Sign in to follow this  
Hibo

Na Tus Murtidaada, Ma Qori Kartaa Hees?

Recommended Posts

CARTAN   

Salaamu Caleykum W.W.

Gacalnimada, Gobonimada, Gaarinimada,Dabeecad wannaaga, Anshax-wannaagga,

Dabacsanaanta, Suubanaanta, Samirka, Filsanaanta,

Quruxda IWM. Waa sumad muunaddaysan oo u gaar ah Hablaha Soomaaliyeede, bal ka dhuggo hoos

....Tolow, maxaad dareemi doontaa?

 

Gabaygii:-Innan yahay iyo.......

Abwaan Cali Cilmi Afyare......

 

Innan yahay adduunyada haddaan dhab u ilaalleeyey

Adimadda intii aan ku marray ama la ii sheegay

Afarta beeyni jaho naagahaa Eebbee ku abuuray

Asaraar haddaan lagu hadlayn ama la awdaynin

Annigoo aqoon u leh haddaan xaq abaareeyo

Illaah igu og inaad Seynabey ugu horaysaaye

Asluubtaada goortaan arkiyo ooggadiyo jaaha

Afka iyo indhaha nuurrayiyo edebta loo yeelay

Adimmadiyo laafyaha kolkay aayar soconayso

Ashkharaar u dhimay Yuusufow eeg ninkii yiriye

Arwaaxiyi laftay iga gashiyo uurka feeraha'e

Iimaankii baa iga qabsaday arragtideediiyee

Aalaaba waa arroos iyo innay oorri noqotaaye

Araggeeda keliyaa malyuun lagu ilaawaayee

Ayaan anigga iga roon ninkay ubad u qaadaaye

Iyaddoo agtaydaas fadhida oo ubaxna ii laacday

Argagaxa hurdada leylki baan aqalka moodaaye

Siddii Geel ilmihi laga xirroo ololley oo reemmay

Hadba annigu meeshay jirtaan ku ag wareegaaye

Yurub iyo Aasiyiyo aqaladii Shiine

Afrikaanka oo idil haddii laysu soo urrursho

Axad kuu eg weligay ma arrag inna adeereeye

Awal haddaad u tahay waa inaan ku ogollaadaaye

Afka inaan ka sheeggiyo amaan gibin ah mooyaan'e

Asluubtaada lama gaarri karo aynigey tahaye

Ilwaad quruxsan leeyeey mid kale waan ka ood

nahaye

Waa inaad ayaan qurra qalbiga iiga olashaaye....

 

Waxbaa ka dhacay²!!!...

...SCS. :cool:

__________________________________________

__________________CARTAN__________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS

HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdinuur   

SAFIYA CISMAAN

 

Gabyagan waxaa tiriyey Cali Cilmi Afyare wuxuuna tilmaan fiican ka bixinayaa nin gabar uu jecelyahay u tiriyey gabay jacayl ah, wuxuuna yiri:

 

Sabaan baa i helay sanada maanta ahe

Samada iyo waxaan maraayaa saaniga dhexe e

Hadba anigo oo suuxay baan oo hinqanayaayee

Sahal hayga moodina cishqigu iga sal weeyaane;

Xalayto saami leylkii kolkii uunku wada seexday

Waxaan sugaayey mooyee cidlaan saankun ku ahaaye

Sidii culimo soon xiratayoo soorti cuni weyday

Ama qolo safayn noqotay oo saxalku meeraayo

Waxaa sabarku ii dhuubtay waa faallo saayida e!

 

Tan iyo Sababa seeraha Hobyood soolka cadodheero

Sagag iyo waddadii saaxil iyo sebedkii Neyroobi

Sangafuura Soodaniyo Seylac gudaheeda

Soojada intii qoratay iyo magaca Soomaali

Sebaad midabki leeyey hablaha way u sidataaye!

 

Sanqaroorka laga saaray iyo sunniyada iyo foolka

Salxanyaha wejiga iyo timaha aad Suuri carab mooddo

Salaanta iyo sheekada kolkay sararta kaa joogto

Sacabkeeda yarehe sii socota oo saanta tirinayso

Alla suuqii bannaan iyo kolbaan marinka seegaaye:

 

Sambabkiyo waxay igaga taal seedda dhabarka e

Ka sahwiyey salaadiyo sunnahaan sii rukuuc idhiye

Siinaadkeeda waa laga baxshaa soofka dunida e

 

Sawir lama ammaantee yartani saxarla' weeyaan.

Haddii aan sanadu ii diidin iyo Suuraddiyo Shiikhu

Saaxiibnayaa iyo wax badan sabansabdheeyaaba

Wallee aniyo Saafiya Cismaan waysku soconaayee!

 

Taken straight from this source:

 

Hassan, Mohammed Sh., Diiwaanka Gabayada Soomaaliyeed: A Collection of Somali Poems, Volume Three.

Share this post


Link to post
Share on other sites
MaandeeQ   

Abdinuur

 

Aad ayaan ugu riyaaqay gabeygaas aad inoo soo gudbisay. Waxaan rajeynayaa in aad halkaa ka sii wadi doontid howshaa wacan insha'allah

 

Malaga yaabaa in aad war u heysid meel xadidan ee laga heli karo suugaanta soomalida?

 

CARTAN

 

waxaan aad ugaga xumahay in aanan welli faro ku heyn dhameystirkii gabeygaa wacan ee Abwaan Afyare, waase ku maqanahay ee la soco. Nabad ayaan kaaga tagay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nomadman   

Waan ka haley baydkan sida fiican uu iskugu dhacayo, lakiin waxaan iga su'aal ah maadama aan ku cusubahay meeshaan,in aan kolka hore su'aal idan waydiiyo oo ah " is this a private party, or can anyone joint in?" waxaan sugaa waa jawaab waafiya.

 

Shaqo wacan dhamaan

 

Geel iyo gabdho!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Nomadman

 

Sxb marka hore soo dhowoow,

 

Secondly, if nomadman can join and enjoy this topic, the only thing you need to be is a nomadman or woman.

 

Enjoy your stay sxb....

Share this post


Link to post
Share on other sites
MaandeeQ   

Asalaamu Caleykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuh

 

CARTAN

 

Helpful as usual..

 

Halkaas aan ku ekeeyo wanaag sheegaaga hadii kale marka xiga ee lees aadinayo "reer Nomad" waxa laga yaabaa aqayaarta goobtan isugu yimada in ay u qaataan in aan ill gaar ah kuugu eeganayo, midaas oo albaabo badan kaa xiri doonto! icon_razz.gificon_razz.gif

 

Nomadman

 

Soo dhawoow walaal...mininka minankaaga waaye, weliba marti ayaad la iman kartaa hadii aad afkeenii hooyo nagu madadaalisid smile.gif

 

Jamaal-11

 

Gabadha Baas ee Jewishka ah ee lagugu sheegayo maxay aheyd?!Subxaanulaahiyeeee! :eek: :eek: Ma aniga iyo Kaamila ayaad dooni in aan budkeenii la soo cararno? :mad: :mad: ooooooooops! May bad! I meant sis Hibo ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Sallaan Kal iyo Laab ah kadib.

NomadMan..sxb laggu soo dhawee oo nasiib ayaad yeelatay marba haddii ay kullankaagii ogu horeeyey aad la kulantay soo dhaweeyntii asxaabtii maddaxda ka ahayd goobtan.... :D

 

NomadMan, anna in kastoo aad mooddo in aan soo daahay hadana waxa keliya oo aan ku orran lahaa Gacmo furrin iyo qalbi saliim ah oo Soomaalinimo ku dheehan tahay ku soo dhawoow. Golluhuna ma ahan mid si gaar ah loo leeyahay ee waxa uu ka dhexeeyaa dhammaan Nomad Fimaly, taasi oo soo gelitaanka qofku ay ku xirran tahay haddba issaga iyo doonkiis...

 

Inkastoo aad mooddo in ey meesha ka dhax muuqdaan dhawr qofood oo intaan u yimaado maddadaalo ahaan, ayaa waxaa laga yaabbaa in uu gallo shaki yar oo aan saas u sii xoogbadneyn qofkii meesha ku cusub,ayadoo ay dhici karto in qofkii ah sidda addiga ( NomadMan) oo kale, uu markaas u qaato meel khaas u ah dad gaar ah.

 

MaandeeQ:

Raxmaddaa Illaahay

Roobkaa nicmada badan

Ramayskii ka soo baxay

Saw raacdadiisii

Rooda ishu kumay dhicin

Anna maan riyoonine

Raad raaca Caashaqa..... ;)

..................

................

 

"INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!"

...SCS. :cool:

_______________________________________

_________________CARTAN________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!

HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSSAN!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nomadman   

Maandeeq maankaadba deeqdey lol waad ku mahadsantahay soo dhoweeyntaada.

 

Jamaal iyo Cartan aad baad ugu mahadsan tahiin soo dhown tiina. Thanks

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Over 18s only

 

************

Parental advisory

************

 

sayidka ayaa tirshey gabaygan, wuxuu tirshey ayaa la yiri markii uu maqley in Koofil walaashhii amartey in sayidka lasoo diro.

 

Warning, this poem contains some graphic words. I have never heard of this particular gabay but i thought i should let others tell me whether the poem is "phoney" or genuwine.

-----------

 

waa ilaahay mahadii hadii koofil meyd yahaye

waxa mawtigii galay midkii maanta soo baxa;e

midgaantii walaashii ahayd waatan mirigoone

intay calal madow qaadatay oohin mirataaye

k****r bay la meer meeraysaa mooye wayn le;ege

hadii aan masuubada ku taal maare kaga toogto

dhurwaagii midkii hore cunow madhaxso s***keda

maldhafkeeda heerkale markaad miida ka idlayso

g**kaagii maraaryaha laha meel walba u jooji

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nomadman   

lol Jamaal that is too x rated, I did not know this poem existed any where else. This is the first time I am seeing it on the net. The guy if he did not like you, he will wipe you on the floor worse then a mama Buulo's mop smile.gif

 

Cartan: Safiya ... that poem was great, I wish I could talk to a girl like that. Man, the guy was a player :D

 

Salaama dhamaan ka sii wada meesha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

Salaamu caleeykum,

 

Walaalayaal iga gudooma salaan qaali ah kuligiin sidaad u wada dhantihiin,

 

Mida kale Cartan, Jamaal, Abdinuur, Maasha alaah gabayada aad aan uga daba dhacay ee haweenkeena soomaaliyeed sida wacan loogu amaanaayo waan idinku mahad celinayaa gabayada wacan aad soo qorteen lakiinse su'aale ma jiraan miyaa gabayo lagu amaanaayo nimankeena soomaaliyeed?? hadii uu jira qof haayo waan jeclaan lahaa in uu noo soo gudbiyo.

 

MaandeeQ waa kuu jeedaa sis Hibo ayaa meesha keentay iyaa saas maa isku ogeen hee....lol

 

________________Kamila________________________

Love is the quest, Marriage is the conquest,

Divorce is the inquest.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blossom   

Nin qalaadow gacalow

qoomkoo wada nabadoo

qosol iyo jareexiyo

haasaawe is qudhqudhsiiyoo

aanayba kaba qasnay

sow gabay qaab daranoo

deel qaafkana ka buuxoo

qolka maadan soo dhigin

qabiil aan la sheegina

shaaca kamaadanba qaadin

qaalulaahi hadaad taqaan

innaga daaya qaybtiyo

waxii qaran jab nagu ridey

qalbigiina naga gubey

qaaradah nakeenee

haatan intaanu qaska ina galin

oo qaar kale cadhooninoo

qalaalaasahuna sii badan

quful warkaa ku soo goo

 

Qofku waxa sharaf u ah

ama lagu qoweeyaa

intuu dadka kale qadariyee

Nin qalaadow adiguna

sharuucaha iyo qodobada

ee nidaamkiisu qeexan yahay

oo baydkan lagu qorey

qabiil waa ka mamnuuce

inkastoo qalad kaa dhacay

hadana waa laguu qaleyniye smile.gif

qowl wanaagsan lagu dariyoo

lagu odhan qoyska ku soo biir wacaan

naganna qaad dee salaamaha!

Qul-wale iyo wailba faataxa smile.gif

 

Nin qalaad, ku soo dhowow baydkan ay bahda reer Nomad ku caweeyaan, geeraarkaa yarna u qaado sidii loo qorey " no malice intended" walaahi/

I am just in a mood. :cool:

 

Maandeeq, Kamila, Cartan, Jamaal Nomadbro-idin lama dhaafi karo salaam dhamaan dhalinyarada meeshan ku bahowdey. keep it up! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
MaandeeQ   

Asalaamu Caleykum Wr Wb

 

Blossom, qalbi N gacmo furn ku soo dhawoow Gacalo.

 

Aad ayaad ugu mahadsan tahay sida sharafta leh ee aad u wergelisay walaalkeen, midki qaata Allah ha ka dhigo insha'allah.

 

Mood-kaa wacan baan kugu ogahay Ubaxeeeeeeeey ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Asallaamu Caleykum W.W.

Blossom, adna soo kale Salaantaasi mid la mid ah.

Qofkaasi yuu ahaa waa I-dhaafee.. :D

Blossom.Allaah Ya Cizak, Geeraarkaas caqli celinta ah ee aad ku tusaaleysay qofkaas isaga ah. Waxa kale oo aan filayaa in aad hor istaagtey qaxar iyo qaylo dhaan qaabdaraan maahee aan qiimo kale lahaateen.. ;)

Caweys Wacan iyo Camal Suuban. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this