Sign in to follow this  
Hibo

Na Tus Murtidaada, Ma Qori Kartaa Hees?

Recommended Posts

Hibo   

CARTANOW horta soo dhowoow sxb.

 

Marka labaadna, sida aan anigu u fahmey hal-xiraalk waa sidatan.

 

Maadama ay maqaayadu busy ahayd, ninkii ddhagaha la'a waxba ma uusan cunin. Marka si uu oola socodsiiyo waiter-ka in uusan waxbo cunin ayaa wuxuu qorey 1 8 0 oo loo fasiri karo siddatan I ate Nil, 1 = i, 8 = ate, 0 = nothing or nil.

 

Ma hubo Jawaabtaasi ee la soco sxb CARTAN

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

CARTANOW sxb, Haduu qof kuu qoro sidatan, maku fasiri kareysaa af-soomaali

 

1 and 2 9 =?

 

Bal ii soo jawaab sxb?

Share this post


Link to post
Share on other sites
MaandeeQ   

Maashaa'allah! War halkeen ku maqnaa intey sheekadu sidan haboon isugu dhaceysay? Kaamilo Cadeey, sidee wax u jiraan, inaad ii soo yeerto so ma aheyn?lool Walee aqayaar sharaf leh ayaa meeshan isugu yimid.

 

Kamila, abaayo ileen adigaa Lodon igaga aqoon roone arrinta isugu keen duba rid, oo cilaanki, cusbarki iyo carfati loo baahnaa noo diyaari hadda.

 

 

Cartan, walaalo marka hore aad ayaaad ugu mahadsan tahay sida wanaaga leh ee aad igaga jaahil bixisay abwaanka qoray gabageygaas cajiibka ah. Kheyr Allaha kaa siiyo. Midda labaad waxaan aad ugu riyaaqi lahaa in la helo cid u bedesha gabeygaas luqad ajnabi ah, gaar ahaan English maadaama ay jiraan sida aad la socotidba dhalin yaro badan ee aanan aqrin aqoon afkeena hooyo. So ma wanaagsanaan laheyn hadii ay nala fahmi lahaayeen murtida ka dambeysa gabeygan cajiibka ah? Jamal, waa adigii ku wanagaasanaa qaba qaabintee maxay kula tahay arrintan?

 

Cartan, walaalkiis dhaqankeenu waa mid naga mudan in aan xafidno, ku faano una gudbino caruurteena, gaar ahaan kuwa ku dhasha dibadaha. Waxaa igu ballan ah in aan u xaragoodo sida gabar soomali ah maalintuu Eebe ii garto in aan guursado insha'allah. Ilaa iyo intti arintaa laga gaari doono, bal nagu sii madadaali suugaanteena xusida mudan adigoo mahadsan.

 

-------------------------------

 

"Stick To Ur Roots, Grantee U won't Go Wrong"

 

By; True Nomad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

Waad salaanantihiin kuligiin,

Adeer Cartan horta qatar ayaa tahay waan sugaayey ayaantaan halxiralahaaga lakiinse nasiib daro aniga jawaabti aan bixin lahaa aan u maleeyay horay ayaa looga jawaabay lakiinse macno malahan qofka ka jawaabay waa kii dooqeena isku raacanay oo la rajeeynaayo in uu noqdo (My Future Husband JamaaL-11) marka bad hadaan qaldanay aniga iyo jamaal cartan na soo sax si aan kaaga fa ideeysano oo aan u sii gudbino dadka aan naqaano insha alaah jawaab danbe ayaan kaa sugayaa cartan Cade,

 

Maandeeq cadeey macda aniga London waan ku cusbahay adiga amaad iiga fiicantahay wax yabahaas aniga kuma dheereeyi lakiinse don't worry lama waynaayo meelaahaas oo kale waa ka buuxsameyn meshaan ayaan u maleeynayaa abaayo aniga iyo adiga ayaa isku mid aan nahay Dumarka sanadkaan jira ee badal dhaqankeena iyo diinteena waa in aan ka hortagnaa oo ka tagnaa naqanka reer galbeedka iska dhaafna macda maxeey ka dheefaan waa aragtee tii sabti la arooso talaado ayaa la soo furooyaa marka taas anaga maa rabno taas macda anyways soo diyaar garoow aniga I am ready girl.

 

 

Jamaaloos haye maxaad ka leedahay arintaan my future hustband.

 

bye bye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

Kamila waxba kama qabo arrinkaas aad soo jeedisey. Waad ogtahay aniga in uu leebkii jeceylka laabta iiga taagan yahay lol.

 

See you later....

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Jamaal-11, Kaamila Caddeey, iyo MaandeeQ, waxaan marka horre iddin leehay.......

Salaan Gacalnimeeddoo

Garrabkey ka soo timmid

Farxaddeedu tahay Guur..Loooool

Ayaan soo gudbinayaa

Iddinkuna guddoon wacan.

..............

Raali ha layga haaddo, waan ogahay oo waan soo daahay, waayo waxaan baaddi-doonnay Shiikhii, Maherka innoogu xarriiqi lahaa. Shiikhii Maggaaldaba waan ka waayey oo meel baaddiye ah ayaan ka doonay, aannoo daalanaa balse u heellan farxadda arrooska Asxaabteyda, Jamaal, Kamila Caddey iyo Gacall MaandeeQ. Taas ayaa igu kelliftey in aan Socdaal u gallo dhawr maalmood oo aan farras ma haysane sii ergistey Baqan uu lahaa Duq aynu meel ka wadda haywgeli jirrey Saggaashaneeyaddii. Shiikhiina waakan hadda aan soo helay waa Diyaar, Waa soo xooggey bal

ha yar nasto intuu miyirsanayo.

Halkaas waxaan filayaa in aad garrateen hawshii i-hakisey dhawrkan maalmood.

 

Jamaal-11, sxb aad ayaad ugu mahadsan tahay soo dhaweyntaada xiisaha leh ee aad ii-fiddisay. Thanks for that mar labbaad.

 

Xaggaas iyo Jawaabta Halxiraalihii.

Jamaal-11, Isla qaabkii aan Jawaaba u hayey ayaad adna oga jawaabtey, marka waxaan koley is weydiiyey in aad horay ula kullantay iyo in kale, laakiin ma hayo sidda ay xaqiiqdu tahay.

 

1 and 29=?Waxaad mooddaa in aan dhinacyo baddan u rogroggey laakiin an isla keenni weyney. In kastoo aannan helin Jawaabta ku habboonaan leheed 1 and 29=? haddana dhawr waxyaalood ayey arragti ahaan ila noqotay, balse taas waxaa isu qillaafey anniga iyo nafteydii. Ugu dambeyn waxaan is-irri aarmaa lagga yaabbaa in aad u baahnaan leheed, some description about 1 and 29 =? si aan u hello barta uu halxirraaluhu salka ku hayo isla markaasina uu ka soo jeeddo fircankiisu, taasi oo ay ila tahay in ay fududdeyn karto heltaanka Jawaab suggan amaba ugu yarraan u dhaw. Jamaaloow, sidda aan fillayo inta baddan Halxiraalayaasha waxaa la socda faahfaahin yar oo markaas wax ka taabaysa isla halxiraalaha si ay "Furraha" ugu sahlannaato.

Ugu dambeyn Jamaalow, anniga iyo 1 and 29=? isla keeni weyney xaqiiqdu say tahay.

 

MaandeeQ, Walaashiis, mar labbaad salaan iga hanti.

Marka xigga xaggaas iyo Gabaygii "Qaaddow addigaa leh" Runtii waa ay wannaagsaneyd in la heli lahaa turjubaadda Gabaygaas oo qorraal ahaan lagu kawirro Afafka qallaad.

Bal dhinacaas waxa aynu wax ka weydiin Mudane Jamaal oo dhankaas ku habboon, waayo waxaan filayaa anniga in xaggaas layga horreeyo. MaandeeQeey,waxaaban u malayn in aan daggaal kula jirrey Afkaas marka loo eeggo Goob madalleedyada ay Soomaalidu ku kulmaan, nasiib darro wax guul ah ma aan ka hellin, Lool

 

MaandeeQ, Dabcan,Dhaqankeena in aynu ku faanno, ilaalinno, oo aynu usii gudbinno Jiillasha inaga dambeeya, dhaqankeena Wannaagsan ee isla markaasna Salka ku haya Diinteena Muqaddeska ah,waa sidda keliya ee aynu ku badbaaddin karro. Waxaa hubbaal ah in aynu lafteeni ka soo Gaarney Dhaqankan Awoow-yaasheen, haddii eyan awoow-yaasheen inna soo gaarsiin leheen, Maxaa dhaqan ah oo aan heeysan leheen? Waxaan filayaa in aynu xoogay yar uun ka duwaan leheen Duur-joogta haddii eysan inna difaaceyn Diinta iyo Dhaqankeenu. Marka haddaba halka eynu isu Ognahay in aynu si wannaagsan oo haggar la'aan ah oga soo baxno waa Dhaqankeenii oo hadda Halis ku suggan. Bal aynu isu dayno in aynu hadba meeshii aan joogni ilaalinno, Illaah baa wax ilaaliyee.

 

Kaamila, Halxiraalihii waa layga famey, waana isla sidda Jamaal ( your future husband) u soo tebbiyey. Bal haatan addaa wax laggaa suggaa ee maxaad sammayn, Kamilay?

Geerraakii intee oag soo tegtey. Ileen adna goobta waa ka maqnayd beryahaan, ma lagu arkine. Waxaan is irri Minxiisad lee soo raaddinee. I C.....

 

Midda kale MaandeeQ iyo Kamila, Diyaar noqdo arrooskii waa Next week-ga foodda inagu soo hayo. Bal wax sii tabaabbusheyta ka hor inta aydaan garrin arromahaas xaasaasiga ah. ;)

 

....SCS.

_________________________________________

_________________CARTAN__________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

NABAD IYO CAANO...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

CARTANOOW salaabtaasi waan kaa gudoonney, si wacan oo wanaagsan.

 

Marka labaad sxb... Run ahaantii horey oo ma aanan maqlin hal-xilaahaad inoo soo gudbisey, hasa yeeshee waxaan aqiiney midka aan aniga soo direy ee ah 1 and 2 9.

 

Bal hadeerna aan jawaab ka baxsho halxiraalka aan soo gudbiyey sxb.

 

1 and 2 9 markii af-Soomaali ahaan loo meersho, dhawaaqu wuxuu noqon sidatan;

 

One and two nine = Wan aan tunneyn.

 

Micnuhu waa "wan idaaleey oo aanan xiniinta laga tumin". waxaan filaya in aad i fahantey sxb Cartan.

 

Bal ii soo sheeg sida aad u fahantey sxb.

 

Maca salaam dhalinyaro

 

PS: Cartan thnkx for the poem sxb laakiin garan maayo the composer of that poem.

 

 

 

 

[This message has been edited by JamaaL-11 (edited 05-21-2002).]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

Cartanoow walagaa gudoomay salaanta qaaliga eheed aad noo soo gudbisay salaantaas kadib walaal waan ka xumahay in aan ku lugeeysiino fardo la aan jidka kugu dilno lakiinse macno malahan hadaad wada tay kabiihii waterburuufki ..lol kawaas laguma dalaayo madama aad hadeer shiikhi keentay waxaad tahay nin ku wanaagsan marqaatinimada hadeer waxii ka bilaawdo adiga ayaa marqaati noo ah marka maxaad ka qabtaan maandeeq iyo Jamaal arintaan mida kale adiga cartanoow waxaa tahay qof aftahan ah ku dheereeyo gabayada marka xaflada la furaayo adiga ayaa noogu furaayo gabay qatar ah ayaa lagaa rabaa in aad siidiyarisid.

 

Ayaantaan waxaan ku mashquul sanaa dhar radinta iyo kulaheena iyo nagaha cilaanka saaro saan akhal hooriba akhal hori u tagaayay waa dalay hadeer waxaan soo helay naag tunta masagada iyo galeeyda iyo naag sharaxda cilaanka marka hadeer wax walbo waa diyaare bal waxaan sugayaa intii wiiga danbe marka hadeer maandeeqeey goormaan ka dhiganaa arooskeen malintee adigana waxaa lagaa rabaa in aad soo diyaarisid dhiishii nagula yaqaanay ee oodkaca iyo timirta isku jiray ee sida adag loo soo xir xiraayay marka waxaa laga rabaa in uu u furo cartan jamaal..lol aniga howlaheeyga hadeer waan ka soo baxay dhankiina ka dhuujiya wax walbo waa diyaar lakiinse gacalo maandeeq soo diyaari guriga iyo sharaxaadiisa waxaa lagaa rabaa in aad noo diyarisid akhal hoorigii aan dagi lahaa adigan kaa dagi laheed..lol

 

cartanoow bal soo habeey adigaa aftahan ah marka waxaa lagaa rabaa Nimanki iyo Naagihii ciyaari lahaa wilisiqada iyo dhaantada iyo saarka iyo wax lamida.

 

heesta aad horay u soo qortay cartanoow waan jeclahay qatar waaye heestaas

Geelu waa dareera, ariga waa ka daran yahay, caanaha dur duraayo

 

Peace and love

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Salaan Kal iyo laab ah marka hore.

 

Maansadan waxaa tirriyey Abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yamyan. Waxana uu kaga hadlayaa sifooyinka uu leeyahay qofka Soomaaliga dhabta ahi. Marka, bal ka waran qofkii laga waayo Astaamahan uu Abwaanku tilmaamay ma lagu tilmaammi karaa "Soomaali"?? Maantana waxa aynu wadda garwaaqsannahay diihaalka ku dhacay dadkii iyo dalkii. Sebbenkana siddiisaba waxa soo ifbaxay waxyaalo badan oo aynaan horay u aqoon una lahayn, kuwaasi oo sii ifinnaya collaaddaha jira ee arxan la'aanta ah.S u'aal muddan in lays weydiiyo ayaa waxa ay tahay, Soomaalida Maanta joogta ma u qalmaan sifooyinka ay Maansadu Tixaabayso?? Haddal iyo dhammaantii, bal ila eegga gunta maansadan iyo micnaha ku aassan.

Maggaca Maansada waxaa la yiraah:

SOOMAALI WAA KUMA?

Waxayna ku billaabataa siddan:

 

1.. Waqtiyada socdaalka ah

2.. Ayaamaha silsiladda ah

3.. Xilliyada bal suuree

4.. Soojire haddaad tahay

5.. Sadarrada dib ugu noqo

6.. SOOMAALI WAA KUMA?

 

7.. Sinnaantaan la magac ahay

8.. Sanku-neefle ma oggoli

9.. Inuu iga sarrayn karo

10.. Anna garasho sogordahan

11.. Sooryo ruux ugama dhigo

12.. SOOMAALI BAAN AHAY!!

 

13.. Ninna madax-salaax iyo

14.. Kama yeelo seetada

15.. Sasabada ma qaayibo

16.. Sirta waxaan iraahdaa

17.. Saab aan biyaha celin

18.. SOOMAALI BAAN AHAY!!

 

19.. Inkastoon sabool ahay

20.. Haddana waan sarriigtaa

21.. Sacabada ma hoorsado

22.. Saaxiib nimaan nahay

23.. Cadowgayga lama simo

24.. SOOMAALI BAAN AHAY!!

 

25.. Socdaalkaygu waa meel

26.. Sahaydaydu waa dacar

27.. Soohdintaydu waa caan

28.. Seeftaydu waa cudur

29.. Naftuna geedka iga suran

30.. SOOMAALI BAAN AHAY!!

 

31.. Nin i sigay ma nabad galo

32.. Nin i sugayna maba jiro

33.. Libta weli ma sii dayn

34.. Gardarrada ma saacido

35.. Nin xaqlana cid lama simo

36.. SOOMAALI BAAN AHAY!!

 

37.. Nabaddaan u sahanshaa

38.. Colaaddaan ka selelaa

39.. Sooma jeesto goobaha

40.. Ninka nabarka soo sida

41.. Gacantiisa kama sugo

42.. SOOMAALI BAAN AHAY!!

 

43.. Ninkaan taydu soli karin

44.. Uma yeelo suu rabo

45.. Sida dunida qaarkeed

46.. Ninna kabaha uma sido

47.. SOOMAALI BAAN AHAY!!

 

48.. Ninka iga sed roonow

49.. Siintaada magaca leh

50.. Ogow kaama sugayee

51.. Hana oran "sasabo bedow"

52.. Dareen seexda ma lihiye

53.. SOOMAALI BAAN AHAY!

 

54.. Saan la kala jaraan ahay

55.. Summadi ay ku wada taal

56.. Rag baa beri i saanyaday

57.. Anoo xoolo soofsada

58.. Xil midnimo anaa sida

59.. SOOMAALI BAAN AHAY!!

 

© Cabdulqaadir Xirsi Yamyam.

 

....SCS.

_________________________________________

_________________CARTAN__________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

NABAD IYO CAANO...

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

History repeats itself ... Exactly 32 years ago, this piece of Gabay was Qaasim's feelings over the Somali plight at that time ... After

that 32 yrs and sth, the Somalis ... Well, here is some passage of that Gabay:

 

~MAAN MAHADIN~

 

Mugdi baan ka gacan haadiyaa Maxamed Kaydow-e

Maangado abaar ah iyo dirraan maax ka dayayaaye

Geel baan maqaarka u sidaa midi ka dhiiqayne

Mus cadaawe laga teediyay baan meerayaa debed-e

Milicdaanu sheekaysanaa maalin abidkeed-e

Hadba waxaam miliilicahayaa miigashiyo ciil-e

Mawjado badeed iyo Wabaan moos is'leeyahay-e

 

*** **** ****

 

Dad musbaar dhegaa kaga jiraan maqal ka tuugaaye

Soomaali midab doorsantaan meeday leeyahay-e

Maroodi iyo mas waabeeyo leh baan minan la seexdaaye

Mindidii boqnaa iga jartaa madaxa ii taalle

Mawdkii adoogay dilaan meel dhow ka arkaaye

Waxaan midigta saaraa ragii meel xil leh i dhigaye

Noloshuba macaan ma leh haddaanad magac ka reebayne

MAAN MAHADIN MAALINTAAN DHASHAY

AY II MUSHXARADEEN-E"

 

 

---- Gabayaagii Ahmed Ismaaciil Diriye (Qaasim).

 

....SCS.

_________________________________________

_________________CARTAN__________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

NABAD IYO CAANO...

Share this post


Link to post
Share on other sites
MaandeeQ   

One of my favorite....

Abwaan Cali Cilmi Afyare!

 

Maciishada maanta taala, waa mid maanka ka fogo, macluul nagu haaysa

 

Meeshii aan moodno maclumaad inaan ka qaadano, waan ku murgooney

 

Maasha alle markii aan muraad yeelo meel aan murugo lahayn ma aadno

 

Manaas iyo mahadeey waa meelo aay maangaabyada maanta aay ka talliyaan

 

Markaan ka soo qaxaneey oo aan is moodnay inaan meelo rag maskaxgal ah u martiyaan,

ma anagaay naga raacin mushkilo

 

Ma anagoo qaran guurayo, qoysba qoys dhacayo, qabta la isku haayo sida qoonka fircoon,

qaraadada u taagneeyd

 

Nimankii na qaribey, qollo qollo noo kala soocey intaan qodobada u aasi lahayn,

ayaan qolkooda u qamaamudnay

 

Qaadirka ilaahey, qolooyinka maanta jiro, qasaaraha wata,

qulubtooda iyo qalbigooda alle ha ka qabto qoonka somaliyeed

 

Qaruumaha aduunka markaan u soo qaxnay, qaxba, qurun, qamri, qaad iyo quursi gaaleed

ayaan qeylo dhaan ka dhiganay.

 

 

--------------------------------

 

CARTAN, waxaan kaa codsanayaa in aad ii dhameystirtid Murtiddan xusidda mudan ee Abwaankeena Afyare uu ku gacan yareysatay. Mahadsanid walaalkeey smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

Salaams all,

 

Cartan Qatar cadiim walaalkiis go on,

 

Maandeeq gabaygaa aad buu wacan yahay dooq fiican ayaad leedahay waxaan rajeeynayaa in aad sidaan ku sii socon doonto,

 

Mida kale waxaan maqli jiray (JIRIROOLEEY)GABAEYGAAN WAXAA QORAY (CUMAR ADAN QALINLE),

 

1. Jacayl ku tallaalan dhuuxaygiyo

Wadnaha kalgacayl ka jabad waabtay

 

2. Wax aanan jillaynin oon u dhashiyo

Hirwoy xadhig soo jiraad tahay oo

 

3. Jaantiyo sacabkaaga xiisahaliyo

jiibtaaduba way I jiitaaney

 

4. Halka ay ka bexayso jabaqdaaduba

Nin kuu jabsamaa u Soo luma oo

 

5. Xubnaha jidhka jimicsigoodiiyey

Golaha uga booda jalaqsani oo

 

6. Ciyaartu ka xumaanin jeernaba oon

Xagnaba loogo tirin jiljilicsani oo

 

7. Murtida Maansa loogu jilib_dhigin oo

goobta uu joogo laqu gadaanmaa oy

 

8. Hannaankaaga kii jujuubahayiyo

Jaafaajugluhuba ka fiigaaney

 

9. Afartaas jir da'oy bannaanada iyo

Ay jiifto xareeddii kaymaha oo

 

10. il iyo laagna daadadkii ko jirfaday

U kala jeedsadeen tog iyo wabi oo

 

11. Cassaha dhagax Iyo jiridna moqorkood

Afkaas biyo ay ka joogaan oo

 

12. Rahii jiid kastaba ka koorinayuu

Cawayskii geel-jilruhuna ciyaar gudo oy

 

13. Col Iyo jeedladeen abaaribanoo

Gugii dheh uu jabjyay jiilaalley

 

14. Anoon arar sii jalbeebanahayn

U qobin jeelna sii wadaan-wadiddeed

 

15. Intoon ku Jiqsiiyay xeerkeed oon

Ka sii jaqafsaday waxay ila tahay

 

16. Yuhuuntoodu duulkay kala jeedeen

Afkiyo adinkiyo uurkoodu wada jirin

 

17. Eenuu jinigood midaysnaynee

Misine jarax iyo jikaarna dhex_yaal

 

18. Ee ay qabsatay is juuq_dhawr iyo

jaafaajiriqeen arrinna ku heshiin

 

19, Wax uun ku tashaydana kala jiiteen

Jid iyo ceelna toona u kala soconayn

 

20. Ee aan jidh naxaa isugu oolleen

Dareen jidhidhico dubkood ka dhaxayn

 

21. Hubaal isu gallinna jeefaaf iyo

Wax jixinjixa een wanaag kala filin

 

22. Midbana uu ka kale jilaafayn iyo

La gaado majo uu boqnaha kaga jaro

 

23. Si ay isu luqun jibaadhaan iyo

Dan mooday jar baas inaysu degaan

 

24. Waxaan ku dagaba dabbaal_joogtayn

Ku faana hebel saw jac kuma ridin ee

 

La soco

 

WAXAAN FILAYAA IN AAD KA HESHAAN GABAYGAAN OO KA MID AH GABAYADA AAN JECLAHAY,

 

SEE U SOON smile.gifsmile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Qaruumaha aduunka markaan u soo qaxnay,

Qaxba,

Qurun,

Qamri,

Qaad iyo quursi gaaleed

Ayaan qeylo dhaan ka dhiganay!

MaandeeQ, Waxaan ka xummahay in aannan hayn tixdaas murtida iyo xaqiiqdu ka buuxdo,xattaa anniga ayaa ku reyn lahaa haddii aynu helli lahayn qof intaas inooga sii wadda hawshaas layaabka leg ee qaab farxashameedkeedu sareeyo,marka la dhuuxo.

 

Runtii waa wax wax lagu qaato, waxa anniga aad ii qiirro gelliyey tudducdan:

Ma annagoo qaran guurrayoo,

Qoysba qoys dhacayo,

Qabta la isku haayo

Sida qoonka fircoon,

Allahayoow siddii roon..

Allahayoow Dalkaygii maxaa Diiftan naggu beerray

Dayawgiyo maxaa noogu wacan dullinimada maanta

Allahayoow na daadihi addaan daacadkuu nahayee

AaMiin... Aamiin !! Yaa Allaah.

 

MaandeeQ, Prof. Afyare,(AN) Maansooyinkiisa aad ayaan ogga helaa runtii,waxana uu ka mid yahay Abwaannada aan xiiseeyo Gabayadooda. Fadlan haddii aad wax kale hayso Nooggu deeq.

Anniga waxka bar ayaan hayaa waxanan rajeynayaa in aan soo qorro HEI, insha'allaah.

Waqtiga oo igu yar aawaddii waxaan idinku dhaafayaa Isma Dhaafno.

 

Xoorkii laga dhammay xagaaggiyo xusuusbaa Geella lagu xergeeyaa, Wooooof, waxbaa ka dhacay.

Kaamila,Waxaad ii tilmaamtey/tustay jidka mid ah xiddadkii waayo waayo mari jirey markii ay timaado xagga Cayaarraha caynkaan ah ee ay ka hadlayaan Tixahaas aad kor ku xustay. Markii igu horeysey Cayaaraha caynkaas ah ma aan xiiseyn jirin balse kadib markii aan aad ogga bogtey ka dib ayaa waxaa igu billaabatay in aan qiimme gaar ah siiyo, inkastoo aan layga marrin (Waxaan ka hadlayaa dhinaca xiisaha aan u qabbey marka loo eeggo) xagga cayaaraha kale ee Seylicida, Walasaqada, Jaandheerta, iyo wixii la halmaala.

 

Hirwada waxaan filayaa inta badan maggaaclada ma lagga aqoon ee Miyiga ayey ku koobneyn,oo mar aan xaggaas iyo Miyiga aaddey ayaan anniga lafteydu soo arkay, Laakiinse waxaba igu adkaatey siddii aan u-fahmilahaa. Waxaa aad kuu soo jiidanaya, markii aad arragtid Habka iyo xeerarka Jaangoynta u gaarka ah HIRWADA,siiba marka uu Shaacirku arrintaasi dejinayo/qaadayo.

Runtii aqoon xeel dheer uma lihi,maadaamo aannan u gelin wax dugsi ah( Meelaha laga Cayaarro).

 

Hirwooy kuu hamuummoo

Naftaydii hayaantoo

Hoygii wacnaa iyo

Hirrarkaad lahaydiyo

Maan ilaawin hawshee

Balse waxaan higgaadshaa

Heeggada u aallaa

Si aan kuu haleellee

Waa in aan ku haybshaa

Maalin iyo habbeenkii

........... ................

 

...SCS. :cool:

___________________________________

______________CARTAN_______________

MAALINKII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!

HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this