Sign in to follow this  
Paragon

Miraha Heesaha So'maaliyeed - Kusoo biiri

Recommended Posts

Nephissa   

Asalama Alaikum Nomads,

 

Heestan qof garan karo hadduu jiro, please soo post garee. Thanks.

 

Waa ku daawan lahaaaye

doontii caashaqaaa

waa ku daawan lahaaaye

doontii caashaqaa

..

..

ma iga tagay..

ma iga tagay..

...

..

dahab-la moodyoow

daraato

daraato

maxaa ku daaray..

bum bum borara-rara bum

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

somboodi ii turjun heestaan ,Fadlan. smile.gif

 

Burji iyo nasiiblaay

Barwaaqada ka cararaay

Abaartana u baydhaay

Khayrka balo ka jeceleey

Belo iyo baaska jeceleey

 

Wuxuu dumar ka baqi jiray

Iyadu u badheedhaay

Bilic lagu khasaaraay

 

Boqoradii haweenkaay

Hablaha laga la soo boxo

Bariyo taan u haystaay

 

Jacaylkan mudada badan

Baarkanuu fidhaaiyo

Beer laxowsi gaagii

Aan kabogsoodayee kowdhe

 

 

Buugii sirtaadiyo

Toogtaadii waan helay

Kaagana bexee laba dheh

 

Waxaan baaq u dirayaa

Baxsi ugu dubayaa

Caashaqeenii berigii

Barbaartii wax ka ogeyd

Kali soor bagiisiyo

Ma biyihisa lagaa helo

Bilkubaa inaad tahay

Ileen beeni raad ma leh

Na dhex mari bariidadu

Ileen waan isbaranee

 

Waxay sobelo kajoogtaa

Boqol midabya leyee

Kan dambeed isbarataan

Sidi togosho ugu ridi

 

Balwadaadu leediyo

Hadii baarka curubiyo

Bulsho iyo taleex tahay

Dhaqanka la' maqorsheenee

Dhirta iyo dhayldu

inte bari inte bari intee

Inte bari bay ku wadayaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Ka hadh baan lahaa

Haween iyo jacaylkoo

Horey uga tag baan idhi

Hayskuba...... (missing)

Marka aan habeen qudha

Hurdo nadab ku seexdaba

Sow habluhu heesiyo

Hayaay iima qaadaan

Caawana hirkaan dagay

Ma huud iyo calaydhbaa (????)

Heesihiiyo Caashaqa

Ma kagalay halkaygii

 

Please, will someone fill the missing part, and also explain to me the line with question marks? Vintage Mohamed Ahmed Kuluc.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

JB

 

War dee Heesta ii sax ninyahow! Huud iyo Calaydh maxay ahaayeen. Mise anaa u qaataye wax kaluu lee yahay?

 

Tan miyaad maqashay iyada. A man angry at his wife for chewing qat.

 

Hadaad fiidkii qaxayso

Hadaad Qaad doonanayso

Qaraarku markuu ku gaadho

haddaad sii laba qarxayso

Haddaad qarashkii caruurta

Qayb kale aad ku qaadanayso

Qalbiga been looma sheegee

Miyaa la is qabi karaayaa??

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yaa yaqaan dee ,,,,,,,,,,

 

 

Here is one from Caabbi Mire:

 

 

Dadkii kala gadaan qarsada

Waxbaa ka dhex guuxayee

Gar baan kuu dhiganayaa

Gudoonkuna waadigii

Gar eexo lama doonayee

Garowso waxaan ku dhaho

Nin goba ood gacal tihiin

weliba gacalooy ku jecel

adoon ku maqnayn wax gara

inuu gurigoo cidla ah

sidii gaabshireen fadhin (???)

Miyaanan gartaa lahayn

 

dardaarankii waad geftee

adoo fasax gaaban tegey

maxaa gebla kaaga xidhan

ma geel baa kuugu xidhan

ma geel baa kuugu dhalay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Buuxo:

somboodi ii turjun heestaan ,Fadlan.
smile.gif

 

Burji iyo nasiiblaay

Barwaaqada ka cararaay

Abaartana u baydhaay

Khayrka balo ka jeceleey

Belo iyo baaska jeceleey

 

Wuxuu dumar ka baqi jiray

Iyadu u badheedhaay

Bilic lagu khasaaraay

 

Boqoradii haweenkaay

Hablaha laga la soo boxo

Bariyo taan u haystaay

 

Jacaylkan mudada badan

Baarkanuu fidhaaiyo

Beer laxowsi gaagii

Aan kabogsoodayee kowdhe

 

 

Buugii sirtaadiyo

Toogtaadii waan helay

Kaagana bexee laba dheh

 

Waxaan baaq u dirayaa

Baxsi ugu dubayaa

Caashaqeenii berigii

Barbaartii wax ka ogeyd

Kali soor bagiisiyo

Ma biyihisa lagaa helo

Bilkubaa inaad tahay

Ileen beeni raad ma leh

Na dhex mari bariidadu

Ileen waan isbaranee

 

Waxay sobelo kajoogtaa

Boqol midabya leyee

Kan dambeed isbarataan

Sidi togosho ugu ridi

 

Balwadaadu leediyo

Hadii baarka curubiyo

Bulsho iyo taleex tahay

Dhaqanka la' maqorsheenee

Dhirta iyo dhayldu

inte bari inte bari intee

Inte bari bay ku wadayaan

Waqti uma haayi aan ku wada micneeyo, laakiin ereyada aad mad madoowga ka dhigtay isku dayaa micnahooda inaa sharxo.

 

Ereyga burji Carabi waaye koley laga wado saro ama daaro dhaadheer, yacni "towers." Kan heesta qoray qof dheer amuu ula jeedaa.

 

Ar kuwa kale waa usoo noqonaa, sida loo qoray ayaaba qaldan Afsoomaaligooda lagu wareeraayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

^Ki mah santa.

 

I like the song, but i never understood what he was saying , dont know if he is declaring his love or saying i am over you.so i located the lyrics and they confused me more.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

A golden song I'm listening to now, by Hiba Nuura, ma xasuusto hada abwaanka miraha sameeyay, but it was originally by Tubeec on kaman.

 

Siday tahay nafteydiyo

lama socotid howlaha

sanadahan i haystee

sasab iyo wax sheegiyo

samir waan ka quustoo

wa inaan salgaaree

 

adna sibiq ku dhaafiyo

salaan guud ha joogtee

sidee tahay imaad oran

intaad soo dhawaatee

 

sabab kale ha moodinee

suntaadii habeenadan

waan ka seexan waayoo

seedahaad i goysee

 

Xalay baan saqdii dhexe

sariirtaan ku jiifsaday

Sagaal jeer ka toosoo

Suudiga cadceeddiyo

sol iyo abaar baan

sahay li'i fadhiistee

 

adna way sagsaagtoo

subaxdaan is aragniyo

saacadan aan kuu imi

iima kala sokeysidee

 

sabab kale ha moodinee

suntaadii habeenadan

waan ka seexan waayoo

seedahaad i goysee

 

 

Midabkaagan sagalkee

seymo roob aad moodiyo

sanqaroorka kugu yaal

suuradaada oo qudha

ma siisteen aduunyada

hadeey ii sinnaatee

 

adna sidig irmaan baad

saac doog ku yaallo

seeraha ku maashoo

ina soori waydee

 

sabab kale ha moodinee

suntaadii habeenadan

waan ka seexan waayoo

seedahaad i goysee

 

Anigoo ku sagayoo

kuu taagan surinkaad

sahal igu dhaaftee

markaad siisay nacabkey

qalabkii aad sidataan

sirtaadii ogaadee

 

sallanka aad fuushay

sare kuuma sidayoo

samaan iyo xumaataba

isa seegi meenee

 

sabab kale ha moodinee

suntaadii habeenadan

waan ka seexan waayoo

seedahaad i goysee

 

kuma saamaxaayee

seedahaad i goysee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by mire:

can any one of you guys help me out, I mean I don't know the composer's name or even the singer of the following song. I have been looking this for so long. So if any one of you guys can help I'll be grateful for that.

 

Inanyahay masheegaa

Arrin igu shidnaa iyo

Sheeko aan qarsanayoon

Kaa shishaynin adigaba

Mise waan shiraacdaa

Intaan laygu soo shirin

Shib baan kaa iraahdaa

Shaxi nin iyo reerkii

Shini waliba malabkeed

Haku sidato shirixee

 

Addigoon shidaba galin

Hadday igu shiribantahay

Waxba haw shinshirinine

Shaacaba ka qaadoo

Aan kala shiraynee

Hashaqline ujeedada

Warka shaaca ka cadee

Shayga iga qarsoonaa

Inaad caawa sheegtaa

Sharaf baabay iitee

 

Sidaa tahay shawaal galay

Bishu ay shaniyo toban tahay

Shabcisay aduunkee

Qoraxdii shin dhalataay

Wali shaahid kuma arag

Sheekana kumaan maqal

Wax shabaha naftaade

Sharad baan dhiganayaa

Hadii sharaf mid kula mida

Lagu sheego dunide

Shamsooy addi daraadaa

Annigana ilaa shalay

Cishqi baa ishidayee

Ma,ishaafinaysaa?

 

Sidaa tahay shabeel ciideed

Ama geenyo shaaximan

Shucurta iyo eegmada

Rag ninkaad lashoowrtaa

Shaaribaha salaaxdoo

Addaa shicir amaan ka ah

Shaxda lagu cayaaraay

Sheekeey igu deeqdee

Shafeecadii naftaydaay

Waana kugu shugriyayaa

Shamsooy addi daraadaa

Annigana ilaa shalay

Cishqi baa ishidayee

Ma,ishaafinaysaa?

 

Thanks for your time and help

I don't know inaad heshay jawaabtan or inaadba SOL soo gashid...ama malaha adigaaba heestaan hadda qaada...balse fannaanka heesta qaada curiyeyna waxaa la yiraahdaa "C/llaahi Nuur (Xalwo amase Xalweyste)"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inkastoo qol aad seexatiyo qaddo laguu dhiibo,

ood qaawanaan kala tagtaan quudna lagu siiyo,

qolqol kale nin seexdaad tahoo laga qashaafaaye,

qaso waxaad ku nooshay markaad qabato meel dheere.

 

 

....... Abwaan Kayd

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

HEESTAN WELI MA MAQASHEEN?

 

 

Lafoole

Garashada dayoowdaay

Isma dhaanta dirirtaay

Dibjir wada sarkhaamoo

 

Darandoori laba dhinac

Danab iyo madaafiic

Magaaladii ku dumisaay

 

Xageebaad hadhoow dagi

Taladaba kumeey darin

 

War hooy aan idiin digo

Ha la is dilo xal ma ahee

Dadku nolol ha raadshee

Sida maad ka daysaan

 

Armeey digasho reebtaa

Dib armeey u eedaa

Dagaalkii sokeeyaha

 

Armeey caro is dooxdaa

Sida duulki algu rogay

Armaa daadku qaadaa

 

Armeey dawgashiyo taah

Hurdadaba la diidaa

Taladaba kumeey darin

 

War hooy aan idiin digo

Ha la is dilo xal ma ahee

Dadku nolol ha raadshee

Sida maad ka daaysaan

 

Xal beey waayi doontaa

Dhalanbaabi beey noqon

Mawjadaa daf siinoo

 

Waxa sidii dabeylaha

Dar xumeey ku noolaan

Kala durugsanaantiyo

 

Waa waxa loogu dawgalay

Dacar ineey kabootee

Taladaba kumeey darin

Waa waxa loogu dawgalay

Ineey dacar kabootee

Taladaba kumeey darin

 

War hooy aan idiin digo

Ha la is dilo xalma ahee

Dadku nolol ha raadshee

Sida maad ka daysaan

Taladaba kumeey darin

 

BAGE KA DIB USOO NOOLEEYA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this