Sign in to follow this  
Paragon

Miraha Heesaha So'maaliyeed - Kusoo biiri

Recommended Posts

dawoco   

Well hey, there goes my effort with showing off how i too can read n write the langugae :(

 

Afro, i have u to thank for showing me up as a fraud, waad ku mahadsan tahay icon_razz.gif Ungrateful so n so...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Can someone please post the lyrics of this song:

 

Naf jacayl hayaa, ma harsatoo..

 

Adaan Nachmaay naftaydiiyeey, kugu nasteee, noloshaydiiyeey..nastee, nastee..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

^^ adigana malagu soo galay? war jacayloo wareer badanidaa. waa kan harsimada ididey oo habenkana gogosha ka hasamiyey tey naftu u hurtey.

 

bal miraha heesta inoo sheega, aan naftu kumaa weliyee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Bishaaro, lyrikska aa raadineeso kan waaye:

 

naf jacayl hayaa ma hargasho

hurdo way nacdaa ma hiigsate.

naxli baa heedhe naanaabiye

nasrigeenaa doon haba nuurtee

nidar baan galoo adaan nagmaay

naftaydiiyey adaa nagmaay

ku naawiliyoon kugu nastee

nolosheydiiyeey kugu nastee

nuur caashaqey neecaw da' daay

nabsi khayr qabaay nacabkeena diid.

 

naf jacaly hayoo nug laatay dartaa

nasan waydayoo ku naadinibaa

niyada iyo qalbiga noolaha dhamaan

adigaa u nimcee naxariista sii nurkeygiyey

nidar baan galoo adaan nagmaay

naftaydiiyey adaa nagmaay

ku naawiliyoon kugu nastee

nolosheydiiyey kugu nastee

nuur caashaqey neecaw dadaay

nabsi khayr qabaay nacabkeena diid.

 

 

naf jacaly hayaa i hawlaysoo

nolosheediibaa halis gashee

niyadeedii baad hee haabisee

nimcay-satoo naqu ha u da oo haba naxde

nidar baan galoo adaan nagmaay

naftaydiiyey adaan nagmaay

ku naawiliyoon kugu naste

nolosheydiiyeey kugu nastee

nuur caashaqeey neecaw dadaay

nabsi khayr qabaay nacabkeena diid

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Heestii 'Hadaad Diido Hadalkeeyga' iyo Xassan Aadan Samatar. Dhageeysi wacan. Halkan Ka Dhageeyso

 

Sida hogosha roobka

Ama hillaac gu'yoo da'ay

Hooban bislaatiyo

Hara wada biyeeysan

 

Oo lagu hayaamo

Hubaal sahanki u raray

Wuxuu sii hibtiqiyaba

Hadaqadacsi loo jiro

 

Habooneey nafteeydan

Higsi baad ku noqotoo

Adaa ii hiraayee

 

Waxaa hiilla iinoqon lahaa

Halistiyo dhibkaan qabo

Adoo iga horjoogsada

 

Hadaad diido hadalkeyka

Habeen wacan nasiibkeeyga

Halkeeygaan ku sugayaa

 

Hanfi iyo dabeelbaa

Isu keey hareeyoo

Sida howd dulhamaggan

Habaaqir iiga baxayee

 

Hadaan haysto talada

Hibooy kaama hiisheen

Kuu hood-sheegtee

Haween ha igu noqonine

 

Hadaad diido hadalkeyka

Habeen wacan nasiibkeeyga

Halkeeygaan ku sugayaa

 

Hanaanka iyo quruxdaan

Hibooy kugu jeclaadoo

Hablahaad u sidataa

Heybadiyo asluubtee

 

La hamiyey dartaayoo

Habeen socod ku waashoo

Waxaan heegadaabaa (*)

Hawadaa dariiqqee

 

Waxaa hiilla iinoqon lahaa

Halistiyo dhibkaan qabo

Adoo iga horjoogsada

 

Hadaad diido hadalkeyka

Habeen wacan nasiibkeeyga

Halkeeygaan ku sugayaa

 

Allifaaga/Abwaanka heestan ma xusuusta. Ina xusuusi hadaad taqaan abwaanka allifey, fadlan.

 

(*) Not sure

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

Waa Shay Mire Dacar, Album-kii Habeen~Dhalad;

 

walee xalay xogtaan helay

xam xamta iyo sheekada

waxaan xiiso kuu qabay

 

ku xaraamay jiifkii

dajin waayey gogoshii

markaan soo xasuustaba

sidaad ii xumaysee

 

xaakin waa ilaahay

xagiisaan xigsanayaa

adna goysay xadhigii

ileen dumar xis malahee

 

 

ilaa xaawo idinkaa

xaasid noo ahaayo

noo bixiyey xagashee

 

xaqa lama afduubee

xagaad u xaglanaysee

aad u xeebanaysaa

armuu kugu xumaadaa

 

xaakin waa ilaahay

xagiisaan xigsanayaa

adna goysay xadhigii

ileen dumar xis malahee

 

_________________________

bes! ka dheh... koob shaah xawaashle ah na ku dhufo!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pucca   

my mother started singin with that song J11 posted "hada diido hadalkayga"... :eek: my dad joined in to!! now thanks to you j11 i've got two parents jamin to old tunes, just what i need. *pukes*

 

*disturbed...my parents singin...* :rolleyes: *shakes head* and they dare make jokes at my music selection..argh! the nerve

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faheema.   

Here are few of my favorite songs…Can someone confirm the lyrics for me before I butcher them :D

 

Cumar Dhuule

 

Indhaheeyga

http://www.somaliuk.com/Music/Cumar%20Dhuule/Indhaheeyga%20.wma

 

&

 

Xaragada U Dhalataay

http://www.somaliuk.com/Music/Cumar%20Dhuule/Xarago.wma

 

Sahra Axmed I am not sure of the title

http://www.somaliuk.com/Music/Mixture_of_songs_III/qaraami.wma

 

Khadra Dahir & Someone else

 

Ma Idiir Naxeeysaa

http://www.somaliuk.com/Music/Mixture_of_songs/diir.wma

 

p.s. if the link doesn't take you there directly, copy and past to a new window.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pucca   

anyone know how i could download some of these songs if i wanted to burn them onto a cd?

 

ta ta

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

pucca, try www.somaliuk.com. hamarey.com and if you are interested in old or classic songs www.hobyonet.com (you might wonna google this last site).

 

Heestan miraheeda aad beey u adagyihiin in la qoro, waayo waa heesta keliya ee ku allifan wada Ya', Ya'na sahal ahayn. Sida eey u adagtahay in Ya' laga gabyo, ayeey sidoo kale u adag tahay in Ya' laga heeso.

 

Waa heestii Cabdi Tahliil iyo Sideed iila yaabtaa. Dhageysi wacan.

Laygu kaa dul yookee

Wanaagana ma yeeshidee

Sideed iila yaabtaa

Yoon baad I gelisee

 

Yaxyaxiyo xishood baa

Igu yuurursadayoo

Jacayl igu yata’ay baa

Ii yeeranaayee

 

Yeeygiyo ugaadhaan

Xeryeha u yagleelaa

Yacca iyo atoorraa

Aan yamaar u daabtaa

 

Yuuqaba adeey baday

Yulqankiyo taahee

Laygu kaa dul yookee

Waanaga ma yeesheediye

 

Sideed iila yaabtaa,

Layaabtaa, sideed iila

Layaabtaa, layaabtaa

Yoon baad I gelisee

 

Kalgacayl yumuuyi

Yaryareeysi ma lahee

Yanyaboohistaadaa

Yaayaale qaadine

Yoociyo adoon noqon

Laanyiciga oo kale

 

Oo aan yu’ ashadeydana

Waa yeelkadaa odhan

Yabadhbaan ka heli lahaa

Hadaan dhagax u yeedhee

Laygu kaa dul yookee

Waanaagana ma yeeshidee (*2)

 

Sideed iila yaabtaa,

Layaabtaa, sideed iila

Layaabtaa, layaabtaa

Yoon baad I gelisee

 

 

Duul-ka yur idhi baan

Yaacaayey waaq li’i

Oon yeel ku xidhay Geri

Ama yacay kusoo rarey

Igumaad yiqbooteen

Adoo yaalla haradee

 

Yaabyaabka iga daa

Waan kuu yahoomoo

Laygu kaa dul yookee

Waanaagana ma yeeshidee

 

Sideed iila yaabtaa,

Layaabtaa, sideed iila

Layaabtaa, layaabtaa

Yoon baad I gelisee

 

Cudurdaar iyo Raaligelin: Waxaa suurta gal ah in aan qaybo heesta ka mid ah aanan si wanaagsan u maqli kari waayey, sidaa darteedna aanan xarfaha qaarkood hubin in aan si habsami ah u heloodey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Cawo: I had ago at 'gacmahaada xaada-leh' by cumar dhuule (aun). Hope my butchering of it helps . I guess others are welcome in this butchering scheme. Knife at hand please! :D .

 

Monologue---

 

Xaynkiyo, xiribaha idhaha

Ee xanuunka igu beeriyo

Camanada xayaadkee

Xaddigeedu buuxiyo

Xibnaha hadalka xubin xubin

Kuu kala xisaabshaa,

Xumad igu kiciyee

Waan kuu xiisa weynahee

Hadmaad Xamar ku soo noqon

 

-----End of monologue…

 

Xabadyahay waxaad tahay

Xulashada haweenkee

Xaqiiqdii haweenkaa,

Weli lama xambaarine

Xuural cayn la moodyee

Xarragada u dhalataay

 

Gacmahaada caadda leh

Markaan soo xusuustaba

Xaada-toodayee. (Xadxatoodayee)

 

Xiddigyahay anmaa nool

Tallaa iga xanibantee

Xiddigyahay anmaa nool

Xabaal baan geliyee

 

Xishoodka iyo edabtaba

Midii loo xambaarhsaay

Xishoodka iyo edabta

Midii xashuubshaay

Xidigyahay dadkeyguye

Xididbaad kuu leedahay

 

Xuural cayn la moodyee

Xarragada u dhalataay

Gacmahaada caadda leh

Markaan soo xusuustaba

Xaada-toodayee (*2)

 

Xaydaaman inanyahay

Caashaqu xaggeeygee

Adna xariga ila qabo

Xaqbaan kuugu yeeshoo

 

Xuural cayn la moodyee

Xarragada u dhalataay

Gacmahaada caadda leh

Markaan soo xusuustaba

Xaada-toodayee

 

Xiddigyahay anmaa nool

Tallaa iga xanibantee

Xiddigyahay anmaa nool

Xabaal baan geliyee

 

Cawo: I am not sure about some of the lyrics, maybe someone else will correct where I went wrong. I wrote the song in a hurry. Mind you, I use to imitate this song as a young lad J that’s why I thought I should try writing it down, however inaccurate.

Share this post


Link to post
Share on other sites
lol   

OK meesha irayo hala sheego aa ka jirto bal let me write one of my favorite songs of all times:

 

Waxaa heesta ku luqeeyey Ahmed Mooge, arayada waxaa alifey (adiga soo sheeg maxaa sugee :D )

 

Beedka 1aad:

 

Tiiraanyo cuduriyo

imay towsi heysaa

Ileen taah ma daayee

 

Waxaan tabanayaanbaan

weli tiigsadaayo

soo taabi waayee

 

Chorus:

 

Itaageer Allahayow

arinteydan kala taal

adaa toosan karayee

 

Beed 2aad:

 

Taariikhda dunidaa

iyadoo is daba daal

ninba meel ku tuurtee

 

Aniguna tusmeystoo

qeyrkeey halkuu tagay

utabaabusheystee

 

Chorus:

 

Beed3aad:

 

Tabaalada aduunkee

ninkastaba u taalaa

anigey i turuqdoo

 

Tagoogaha i jebisoon

ka talaabsan waayee

wanigan tasoobee

 

Chorus:

 

Turuq iyo laxaad iyo

Tamara iyo xooogee

jacayl iga tan roon baa

 

Igu tiirshay geedoo

xarig igu tigtigaayee

waan tiicayaayee

 

chorus:

 

Itaageer Allahayow

arinteydan kala taal

adaa toosan karayee (X2)

 

...ka wada meesha hadee!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this