nasto ee maalmo dawooyinka qaato waxaan rajaynayaa inuu caadi iska-noqdo…

 

Waa si-wanaagsan dhakhtar. Waad mahadsantahay. Waad mahadsantihiin. Naa Munaay, waar Cabdiyoow waar haygaga tegin meesha, waar miyaa waalateen…markuu arkay ooridiisii iyo seeddigii Cabdi oo sii ambabaxaya ayuu qaylo ku dhuftay oo is yidhi raac, nin gaadh ah oo halkan taagan ayaa soo qabtay, markaasuu feedh u dhiibay ninkii, mise waxa kusoo booday saddex kale oo inta dhulka lagu dhejiyay ayaa irbad kuwan dadka maankoodu qoonmo lagu joojiyo ah ayaa la-xuluuliyay, ninkii Faarax ayuun baa shan daqiiqo gudahood ku waashay, biyooy, biyooy, biyooy….balaq sidii sakaaro la-gagabiyay ayaa waaxiba meel ku engegtay…markaasay intay jiideen qol yar oo albaab bir ah leh sariir taalla duldhigeen oo dusha kaga soo qafileen…..

 

Subax wanaagsan kalkaaliso? Subax wanaagsan. May sheegikartaa halka Faarax ku jiro? Ma-xaaskaasii baad tahay? Haa, waxaan ahay xaaskiisii…Wuxuu ku jiraa qolkaas soo jeedo ee ninka gaadhka ee kadinka fadhiya waxaad tidhaahdaa albaabka iga fur….

 

Mahadsanid. Gaadhka kadinka fadhiya! Muna oo naxdin cagaha dhaqaajin la' ayaa albaabka xidhan ee gaadhku hor-fadhiyaana caloosha sii wareejiyay. Ma-taasaa idiin dambaysay.

 

Faarax! Madaxu miyuu ku bararay? Uuuh…! Bal iska-warran saaka? Uuuh…! May garanaysaa! Uuuh…! Naxdin awgeed ayaa cagahii haynwayeen miisaankii jidhkeeda, intay cuskatay derbigii qolka ayay kursi sariirta Faarax jiifo dacalkiisa ah yuruursatay oo iyadoo dhabanka iyo gacantu isku-dhegeen muddo ku dhaygagtay Faarax iyo siduu u yaallay…..

 

Salaamu Callaykum, Callaykuma salaam. Muna waa Shiikh Tarmadiye ninkii Faarax ka-warrama? Oo Shiikh maxaan kaga warramaa imika saddex bilood ayuu cisbitaalkii ku jiray, gaaladiina irbado gebigiisiiba jaanjaamay ayay kala-daaleen….. Haa waa xaq, Haa Shiikh waan ogahay inay xaq tahay, waxanse keliya oo isku ciilkaanbiyaa inaan Diiriye iyo walaalkay markii nooma imanlahayn..…

 

Maya! Maya.. Muna sidaas haw hadlin, haddii aanu Diiriye markii idinla-joogin oo aanu noo yeedhin xaalka Faarax wuu sii xumaan lahaa. Filimaayo Shiikh sababtoo ah uba-malaynmaayo in Faarax dhibaato sidaas usii ridan qabay…

 

Ha-odhan Muna, runtii naag aad masiibo u ah baa gashay ninka, haddaanaan maalintii ka saarin wuu kasii darilahaa.

 

Oo Shiikh ma-waxbaad ka saarteen. Oo Muna miyaanad cilmigaannu darandoorriyaynay ictiraafsanaynba? Mayee Shiikh waydin ayidsanahay laakiin ninkii waa kasii daray. Dhibaato sii ridan maaha. Sida qaalibka ah waxaan soo sameeyay waxoogaa baadhitaan ah, waxaana ii caddaatay in gabadha ninka ku jirta magaceedu yahay Hibo oo ay deggantahay waddanka Ingiriiska.

 

Dee horta Shiikh magacaas waaba ka maqlayay markii aan usoo galay. Oo haddaa maxaan ku leeyahay Muna. Oo Shiikh sidee adigu kusoo heshay illayn muddo maynaan hayne. Ahahahaa… Muna annaga khadadkayagu waa badanyihiin, runtii aniga iyo Faarax sidaad ka-warhayso waxaannu ahayn asxaab aad isugu dhow. Imika muddoba waxaan meeraalaysanayay goobaha haasaawaha ee Internet-ka…..

 

Maxaad tidhi Shiikh? Ahahahaha…miyaad ila-yaabtay Muna? Maya, xaasha kulama-yaabin ee waxaan dhegahaygu qabannin meelaha aad tidhi waan joogjoogay. Haa, waa goobaha loo yaqaan godadka haasaawaha…Haa, kuwaasi Shiikh waaba "Hog Baas". Waan la-socdaa Muna laakiin arrintaa Faarax baan aawadeed u galay…

 

Oo imika waxaad I leedahay soo heshay qoftii Faarax dhibaatada u geysatay? Shiikh Tarmadi oo ka-yara maagaya inuu arrinka wada caddeeyo isla-markaana jecel inuu Muna dareensiiyo inaan Faarax rajo ugu hadhin ayaa marmarsiinyo ku warwareegay.. Muna? Muna? Hee Shiikh… Horta ma-ogtahay inaad qof aad u fiican dhankayga ka tahay? Runtii, runtii…. Waad mahadsantahay Shiikh….

 

Sidee imika Faarax arrinkiisu yahay? Maxay dhakhtarradii yidhaahdeen? Wallaahay Shiikh ninkaa xaalkiisu aad buu u liitaa, gaaladii ninkii waxay kala-daaleen irbado yuururiyay oo aannu dhannaba u dhaqaaqayn. Faaraxii aad taqaannay ee firfircoonaa maaha. Runtii aad baan uga werwersanahay, ihi..ihi-ihii…

 

I am very sorry, Muna..aad baan uga xumahay. Hoo, intuu qallajisoo yar oo cad jeebkiisa kasoo saaray ayuu lasoo kacay oo taagay Muna.. Mahadsanid Shiikh. Dhibaato malaha.. wuxuu ku agwarwareegay kursigii ay fadhiday. Waxa ka muuqata murugo xoog leh. Waxa niyaddeeda ku wareegaya wixii qorshe toosan ay Faarax wada habaysteen. Marba tashi aanay doonayn ayaa hor-imanaya…

 

Marnaba niyaddeeda kuma jirto Faarax cidla kaga dhaqaaq, laakiinse culayska xaalkiisan cakirani saaray guudkeeda ayaa mararka qaarkood niyaddeeda hoos u rida….

 

Bes!bes! intuu garabkeeda bidix dhawr jeer gacantiisa midig dulmariyay ayuu gadhka qabtay oo madaxeeda xishoodka hoos ula-jeestay kor usoo toosiyay, Muna? Iyadoo gariiraysa oo aan eray kasoo bixin ayay indho qajilaadi dabooshay kor ugu eegtay, khaakh..qiq…Shiikh, Shiikh..Shii… Macna male, macna male….,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

 

Acuudu-billaah acuudu billaahi..billaahi…. muftaaxii iyo kaanshaddii baabuurka ayuu isku beegikariwaayay. Firig…firig..firig…..buuuuuuuuuuuuuffffffffffff intuu xawaare la-yaab leh kaga dhaqaaqay guriga Faarax hortiisii ayuu isagoo aan samafare eegin, oo dhinacna jalleecin dhabbo weyn oo wixii gaadiid Toronto joogay mulacyaynayaan toos ugu dhexdhacay..jiqiiiiiiiiiiiiiiq………bush…bashkakax…dhiiiiiiiiiiiiiiiiidhhhhh…

 

Leexo!ka-leexda dhammaantiin…dib isu-taaga, bilayskii gaadiidka iyo gurmadka degdegga ah oo goobta isugu yimi ayaa duway dhammaan dadkii iyo wixii gawaadhi aagga kusoo beegmay.

 

Maxaa meesha ka-dhacay? Waa maxay qiiqu? Diiriye oo kasoo baxay salaaddii cishe ayaa nin goobta shilku ka dhacay taagnaa weydiiyay sida wax-u-dhaceen. Imikaan aniga naftaydu isasoo taagay, laakiin dadkii meesha hore u joogay waxay igu yidhaahdeen baabuur nin Soomaali ahi wado oo si ba'an u-soconaya ayaa shilka oo dhan dhigay..

 

Oo mee isagii? Diiriye ayaa markuu erayga Soomaali maqlay sii dhegnuugsaday warkii. Waxay dadku lahaayeen isaga dhulkaba ulamay dhicin oo meydkiisii baa dhooli la-saaray, laakiin khasaaraha kale ee uu geystay ayaa ka-daran…

 

Wuxuu isha-mariyay khalqigii goobta isugu yimi isagoo isku-deyaya bal in cid uu gartaa kaga soo baxdo. Makuu dhawr jeer kolba kor u cidhba-taagsaday ee waxba arkiwaayay ayuu is yidhi waar maad Muna sii salaantid oo dabadeedna kii Shiikh Tarmadi cabbaar lasoo cawaysid…..

 

Mudane, baabuurka dhankan u leexi, miyaad meesha ku nooshahay? Maya, waxaan siyaaranayaa xaafaddan. Maya, maya xaafadda ma-siyaarankartid? Markuu Diiriye soo gaadhay agagaarka gurigii Faarax ayuu arkay meeshii oo dhan oo bilays xidhay iyo guluubbo casaan iyo buluug ah oo dunidii nooc kale ka dhigay…..

 

Wuxuu la-murmay askarigii joojinayay. Waan gelayaa, waxa meesha ku nool walaashay, isii-daa… Askarigii ayaa intuu ku yidhi I sug dib ugu jeestay taliyihiisa ii meel durugsantaagan. Intuu kusoo laabtay Diiriye ayuu ku yidhi, dabaqee walaashaa deggantahay? Dabaqa afraad. Magaceed? Muna…..

 

Intuu garabka qabtay ayuu kexeeyay oo baabuur bilaysku leeyahy oo meel taagan ka furay albaabkiisii. Waxaad yeelaysaa aad baan uga xumahay, goobta waxa ka dhacay shil. Gabadh Soomaali aannu u malaynayno ayaa loo filayaa inay kasoo dhacday dabaqa afraad……….Iyaa..maxaad tidhi? Dabaqa afraad…oo meeday, miyay dhimatay, xaggee la-geeyay, siday u ekayd?????????????????????????????? Mudane waa arrimaha aannu baadhayno ee waxaad yeelaysaa maad inyar saldhigga nagu sugi, mise…

 

Maya!!maya tegimaayo ilaa aan ogaado….wal.ej.knnnnnnn..

 

Eebbow adigaa weyn. Intuu madaxa gamcaha saaray ayuu is-haynkariwaayay oo dib hunqaaco ula-jeestay. Waxaad moodaysay in baabuurka iyo daaqadda ay Muni kasoo boodday si fiican laysugu sii beegay. Inkasta oo xoogga badankiisa ku dhacay baabuurka koofiyaddiisii sare haddana Muna naftu kuma riiqriiqin… Wuxu yara-jalleecay dhawr liid oo dhiig ah oo dhinacyada uga dareeray madaxeeda sare…

 

 

Waa xaq, oday Soomaaliyeed oo guriga dabaq ka mid ah ku noolaa ayaa Diiriye oo meel uu marayo isgaranin dhegta u saaray, waxay lahaayeen qof Soomaaliyeed baa guriga kasoo booday intaanay inantu daaqadda kasoo dhicin oo baabuur halkan taagnaa degdeg u dhaqaajistay… Oo adeer baabuurka iyo ninka midna cidi ma-arkaysay tolow?…mooyi, laakiin waxay ahayd qof aad u wanaagsan intuu yidhi ayuu ka dhaqaajiyay…

 

[Hibo--] Hi all, caawa miyaan meesha cidi joogin?

[Hibo--] Juuqla miyaa? Aaway saaxiibkay Hirad…………………..

 

 

………Dhammaad, 3 April 2001

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK edleh@hotmail.com

 

Salaama Ka Dheh:.............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Ninkii wuxuu yidhi: kiilo cune markuu yimaado waxaad ku tidhaahdaa waxaa kuu yimid LABA KIILO CUNE, wuxuuna ku yidhi aniga iyo SADDEX KIILO CUNE noogu imow gurigii AFAR KIILO CUNE.

War ninku fariidsanaayaa! Inna Rag xeeli kama dhamaato :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

bishaaro iyo wiilo..kaalaya buugaagta aa kasoo hesheen sheekoyinkan lee noo sheega nooh!!!

 

hal mar aa tusbax camal usoo afuufteen iyaga dhan.

 

Wareer badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this