Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

Wadaaddada vs Kuwa Heesa

Recommended Posts

Xafladii U hiilli Hobolkaaga Ee Gothenburg Sweden Oo Ay Carqaladeeyeen Koox Wadaaddo Ah.

 

Waxaa qortay; Ikraam Cali-kaar

Habeenimadii sabtida soo galay taariikhduna ku beegneyd 28.1.2005-ta waxa magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ka dhacday xaflad loogu magac darray u hiili hobolkaaga oo hindisaheeda lahaa Abwaanka weyn ee Yuusuf Maxamed Muumin (Yuusuf yare). Xafladan oo lugu taageerayey fanaankii Cabdi Tahliil Warsamey oo ku xanuunsanaya dalka Isutaga Imaaradka Carabta, ayaa fanaaniinta Soomaalida Sweden iyagoon u hakala harrin kasoo qeybgaleen xafladaasi kuna soo ban dhigeen bandhig faneedyadoodii looga bartay. Hase ahaatee siddii la doonayey xafladaasi uma dhicin sababtuna waa iyadoo ay qaban qaabiyeyaashu ku sheegen wadaado carqaladeeyey, ka hor intii aaney xafladu dhicin.

 

Abaarihii 10-kii fiidnimo ayaa meesha ay xafladu ka dhici laheyd oo ah xaafad ay sida aadka ah Soomaalida u tago yimaadeen koox wadaado ah, waxaana halkaasi hadalo kulul is weydaarsadeen qaar kamid ah qaban qaabiyeyaasha xaflada oo arrintoodu qarka u saarneyd iney u yeeraan boolis aminiga ilaalisha, kadib markii labada kooxoodba ay qoloba qolada kale eedeyneyso. Qaban qaabiyeyaasha xaflada ayaa iyagu la sheegay iney wadaada ku yiraahdeen hadaad meesha ka tegiweysaan waxaan u yeereynaa boolis oo aan leenahay waa â€Argagaxiso†Halka wadaadaduna sheegen in iyaguna haddii boolis yimaado oran doonan â€Meesha waxaa lugu iibinayaa maandooriyeyaalâ€. Muddo gaaban kadib ayaa fanaaniintii reer Stockholm oo hogaaminayey Yuusuf yare oo yimid goobta la hadlay wadaadadii iyo dhalinyaradii oo qoorta iskula jira, waxaana ay aakhirkii ku dhamaatay is afagarasho sida uu ii sheegay Yuusuf yare oo aan goor dambe qadka taleefanka kula hadlay. Mar aan weydiiyey sida ay isku afgarteen ayuu yiri â€Markaan arkay kooxdii wadaada aheyd oo raxan raxan ah, ayaan ku iri marka hore hogaan aan la hadlo oo addiinka idiin kamid ah ayaan rabaa sida ay Diintu Islaamkuba qabto ileyn dhowr iyo qof lamawada hadli karee, kadibna waxaan la hadlay hogaankoodi anah uma arkeyn imaatinkooda wax qalad ah bacdamaa ay gudanayen waajibaad diini, marba haddii meel la iskugu yimaado ay waajib tahay iney Alle ka cabsiga la is xasuusiyo is jiid jiid dheer kadibna waa ay gareysteen wadaadi meshiina wey iskaga tageenâ€.

 

Dhinaca kale ogaal la’aan jiray bulshada oo dhami aaney ogeyn iyo dhinaca wargelinta oo aad u liidatay marka laga reebo in qoraal ogeysiis ahaan loogu dhejiyey website-yada soomaalida ay iyadana aheyd sababta labaad ee xafladaasi nuxurkii iyo ujeedadii loo sameeyeyba ka qaaday, dad tiro ahaan kayar 50 ruux oo kasoo qeybgalay xafladdii habeenkaasiay goob joog ahaayeen. Waxeyna tanin noqotay mid niyad jab ku riday fanaaniintii safarka u soo gashay si ay u kaalmeeeyan walaalkooda Cabdi Tahliil Warsame.

 

Xafaladan (u Hiili Hobolkaaga) ayaa qeybteeda labaad waxaa bishan dabayaaqadeeda lugu qaban doonaa magaalada Stockholm oo ah caasimadda Sweden, waxaana ay fanaaniintu rajeynayaan in dad badani ay kasoo qeyb geli doonaan, maadama magaalada Stockhom ay ka shacbiyad badan tahay magaalada Gothenburg oo iyaddu ay aaminsan yihiin bahda fanaaniinta Soomaaliyeed magaaalo â€hoy u ah ragga wadaada ahâ€.

 

Fanaaniin badan oo ay kamid yihiin Xassan Aadan Samatar, Maryan Mursal, Saacado Cali Warsame,Hibo Maxamed (Hibo Nuura) iyo qaar kaloo badan ayaa magaalada horey bandhig faneedyadooda luugu carqaladeeyey,waxaana ay magaaladu noqotay mid aaney kooxaha fanaaninta ahi aysan ku soo dhiiran ay ku ekaadan magaalada Stockholm iyo magaalooyinka kale ee Kobahagen iyo Oslo.

 

Fanaaniin ay kamid yihiin Hobol Yuusuf Muumin, Xabiib Sharaabi, C/kariin Tunni, C/naasir Illeeye,Xabiibo Maxamuud Cabdi (Xabiibo Wanaag), Maxamed Cumar, Deeq Ismaaciil Dheeg, kooxda Soomali Hip Hop, Aamina Faarax Weheliye Sendiko oo iyadu sidey sheegtay ugu timid magaalada London ee dalka Ingiriiska iyo qaar kale oo aan halkan magacyadooda lugu soo wada xusi karrin ayaa habeenkaasi safka hore kaga jiray bandhig faneedkii ay ugu talagaleen hobolkii Cabdi Tahliil iyagoo maamulkooduna uu aad u habeynaa, waana markii ugu horeysay ee sabanadan dambe la arko koox fanaaniin Soomaaliyeed oo tirro intaas la eg iyagoo nidaamsan ay wada jir u sameeyen bandhigfaneed.

 

Ikraam Cali-kaar

ikraam@journalist.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Libaax sankataabte, koley adiga Hobalada aala jirtaaye iiga waran meesha sheekada ka dhacday habeenkaas maxaa niyadaada kusoo dhacay, "ilaahoow yaa wadaadadaan Bush u keena, guantanamo haka tuuree". Saaxiib soo lagama yaabo meesha waxaad ku gaadeyseen iney ahaayeen gabdhihii la dhashay nimankaas wadaadada ah? Anigaba ma yeeleen saaxiib hadaan ahaan lahaa wadaadadaas, laakiin Ikraan ma eysan sheegin sababta ay wadaadada ku baxeen. Soo macquul ma ahan inay goobtii heesaha intey wacdi ka qudbeeyeen markooda kadibna dadkii oo dhan ay horey usii wateen? :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alle-Ubaahnoow, waxaan islahaa wadaad baad tahoo cidina kaa shakiyi mayso. Sowdigan wadaadnimadii iga saaray.

 

Waagii aan dhalinyarada ahaa mar mar waan soo fiirin jiray riwaayadaha, hadase oday weyn oo xaasle baan noqdoo, dee xaaladii baaba iska adkaatay. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

Horta Maxaa loo waayey Koox Nasheedooyin Islaami ah qaada oo Afsomali iyo Carabi iyo Ingriis ba ku qaada? Muslimiinta kale way wada leeyihiine. Waxay ila tahay in hadii Koox dhalinyaro ah oo sifiican ulabisata, oo af-malablayaal ah oo nasheedooyin iyo gabayo diini ah qaada lahelo, aad bay bulshadu uga helilahaayeen oo uga faaiidaysan lahaayeen. Fanaaniintana suuqaa laga saarilahaa, oo meelahaas bay tuugsan lahaayeen. :D

Nabadey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muadow, taasi xoogaa reer-magaalnimo ah bay u baahantahay. Wadaaduna hal-abuurka iskuma fiicna marka gabayga laga saaro. Anigu waxaan aad uga fekeraa siday wadaadaddii hore nabi-ammaanada iyo Alla-bariga afcarabi ugu allifi jireen! Taas waxaa dheeraa habkey ugu luuqeyn jireen.

 

Jiilkaasi waa tegey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this