Sign in to follow this  
Paragon

RAG XUNTI BUU KA SHEEKEEYAA

Recommended Posts

Paragon   

RAG XUNTI BUU KA SHEEKEEYAA

 

Saddex nin oo magacyadooda la kala yiraahddo, Warfaa, Wayrax, iyo Waasuge, ayaa maalin waxay isku wareysteen nin walba wixii wax ugu daraa intuu ifka joogay.

 

Mid walba wuxuu islahaa adigaa ugu darnaan doona, waase kala darnaayeen,iswareysigoodii waxay ku kala yiraahdeen;

 

Warfaa :

 

Aniga maalin baan laba rati dhaanshey, wiil yar oo rajay ahna aqalkii uga tagay. Goortaan gurigii ka jaciirtay yaan dib dhugtay, mise labadii rati mid baa maqan. Kaan wadaan inta geed ku xiray kii kale raadshay.

 

Meel uu suul iyo cidi dhigay ayaan waayay, markaasaan kaan geedka ku ogaa ku soo noqday, saan waxaan u imid isagoo xarigii isku baqtiiyay, haamihiina caymo beeleen.

 

Anigoo awrtii iyo haamihii ka fara maran yaan aqalkii dib ugu soo noqday, oo wiilkii inta dhabarka u ritay ceelkii la aaday, illaan waxaan biyo ugakeeno mahayee. Annagoo beer cadaad ah, yaan ceelkii oo daasad dheg lihi qarkiisa saaran yaan tafaha isaga xiray , daasadii dacal uga xiray ceelkii u riday. Markaan u laadlaadshay bay iiga fara baxsadeen. Anigoo suxud daaxud laygu arag, yarkiina sida gacantaas yahay baan meeshii ka tagnay. In door ah markaan soconay, oo aan danqalan nahay ayaan ari daaqaya ku soo baxnay, Ri dhashay oo danbarkii ku taagan yahay, arigana noogu soo xigtay baan inta lugta ku dhegay wiilkii qaruufiyay.

 

Markuu haagay, yaan anna mid kala qabasaday . Anigoo sacabsanaya baa naag ariga la joogtay ul ila dul martay.

 

Waan dhugtay mise waa soddohdey, markey i garatay ayay inta go ay huwaneyd ii soo tuurtay dibada ku dhacday. Waxaasaa i qabsadaye ma annigaada ila mid tihiin.

 

Weyrax:

 

Allaylehee inaan waxba kuugu dhicin. War aniga laba wiil iyo gabar inan ah oo sadaxduba rajay yihiin ayaa dad laygu arkay, dhega aduunyana dameer keliya. Waxaan kaloo lahaa doon shiraac leh oo aan ku kaluumeysto, isla markaasna aqal noo ahaa aan ku hoyano kuna harsano.

 

anagoo ilaah mahadii iska ladan, oo aan doonta dhexdeeda ayaan danbe kawtan ku ciyaareeno baa markab ilu ka wareedhay ka soo muuqday. Siduu u soo ganaa buu meel akteena baroogsinkii ku xirtay. Doontii baan inta shiraaca u taagay markabkii ka war doonay mise niman aan af aqoon baa wata, markey garteen inaan dad masaakiina nahay bay xoogaa raashiina na siiyeen iyagoon ju noo oran. Goortaan raashiinkii doontii saaray, baaan kabahaygii midood tabay, saane aabo kab baa iga maqan markabka iiga soo day, intey sara kacday bay hal haleel u fuushay. Markay arkeen in gabadhii xagooda soo jirto in taayadii kalana doontii bay markabkii dhaqaajiyeen.

 

Markaan ogaaday inay inantii la baxsadeen ayaan doontii intashiraacii u dajiyay iskala dana rogay, hadaan in door ah daba ordayay, ayaa duufaan yaab lihi baalka nagu qaaday oo na harqisay, anigu sida kaluunka dabaasha u aqiin, alwaax jabkii aan gacanta la helay baa igargaaray.

 

Doontii, dameerkii, wiilashii iyo gabadhii aan mid loo dhiga habari koolin halkaasaa iigu danbeysay, ma wax i qabsadaa idin qabsaday?

 

Waasuge:

 

Labadiinu toona wara idinma qabsan, anigu marn malagaygii baan arkay marna waan ceeboobay, Waa mark horee annagoo siddaad nin ah ayaa col na qabtay.

 

Dawlis ay siteen bay luqunta nooga wada xireen, oo na farfariisiyeen, aniga midigtaan u xigay nin noogu fiicnaa oo ceynab la oran jirayna bdixda.

 

Mid iyaga ugu xooga badnaa ayaa inta seef galka ka jiitay ceynab madaxa uga gooyay, oo ma joogsane lixdii noo dhaxeysay hadiiba uunka ka wada jaray. Markuu aniga ii hogbaday baan u gooyay, oo dibada ku dhacay anoo dowliskii jiidanayo.

 

Maalintiiyoo dhan markay i cayrinayeen bay dan iiga hareen. Afar caanamaal hadaad dad iyo duunya toona arag, yaan reerkaan gabadha ka qabay guura ugu imid, markay diiftii iga muuqatay bay biyo aan ku habaq beelay i siiyeen, raar faraqu dheeraaday oo dumaashidey lahaydn aqalkii sodogey laiigu goglay. Wan subag madoobe ah oo iska cadaaday ayaa la ii qalay. Intaan hilbihiisa sugayay waxaa la iiga soo hor marshay toobke caana ah, oo hal ayaamahaa dhashay laga soo lisay.

 

Waxyar hadaan joogay, baa xeero afku intaa la egyahay oo cadiin u badan iyo baaquli maraq ah la ii keenay. Wixii oo dhan baan feeraha dhigay, dabadeed madaxa iyo majaha duubay.

 

Gogoshaan ku hurday baan intaan jiifay ku banay, ill ninkaas qatooyada ku raagay oo baruurta iyo caanaha geel iska badshay baan ahayee.

 

Markii waagu beryay, ayaa dumaashidey alaabtii soo doontay, aqalkii markey fooda soo galisay baa ban u uray, markaasey "uf" tiri oo crartay, sharqanteedii baan ku toosay, mise gal baan ku dhax jiraa, Cimaamad sodogey lahaa oo alool aqalka iigu ilxirnaa sureyd baan inta guntaday cagaha wax ka dayay. saasaa i qabsatee yaa iga daran?.

Share this post


Link to post
Share on other sites

asalaama alaykum w.w

 

tnks jamaal sheekoyin xul ah baad nala wadaagtay , koleey sadexdoodaba kalama yareystaan inkastoon dhihi lahaa Warfaa baa u si daran, But some words are dificult to me Like:-

 

  • jaciirtay yaan dib dhugtay.
  • suxud daaxud laygu arag.
  • Markuu haagay
  • banay
somali kakan waaye runtii, Markale mahadsanid walaal..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

- jaciirtay yaan dib dhugtay = Markaan gurigii ka dhaqaaqey or ka anmbabaxay yaan dib u xasuustay (dhugtay)

 

- suxud daaxud laygu arag = anigoon haba yaraatee waxba laygu arab ama fara maran

 

- Markuu haagay - markuu yara qurquriyey caanihii oo wiilku nafta kusoo noqotay

 

- banay = ban = shuban, banay = aan shubmey, calool socod dartiis :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

jamaal nice one!

wax kala roon meesha ma joogin kkkkkkkk

 

lakin the grammer,,,,qaamuus meel iigu sheeg,,,,,,yaa rabi,,,,,took me a while to grasp it

 

still thnx 4 sharing smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Changed   

mid nasiib roon meesha ma joogin :eek: ......

 

.........i feel bad for the man the xaared on himself :eek:

 

waraa jamal somali jilci nooh.....i swear i had to read it twice to understand their problems redface.gif ........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

LoL Nomads.... well it is good to look up some Somali words, coz the more you enquire the more you learn.

 

You know men? lol If you ask all men who is the most foolishh, they will compete to prove who is indeed the most foolish. Even in misfortune we tell tales to over-pass other men... it is in our genes smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

ragu jabkii buu ka shakayaa dumarna baraarahooda

lakiin hada ragii waa bling bling iyo talaabo xume

dumarkiina dhinaca kale. sow sheeko yaable ma aah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Jamaal, widaay, doogaan kasaasee? Hooba kasaasa nooshib dheh. :D Waxba indhaha ha taag taagin, anaba Soomaaligaas aan kuu naqanaa, ee sheeko barlee aa noo keenee qaamuusna manoo keeneysid yaah. Ka kac hee.

 

Adi fiiri sheekadaan aan hada kahor ka aqriye another website, saan aa loo qoray {it must be warned that it is a bit XXX story}:

 

"Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa calool hooyo ku jiray 3 cunug oo mataano ah oo aan weli dhalan, seddaxdii cunug ayaa caloosha hooyadood iyaga oo ku jira wada sheekeestay, waxayna ka wada sheekeesteen qof walba wixii uu noqon lahaa markii uu dhasho....sheekadiina waxay u dhacday sidaan:

 

#1: Yaakhee aniga saan ma i anfaceeso markii dhasho waxaa rabaa inaa noqdo tubiiste.

 

#2&3: haahahaahahahah, maxaa dhacay maxaa ku jeclaatay inaa tubiiste u noqotid?

 

#1: yaakhee ma ujeediinoo meeshaan dhan sii fajaq u tahay meel kasto waa jeexan tahay waxaan dhan in la isku rakibo ay u baahan tahay yaakhee oo la alxamo (mindhicirada).

 

#2: Yaakhee aniga waxaa rabaa inaa korontada sida loo sameeyo barto.

 

#3&1: ahahaahahaa haye widaayoow adiga neh maxaa ku fashi korontada? koronto hakugu dhegtee.

 

#2: yaakhee waa ujeediin ilaah aa idin kugu dhaariyey mugdi lee maaku jireenaa weligeena, meeshaan nal malooga baahnoo? cawo kasto indhahaa faraha iga gelisiin labadiinabo.

 

#3: Yaakhee waxaa rabaa inaa noqdo feer yahan Mike Tyson camal.

 

#2&1: ahahaahahahahaahahahahahahahahahahahahahahahahhahah, walaahi adaabo war kale keentay, yaa u dhaarsan tahay maxaa anaga maaku dhibnay? oo rabtaa inaa meeshaan orod noogu bixisid iidoo waqtigeena la gaarin?

 

#3: Yaakhee maya idinka maahin nooh rabshada dhan waxay ka socotaa ninka bidaarta leh oo meeshaan intii noogu soo galo maalin kasto oo hadaneh baxaayo markii u maleeno inaas baxay hadaneh soo noqohaayo ilaa candhuuf eber aas nooga dhigo, kaasaa u dhaarsanahay, kalabka hasoo noqdo lee mar kale haddii inta hore ka bedeli waayi waa isku joognaa oo candhuufta ku celi waayi wec-elka..."

 

set74.gif:D:Dorangebiggrin.gif:D:D

_________________

 

Macsalaama.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

LOOOOOOOOOOOOOL hahahahahahaahaha Laa Illaaha illa Llaahu. I just can't stop laughing acuudu billaahi, waa ilma yaroo uurka ku habaaran. hana soo marna .... Alla maxaa dhib kalaheysto aw-bidaar iyo Mike Tyson loool.....

 

MMA fadlan soo wad sheekada hakala goynine ... intaas ma ahayne illeen waan ognahay in ay ntaas ka dheertahee ....lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xafsa   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

[QB

#3: Yaakhee maya idinka maahin nooh rabshada dhan waxay ka socotaa ninka bidaarta leh oo meeshaan intii noogu soo galo maalin kasto oo hadaneh baxaayo markii u maleeno inaas baxay hadaneh soo noqohaayo ilaa candhuuf eber aas nooga dhigo, kaasaa u dhaarsanahay, kalabka hasoo noqdo lee mar kale haddii inta hore ka bedeli waayi waa isku joognaa oo candhuufta ku celi waayi wec-elka..."

 

_________________

 

Macsalaama. [/QB]

loooool...AR kanaaa!!!!!!! CAndhuuf eber ah kumalahoo...loooooool :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Lefty   

loooool...The dude in the middle (Weyrax) got the worst of all in my own calculation.

 

Well done Jamal..Once, I thought I was reading one of the Somali-Shakespeare works. Some Strong words in there!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this