Sign in to follow this  
Paragon

Miraha Heesaha So'maaliyeed - Kusoo biiri

Recommended Posts

Jaylaani   

SINGER: KINSI X. AADAN XUSEEN

 

(1)

 

ALHAYOOW DHIBADANAA

NINKA TAGAY DHULKIISEE

MIDII DHUUXA HALISTIYO

DHAAYAHAA KU BEERAYT

 

DHIMATAANA MOOYEE

LA DHACYAANA MOOYEE

 

SIDAAN DHOOF UGAGA TAGAY

WAX KU DHIGAN KAMAAN HELIN

DHANKEEDII JACAYLKII DHABTA AHAA

 

(2)

 

HURDO DHABAN MARKAAN DHIGO

DHEELALAABA TOOSEE

DHADHABKIYO RIYADU WAA

INTAY TALAADU DHOWDEE

 

QALBI MEEL KU DHEEHANI

TOLOW MAYGU DHOLSHAA

 

SIDAAN DHOOF UGUGA TAGAY

WAX KY DHIGAN KAMAAN HELIN

DHANKIISII JACAYLKII DHABTA AHAA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Singer: Cumar Xasan Rooraaye,

 

(1)

NABAR HALISTA GAADHIYO

NAFTII CUDUR KU RAAGTAA

UMA NAAXDO SOORYAA

 

NINKII TAMAR DARAADAA

***** LAGU TILMAAMAA

NAANAAB HABAABEE

 

MA SANTOO AYAAN QUDHA

INTAAN.....KA JIIBSADOO

NAFTA MEEL MA HADHIYEE

NAFTA MEEL MA HADHIYEE

 

NIYADAAN KU XIDHAY MEEL

SOO NOQONBA WAYDOO

ANIGIYO NASIIBKAY

 

 

(2)

WAA NAAS ADUUNYADU

MIDBA MAALIN NUUGOO

NINA LOOMA DAAYEE

 

ADOO SAAKA NABAD KACAY

NAXDIN GALABTA KUU TIMID

NOLOSHEEDU WEEYEE

 

KUMA NICINEE ADIGAA

NAAFEEYAY TALDOO

ARINKII NUG LEEYEE

ARINKII NUGLEEYEE

 

NIYADAAN KU XIDHAY MEEL

SOO NOQONBA WAYDOO

SOO NOQONBA WAYDEE

ANIGIYO NASIIBKAY.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Cabdi Tahliin Warsame

 

ONKOD

 

onkod roobku madaayo

aarna taaha madaayo

anna taa ma ilaawoo

jacayl ood rogan maayo

oon hilaac bi in maayo

ayro weerar madaayo

ninlihi aamusi maaayo

ergo geesi madiidoo

 

ilaah tiisu ma oosho

calaf la iska ma ooso

ubax dayr ma qorsoomo

godka lay iskuma aayo

 

ifka la isu tudhaayee

iilka la isma gar gargaroo

aboor la iskama baajee

nabsi hay iga amaahan

axdigii ina dhex yiiliyo

ha iloobin aqoontee.

 

 

asaagay usha toosan

iyo ooda hagaagsan

hayiinkii arfanaaday

madigii afar deeqay

inantii La ilwaadsan

ee asluubi u dheer tahay

sidaan u adkeysto

Kuu eegana yaaye

 

hadaan aamin idhaahdo

waa aqoonta haweene

oo rag iiga danbeeyo

halka ay ka cawayso

 

uur ku taalada maada

arimidiisa jacaylka

anigu soo dhaxli maayo

 

nabsi hay iga amaahan

axdigii ina dhex yiiliyo

ha iloobin aqoontee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

IFTIN

 

Alif La Kordhabey

 

 

ambaqaadka geediga

sida ooda loo raro

heesaha u gaarka ah

waxa lagu aloosaa

magac eebeheeniyo

adiniyo af wada jira

alif la kordhabey

alif la hoos dhabey

alif la godey

aa

alif la kordhabey

alif lagu reeb

ii

alif la hoos dhabey

ya lagu reeb

uu

alif la godey

wow lagu reeb

 

shanta diin islaam waa

qiritaanka eebaheen

igmad maxamed keenii

oogista salaadiyo soonkoo

sakadoo la bixiyiyo

xajkoo loo awoodaa

alif la kordhabey

alif la hoos dhabey

alif la godey

aa

alif la kordhabey

alif lagu reeb

ii

alif la hoos dhabey

ya lagu reeb

uu

alif la godey

wow lagu reeb

 

waayaha adduunyada

waxa lagu abaaraa

aragsadu ku naaxdaa

koobista kas iyo maag

ileyskii ka baxay iyo

fakar iyo aqoon guud

alif la kordhabey

alif la hoos dhabey

alif la godey

aa

alif la kordhabey

alif lagu reeb

ii

alif la hoos dhabey

ya lagu reeb

uu

alif la godey

wow lagu reeb

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Can somebody tell me the lyrics of this song, umm I don't know who sings it, but it has a good drum beat, I can hardly sit still when I hear it..

 

The beat goes: wooosh, wooosh woooosh (it pauses) and then without pausing goes: Wakac wakac wakac wakac..WAC!

 

Anyone?

Share this post


Link to post
Share on other sites

The above song’s English version is Ying Yang twin’s “lemme whisper in your ear†song it was sang by Shego band and the lyrics are to explicit for me to post.

 

Waxaas camad dhagahaaga ha u quurin :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaam,

 

Wiilo and the rest,

 

Bal waxaad ka baadhaa heestan inaad hesho miraheeda: the lyrics:

 

Amal By Qalinle:

 

it starts this way as a clue:

 

Inan yahay la'aanta ......

 

Ulihii Mareerkoo Immay ku yaalo

Ila wada xareedo lagu oon baxaayeey

Naftu Amusnaantii iimansay waydoo

Amalay Jecalyliii --------?

 

Please try to find out and shout at me if you find it.

 

Kind Regards

Sharmarkee smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Asalama Alaikum dhalinyaro. Could someone please help me with the lyrics of the following song - It's a dual singing. It's a man confronting his cheating wife, and it starts with something along these lines:

 

Markii meel aan aadoo, waxaa soo maqlaayee

Musliim ii gaalo, wixii mowle uuntayaa minikaagi joogaaneee..(something something)

Macaaneey, ma jiraa warkaas..

 

The woman:

 

Maya maya abboo ma jiree,

Warkaas meel ku xooree

Minikaaga moogaantaa, mala soo maraayeee.

 

The Man:

 

Minaa layska soo mareenin,

Maraddaan maxaa waaye, iyo macawistaaneey.. (she's busted :eek: )

 

Intaas ka dib ma aqaaan, Please ii dhamaystira, heestaas waan jeclahay. :D

 

Thanks.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Sharma Arke, heesta waxan filayaa inay tahay tan hoose ku daabacan ; anigu iyada oo qoraal ah ayaan waa hore akhriyey, abwaankuna waxa weeye Hadraawi baan fillayaa. Bal akhri oo hubso, sxb.

 

Dadku kala ayaan roon

Ama kala aqoon dheer

Ama kala asluub weyn

Hadaan eed la doonayn

Ama deeq Illaahay

Asaraar ka taagnayn

Dadku eexo kaa gelin

Inan yahay la'aantaa

Dumar lama abuureen

Gabadh lama ammaaneen

Jacayl looma ooyeen

 

Geed beer udgoon iyo

Ku dhex-yaal ugbaadoo

Ubax iyo man fuulaay

Ulihii madheedhkee

Iimey ku yaalliyo

Ilo wada xareedoo

Nafta lagu illaawaay

Dayaxoo iftiimoo

Arladoo dhan gadhoo

Afar iyo tobnaadaay

 

Qorraxdoo aroortii

Dhulka soo abbaartoo

Sagal iid dhex joogtaay

Waxaad tahay adduunyada

Dhexda udubka haystoo

Xejiyoo adkeeyoo

Af-gobaadsan maayoo

Qurux lama amaahdee

Ashkir geenyo ugubey

 

Adhaxdiyo laf-dhabartiyo

Sanbabbada agtoodiyo

Ililaha halbowlaha

Eebaa ku mudanoo

Arrintii cuslaatoo

Naftu aammusnaantii

Iimaansan weydoo

 

Amaleey jacaylkii

Soo dhaafyey uurkoo

Afku haysan waayoo

Goortaan ogaadee

Arammidu dillaacdaan

Ooddii ka leexshee

 

Axdi jaba abaal luma

Kaa eegi maayee

Igadh iyo maqaarkeed

Innagoo ahaannaan

Hadalkii ku ururshee

Adiguna dheh aammiin

 

Source: Farshaxan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Out of the 7070 SOL members, wax Xamari yaqaan kuma jiro? Hal hees reer waqooyi haddii la soo dalbado, habiiii waa soo shamuumeesiin laakin. :D

 

Ok Nabadgelyo. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this