Sign in to follow this  
Paragon

Miraha Heesaha So'maaliyeed - Kusoo biiri

Recommended Posts

bisinka, my girls told me i fall in loofe easily,

 

i never beleived them, till i started wishfully thinking them lyrics where deducated to me...

 

which lyrics u ask...(from the bits i understood) all the lyrics on the last page!

 

*these days i suffer from verbal diarrhoea*** i dont know when to shut up, things that used to embarrass me come flooding out my mouth and i cant controll it!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Warmoog   

Originally posted by AYOUB_SHEIKH:

I also tried but failed to get the original version of
gabbal daye

I couldn’t find the original version either. It was supposed to have been a duet between Khadra Dahir and Maxamed Mooge, but so far I’ve only come across a solo of Khadra’s part and another solo of what was once Mooge’s part sung by Cabdulqaadir Bagaag. I've made an attempt at reconstructing the original song using fragmented recordings, omitting any verses repeated in the solos and leaving notes in their place. I'm uncertain of the accuracy of all lyrics in bold print, either because the singer's voice became inaudiable or their enounciation was too difficult to comprehend, so feel free to make corrections nomads.

 

Gabal Daye solos: Khadra Dahir + Cabdulqadir Bagaag

 

  • Bayt 1

     

    Khadra:

    Adoo gole ka maagloo

    Haweenkaba ka gaabsaday

    Sawtaan ku gadabaray

     

    Garta iyo tusaalaha

    Adigoon gorfayn karin

    Sawtaan geesi kaa dhigay

     

    {Both verses repeated once}

     

    Go'e halaq miyaad tahay

    Hadba marada ii gala

    Gododlayntu waa maxay

    Waad iga gardarante

     

    {Verse repeated}

     

    Waan kaa gadoome, ha goohin

    Waanan kugu galaynine, ha guuxin

    Waan guurayaaye i gees mar

  • Bayt 2

     

    Mooge/Bagaag:

    Sawnigi gu'yaal badan

    Ku gubey aduunye

    Gadhka aan ku laalna

     

    Gurad iyo nacaybshaha

    Gacanto ad saydhtiyo

    Maxay baday galiliyada

     

    {Both verses repeated once}

     

    Gabbal daye miyaad tahay

    Hadba gees ujeedsada

    Wa maxay galgalashadu

    Waad ila guracante

     

    {Verse repeated}

     

    Gaban maayo caaye, ha gadmin

    Waan ku garabsocda ee ha goosan

    Waan soo gadome, ha guurin

     

    {Verse repeated}

  • Bayt 3

     

    Khadra Dahir:

    Gurgurkii la daanshe

    Loo tiriyey guulke

    Intu matadii gabay

     

    Gibisha iyo heeryada

    Ilki-kula-gadood iyo

    Abalgabe ha noqonine

     

    {Both verses repeated once}

     

    Go'e halaq miyaad tahay

    Hadba marada ii gala

    Gododlayntu waa maxay

    Waad iga gardarante

     

    {Verse repeated}

     

    Waan kaa gadoome, ha goohin

    Waanan kugu galaynine, ha guuxin

    Waan guurayaaye i gees mar

     

    {Verse repeated twice}

  • Bayt 4

     

    Mooge/Bagaag:

    Gar'alle Dadweynow

    Arrin loo garaab iyo

    Miyeey tahay mid gocasho leh

     

    Maxaad ani ii gadabari

    Sawdigan gareyski iyo

    Sii xidhan gambada wali

     

    {Both verses repeated once}

     

    Gabbal daye miyaad tahay

    Hadba gees ujeedsada

    Wa maxay galgalashadu

    Waad ila guracante

     

    {Verse repeated}

     

    Gaban maayo caaye, ha gadmin

    Waan ku garabsocda ee ha goosan

    Waan soo gadome, ha guurin

     

    {Verse repeated, last line repeated twice as song ends}

Share this post


Link to post
Share on other sites
Diamante   

hey, this is really cool having our own lyrics section.

does anyone have the lyrics to bada cas by abdisalaan moalim :confused:

 

its my fav song, unfortunately dont know the lyrics to it so help a sista out? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
dawoco   

^^ i used to like that song as well, untill it was played at every somali gathering.

 

My favorit song is "meeday" by salaad derbi. It has this line that i love saying "hadaad maqantahay magalada dhan, mugdi weeyo weey madoowdahay". such a strong image, if only the new generation faarax could speak like that eh. Haven't got the full lyrics, but if any of u does, do share.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Diamante   

^^ well just as well that i don't go to too many somali gatherings then ;)

and that song u mentioned is very nice, tho i havent got the lyrics to it, i hum along tho :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diamante , this is for you sis...

by the way, beledweyne maad degantahay, if so, fariin baan ayeeydeey kuugu dhiibi lahaa ;):D

 

 

Badda Cas

 

 

Dhul biyuhu maraano

Xareeduna baliga taal

Boocamay ku dhalatiyo

Dhul barwaaqo ah ood garan

Bidhaanteedaan waayo

Baadigoob ku waashee

Beriga ay ku nooshaa

Shimbir buuba igu tiri

Barakadoo aan barkadiyo

Beesha Gedaan u boogayaa

Boqolo soomaan balan ku qaadee

Bilaash laguma dhaartee

 

Boqolka soo baxaayey

Shan iyo tobnaadeey

Baahidaa aan kuu qabo

Barniyeey bidhaan araga ha iga tagin

 

Butin dheer bureeqoo

Baalasheedii fidisoo

Inay buubto bilowdoo

Bilciladii ka boodaay

Berigaan is baranaa

Wadnaha boog ku yeeshee

Beerkii bay damqadayoo

Boqodoo kuu basaasee

 

 

ps...there are some texts missing...ill get back to it...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Diamante   

^^^ umaaacccc luv!!! may you be blessed and more for taking the trouble to post this...its ramadan so i have to try and contain myself

 

btw, pass me ur grandma's details and ill be sure to give her your well-wishes ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by STHLM Lady:

Diamante , this is for you sis...

by the way, beledweyne maad degantahay, if so, fariin baan ayeeydeey kuugu dhiibi lahaa
;):D

 

 

Badda Cas

 

 

Dhul biyuhu maraano

Xareeduna baliga taal

Boocamay ku dhalatiyo

Dhul barwaaqo ah ood garan

Bidhaanteedaan waayo

Baadigoob ku waashee

Beriga ay ku nooshaa

Shimbir buuba igu tiri

Barakadoo aan barkadiyo

Beesha Gedaan u boogayaa

Boqolo soomaan balan ku qaadee

Bilaash laguma dhaartee

 

Boqolka soo baxaayey

Shan iyo tobnaadeey

Baahidaa aan kuu qabo

Barniyeey bidhaan araga ha iga tagin

 

Butin dheer bureeqoo

Baalasheedii fidisoo

Inay buubto bilowdoo

Bilciladii ka boodaay

Berigaan is baranaa

Wadnaha boog ku yeeshee

Beerkii bay damqadayoo

Boqodoo kuu basaasee

 

 

ps...there are some texts missing...ill get back to it...

Bada cas baan kugaynayaa

Biyo janaan kusinayaa

Bogayga waan ku saarayaa

Boqolo sooman balan ku qaadiyo

Bilaahay kuu gu marayaa

 

Buurahan, buurahan jeclaystiyo

Baati muuqa...(something, something)

Bartankaydiyo Baladweynay ku nooshaa

 

Boqolka soo baxaayey

Shan iyo tobnaadeey

Baahidaa aan kuu qabo

Barniyeey bidhaan araga ha iga tagin weeeey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

^^ The link isn't working bro.

 

Yaa garanaya Midhaha heesta ay qaado Luul Jeylaani ee la yidhaahdo Wiilku Baxsanaa?

 

I'm mad for this song baryahan... anyone..someone?

Share this post


Link to post
Share on other sites
dawoco   

Nin lagu seexdoow by magool

 

Subag weel ku daatay

dhinac uma xumaadee

waa subax wanaagsan

Calankana salaama

 

Nin lagu seexdoo ha seexan

Xil baad sidaa ha seexan

Ha seexan ha seexan

Soo jeed oo...

 

yaa heesta dhameeystiri karo? Heestaan markii dagaalka bilaawday aa radiaha laga dhageeysan jiray, it has many memories for my family,laakinse waan ilaaway miraheedi... :(

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

Originally posted by NGONGE:

Having read the eight pages of this thread J seems to be the man with the lyrics
;)

I wonder if you can help me with the lyrics of the this song :
by the one and only Ahmed Gacayte. If nobody has the full lyrics, never mind just enjoy the song.
:D

War Soomaliyeey maad aniyo NGonGe noo gargaartaan oo midhaha heestan noo heshaan! :D

 

Jamaal Kumee sxb?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

Here are the lyrics of 4 songs by the Legend: AHMED GACAYTE YUSUF

 

 

UMMALEEY JACAYL

 

Umaleey jacayl

Weli jaar ma noqoteen?

Jid ma wada lugeyseen?

Ma la cuntay jidiin wali?

Jihaad ma isku aragteen?

Jiidhkaad ka dhalatiyo?

Ma kaa jaray dadkiinii?

Gooni socod makaa dhigay?

 

Umaleey Jacayl

Wali jiif ma kugu helay?

Jir-jirada ma kaa galay?

Hadba dhinac ma ku jaray?

JIbaadka iyo taahii

Jeerdhaaf ma oydoo

Ilmo jagac ma kaa tidhi?

 

Umaleey Jacayl

Jalow ma kula yidhi?

Jarro adag ma kugu xidhay?

Heeryo jaan ma kugu raray?

Jilbahana ma kuu riday?

Waxaad jeefad socotaba

Intuu jalowgii kula dhacay

Lugahaad ku joogtiyo

 

 

---------------------

 

BOODHARI SIDIISII

 

Baydka koobaad

badniddaa habeenyoow

baryi waaba waagii

maxaan xalay baraarugay

 

intuu igu balaadhuu

beerkiyo calooshiyo

wadne baalihiisii

 

beer wayn ka jeexoo

waxaan haatan uga baqan

boga inuu wareemee

 

barkhad cas kaynu baraniyo

boodhari sidiisii

intaanlay bud dhigin

wali ma iga baananaysa

baydka labaad

baalalayda duushaan

boostiyo waraaqaha

boqol jeer u dhiiboo

 

waxaan baalka ugu qoray

kala baadnay baadnoo

kala beela beela noqonayee

 

barinayee ma barideen

waxay tidhi balaayiyo

baas maanu sheegine

 

maxaa adiga kugu ba'an

waxaan idhi bas baan ahay

birtu ay dultaalee

 

barkhad cas kaynu baraniyo

boodhari sidiisii

intaanlay bud dhigin

maiga baananaysaa .

 

---------------------

 

DULMIGA CAASHAQA KA DAA

Baydka Koobaad

waxay dani keentiyo

kalgacal baa ila durkoo

dad iyo duunyaba ka go'ay

 

waxbaa daris ila noqdee

dugaagaan weheshadaa

dul meerayaa kaymahoo

 

halkaad iga daydaydiyo

halkan heedhe heedhe

halkaan dagay kala durkee

 

ilaahbaa deeq baxshee

dulmiga caashaqa ka daa

digashada caashaqa ka daa

 

Baydka Labbaad

 

anoon dooda iyo deeqda

dagaal layga badinahayn

dareenkayga waad ogtoo

 

jacylbaan la doodayaa

bal sheeg danbigaa wax qabba

dib u raac sheekada dadkoo

 

halkaad iga daydaydiyo

halkan haye haye

halkaan dagay kala durkee

 

ilaahbaa deeq baxshee

dulmiga caashaqa kadaa

digasahada caashaqa ka daa

 

------------------------

 

WAAN MAAGANEE

Baydka Koobaad

 

WALLEE MIDHA KU YIIL

MAADH IYO TIGAAD

MEEL MAYAY HELOON

 

SOO MARAY HADEER

MID DHEEX JOOGTAYOO

MIDABKAY LAHYD

 

INDHUHU MUHDEEN

WAAN MAAGANEE

MA WAXAANAN HUBIN

MAASHAYEE NASIIB

MEEL UU IGAYN

Baydka Koobaad

WALLEE MIDABSANAY

MUXIBADA AAWADAA

SIDA MAWJADDAA

 

I MUQUUNISEE

WAAN MAAGANEE

MA WAXAANAN HUBIN

MAASHAYEE NASIIB

MEEL UU I GAYN

 

 

ps. I don't know if any of these songs are available online - if you know fadlan post them!

Share this post


Link to post
Share on other sites

If someone can please get me the lyrics to this song by SAHRO AHMED...

 

I don't if i'll get the lyrics right..so bare with me

 

eedaan labdiga galin,

oo soo noqnoqoshadaaa,

ha iga moodin,

n.a.c.a.snimo,

 

Hadii aanku naawiley,

naqba waa la dhowraa,

nasiib ha igu kaa simo....

 

AND this other song too by SAHRO AHMED...i would love to hear , because it's been such a long time since i heard it, if not found the lyrics would do just fine..

 

Madii waxay u darantahay,

Markaa shalay adoo nacay,

Maanta uu ku kee naaa,

Aad ka maarmi weeydaa,

Manaxo jacelyku yee,

 

Ma'le dhadhan,

Qaraar iyo,

Kuu yahay macaanba,

Waad mutaysatee,

 

Ku saarnaa mudada badan,

Kugu meeray,

Isagana ka soo maqan

 

 

asxantu in advance..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

U know what! Sahra Ahmed is one of my favorite singers, and i know all the songs that u are talking about. Iam sure if you go so this web site

u might find some of Sahra's Songs iam sure i have seen some in there.. there are 3 pages of Somali songs and even 4 page of "Wadani" songs

 

 

http://www.hobyonet.com/music.htm

 

Good lucky:....................

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this