Sign in to follow this  
Baashi

Eray-Bixin (Somali)

Recommended Posts

Som@li   

Nuune

armaad is dhafisay sxb.

 

download - Soo Rar

Upload - Sii rar

 

Raula

yes,Qaaxo=TB

 

Aids- Caateeye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

TBC=URUG

Qaaxo could mean TBC, Bronchitis, a bad cough etc

 

AIDS (Acquired immunity deficiency syndrome)

 

Immunity =Caganaan

Deficiency=gaasir(dhicis)

Acquired (galabsi)

syndrome (?)

 

Someone above wrote: Survey=(cilmi)baaris, I think the right term is SAHAN

 

 

Anthrax= Kud???? No, Kud means Malign (Tumor)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

in english?

samboor.

Sanboor=allergy

 

I think that is the probable word, Farxaan because anigaa sanboor Ilaahey og yahay qabo that at one time qof walba aan dhibi jiray back home sanka uu iga taaban jiray, so for the next toban daqiiqo qofkaas amaan uu iga heli jiray intaa xadishoow ku jiro.

 

And yes, ereyga "allergy" micno madan ayuu isku fasiraa, inkastoo aniga markii la isku wada koobo aan u maleeyo in lagu fasiro 'xajiin,' sidaan horey ugu qoray.

 

Ereygaan koleey qaarkiin waa yaqanaan aan ku darsanaa:

 

Auction=Xaraash{?}.

 

Qalad miyaa mise waa u dhigmaa?

 

Waraa Jamaal, adiga ma guurinoysaa mise meeshaan bilaash aa iskugu daalineynaa...hana daalin waraa, baliis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Dhallinyaro mar kale iyo salaan. raula turjumid yar oo caato ah ayaan bal ku fiirin qaar ka mid ah ereyada aad soo taxday:

 

Risk = khatar

Susceptible = u nugul

 

Employment= shaqaalayn, shaqo-siin

Generation = fil, da' amaba jiil

Fitness/exercise = jirdhis, ciyaarsiis amaba jimicsi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Baashi iyo Akhyaarta kale Asalaamu Calykum,

 

Talagalkeygu wuxuu ahaa in aan daawaco erayada aad ku wada deeqdeen marka ay silsiladani gaarto 5 bog. Marka fadlan ila socodsiiyo hadii aad dooneysaan in aan soo daawaco ka hor 5 bog.

 

Mahadsanidiin!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Kaliya inaad noo maqan tahay baan doonayay inaan ogaado Jamaal. Shan bog waan sugi karnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

mandhow J11 ma daabaco(publish or comprise them into publishable material) baad rabta inaad tiraahdid mise dawaaco :confused: icon_razz.gif

 

Abwaan waad mahadsantahay iyo kuligiinba smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^xaajiyo maxaad oday jamaal u xodxoda naysaaa.

 

jamaal, haaa walaal waxaan doonaynaa in aad daabacdo, insha allaah markay 5 bog inoo gaarto..

 

Abwaan, sxb erayga "RISK" ma u malaynaayo in lagu macneyn karo "KHATAR" maxaa yeelay erayga "khatar" wuxuu kaloo noqon karaaa "DANGER"

marka waxa kaliya oo aan is orankaro oo erayga "RISK" u dhow waan "KU NASIIB SASHO" maxaad ka oran lahayd

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Here is Ngonge's contribution

 

Dhulkeena dabeecadiisaa,

Micnaha daadku dhex qaado,

Labada wabi ee dureeraa,

Dalaga ciida u wanaagsan,

Abuurka ku daadi weeyoo,

Kheyraadka ka doona weeyee,

Sida geela hawd u daaqoo,

Lo’duna u dinaahiyeysoo,

 

Contrast that to the reality on the ground

 

Danyarteena eega oooh!

Sidey diiftu ugu taalo ooh!

Labada is dabooli waayoo,

Dunidu wey nagula yaabtey,

Dunidu wey nagula yaabtey!

Dadyow, dadyow,

Ku dadaala nabad,

Dadyow, dadyow,

Ku dadaala nabad....

 

Soomaali u diida ceeb,

Naftiina u diida cey!

 

From the song:

 

Somali English

Dinaah ?

Dangiig ?

Dubaax ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

Odayaasha duntaan waxaan uu qabaa iney sambuuskii iyo mushaaridii iska badiiyeen :D;) hehe bal inta kale sadaqeysta icon_razz.gif Iga raali noqda waxaan ahay islaan jah' wareersan :rolleyes: :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Raulay baayi Ishaad ka ridday :rolleyes: , Mushaallida aniga iskumaba fiicnin laakiin sambuuskaan u xiiraa, bal caawa markaan taraawiixda ka soo noqdo baan xoogaa iska baarbaarayaa inta ka horreysa waa nooli kulante.

 

Waxaan illobay, ragga qaarkii sida ilo xogogaal ahi ay ii sheegeen ayaamahaan inalama joogin oo xaggaas iyo Nairobi ayaa telefoonku ugu xirnaa bal safiir iyo maareye iyo bal inay wax helaan haddii kollay wasiirradu dhaafayaan maadaama aysan Tikniko haysan :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Nin gabyaa ah yaa waxaa la yiri waxuu xoolo u doontey reerahoodii xilli abaar ah. Habeenkii uu ku hoydaba barbaartii reerka yaa tooshkiisa la guureysay :D . Waagii markuu beryey buu muraadkiisii sheegtay. Waxaa la yiri laba qaawan baanu nahay hadde laba qaawan isma qaado.

 

Waxuu damcay inuu laabto mise tooshkii waa maqan yahay. Markuu soo laabtay baa la wareystey oo waxaa la yiri Faarax maxaa kuu soo hagaagey waa addigii innaga tagay oo caawimaada doontay e. Waxaa laga hayaa:

 

Tabantaabo gacal iyo daa waxay i taabaane,

Annigeyba tooshkii iga xadeen, tuugta miiraniye!

 

Muraad hadda bal safiir iyo jago laga helo daa e annigaaba nafteyda uga baqaya caqiidka. smile.gif Erayo badan oo ay ka mid yihiin: dibu-socod, camiil-shisheeye, qaran-dumis, iwm baa af-Soomaaliga dib ugu soo noqon doona. Hadalkaa ha la'iga qoro saaxibayaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Baashi Sxb, waligeeday dhici jirtay in non quud soo doonta isaga quud la bido, Gabaygii Ismaaciil Mire waxaan filayaa inaad xusuusato uu guuguulaha u qaaday markuu arkay isagoo abaarta ka ooyaya; GUUGUULAYOHOW hHADDAAD GUGA U OOYAYSO ... ilaa uu yiri GAAGAABSO YAAN ADIGA GAAR LAGAA QABANE.

 

Dhurwaaga soomaalidu sheegto oo Mudug ka soo tegay oo Nugaal quudka u soo raadsadayna waad maqashay baan u malaynayaa.

 

Marka sxb. Somali marna musqumaasuq la'aan ha ka sugin waayo waa tii horay loo yiri MUSUQMAASUQU WAA SOOMAALI MEHERADEEDE.

 

haddaan u soo noqdo Eray bixinta, anigu waxaan soo jeedin lahaa inaan Eray bixin kaliya lagu koobin ee lagu daro qayb cusub oo la yiraahdo FANKA TURJUMIDDA.

 

Masalan anigaa waxaan soo jeedinayaa: Maxaad ku turjumi lahaydeen oraadhdaan: FAIRNESS FOR ALL, qof wuxuu oran caddaalad loo siman yahay, mid kale wuxuu oran caddaalad dadkoo dhan ka dhexeysa, mid kaloo nsoo boodin oo oran intaa midbna ma aha ee waa wada sinnaan iwm.

 

Su'aashu wxay tahay yaa go'aamin qofka ugu saxsan? kollay anigu waxaan dhihi lahaa qofka oraahda marka hore keena ayaa go'anka kama dambaysta ah leh, sidaas ayayna ku soconaysaa.

 

Haddaba aan ugu hormaro anigu ee bal isku daya oraahdaan:

 

This letter contains important information from the government body responsible for health and safety. If you would find it easier to understand this information in Somali please tick this box and return this letter to me and I will then arrange for a translated version to be sent to you.

 

Xoogaa way dheer tahay, mararka soo socda oraaho gaagaaban ayaan soo diri doonaa. middaan waxaan ku eegayaa bal heerka la joogo.

 

Wadashaqyn wacan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this