Sign in to follow this  
Hibo

Na Tus Murtidaada, Ma Qori Kartaa Hees?

Recommended Posts

Hibo   

Aan bal ku bilaabo Hees u tiriyey nin la yiraahdo? Ma xasuusto ninka alifey heestan.Inoo sheeg hadaad garaneysid.

 

Caashaqu sarbeeb ma leh

Sakat iyo xishood ma leh

Waan soo socdaa iyo

Isug iyo i dhowr ma leh

Sagaashan buu jiraa iyo

Siddeed dhal iyo ugub ma leh

Hadba tii uu sahansaduu

Sanka kaaga tolayaa!

 

----'---,-'--<@

 

Sargooyadii Maryama leey

Saylici suuraddeed leey

Soojeed Saado Cali leey

Sanqaroor Khadraaleey

Sunniyaal Hibaaleey

Indhihii Sacdiya leey

Sahra Mire afkeed leey

Tima Saynab Cali leey

Sakaarkii Guduudiyo

Shamso Cumar gacmaheed leey

Siijeedkii Nakruumiyo

Salkii Saynab Cige leey

Xakiimo saymaheedii leey

Kubka siman Dalays leey

Sabarkii Maandeeq leey

Ciyaartii Safiya leey

Sowtkii Magool leey

Saxansaxa Wanaag leey

Soomaalinimadiyo

ku sifayn waddaninimo

Sahriyo Faadumo leey

Dabeecadduna waa sede

Qamar iyo sidii marwadii

Cadar lagu sifeeyaay

Ninka calafku siiyow

Samadana aad geyside

La socoo kamaan hadhin!

Hadday siddeetan gaadhiyo

Ilkaheedu siibmaan

Sannad tiro ugama tago!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

Haa, wataanaa akhri..........

 

 

Suluboow adaan ka doortay dad oo idil

Simanoow adiga ayaa Qanciyey Laabteeydi

Saadiqii aan ku nasanaayayoow

Subanow rag oo idil adaa u wacnaayoow

Suleybanow, Nuurki i iftiiminaayey aduunkoow

subax walba iyo qorax dhacda (in your eyes)

sadri gaaga ayaan ku qancaa

suradada ayaan jeclahay

sadaaliskaaga ayaan ka helaa

Suuban labteyga ayaad dagtay cidkale kuma qanco.

Suuban aragaaga waa iiga qiima badan yahay

100 habeen oo aduunka ku noolaado.

suuban, habeenki maseexdo malinti ma nasto

saadiq Aduunka Agtaada ayaan u jeclahay

saadiq, Hurulceeynta Adaa Kaa Doran lahaa

suuban,Ifka adaan kuu jeclahay

Suuban Aduunka Adi u sara mar

Sadiq,Akhirana Janadi Fardowsa ayaan kugu duceeyey

 

 

WHAT U THINK ABOUT THIS GIRLS AND BOYS?

 

 

cwm20.gifcwm20.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

"NABADA ADUUNKA"(PEACE)

 

 

SOMALAAY ADUUNKA NADAD DIIDEEN

WADANKIINA QARXISEEN

DAL SHIISHEEYE U ARODEEN

NABADA WAA SHAY QAALI AH

NABADU WAA LAMA HURAAN

NABADU WAA DHASASHADA ADUUNKA

NABADU WAA HORU MARKA UBADKEENA

NABADU WAA MASLAXADA NAFTEENA.

 

'SOOMALIYA IYO NAFCIGA WADANKEENA'

BOORWAQO,BEERO,DHIR,RASHIIN,WARSHADO,QUDAAR,

SALIID,SUBAG SIXIN,RASHIIN FRESH AH,KALOON,SOKOR MAREEREEY,

 

BAL ILA FIIRIYA SOOMAALIYA RAAXADA TAALO OO AAN U JEEDIN SUUQA HADAAD TAGTID WAXAA U QALISAN SOKORTA MAREEREEYDA SOOMAALIYANA AYAGA AYAA SOO SAARTO BAL MAKA YAABTEEN.

BAL MAXAA NOO DIIDAY IN AAN ISKA DHAAFNO QABIILKA IYO IS QOQOLO QOLEEYNTA XUN EE LAFAHA NAGA GASHAY JAMAAL ABOOWE MALA YAABTAY DADKA JOOGO EUROP OO HADANA KU DHAQMAAYO QABYAALADA.

 

SOMALI ILAAH AYAA KUU MAQAN

SOMALI RABI U TUUGA

SOMALI WAA KU JECLAHANAHAY EE ILAHOW NAGA QABO QABYAALADA.

 

BAL ILA YAABA SOOMAALAAY

 

JAMAAL SORRY WAXAAN KEENAY SHEEKO AAN MEESHA YAALIN LAKIINSE SOOMAALIYA AYEY IGA HEEYSAA...OK

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

Kamilaay,

 

Walaahi that was a good and touching somali poem. Thank you sister

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

cwm2.gif Kaamila, Nice Try - I can do that too - but Waad Hadlaysaa adiga lol, its not Gabay.

 

Guur aan Ka La'aado

 

Lacag looma raacoo rag

gobolba waa cayne

Bidhaan gabi ka laa laada

waa lagu gulaalmaaye

Isugaadhay midkaa tidhaa

meel uun baa go'ane

Gambar lagu fadhiistiyo

Midkaan gogol fidinaynin

Cawska soo guran aqoon,

Gal galan gu' iyo jiilaalba

Gambooladyii reer hooyaday

Midkaan shaaxa u shubayn

Guur aan ka la'aado..

 

 

God Bless.

 

 

 

 

------------------

"He tried to be somebody by trying to be like everybody, which makes him a nobody."

Share this post


Link to post
Share on other sites
ARAWEELO   

KAMILA ARE YOU SERIOUS!!! THAT IS HILARIOUS

cwm2.gifcwm2.gifcwm2.gif

ALLA MA QOSLI KARO NEEFTAA IGU DHEGGAN AAAAA

ALLA HOOYOOY WAR SOOMAALI GABAYGEEDII SAAN MAA U DAMBEYSAY...TOLLA LA'AANBADANAA....

WAR AAWAY DADKII AFTAHANKA AHAA...

WAXAA SOCOTA SHEEKADII NINKII SAYIDKA KU YIRI WAAN GABYI AQAAN KA DIBNA YIRI FARASKAAGA.........XAARKUU FIRDHINAAYO

cwm2.gifcwm2.gifcwm2.gif

JAMAAL 11 JAMAAL AALAHA KU SIIYO THAT WAS BEAUTIFUL BROTHER.........................

cwm37.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

cwm2.gifcwm2.gifcwm2.gifcwm2.gifcwm2.gifcwm2.gif GIRLS GIRLS WAA IDINKA QOSLIYEE WWWWWWWWWW LOOOOOOOL WALAAHI ANIGA MA GABYI NOOH JAMAAL AYAA I YAQAANO KAAS WAA ISKA SOO QORAY IN AAN JAMAAL KA QOSLIYO LAKIIINSE MA FILEEY ARAWEELO IYO LADY IN AAD SAAS U QOSLEEYSEEN NEXT TIME BET SISTERS.

SEE YA AROUND

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

Geeraar waaye gabay mahan bal iska akhrista aniga ma qorineeeeeeeeeeeee ok guys

Waa cibaaro qabaayoo

Belaayuu curufkeediyo

Camalkeeda yaqaane

Waar tolow, colka jooja!

 

 

Nin habeenno casheeyay

Cadar aan hadh lahayn

Iyo ceeryaamays ugu toosta

Oo inuu caafiyaddiisa

Cabbaar meel la fadhiisto

Caqligaanay gelayne

Waar tolow, colka jooja!

 

 

Carabkaan ku hadlaayona

Nin callenti caddaatiyo

Caamadaan garanayn oo

Kolkay caruuri dhintaane

Cutub weyni cidlaataa

Lays canaanan haddhowe

Waar tolow, colka jooja!

 

 

Labadiinnan cuure

Is u coobe ridaayow

Cidna ways u xignaa

Ciilna ways u qabnaa

Canla na waa is ogayn?

Shantii Caadle lahayd

Iyo curadkii habartay iyo

Cali Fiin ma illaawin

Oo raggii ceeriga yiilla

Cabasaannu ahayn

Oo Jaamacii calmanaaye

Codkar noogu horreeyiyo

Rabjaan baydin cayaayir

Iyo caado dhaaf ku disheen

Oo haddii aad is cuntaan

Idin caabudan maayo

Oo waa intaan mid la ciidmi

Oo ka kaleeto ku ciiriye

Waar tolow, colka jooja!

 

 

Intii baad cantarteen oo

Cunkadaydin marteen

Oo meydkiinnii cammirraa ye

Candhadheerta dhurwaa

Iyo ciidda haaddu ku jiidday

Iyo cuqduudkii ka baxdeen

Oo cosobkii Balanbaal

Iyo caleentii Karamaan

Oo Cayn baa oo gudhsateen

Oo cambartii geela dhalaysiyo

Adhaa ceegan guryaa e

Waar tolow, colka jooja!

 

 

Nin carruur iyo maato

Iyo calli reero la yaal

Oo I coofaaya golaa

Oo cararaaya had dhow

Iyo nin colaad talinaaya

Oo caddaystaydinka buuxa e

War tolow colka jooja

 

 

 

kana gabay waaye ee akhrista

Baribaa dadkuba qaawanaa dibad ku noolaaye

Ooy daaqayeen cawska iyo darista geedaha e

Dareemada marbay ugu koreen duudka buuraha e

Dalanbaabi iyo guuldariyo dooga cunidiida

Danbaa galisay inay raadiyaan nolol ka door roone

Dugsi iyo markii ay heleen dab i iftiimaaya

Duunyadiyo markii ay dhaqdeen bahaladii duurka

Ugaadhiyo markii ay dabteen deeradiyo cawsha

Beeraha markii ay degeen orodki may dayne

Damacbaa hogaanka u qabtoo door labaad raraye

Daar iyo markii ay dhisteen aqalo daah wayn leh

Markab aan dagayn iyo markii doonyo lagu dhoofay

Sabarayn dabaashiyo markii qalab lasii daayay

Nin waliba markuu daadsadee kibir la daanshooday

Ayay niman dalxiis ugu keceen meel dusheena ahe

Duhur kaliya bay sii socdeen daala may arage

Dayaxay habeenkoo badh tagay degel fadhiisteene.

 

yo yo keep on going guys

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

...Maxkamad ayaa lagu saarri lahaa Caawa haddii aad jooggi lahayd Maddasha Suugaanta iyo sarbeebkeeda suggan ee saxar aannu ku duullin, balse waad sigatoo,saadaashada waxaad ku salgoysey........ :eek:

..........Ok waa tahay......

Waxa aan ku dhihi lahaa Ka Fiirso ka Hor inta aaddan wax fali, addoo Raali........

Jaangeynta erreyada iyo isu dheelitir koodu waa tiirka koowaad oo loo baahan yahay in aad iska hubbiso haddii aad Currinayso Maanso..........

 

Geeraarkuna waa Halkiiseeeeeee, Yaan loo gefin Rugcadaayadii iyo Maansoolayaashii shiishkoodu dheeraa ee shaxda aad u yiqiin ee aan marna sharadkoodu shaashoodka aqoon........

 

....SCS.

_________________________________________

_________________CARTAN__________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

NABAD IYO CAANO...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

KAMILA wow geeraarkaa idiley walaah.

 

Waxaan maqli jirey bubaanbur sidan ku bilawdo oo ay dumarka qaadi jireen

 

Calow soo caga cagee

Caga soo geli biyaha

Markaad soo gasho arliga

Umuuraha we ifaan

 

Somehitng like that lol

 

Laakiin midkan aad adiga soo qortey aaba kasii daran

 

Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Dhuux micnaha ku jirra Gabayga iyo qaabka uu oga hadlayo arrimaha dhabta ah ee Jacaylku. Ruuxii Caashaq soo maray ayaa garan kara Micnaha guud ee Gabaygan iyo ujeeddadiisaba.........

Gabaygan waxaa tirriyey CABDALLA NUURADIIN.

 

**** CAASHAQ ****

1. Nimuu caashaq dhiibay baan ahay oo ciillan waligiiye

2. Anigoo carruuruu i galay cudurka shaydaane

3. Culays buu i saaray iyo xanuun caadi yoon bi'ine

4. Cabsi kama qabayn maalmuhuu igu cusboonaaye

5. Ciduun baa dawayn baan is iri, ciirsi kuu baxa'e

6. Cashar ii qora yaan lahaa culumo duub wayne

7. Ceesaamo gowracay intaan ciid ka faashadaye

8. Cishriin bilood baan ku jiray weel ciriiri yahe

9. Welina caafinaad ma ledin oo waygu caynkiiye

10. Intuu ii carooduu dhammaan cunay dubkaygiiye

11. Casho iyo quraac buu ka dhigay cudadahaygiiye

12. Cadkii waa ka feensaday laftii coodi iyo jiire

13. Ciriqyadii wadnaha buu xiroon dhiigga celinayne

14. Naftana waygu caascaasiyo, ceeshkii iga gooye

15. Caanana kollay ku tahay dhadhamo wayga celiyaaye

16. Cunahaba wixii sii maraa waa candhuufada'e

17. Cagtaydii tallaabada gabtoo caajis baan ahaye

18. Sidii ruux cirroola ah yaan tukubo culus ku ruugaaye

19. Cirba-jeedis mooyee durduro waan ka caal-dhigaye

20. Waxbase yaan calaacalin rag waa kii calool adage

21. Middii cudurkan igu beertay baa ii cadaawa ahe

22. Anigaa naftaydii casilay caadil ii qoraye

23. Cudur iga fog baan doontay oon caabuq ii harine

24. Haweenna way ka cararaan nimaan caysh u fidinayne

25. Hadba kii cashada siiya bay wada caweeyaane

26. Caqli iyo garaadkoodu waa calal nadiifaade

27. Haddii uu cirfiid yahay midkii cuud le bow taline

28. Cadaabtii Ilaah iyo nabsiga kama cabsoodaane

29. Cilmi baan ogayn jeer in ay caaska geliyeene

30. Middii calanka loo saaray baa cayrisoo dhimaye

31. Inuu caashaq naageed dilaan cidina moogayne

32. Aniga halkaan caawa aal ciribla' weeyaane

33. Ka carraabay dunidoo naftani waygu ciribriiqe

34. Noloshii cirkay iga tagtay iyo caadka hoos mara'e

35. Cisraa'iil wuxuu igu wadaa ceelkii aakhiro'e

36. Teer iyo carruurnimo middaan daba cataabaayey

37. Haddii ay i caawini lahayd cudur ma jiifeene

38. Cidlada iyo jirradu waa darteed caawa aan qabo'e

39. Ninkii caashaq naageed qabow, xiro calooshaada!

................ Waa socdaa sida aan filayoo........

 

....SCS.

_________________________________________

_________________CARTAN__________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

cwm2.gifcwm2.gifcwm2.gif CARTAN Brother keep on going.

 

Jamaal Thnxx Brother.

QATAR AYAA TAHAY JAMAAL.

Buraanbur kale ayaan kuu sheegaa akhribo

 

JACEEL GODOB LAGAMA GALO GAALO IYO ISLAAM,

MIDBASE GODOB IGA GALOO IGA TAGAY GIDAAR,

LILAAHI BAAN MOODAY LAABTEEYDA BAAN U FURAY,

LABADA DHAYOOD WADNAHA LEEB LAAGAGA TAAG,

HABLAHA TAAD CAASHAQDABA CAAD LAGAABA SAAR,

GABAR UGUB BAAN OHOO UUR MARIID KU SAAQ.

 

NALKII II SHIDNAA NUURKIISA BAAD EHEEYD,

JIRKAA I LUXMAAYO JILBAHAAN KA JOOGI KARIN,

JIRANA IMA HEEYSO JACEELKEEYGA AWADIISA,

EE SUURTO GALI MEEYSO IN AAN SAAS KU KALA HARNAA.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

waa wareeey war sxb cartan geedku masaas buu ahaa? I dont wonna fall inlove sxb

 

Kamila abaayo, here is a jacbur for you

 

Leebkii jeceelkaa Laabta iiga taagane

Ma neefsan karo mana nuux nuuxsan karaye

Ma dageni ma fiyoobi oo waa la i sitaaye

waa anigan waxaan jirin mala-awaalaaya

Oo ismoodey inaan ku heley balse riyoonaaya

Isma dhihin kamilaa ku jecel kaana darane

Hal jaceyl in uu ina dhexyaal maan ogeyne

Hadaanse dhab usoo guntadey dheesha joojiyaye

Ha ilaawin inaan aad kuugu han weynahaye

Kamilaay ma tahay Marwo lagu nasto oo lagu nasteexo?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

Waaaaaaaaw JamaaL-11

 

Waan Ahay Marwo Lagu Nasto Lagu Nasteexo Ninki I Helo aniga iguma qasaaraayo waxaad ii tahay kii aan ka waheshaynayey dad oo idil waxaa tahay wiil curdanow hada soobaxay yaqaano sharafta iyo xitraamka hablaha Jamaal waa kuu jiifa waa kuu jajabasanahay ma qadeeyo ma casheeyo maalintii 9 saac baa hurdada la iga sara kacshaa aboowe ha i qaribin haduu qalbigaaga ii soo jeedin!

Adiga matahay kii aan ku dagi lahaa ku nasan lahaa inta nolasheeyda ka dhiman kaan la qeeb san lahaa?? cwm37.gif

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this