Sign in to follow this  
Blessed

Mucjiso- Nin Naagtiisa Dhegta ka Qaniinay!!!

Recommended Posts

Blessed   

Asalaamu calaykum, :D bala ila eega sheekadan!

 

 

Wax walbo oo layaab leh arkay; tanna waa ii dhinneed.

 

Waxaan bishii hore la kulmay, nin iyo naagtiisa oo muddo dheer isqilaafsanaa oo dhibaatooyin fara badanna isa soo gaarsiiyay, haddana raba in ay tusaale u noqdaan qoosaska Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibbadiisa.

 

Waxaan jeclahay in aan oofiyo balantii aan ka qaaday qoyskan oo ah in aanan qorin magacooda runta ah. Waxaan uugu yeereynaa Cabdi iyo Caasho.

 

Cabdi iyo Caasho sida ay ii sheegeen waxey is guursadeen ayagoon si fiican isu aqoon, oo waxaa isu keenay calaf iyo caasho oo mooday in Cabdi uu taajir ahaa oo uu dhaqaalihiisa wanaagsanaa.

 

Cabdina wuxuu islahaa gabadhan qurxan yeey ku gafin, oo wuxuu ka rumeeyay maahmaahdii aheyd, "Naag been baa lagu soo xero geliyaa, Runna waa lagu dhaqaa".

 

Cabdi deen badan buu ka qaatay, dad fara badan, si uu ugu sameyo Caasho Aroos aanay weligeed arkin. Wuxuuna u sameeyay xaflad weyn, oo dad badan ayaa ka soo qeybgalay

 

Markii ay todobada ka baxeen ayey Caasho wediisay Cabdi in adderkeed oo dalka ku jiran lacag u diro. Cabdina wax lacag uu isku hubay ma ay jirin, markaas buu damcay in ka meermeereesto, oo xitaa uu ku yiri Caasho, "Adeerkaa majiranee wuu is yeel yeelayaa".

 

Caasho wey carootay markii ay aragtay in Cabdi uusan laheen dareen, haddana uu aflagaadeenayo adeerkeed oo jian.

 

Cabdi iyo Caasho waxaa kala dhex galay ehelkoodi, kadibna wey heshiiyeen oo Caasho reerkeedi bey ku laabatay. Cabdina wuxuu u keenay gaari cusub oo uu yiri, "waa xaalmarintaada, raalina ka ahoow gafkii aan ugeestay adeerkaa."

 

Caasho gaari cusbaa ayey sidaas ku qaadatay ayadoo aad u faraxsan. ku riyaaqsan arooskeedii quruxda badnaa ee uu Cabdi u sameeyay iyo Gaarigan qurxan ee uu hadda siiyay.

 

Laba bil ka dib ayaa Caasho oo uur yar leh oo u deg degsan ballan ay laleheed takhtarkeeda, ayey ka weyday gaarigeeda halkuu yiilay. Caasho isla markiiba Booliiska ayey wacday oo ay u sheegtay in gaarigeedi la xaday.

 

Markii Booliiska baaray, ayuu ugaaday in cabdi uu bixin waayay lacagtii Gaariga oo shirkaduu ka iibiyay ayaa dib u jiidatay.

 

Caasho markii ay maqashay warbixintii Booliiska, ayey dib u carootay oo ay ka tagtay Cabdi ayadoo indhaheeda ay ilmada ka da'ayaan ayey reerkoodi ku noqotay.

 

Caasho madaama ay uur lahaeed ayaa reerkeedi dib u celiyeen oo ay fareen in aanay uuga xumaan gaarigii hore oo ay hadda la wadagto gaarigiisa.

 

Cabdi jaceylkii uu u qabay Caasho oo markaas uur uleheed, ayuu u keenay set dahab ah oo uu yiri,"Caashoy dahabkan waa xaal marintaada." Caashana waxey tiri, "Cabdiyoow dahabkan ma sidii gaarigii oo kale baa?" Cabdi wuu iska aamusay.

 

Bil ka dib ayaa Cabdi iyo Caasho oo gurigooda joogo ayaa albaabka soo garaacday qof dumar ah oo raadineysa Cabdi. Caasho oo xiran setkii dahabka oo quruxda badnaa oo uu Cabdi u keenay ayaa markey albaabka furtay, la yaabtay naagtan raadineysa Cabdi.

 

Caasho oo careysan ayaa naagtii ku tiri, "naa ninkeyga maxaad ka raadsaneysaa?" Naagtii ayaa ku jawaabtay,"deenbaan ku leeyahay oo dahabkan aad ku xaragooneyso buu iga soo deensaday, lacagna weli ima uusan siinin, oo muddadii uu ii qabtay waa la dhaafay."

 

Caashana sidii ayaa looga qaatay dahbkeedi.

 

Waxey Caasho iyo Cabdi is jiijiidaanba, sidaas ayey saddex carruur ku dhaleen.

 

Caasho oo ciil badan qabtay, ayaa biloowday shaqo, aydoo uuga tageyso caruurta Cabdi.

 

Maalmaha ayan Caasho shaqeynina waxey biloowday in ay aado aroosyo ama asxaaabteeda. Oo ay Cabdina ku ciqaabtay in uu guriga iyo caruurta ka shqeeyo. Markuu Cabdi howsha guriga ka soo bixi waayana, Caasho Booliiska ayey ugu yeeri jirtay.

 

Cabdi markii uu Boliiska xiray afar jeer ayuu go'aan ku garay in uu iska dhiciyo Caasho oo dagaal ayuu isu diyaariyay, waayo wuxuu beenta iyo dhibtaan u maray oo dhan waxey ahayd jaceel uu u qabo Caasho.

 

Maalintii danbe, ayaa Cabdi oo shaqada lagasooiryay, oo isku buuqsan, ayey Caasho oo meel usocoto ku tiri,"Caruurta iyo guriga sii hey." Cabdi wuxuu yiri, "maheen karo." Markaa seey Caasho ku jawaabtay, "hade guriga ayaad kabaxeeysaa ama bolliiska ayaan kuugu wici."

 

Cabdi markii uu maqlay Booliiska ayuu miirka beelay oo uu sidii dhurwaaga Caasho dhegta ilkaha uuga goostay. Ka dib Booliiska ayaa yimid oo Cabdi sadex bilood ayaa la xiray. Caashana intuu Cabdi xirnaa ayey xaqiiqdii ogaatay in Cabdi uu si dhab ah u jeclaa, oo caruurtiisana ay aabahood u baahan yihiin.

 

Casho halkaas ayaa Alle ku tusay runtii oo waa ay tooba keentay oo Cabdi markii uu xabiska ka soo baxay ayey goa'aan ku gaareen in ay reerkooda dhaqdaan iyagoo is jecel.

 

Maanta Caasho iyo cabdi waxey u yihiin tusaale qoysas badab oo dhibaatadaas oo kale heysato.

 

Waxaa Qoray Casiiso Ibraahim.

 

 

Source: www.4somaliwomen.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   
:D Kix kix kax kax Illaahoow kuwaas yeysan tusaale noo noqon. Maxaad ii keentay! Iyadii dhegta cad baa maqan issaguna waa danbiile oo "domestic abuse" baa buuga ugu yaal. Intii yareyd oo ay wada joogeen oo waliba caashaqoodu cusbaa gar iyo war gabadha ha la soo celiyo baa lagu jirey. Sheekadoodu iyo xaajooyinkoodii hoose si caam baa loo ogaa xaafada oo dee waa kashifan yihiin. Aduunyooy ku nacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haddii dhinac kale laga fiiriyo sheekada, labadan qof'i nolol cajiib ah oo aan hadana qariib ahayn marka qurbaha la eego bay isla soo mareen. Alle mahadi, waxay u noqotay qibrad, waa ayna ka tusaale qaateen. Gabagabadii, jaceylkii labadooda ay isu qabeen [qaas ahaa, kii Cabdi] baa mayalka u aasay xasiloonidii iyo nabad iyo jaceyl ku wada noolaanshihii reerkan.

 

Dhinaca kale, qisadu waxa ay taabanaysaa boog quruntay oo bulshada qurbaha ku nool saamaynaysa, qaas ahaan dhalinta yar ee guursaneysa. Inta ay is leeyihiin facaa iska tiiri oo aqal galkaaga iyo arooskaagu ha sheegnaado ayey waxay ka boodeen muhiimada iyo nuxurka dhisida reer cusub. Dhanka kale, waxay taabanaysaa dumarka [qaarkood] iyo filka ay ka qabaan ragga guursanaya. Wax i tus, meeshaad rabto ka keen'e! Fikirkaas oo ah mid liita.

 

Allow ceeb noo astur. Aameen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

waa sheeko aad u nuxur badan,waxaan oranlahaa casho iyo cabdiba laba qofoo wanaagsan bay ahayen,madama uu isna jacayka wax walba u maray,,iyana ayna Noqon doqon gawsawayn, oo xaqiiqadii xga danbe ka ogaatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Sheekadu aad bey iiga qoslisey.. ciyaalnimada laisku raacey baan la dhacay lol

 

Runtii, anigu waxaan ka yaabey guurka dhan ee beenta lagu dhisey. Waxaan fahmi la'ahay siduu qof usigu halayn karo qof aan runtiisa ogayn?

Rag badan oo maahmahdan ki socda ayaan aragtay.. taasuna maruun uun bey ku soo bixi..sowq may runta iska sheegaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

"Naag been baa lagu soo xero geliyaa, Runna waa lagu dhaqaa".

Waa run oo maahmaahdan waa jirtaa,,waana lagu dhaqmaa si badan,sababtuna waxa weeye dee Dumarkii sow lacag lagama raacin,dhalinta soomalida ahna wax lacag haysta waaba iska yar yihiin,,marka lagu dhoho $50K aroos iigu dhig,,maxaa kuu diiday in aad wax la farsameeyo, ;):D:D lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

AHAHAHAAHAAHAHA misana GAX AGX AGXGAXGAXGAXGAX...

 

mama Ameena aka ayeeyo Haliima kaalay waxaan xagee ka keentay..lol...iga tag waana waashee

 

wareer badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buubto   

Asalaamu Aleikum

lol waa sheeko cajiib, balse xaalada dhabta ee somalida maanta ku sugantahay ayee tilmameysaa. waa run rag badan ayaa adeegsada maah maahdan "gabari been ayaa lagu soo xira galiyaa runa waa lagu dhaqaa". Tii aqli yar un baa ceelka ku dhacdo balse tii kale doorbinteeda ayaa u weyn. somalida waxey kale oo ay ku maah maahdaa "guur marka hore wuu simo dhuuban yahay marka danbane wuu simo balaaranyahay". Marka hore hadii laga fiirsado oo aad darasto sababta aad guurka ugu baahantahay iyo wax tarkiisa. dhag qaniin iman meyso.

 

P.s and no i don't think they could be a role model for other married people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

u have no idea how many times that i woke up in the middle of the nite and wanned to bite it off!! lol...

 

but i decided just to whisper into her ears while shes sleep and download a whole new code into here mind!! it works try it!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pujah   

caasho iyo cabdi are not fit to be role models for anyone....they are in need of mariage counseling to work on their marriage......

 

charity starts at home

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Ar ay kutubee..Aaba siyaad oo fatashaari waalan xiran aa soo celisee...waa ka naxay..ururka hooyoyinka kacaanka maa ka mid aheed?...lol

 

Mise maama xaawa taako gabdhaha taa geersan aa tahay?..lol

 

Wareer badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Sheekadaan inaan akhriyo wey ii goysey, hada unbaan jaanis u helay.

 

caadi maaha runti

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

Mike Tysoneaque, actually Suarezeque weeyaan. Ilaahayoow beenta naga kori. Been nooc walba ah hadaad rabtid Nairobi taga. Dhagta ma ahanee, meel kasta ayee beentooda ka qaniinaysaa.

 

The above Tuujiye dude is funny.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Horay wan u maleenaya sheko uso dhow in aan maqlay. Gabadhi guursata qofey aqoona yadaba danbiga leh tan kale sidee bey u garan weydey in ay weydiiso shaqada nocu qabto. Ta sadexad ma kuwana qoys tusaale ah oo askar iyo waxlo jogin isku wacaya. Qoyska wanaagsanow xaal qaado lol. Ta afarad waa ilaahay mahadii hadey tobad keneen waxan rajaynaya hadey sheko run ku salesan tahay in ay noloshodi iskudubni iyo jaceyl wali ku wadaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this