Sign in to follow this  
Hibo

Na Tus Murtidaada, Ma Qori Kartaa Hees?

Recommended Posts

Blossom   

Cartan & Maandeeq thanks waan dowahay. Walaahi meeshaan cajiib waaye, hal khalad qof kii gala qoraalkiisa sidii huunfaadii aa lala haddaa.

 

Mujaahid smile.gif Adina inta ma timaadaane? warba uma heyn wadaadadu inay gabayada iyo heesaha akhristaan. Is ilaali yaan idhuhu ku soo dhicine. icon_razz.gif turjubaan uma baahnid ee i dhaaf.

 

Cartan: Shuux buu ahaayoo qaad! icon_razz.gif Walaahi qofka ma aqaan ee anigoo meesha iska marayaan arkey qoraalka meesha yaal. Normally, waxaan ahay, Akhirstayaasha amusan. Lakiin his writing inspired me, so I wrote this gibberish ;) as I said, I was in mood last night.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nomadman   

Salaamu Caleykum

Cartan, Maandeeq, Kaamila, jamaal_11 iyo Blossom oo ku soo biirtey.

 

Waaw, Blossom walaaleey waan la dhacay geeraarkaa. Oo gabdho geeraarana ma nagu dhex jiraan? walaaley maalin dhow baan aroosayaa oo gabadhaan aroosayo reerkooda waa igu kacsanyahay, ma u maleynayo habeenkaas in buraanbur fiican la ii qaadi doonee, arintaas ma wax ma igala qaban kartaa? ahahahahahah Just kidding sis, you did good.

 

Ninkan gabadha kaga hadalsiiyey baaba heley formulada dumarka laga hadalsiiyee, talow muxuu sheegey?

War awaayey ninkaas, macalinka nala soo gaar bal formulada oo noo soo sheeg.

 

Ha idiin macaato ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Weli roobku mowdi'in

Weli nabadi mey dhicin

Colaaduna ma joogsanin

Weli ololku mow damin

Weli curadku mowdhalan

Weli gubbadku mow bixin

Weli oonku mow bi'in

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

saaxibtey sisin eey dubtaa

sisintii ceel ay ku dhacday

ceelkii furuu rabaa

furihii suldaan aa hayo

suldaankii naag uu rabaa

naagtii ilmay rabtaa

 

ilmihii caanuu rabaa

caanihii lo'aa heso

lo'dii coos ay rabtaa

cooskii biyuu rabaa

biyihii daruur aa hayso

daruurtii waxay tiri

kabax soco inta mar

naga tag biyaha ilaah

aa utuugaa aamiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

Salaamu caleeykum Kuligiin waad salaaman tihiin wlc my sister blossom,

 

Waaw nuune that was nice poem qatar cadiim,

 

waxaanba ku soo xasuustay Su'aalo hada ka hor aan maqlay oo cajiib ila ahaa su'aalaha waxaa waaye kuwaan soo socda,

 

Durdur laga cabo oo laga dabaasho hadii uu oomo maxaa lagu oon tiri karaa?

jawaabtuna waxeey eheed saan filaayo:

Nin daro leh maal iyo barkin dahaba leh haduu wali ka baahan yahay maxaa lagu baahi tiri karaa.

Su'aal kale:

Hadii uu Ruux Bukoodo waxaa lagu daween karaa lakiinse hadii daawadi bukooto maxaa lagu daween karaa?

Jawaabtuna:

Hadii uu Ruux Dhaxamoodo waxuu isku diirin karaa Dabka lakiinse haduu dabki dhaxamoodo maxaa lagu diirin karaa.

oomo maxaa lagu oon tiri karaa?

 

wali waa badneed waan kala hilmaamaye lakiinse waxeey ila eheed su'aalo aad iyo aad ii cajiib galiyey bal Cartanoow adiga Abwaanki meeshaan ahe bal hadii aad taqaano Noo soo gudbi waan jeclaan lahaa in aan ka fa ideeystee. ;)

 

Jamaal Sawirkaaga ayaaba idilay :D

 

w.salaam

 

__________________Kamila__________________________

Love is the quest, Marriage is the conquest, Divorce is the inquest.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Kamila ...

 

Heestu waxay aheen jirtey sidatan

 

"waa suaal, da'weynoo madaxa daalineyse"

 

Run ahaantii su'aalahaas ay heesta soo jeedisey waa kuwo aanan loo heli karayn wax jawaab ah, maxaa yeeley hadey dawadii wax dabiibi jirtey bukooto suurta gal ma ahan in la helo dawo daawadeed lol. Waxaana cajaaib ah sida wanaagsan ee heestaasi mualifka u sameeyey miraheeda. Waayo heestu micno aad u weyn ayaa ku qarsoon. Heestu waxay inoo caddeyneysaa in aanan xal loo heli karin marxalad sidaas oo kale ah, sida dowladii xiligaas jirtey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

Dawo hadey bukooto, waa la gubaa, kadibna sidaas ayaa lagu dhayaa - waa sidaas jawaabtu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

Jamaal loooooooooool You funny........

 

Suaalahaas aniga ayaa cashar ahaan la ii soo siiyey ma aqaano lakiinse hees mahan oo waa suaalo sarbeeb ah oo macno kale ayey leeyihiin jawaabahana dib ayaan oo soo wadyiinayaa macanheeda Jamaal.

Ayaantaan Cartan intuu ka baxay asaga ayaa ku xeel dheer arimahaan oo kale.

 

Abwaan see camal adiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Kamiila salaan marka hore

 

Marka labaadna bal wlcm back to Somalia Online. Hees weeye suaalahaas, anigaa horey u maqley - waxaana isku jiibiyo nin iyo naag, oo marba mid ayaa su'aal soo jedinaayo. Waa su'aalo serbaab ah oo ku saabsan dawladii Somalia ee markaasi jirtey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hakkin   

Hahahaha ... Khatar dhammaantiin, laakiin koobiyaynta ma fiicna. Try ur own GABAY/GEERAAR with ur words.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fandhaal   

Asalaamu calaykum waraxmah;

 

Waan bururaa markaan arko meel lagu hayo murti Soomaaliyeed gaar ahaan gabay, bal aan saarka iska soo rido lol

 

Dahabow jacayl baa idilay, oo idaashadaye

· Cishqigaaga duulaanka ahi, waygu soo dagaye

· Haddii aadan daaweyn xubbigu, wuu idilayaaye

· Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine

·  

· Dawo waxaan lahayn iyo sunbaan, duhur cabaayaaye

· Anigoon dakano aadmi qabin, ways daldalayaaye

· Dab haddaadan ii shidin la waa, inaan dawoobaaye

· Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine

·  

· Nin dayuurad haysta yaan odhan, diilinta i saare

· Waxay sii daryaantaba kolkay, dowyo sare gaadho

· Daruuraha markay gaadho yaan, dam iska soo siine

· Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine

·  

· Markab diririglayn iyo intaan, doonyaha raaco

· Badda weyn markuu ila derdero, yaankasoo degiye

· Meel aan dabbaal lagu karayn, Dahaboy caynkeeda

· Iyo daakhil kaan tagahayaa, daacadda Ilaahe  

· Haddii aadan daaweyn xubbigu, wuu idilayaaye

· Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine

·  

· Haddaadse raro dun lagu daadiyey, oo daabac laga buuxshay

· Oo midabku deyldeylan yahay, dadabta gaadhsiiso

· Diyaar loo sameeyey iyo, dharkii deeqa aragaaga

· Oo damacu wuu badanyahee, deymo kaa qabato

· Yaan duunyo kuu siin hayaa, adi dadaalkaaye

· Danbigaaga oo idilna waa, layga dedayaaye

· Waan diir xumaan maalintay, diinftu kugu taale

· Xigaalada dugaalkeed badhbaa, la iska diidaaye

· Dadkiinaan jeclaan iyo intaad, duray wadaagtaane

Wacdi shaqlane

 

gabaygan waxaa tiriyay Wacdi Shaqlane.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this