Sign in to follow this  
Wiilo

Haybsoocu waa liidnimo.

Recommended Posts

Wiilo   

Caqli iyo cilmi badan uma baahna in la garto caddaaladdu in ay tahay asaaska jiritaanka ummadeed. La'aanteed miyey bulsho dhisnaan kartaa? Sow dulmigu ma aha waxa keena balaayo kasta oo dad ka dhex dhacda? In balaayadaas laga badbaado sow ma aha danta loo dejiyo xeerar lagu kala leexdo, haddii la isqabtana lagu kala baxo?

 

Qof walba oo inaga mid ah mar ama ka badan si uun dulmi waa loogu geystey, sidaa darteed ma jiro qof aan aqoon xanuunkiisa. Laakiin dabciga xun ee nafjeclaysiga ayaa keena in uu qof waliba marka isaga la dulmo uun damqado. Dabci xumadaas lagama sinna ee waxaa jira dad xilkas ah oo naftooda ka gudba, una halgama caddaaladda guud iyo sinnaanta bulshada. Taariikhda dhow iyo ta dheerba waxaynu ku aragnaa nebiyo, filosoofyo iyo halyeeyo kale oo u dhintay ama u darxumooday burburinta dulmiga.

 

Waxaan Idin Weydiinayaa; Sidee u Aragtaan arintan? Sidee baana oga Gudbi Karnaa Annagoo dhalinin wax dhibaata ah? Fadlan adigoon badalin mawduuca kani ra'yigaada ka dhiibo.

 

Wabillaah:....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa ugu horreeya inay jirto isku duubnaan bulsho iyo is jacayl. Bulsho hadii aanay midaysnayn, is jeclayn, isku duubnayn isla markaana is ixtiraamayn wax ay qiimo ku fadhidaa ma jirto.

 

Dareenka dulmigu waxa uu yimaadaa marka la helo isku duubnaan guud oo bulsheed iyo dareen guud oo wadaninimo iyo qowmiyadi ku dheehantahay. marka ay meesha ka marantahay qabyaalad, gobolaysi iyo is xasid.

 

Dulmiga walaalkaa lagu sameeyo waxa aad dareentaa marka aad jir keliya isku tihiin dareen walaaltinimana uu idinka dhexeeyo. markase wixii ku dhacaaba uu kula noqdo wax dad shisheeye ku dhacay ,,,, waa marka aad ka fogtahay wax wanaag iyo dareen dadnimo labadaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taariikhda dhow iyo ta dheerba waxaynu ku aragnaa nebiyo, filosoofyo iyo halyeeyo kale oo u dhintay ama u darxumooday burburinta dulmiga.

Soomaaliya gudeheeda waxaa ugu caansanaa raggii heybsooca ka dhiidhiiyey kana gilgishay gardarradii iyo qabkii qeyb ka mid ah qabaa'ilka geyiga ciideed ninkii la oranjirey Ayyax Maxamed Dhowre ee 1930-aadkii noola. tixdiisii caanka aheyd ee duufaanta ka kicisay carrigaas waxaa ku jirey:

 

Qooraha waxaa looga simay waysku wada qeyre

Waa qeydar low kaaga jabay hadalka qaarkiise

Qabbaanimo haddaad iga rabtiyo iqassaal marada!

Qaddarka Ilaah iguma qaban qoodhay xeradaye

Ayyax Dhawre.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Markii aan SOL ku soo biiray bilowgii sannadkii 2002, halkudhiggeygu (signature) wuxuu ahaa sidaan: LACNADI HA KU DHACDO DAALIMIINTA, LAAKIIN MAXAYNU NIRAAHNAA KUWA KA AAMUSAN IYO KUWA MARKA XERADOODA LA SOO GALO OO KALIYA QAYLADA AFKA KU SHUBTA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this