Sign in to follow this  
Hibo

Na Tus Murtidaada, Ma Qori Kartaa Hees?

Recommended Posts

CARTAN   

Jamaal, Daaqadaad ka soo dhacday miyaa, albaabka ma aad ka soo gelin aan filaa,sxb haygu raaggin deeeeeeeee Waan sii roorrayaayoo,meelbaan ka raageeeeeee smile.gif

 

** Dhoof jacayl iyo dhul la'aaniyo ***

 

Dhaqankii dalkeenii

Maxaa dheelligani badday?

Dhammacdiyo rasaastoo

Onkod roobsidiisii

Dhulkii loogu daadshoo

Dhallaankiyo haweenkii

ku dhammaadey goor hore

Dhalliishaasi yey Hoddi?

Nacaska iyo dhoorraha

Dhuggufle iyo Naannaab

Doqon aan aqoon Dhaxal

Hawlo laguma dhaafee

Dhambaa looga jiitaa

Midka aan dharraar iyo

Habbeen maalin dhawr jeer

inta uu dhufeeys gallay

Dhimmasho aan suggeynee

Dhallaankii halleeyee

Dhoorkana u xiirree

Ka dhaqaajay Dhaqankii

Arxan li'i la dhuubtee

Dhibka uun Dalkiisiyo

Ku farxaaya dhiiggaba

Dhaandhaanimo maxaa badday?

.............TO BE CONTINUED..........

 

....SCS.

_________________________________________

_________________CARTAN__________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

SxB CARTAN Shaxda iyo Gabayada Soomaaliga ahba waa la igaga wanaagsan yahay, marnaba shaxi kuma aanan reyn. Run ahaantii haa oo waxaan kasoo talaabsadey macawuus la'aan dabaq lunmbar 50 daaqadiisa lol.

 

 

[This message has been edited by JamaaL-11 (edited 05-15-2002).]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ashwaq   

I can't gabay, Buranbur ka waran?

 

Kaan jeclaanyeen,

u jiifeeyka beeloow

Jicsinkii midkaan uga go'ee

Jowharkii nafteydow,

Kii qalbigeyga jiitow

Janada midkii laga soo tuurey lol

Jamaalkiisu qurxoonaa

Jahadee iga jirtaayee

waan ku jirayaa cawi iy alleel lol

Jigjig jgi jig shuba hadaa hee hee hee shuba hada yaa soo boodaaye hee lo

lol that is it!

Share this post


Link to post
Share on other sites
MaandeeQ   

Asalamu Caleykum

 

Kamila, abaayo how can I say No to a such an offer? Yaa iska heli kara Jamal Yare n Kamila Cadeey in uu nolol la qeybsado? Count me in walaashiis.

 

Jamal, Reer-11 wey soo socdaane u better be prepared n have their tuition fee saved by now.lool

 

 

A friend of mine who I admire very much sent me a while ago this amazing poem, but he didn't mention the Author. I'm not sure, but my guess 'll be Cali Cilmi Afyare. If I'm wrong, plz correct me. Thanks in advnace

 

---------------------------

 

Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh

Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh

Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh

Qalbi qooqan qoora aan waxtarin qaadow adigaa leh

Qardareeye kaadida qul quli qaadow adigaa leh

Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh

Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh

Macdan qubta hawshoon laqaban qaadow adigaa leh

Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh

Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh

Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh

Qashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa leh

Qatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa leh

Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh

Qaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa leh

Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh

Iska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa leh

Qabri ka hor qandha aan laga biskoon qaadow adigaa leh

Isqandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh

Ibliis qarowga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh

Afku wuxuusan ii qaban karayn qaadow adigaa leh

Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh

Qasad dhaar ah qawl aan la fulin qaadow adigaa leh

Qur'aan lagu kaftamo qadaf iyo been qaadow adigaa leh

Cimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa leh

Qandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh

Qureesh gabara waxa loo qawada qaadow adigaa leh

Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh

Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh

Qabyaalad iyo iimaan la'aan qaadow adigaa leh

Dhaliyara afkooduun u qoran qaadow adigaa leh

Wax ninwayni qaadoo qawada qaadow adigaa leh

Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh

Xubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa leh

Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh

Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh

Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh

Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh

Qanaaskiyo was waaskaa qarsoon qaadow adigaa leh

Qandaraaska qaatumo xumada qaadow adigaa leh

Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow adigaa leh

Afqashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh

Af qalala bushima qolof dhacsada qaadow adigaa leh

Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh

Qaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh

Ragoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh

Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh

Indha qoriya qaadirada subax qaadow adigaa leh

Qubays laga wahsado iyo qurmuun qaadow adigaa leh

Qamiis walaf quluub aan xasilin qaadow adigaa leh

Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo qaadow adigaa leh

Waa quutul awliyo kidbiya qaadow adigaa leh

Qaamuuska waxa cay ku qoran qaadow adigaa leh

Inoo qaybi aan lagu qancayn qaadow adigaa leh

Qabsimadu inay kala xirmaan qaadow adigaa leh

Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh

Deg deg loo qasaariyo shilqoran qaadow adigaa leh

Qiso yaablohooy qarinayaan qaadow adigaa leh

Qofka daa'imoo qiima dhaca qaadow adigaa leh

Waxaad shalayto qabatoo qariban qaadow adigaa leh

Ku qasaar macaashkana ku qarow qaadow adigaa leh

Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis qaadow adigaa leh

Hanti qaran qanaafiir ugee qaadow adigaa leh

Qaadicu salaadnimo asala qaadow adigaa leh

> Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh

Lixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh

Qaatala ka laahuye adigaa qaranka aafeeyay

Nacalaana kugu yaal.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

Salaan all,

 

Cartan isii walaalkiis Laga Bartaa laga badshaa soomaali horay u tiri adiga ayaan ka bartay kobiyeeyta sxb Aniga kuma balan qadaayi in aan furo Hal Xeraale Lakiinse maxaan ku diidaa hadaad soo qortid waxaan markaas ku fakaro leen kaga jawaabayaa walaalkiis soo daa I can't wait to see it# bring it all.

 

Ashwaq Macda Buraanburkaaga soo ugu bodaayey waaba ku daalay..lol so wad hee aniga adiga mid ayaan kuu qadayaa ee akhri bo.

 

Ashwaqeey sidii Malamka

Shinidaad u tahay Macaan.

Madax Hadii la iga qabto

taan madluumi jiray macaaneey

hayga marin meelaha aan jeceleen

Shuba hadaa shuba hada shuba hadaa way way way way waa gabaryar waa gabar cad goobta u baneeya hada hada isii sacabka Asaxaabta sabciya Cartan jamaal Mandeeq asxaabta kala sabciyaa hee gabta wayneeyaa way way way Ashwaq..lool

 

Mandeeq Maankeeyga ayaa deeqday Miirkeyga ayaa Jiidatay macda maanka ayaad u roontay kii ku helo kuma qasarin lakiinse gabayga laguu soo tiriyay waaba ku dalee qaado adiga leh qaado adiga leh sidaan ugu jiray waan daalay walaahi..lol Jamaana Yes baad tiri isii sah I can wait to share JamaaL with u macda ..lol lakiinse I want to have the Best Of him ..lol Just Joking mida kala in aan wadaagno Our King JamaaL-11, So Jamaal R U Ready In aad guursatid Mandeeq And Kamila Bank Kaaga Saving Badan maku heeysaa Can u Handle it.lol?

 

JamaaL-11

 

Meesha waa isku dhacday ayaan ku dhahay nooh waad shiday jamaal Nuurkaaga ayaa iftiimiyay meshaan isii sah,

 

Dheebanluula tahayee

anigaa maakugu dheeli karaayee

Dhankasto waa soo arkaayee

dhiibaato wayn aan ku dhacee

an ma ii dhaami kartaa jamaal?

 

Peace & Love

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

JamaaL-11

 

Hayee hee Maandeeq Iyo aniga diyaar ayaan soo dhoqonay ee haye hee adiga ka waran sheekadaan maka heshay ..lol

 

???? cwm37.gifcwm37.gifcwm37.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

Kamila loooooooool hasha haa diyaar waan u ahay laakiinse acountka ayaa shaki iiga yara jira. Hasayeeshee, tolka waa badan yahay oo markii loo bahdo gacan qabaco ayaa caawimaad laga helaa.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Bacda Sallaan,

Maandeeq Gabaygan looga hadlayo dhibka iyo Silica uu lee yahay Qaadk ee "QAADDOW ADDIGAA LEH" haddii aan bal kuu yar sheeggo Mu'allifkii lahaa Mirrahan iyo Miidda Murtidiisa ee ku farayaraystay gabaygaas.

Marka ugu horeysa ma uusan Aliffin Abwaan Cali Cilmi Af-yare, Balse waxaa aliffey Abwaanka Caanka ah ee Abshir Faarax Nuur (Abshir Bacadle).

 

Run ahaantii Maandeeqeey, Gabaygani waxa uu ka mid yahay Gabayada aan aadka oga riyaaqa isla markaasina aan sida Gaarka ah u xiiseeyo, sabbabtoo ah Dhug foggaanta Gabayga iyo Hannaanka laysugu dubba ridey ayaa ah mid aad kuu Cajabinnay isla markaasina ku dhisan dhacdooyin run ah oo ku aadden Silciska uu leeyahay Bahalkan Qaadka la yiraah.

 

Aad ayaad ugu Mahadsan tahay Maandeeq{/b]Soo gudbinta Gabaygaas qiimigga wacan ee aadd ina soo xussuusisey Wallaashiis.

 

Kamila,Miyaad baqanaysaa why don't you promise in aad furto Halxirraalaha ?(KaftaN). Kamila Halxirahan Waan keenni doonnaa balse wax shurruud ah kuma xirna, Just you may try and guess its' answer.

Balse dhawaan ayaan soo qorri-doonnaa Insha'allaah. Don't be hurry. I've a lot of Somali Puzzles, siiba kuwii dhaqankeena, waanan Idiinka faa'ideyndoonnaa.

 

Sxbkey Jamaal, sxb Baqdinta inta aad iska dhaafoto Hablaha Maa Meherka ugu dhufatid annaa kula jooggoo dhinac kasta kaa taakuleynee. Jamaaloow, Arrooskaadu waxaan jeclahay in uu ahaaddo mid aynu aad laysugu soo dunney, oo isla markaasna uu ahaaddo mid aad loogu riyaaqo ,misna ka geddisen qaab arrooseedyada ka dhaca dhinacan Westren-ka, waayo haddii aad aad ogu dhabbo gasho dhaqammadan aynu ku millanney ee Reer-Galbeedku in ay dhinacyo badan ka Gurracanyihiin, oo waxaa Hubaal ah in ay ku jirraan Waxyaabo sigaxan oo si maldahan loo soo habbeeyey balse muuqaal ahaan la arko, laakiinse aynaan Fahamsaneyn.

Marka Jamaaloow, sxb addaaba Nasiibkaa ku siiyey Kamiliyo Maandeeqe Bal farxadda iyo rayraynta arrooska yaynaan la daahin sxb ee get ready. Laakiin goobteebaynu ku soo Meherrinaa Jammaaloow ??.

 

Kalgacalku waa qani

Caashaqa ka qaraweyn

Qurux iyo wanaag badan

Waana shey ku qaaliya

Qiimaynta aadmiga

Labadays-la-qaaddana

Qalbigooda kama go'o

......................

 

....SCS.

_________________________________________

_________________CARTAN__________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

NABAD IYO CAANO...

 

[This message has been edited by CARTAN (edited 05-16-2002).]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

SXB CARTAN aad baad ugu mahadsan tahay gooni joogaaga, Inkastoo geesuga mararka qaarkood cabsidu yara hakisu, aniguse cabsidi iyadaan hakiyaa. Waxaadse igu ogtahay in aan Kamila iyo Maandeeqba Meheriyo oo arooskooduna noqdo mid ka gedisan westernka oo ah hidii iyo daqankii inalagu ogaa.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

Kaama Hilmaaminee

 

Meherku goobtuu ka dhici

Mashxarada iyo dhaantada

Muqdisho weeyee la soco

Cartanow maanka iigu hay

Muraad aan la ilaawi karin

Cartanoow maanka iigu hay

Inaan xirto Macawiistiyo

Tusbax iyo kabo Magadleey

Iyana Maanka ii gu hay

 

 

[This message has been edited by JamaaL-11 (edited 05-16-2002).]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

wwwwwwwwwwwww Cartan qatar ayaa tahay sxb waan bogay gabayadaada iyo hadaladaa wacan iyo sida wacan aad arooskeena ugu qaabqadneeysid runtaa waaye aroos westeren aniga xitaa kama danbeeyo igu ogow in aan guudka soo ticdado timaha ku xiro maro xirto kuulasha jaalaha ah oo hidaha iyo dhaqanka aha iyo hidaha iyo dhaqanka dharkiisa marada cadeeyd sida guntiinada loo qadanaayey iyo dhiil caano in aan garabka ku soo qaato yaah oo ay meesha ka dhacdo mashxarad dheer iyo ciyaaaihi nagula yaqiin kuwaan hadeer yo yo yo ga ah mahan kuwa oo saarka iyo wax yabahaas la mid ah in aan la isku daahin fiidki la kala hooydo lakiinse Maandeeq ma igu raacsan tahay waaye su'aasha dadoow??

 

 

Haye hee Bun iyo Canbuulo ayaa ii soo carfeeyso iyo bariis ka dhaceeyso..lol

 

salaamu caleeykum

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

Jamaaloow jaahaada

Jidka laguma arag

Markaad iisoo jeeddsataa

Jahada ila wareertaa

 

Jamaalow jiirkeygiyow

Kaan dadka u jeclahay

Ma jiifsado aawadaa

jaceel baad la jiranahay

 

JamaaLow jiirkeygiyow

Bal iisoo janjeero

Intaan la i jiidan

Wax badan baan

Jeero lagaloon

Jidka iga dhumeye

 

Jamaalow jiirkeygiyo

Jidka igu toosi

jaliilkeyga inuu janada

Jahadeed beyt kaaga dhiso

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Woooooooooooooooof !! waxbaa ka dhacay Jamaaloow sxb, marba haddaad Calool addayg muujisay, Nin-daran iga dheh. Jamaaloow ismaan lahayn sxbkaa ayaa arrooskiisa soo xirran-doona, Cimaammad, Macawis, Tusbax, iyo ableeytoona. Aadbaan oga maqsuuday go'aanka aad gaartey iyo qaabdhismeedka aad aad ka bixisay habka arroosku u dhici-doono,Kamlia-na waa ay inagu raacdey,waxaanad halkaas ka fameysaa in ay xubbin ka tahay Gabdhaha

Reer Guud Haldhaalleey

oo aan la gaarrin ansha iyo asluubtoodaba!

Jamaalow,Guud Haldhalleyba haddaad maqasho gabr lagu tilmaamay yaaney ku dhaafin, waana Kamila oo kale. Laakiin bal Maandeeq ayaynu ka war-sugii iyana waxa ay jawaab ahaan keento.

 

Jamaaloow Dabcan dhaqammadan Reer Galbeedku waxa ay totally ka soo horjeeddaan Xishoodka iyo kala-dambaynta waxa la yirraahdo, waxaanay si ta'kiidsan u buunbuunniyaan dhammaan arrimaha qallafsan oo dhan,sida in ay qofka ku qalqaalliyaan, muuqaal dhallanteed oo aan jirrin lana gaarri kerrin isla markaasina aynaan heyb u lahayn---

marka intii ay meeshaas beerdarreyn inaga soo gaarri lahayd ayaa waxaa habboon in aynu sammayno ka hortag (prevention)si aynu oga badbaadno Caaddooyinkaas arxan la'aanta u hoyga ah.

Jamaalow aroosyada waxaan ka hellaa kuwa ku aaddan qaab dhaqammeedkeenii ee fardahana lagu gelibin jirray !! sidoo kalena lagu dalaallimeyn jirray aqalka laba-deryaalaha ah

ee laba go' seddex qaydka, boqorkiyo dhacluhuna ay ahaayeen hurmuudka arrimaha arrooska. Dhinaca Cayaarrahana ay ka midka ahaayeen: Dhaantada, Walasaqada,jaandheerta, Seylicida Iwm.

 

Wooooooooooof!! Kamilaa iiga darran oon la dhacay Haddalkeedii ahaa waxaan soo xirran doonnaa Kuulihii cajaa'ibka ahaa ee dhaqanka ogu horeeyey, iyo Timo dabashadaas ay tiri guud-baan soo tidcan doonaa !!.............

Waxbaa ka dhacay.........

Halkaas Haynoo Joogto Maanta Dhalinta.

Sheekada bal inoo wadda waan soo laban doonnaaye..........

 

Alla danaha dhaqankeenna,

Dambarsame calankeenna,

Dugsi lagu bartaa.

..............

....................

.........................

.............................

 

....SCS. :cool:

_________________________________________

_________________CARTAN__________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

NABAD IYO CAANO...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

CARTAN sxb habeen wanaagsan, Isha-allaahu waa inoo barito.

 

------------------

Ha karaama seegina habaar laygu kari waaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Dhallinta waa laydin salaamay. Intaas ka dib. Waxaan filayaa Hawlihii aynu wadney dib baad inoogu yar dhigteen, waayo Sheekaddii oo yar hakatay ayaan meeshaas ka arkaa, waxanse haddana isu qanciyey in aydun hawlo kale ku guddo jirtaan, oo aad qorshe dhammaystiran la immaan-doontaan ka hor dhammaytirka hawsha.

Waa Tahay,Haddal Haammo ma buuxsho,ayaa horray loo yirree bal intaas oga baxo dhankaas.

 

Caawa waxaan iddiin hayaa Halxiraale aan fillayo in aydun heli kartaan Jawaabteeda, balse haddana marka dhan laga fiirriyo ay addagtahay siddii loo furri lahaa,waxanse rajeynayaa in aydun jawaab habboon ka bixin doontaan, haddii aad hal-ujeedka Halxirraalaha fahamtaan.

Halxirraalahan muddo hore ayaa laysoo gaarsiiyey. Marka waxaan Jeclaystay in aad iddiinku soo gudbiyo isla siddii uu igu soo gaarray: Waana Kan ee Shaqo wacan Dhammaantiin Asxaabta.

Nin dhagoole ah ayaa wuxuu teggey maqaayad ku taalo waddan af English ku

haddlo, maqaayaduna waxay ahayd buzy aad ah markuu xoogaa joogaybaa ninkii

waiter-ka ahaa wuxuu yiri keen lacagta oo bixi waxa aad cuntey, Ninkii

wuxuu u qoray note uu ku dhigay 1 8 0 ninkii waiter-ka ahaa wuu ku xanaaqay

ninkii. Labaddii nin oo murmaaya ayaa waxaa yimid Manager-kii, waxaa la

tusay note kii uu ninka qoray oo ahaa 1 8 0 , ka dibna wuxuu amray in ninka

la sii daayo. Su'aashuse waxay tahay why, uu u sii daayey. ( Xussuusnow markii la sii daayey dhaggoolka ma uusan bixin wax lacag ah )

 

Waxaan filayaa in aydun Fahamteen ujeeddada iyo habdhaca Halxiraalaha. Marka wixii layska suggaaba waa Jawaabta oo koobban. Gaddaal ayaanan ka soo qorri-doonnaa Jawaabta oo sax ah.

 

Sida dayaxa nuuraay

Habeen dedan hilaacey

Waqalkii daruurtaay

Darmaantaan jeclaayey

Heedhe waan ku dirayaa

Degmadaan ku gaadhsiin

Waa laguu dabaaldegi

Durbaannaa laguu tumi

Hadaganne hoy dadooy

Ma-hungowdo daacadi

....................

....................

......

 

....SCS. :cool:

_________________________________________

_________________CARTAN__________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

NABAD IYO CAANO...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this