Sign in to follow this  
Paragon

Miraha Heesaha So'maaliyeed - Kusoo biiri

Recommended Posts

Som@li   

Meesha fananiin baa iskugu tmi, wax ka waka fiicanba maleh,in aad isku hesho lyrics kii iyoo heesti.

 

Magool & A.M.Good Shimbir,Eraydii laxankii Shimbir>>> Anoo Idileey Aroos

 

shimbir

Agagaarka wadnaha hadaan ku oolin

Aqoon daydu Erayba ma keenteenee

 

Asluub badee amaan badanee

Sidii Ubaxii udguun badanee(*2)

 

Waxaan Idileey ku oonbixi lahaa,

Ku oon bixilahaa,anigoo idileey

Arooskula kula gala,adigoo aroodayda noqdoo ubad dhala

Anigoo Idileey Arooskula kula gala,

Adigoo aroodayda noqdoo ubad dhala

Ilwaad qureaxee,ilaawd quruxee,ilaawd quruxee

 

 

Magool

Oohinta indhahaygii aan baranin

Aday awadaa ilamayaanee

 

Aslub badoow amaan badanoow

Sidii uxbaxii udguun badanoow (*2)

 

Waxaan Adiyoow ku oonbixi lahaa,

Ku oon bixilahaa,adooo Adiyow

Aroos ila gala,Anoo ooridaada noqdoo ubad dhala

adooo AdiyowAroos ila gala,

Anoo ooridaada noqdoo ubad dhala

Ilwaad quruxoow,ilwaad quruxoow,ilwaad quruxoow

 

shimbir

Amaan dhaxahayga Hadaad ahayn,

Ayaan walba kuma amaaneenee

 

Aslub badoow amaan badanoow

Sidii Ubaxii udguun badanee(*2)

 

Waxaan idileey ku oonbixi lahaa,

Ku oon bixilahaa,anigoo idileey

Arooskula kula gala,

Adigoo aroodayda noqdoo ubad dhala

Anigoo Idileey Arooskula kula gala,

Adigoo aroodayda noqdoo ubad dhala

Ilwaad quruxee,ilaawd quruxee,ilaawd quruxee

 

Magool

Ayaankaygu waaa anigoo ku arkoo,

aroor walban ku eegtaaye(*2)

 

Asluub badoow amaan badanoow

Sidii Ubaxii udguun badanoow (*2)

 

Waxaan Adiyoow ku onbixi lahaa,

Ku on bixilahaa,adooo Adiyow

Aroos ila gala,Anoo ooridaada noqdoo ubad dhala

adooo AdiyowAroos ila gala,Anoo ooridaada noqdoo ubad dhala

Ilwaad quruxoow,ilwaad quruxoow,ilwaad quruxoow

 

shimbir

Intaa umanaa abidkay abidkay

Adookale uunka kuma aragee(*2)

 

Asluub badee amaan madanee

Sidii Ubaxii udguun badanee(*2)

 

Waxaan idileey ku oonbixi lahaa,

Ku oon bixilahaa,anigoo idileey

Arooskula kula gala,adigoo aroodayda noqdoo ubad dhala

Anigoo Idileey Arooskula kula gala,

Adigoo aroodayda noqdoo ubad dhala

 

Magool

Uurkaygu wuxuu qaboobilahaa,

Asageey waxaan ka aarsan lahaa(*2)

 

Asluub badoow amaan badanoow

Sidii Ubaxii udguun badanoow (*2)

 

Waxaan Adiyoow ku oonbixi lahaa,

Ku oon bixilahaa,adoo Adiyow

Aroos ila gala,Anoo ooridaada noqdoo ubad dhala

Adoo AdiyowAroos ila gala,

Anoo ooridaada noqdoo ubad dhala

Ilwaad quruxoow,ilwaad quruxoow,ilwaad quruxoow……..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Maxamed Saleebaan Tubeec~~Boqorka Coda~~

Amaanada Ilahay~~~~Erayadii iyo laxankii Xuseen Aw-Faarax

 

Ma ogtahay ayaantii,Ilmadu ka da’aysee

Indhahaaga qoysaa,Inan yahay xasuustoo

Uurkaan ka ooyoo,Waanka ashahaatee

Waxaad igu abuurtaa laa adkaysan waayee

Waxaad igu abuurtaa laa adkaysan waayee

Amaanada Ilahayd noqo ku maan alaawine

noqo ku maan alaawine, noqo ku maan alaawine

aa noqo ku maan alaawine

 

Aamin Alahayoow waa maanadaadee

Aamin Alahayoow waa maanadaadee

 

Ma ogtaahay sidii roob ,Onkod iyo hilaac badan

Oo aroor yadii da’a, ama oogta waaberi

Bidhaanka subaxdii waad ii iftiintaa

Waxaad igu abuurtaan laa adkaysan waayee

Waxaad igu abuurtaan laa adkaysan waayee

Amaanada Ilahayd noqo kuma aan alaawine

noqo ku maan alaawine noqo ku maan alaawine

aa noqo ku maan alaawine

 

Chorus

 

Ma ogtahay afkaygii,inuu aamus diidoo

Ayadaha Quraan iyo,Amaantaada mooyee

Arinkale in uu fulo,ogaalani waayee

Waxaad igu abuurtaa laa adkaysan waayee

Waxaad igu abuurtaa laa adkaysan waayee

Amaanada Ilahayd noqo ku maan alaawine

noqo ku maan alaawine, noqo ku maan alaawine

aaa noqo ku maan alaawine.

 

Chorus

 

Ma ogtahay sii aqal magooloo aroos iyo

Cid loogu talo galay,ama ubaxa dayreed

Waad ii udgoontahoo, imaanka deeqdee

Waxaad igu abuurtaa laa adkaysan waayee

Waxaad igu abuurtaa laa adkaysan waayee

Amaanada Ilahayd, noqo ku maan alaawine

noqo ku maan alaawine, noqo ku maan alaawine

aaa noqo ku maan alaawine.

 

Chorus

 

Ma ogtahay ayaantii,Ilmadu ka da’aysee

Indhahaaga qoysaa,Inan yahay xasuustoo

Uurkaan ka ooyoo,Waanka ashahaatee

Waxaad igu abaartaa laa adkaysan waayoo

Waxaad igu abaartaa laa adkaysan waayoo

Amaanada Ilahayd noqo ku maan alaawinee

noqo ku maan alaawine, noqo ku maan alaawine

ahaha noqo ku maan alaawine

 

Chorus

 

~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

Akhyaarta waxii khalada raali ka Noqda....

Share this post


Link to post
Share on other sites

there was this 1 song, i've only heard it twice, if any of u know the lyrics, i think it was by axmed mooge, or maxamed mooge.

 

'maxay dantu ciisha wiiloow, dulqaad iyo deeq lahaayoow, dadkuna doqon moodayaan.

 

maxaa dayr cad geel,halaaboow, ____ cunay dugaagoow, ninkii lahaa daydayaaaa

 

wakhtiga waa is daba socdee, adigoo deganaa abaar,______________, xareed ku dabaalataa"

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Inabti"

 

Saxro Axmed iyo Abdisalaam Jimmy baa heesa..

 

 

"hee dhe inabti,aboowe,cadooooow ,huuno"

 

 

??????...ii Cawiyaa dee nomads...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Also I have this xul soomaali CD(mixed)....This one tune,I think it's by that young lady saynab 2dhaqax or the other one Deqa.I dont know walle....

 

 

"Sidaad ii ogaydbaan adiga mooyee ragba ilaaway

Sidaad ii ogaydbaan ubaxyo modyoo ku amaanaa

Sidaad ii ogaydbaan axadigeenii uu adkayaaaaaa"

 

My spelling isn't good....Does anyone know the other parts/lyrics?

The song title and album would be great too!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ayanasli   

salan sare dhaman

 

 

bushardii nafteydoow bugta

waxan ku soo marey bataalihii

uu boodherku asana ilaa buurti

daalo badhan iyo hadaftimo ceergabo

iyo badhan baladi kagacalada iyogoo

barwaqa biyihuna qulqulayan

balyaduuna buuxan soo booqdey awga

 

sow booqdey awga bilankan jeclayow markii

bant leys idhi adiga la aanta ley baxanani

kari waa bila dan bad tahay bashar kula

midan ahay nafku bahan ban aheye barbarkaga ila qabo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

^^^^Thats the break out song of the year.Shay Mire Dacar is the bomb but unfortunately the wannabe singers in qurbe have started to butcher it already.Luckily I have a CD of all his songs and what a delight they all are.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meygaag   

This song is so impressive, powerful, and amazing in accordance with the lyrics that has put into it. It's called (Saylo)

 

Artist: Hassan A. Samatar & Sahra A. Jama

Album: Unknown

 

Xasan Aadan Samater:

 

Sayloo guyaal badan

Soo baxa kaliishii

Seelseelna loo degay

Sannad geelu badi dhalay

Oo sidigtii Laalays

Nirguhu aanay socod baran

Reeraha sintoodiyo

Kaymo saar leh loo dhigay

Oo igadh mid yari sabo

Maqaar lagu salaaxay

Saameeshay gaawaha

Oo baarqab soohani

Isagoo ah laba-sabar

Soofeeyey micidoo

Ka sanqadhiyey doobtii

Salaaddiina roorsaday

Ugabkii u saniyo

Surmo dheer la tiigsaday

Saqdii dhexena roob helay

Subixii bariisada

Sidoodaan jalleecada

Saxansaxo udgoon badan

Sanka kuula raacaa

 

Sahra Axmed Jaamac:

 

Sange subag idaad iyo

Sumal baridii lagu shubay

Ooy sabada ceelkiyo

Sohdu tahay agtiisoo

Loogu dhaansho sacabada

Oo Sudiyo Howd sare

Seddex guure daaqoo

Weli aan sedyari arag

Oo seeto iyo dabar

Labadaba ka saahiday

Oo salow dagaal iyo

ninkii geyin saraayaha

Oo sararta naaxdiyo

Timuhu ay isku seexdeen

Oo seyn-gargorkii

Loo salaaxa guudkoo

Saxarkii ku duuliyo

Looga mayro siigada

Loo saaro kooraha

Cigalkiina loo suray

Sarajoogga iyo muuq

Sankuneefle kaligaa

Adaa suuraddiisa leh

 

Xasan Aadan Samater:

 

Sagal gaaxday roob subax

Seermaweydo ku onkodey

Waaguna ku sarakacay

Sarajoog nin dhererkii

Cadceedduna la siman tahay

Nuurkuna sagootiyey

Oo waqal sindadab iyo

Guulaamo socotiyo

Kala soocday dhibicii

Oo midab sibaaqiyo

cadaan wada siraatiyo

madoow suul-dhalaal xiga

Seddexdaa miduun yahay

Qof suureeyey kala garan

Oo beel Sanaagiyo

Ku surmiday saraar godan

Saadaalinaysoo

bal halkuu ku simo iyo

Sugayaan inuu helo

Subixii bariisada

Sidoodaan jalleecada

Saxansaxo udgoon badan

Sanka kuula raacaa

 

Sahra Axmed Jaamac:

 

Dhulku saacu wada gaadh

Waanu kala sed roonyee

Meel idaha seel u leh

Riyahana salool u leh

Oo geela saar u leh

Oo dirir sagaariyo

Sagaal gudcurkuna helay

Saga xareedaan

Biyuhuna sunsumayaan

Oo saawasaawiyo

Saxal cudur lahaynoo

Salka looga degay nabad

Oo saraarta dixidiyo

Simantahay dareemadu

Oo sebiga caanihii

Lagu siiyey golihii

Habluhuna sibraar iyo

Dhiilo saabka loo tolay

Sinta bidix ku qaadeen

Subixii bariisada

Sidoodaan jalleecada

Saxansaxo udgoon badan

Sanka kuula raacaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deeqa Axmed Sidaad ii ogeyd

(my eedo finally told me who sung it lol)

 

Sidaad ii ogeyd baan

adiga moyee ragba ilaaway

sidaad ii ogeyd baan

ubax la moodyow kuu amaanaa

sidaad ii ogeyd baan

axdigeenii u adkeeyaa

miyaad ogeyn

miyaad ilawday

inaad jacaeyl igu abuurtay

uurkeygana ku darantahay

maba ilaawee

 

sidaad ii ogeybuu

afku hadalkii iiga xadayaa

sidaad ii ogeyd baan

ereyadadii uugu heesaa

sidaad ii ogey baan

adiga awgaa aan u ooyaa

miyaad ogeyn

miyaad ilaawday

inaad jacayl igu abuurtay

uurkeygana ku darantahay

maba ilaawee

 

sidaad ii ogeyd baan

ala ku aawey kuu idhaahdaa

sidaad ogeyd baan

oon aan kuu qabo

kuu il daranahay

sidaad ii ogeyd baan

aragtidaadii ku istareexaa

miyaad ogeyn

miyaad ilaawday

inaad jacaeyl igu abuurtay

uurkeygana ku darantahay

maba ilaawee

 

Deeqa Axmed Afar iyo tobnaad....I love this song

 

Afar iyo tobnaad iyo

dayaxoo habeen baxay

markii aan ku eegaba

abshirow ku moodaa

kuma arag aduunyada

adiga mid kula midee

hadaan uurka lagu sidin

ubaxii baxaayoow

eed kaa timaadiyo

amar eeba mooyee

ifka adigoo nool

kaa ooli maayee

arin maxan ka yeelnaa

 

Hami dhexe habeenkii

anigoo hurdada galay

ooy timid ishaaradu

inagoo aroosee

markii aan ku waayaba

eeri dhaban sideedaan

olol reemayaayoo

ubaxii baxaayoow

eed kaa timaadiyo

amar eeba mooyee

ifka adigoo nool

kaa ooli maayee

arin maxan ka yeelnaa

 

I'm still trying to figure out whats Saxro Axmed and Abdisalaam Jimmy are saying in "Ina'Abti".....Help anyone?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

One of my favorite Somali Singers.

 

 

Hibo Mohamed, Hibo nuuro

 

 

Hadmaad Gacale

 

Gayigoo barwaaqa ah

garoodi roob helay

meel xareedu galac tahay

geexiyo gegelima ah

oo geedihii baxay

faraqii is gaarayoo

cidina aanay kala garan

gomosha iyo ciirtaa

waxan kaa dhex goobaa

ceel godanta sabaniyo

gabiyada bulaalee

gabal dhac iyo waaberi

kaa daba gucleeyoo

waa ii gaar dhibaate

hadmaad gacale soo noqon

 

Gurya samoo haleeladu

guban loogu sahan tagay

oo yamaruug gaxashiyo

madheedh daaqay geelii

oo goosha naaxdiyo

aaranku is garbinayaanoo

cidina aanay kala garan

galoofkiyo irmaankaa

waxan kaa dhex goobaa

goonyaha nugaaleed

gosob iyo madheedh leh

gabal dhac iyo waaberi

kaa daba gucleeyoo

waa ii gaar dhibaate

hadmaad gacale soo noqon

 

Guulaamo rooboo aan

la garan xili uu da'ay

oo helay galbeedoo

leyl dhexe gal duur miray

oo marada guudkii

geeydhuhu hadheeyayoo

dhirta gacaladeedii

xiisa gaara leedahay

waxan kaa dhex goobaa

keymaha sadh loo gubay

beelaha u guuree

gabal dhac iyo waaberi

kaa daba gucleeyoo

waa ii gaar dhibaate

hadmaad gacale soo noqon

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

The Best of Ahmed Mooge

 

tiiraanyo

 

tiiraanyo cudur iyo

nimay tawsi haysaa

ilayn tah ma daayee

waxaan tabanayaa baan

wali tiigsadaayoon

soo taabi waaye

i tageer alahayow

arintaydan kala taal

adaa toosin karayee

 

turuq iyo laxaad iyo

tamara iyo xoogay

jacayl iga tan roonbaa

igu tiirshay geedoo

xadhig igu tigtigayo

waan tiicayaaye

i taageer alahayow

arrintaydan kala taal

adaa toosin karayee

 

taariikhda dunidaa

iyadoo isdaba taal

ninba meel ka tuurte

aniguna tusmaysto

qayrkay halkuu tagay

u tabaabushaystee

i taageer alahyow

arintaydan kala taal

ada toosin karaye

Go Back

Return To Main Menu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Xasan Aadan Samatar.

 

Qoraxdoo aroortii

 

Qoraxdoo aroortii

Qaybisay falaadhaahaa

Ama qaanso roobaad

Daruur midab ku qarisay

Qiimaheedii leedee

Qof meyda lama amaanoo

Qalad looma heesee

Qurayshtii haweenkaay

 

Naftaad qancisaybaa

Kuu qushuucdayoo

Wanaag kuu qiraysee

Qabrigaa hortii qaradee

Bariin aad u qaboobiyo

Qaadirkay ha ku geeyo

 

Qufaalada jacaylkoo

U qabiray naftaydaa

Ilamaad qalaynine

Waad ila qorshaysee

Iga saartay qoolkii

Qamandhacada dushaydiyo

Qamuunyadii i saarnayd

Ilamaad qaxootiyine

 

Naftaad qancisaybaa

Kuu qushuucdayoo

Wanaag kuu qiraysee

Qabrigaa hortii qaradee

Bariin aad u qaboobiyo

Qaadirkay ha ku geeyo

 

Haddaan qiro runtaydoo

Qotonshoo warkaygaa

Ruuxan kugu qiyaasoo

Kula qeer dhigayaa

Kama qaadin indhahee

Sida roob qayoodoo

Saxansaxo qabow leh

Laabtayda qaadee

 

Naftaad qancisaybaa

Kuu qushuucdayoo

Wanaag kuu qiraysee

Qabrigaa hortii qaradee

Bariin aad u qaboobiyo

Qaadirkay ha ku geeyo

 

I love this song...............More to come.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^that is my all time favourite sis...thnx 4 da lyrics

 

theres 1 song that i've heard recently i dont who is it by all i know is she is female, me dont even know the full song

 

it goes something like this

 

hadii aan ku naawilay, hadii aan ku naawilay

ha ii gabin nasiibow......

 

any1 can help me with that?

J11 where r ya?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Sahra Ahmed.

 

Nabsigiyo Ayaankow.

 

 

adduun nuqul ku doogsaday

rahuna nawda soo gudhay

naf yaruhu wax quudhsaday

raganimooy ninkaagii

nacasnimo maxaa baday

nabsigiyo ayaankow

xageebaad ku nooshihiin

hadii aan ku naawilay

haa igabin nasiibow

ileen jacaylku waa nabar

waa nudub calooleed

oo lagama nuuxsado

alahayow na nabad gali

naska iyo naruurada

nimcadaada nagu dhawr

 

adduun raysku nool yahay

naruurada dhigeen qabo

naxli inaan ku sii bado

adoo noolse caashaqa

markaan hibasho nuuxsado

naftu way igu diidaa

nabad iyo nas iladaa

hadii aan ku naawilay

haa igabin nasiibow

ileen jacaylku waa nabar

waa nudub calooleed

oo lagama nuuxsado

alahayow na nabad gali

naska iyo naruurada

nimcadaada nagu dhawr

 

nool u quudhi waagiyo

nacs igu ambadda iyo

nin la duufsanaayiyo

nacab iyo warxumo iyo

dadka intaydu nabad tihiin

nafta kuwa aan la qaybsado

naqdigaan ku haystaye

hadii aan ku naawilay

haa igabin nasiibow

ileen jacaylku waa nabar

waa nudub calooleed

oo lagama nuuxsado

alahayow na nabad gali

naska iyo naruurada

nimcadaada nagu dhawr.

 

There you go, enjoy...by the way you can check this web site, http://somalilyrics.com/

view more Somali lyrics....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this