Sign in to follow this  
Baashi

Eray-Bixin (Somali)

Recommended Posts

Sincere   

Originally posted by Alle-ubaahne

Waxaan rabay inaan idin weeydiiyo, erayga Dulsaar la yiraahdo maxaa lagu dhahaa English-ka?

Dulsaar = can apply to either financial interest mase burden

Haramcad =tiger sax

Haramcad = cheetah, ( no tigers in africa)

 

 

Akhyarta labo eeri baan idinku darsanayaa.

Pink = anqaas

iyo

Duur-xul = duurxul = Insinuate

Share this post


Link to post
Share on other sites

Discreet haa walaal waa kugu raacsanahay

Haramcad=cheatah

Shabeel=tiger

 

labo eray ayaan soo helay

laboratory=shay baar

biracial=muuq shabeel(shabeelka wuxuu leeyahay bar cad iyo bar madoow) ama iska dhal

 

Laakiin waxaan doonayey in erayadan af-ingriis laigu sheego

Adeer ama Abti

Waano

naf lacaari

yeey

 

asxantu

 

asxa

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

^^correction:-

shabeel=leopard(not tiger).

 

and there are tigers in africa(somehow my sense tells me they are called HARAMCAD) I have no idea of what cheetah is.

 

porcupine=caanaqub/kashiido

calendar=jadwal(in swahili jedwali)

Passion(passionate-noun)=hawa (both in somali and swahili)

Telephone=Siin(some dialects use this) in swahili=simu

sickness=mariidh(jiro)[maradhi=swahili]

 

*you can check qaamuska for verifications

wa ino markale insha-allah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Adeer = Uncle

Abti = Uncle

Waano = Advice

naf lacaari = Ailing or Frail

yeey = Wild Dogs

---

---

Octopus = Faramagogo

Trigger = Keed

Bank Account = Qandi

Outpatient = Bukaan-Socod

War-Monger = Diradiraale

Wave = Mowjad

Threatenings = Cagajugleyn/Hanjabaad

In a state of fear = Baqa-ku-maal

 

Now new technological words I wish to translate. Help if you think the words aren't suitable.

 

- Television. Eraygan wuxuu ka kooban-yahay laba eray oo kale ah Tele- iyo Vision. Macna-ahaan erayga Tele asal-ahaantiisu wuxuu ka soo jeedaa luuqadda Giriigga. Tele macnaheedu, sida Qaamuuska qorayo, waa "Far Away". "Far away" marka af-Somali lagu sii macneeyo waxay noqon kartaa 'fogaansho dheer', am 'foge'. Sidoo kale erayga 'Vision' oo Ingiriisi ka soo jeedo, macnihiisu waa 'muuqaal'. Marka ma suurtagalbaa inaan Television ugu magadaro: Foge-Muuqaal?

 

Sidoo kale;

 

Telephone = Foge-Maqal ma noqon karaa?

Telescope = Foge-Arke ma noqon karaa?

 

 

Idinkaan idinka wa sugi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Salaan sare akhyaareey,

 

Meel aan jirey fogeydaa inta casharradan qurxoon la isdhaafsanayey. Akhyaareey magacu yuusan idin sirin oo Abwaan hooskiis baan iska dhigaaye ma ahi mid dhaba. Teeda kale arrimaha ku lug leh Afsoomaaliga iyo ereybixintiisa ayaan si aad ah uga xiiseeyaa marka waa ku mahadsan yihiin ragga iyo dumarka arrintan soo abaabulay kana qayb qaatay. Aniga runtii Ashwaq baan hadda jeneraal shan xiddigoodley ah ku tilmaami lahaa siday ereyada kooban u kala dhigdhigtay.

 

Ereyga Calendar= Sannadsuge waa ku habboonaan lahaa amaba Sannadqore oon anigu is iri taloow maku fududaataa haddii ay adinkana idinla qurxoon tahay.

 

Chart : Jaantus ma noqon kartaa? Shax oo hore loo sheegay ayaa kolley ah ereyadii aan ku maqli jirey.

 

Waxaan ku darsan lahaa goobtan maadaama aad ogtihiin in dunida aalado badan oo casri ahi ku soo kordheen, afka Soomaaliguna aan beryahan qaab qoraal ahaan ah loogu darin erayo amaba loo raadin kuwo u dhigma miyeysan habboonayn in dhinaca arrimahaas aan xoogga saarno.

 

sida kuwan soo socda:

 

Computer:

Email : waxaan arkay in dadka qaar isticmaalaan dhambaal danabeed oo iila muuqda mid u dhigma, mase la heli karaa eray ka kooban?

 

 

Bal halkaa nooga sii wada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

eraya waxaa jira marka la eego fudud balse marka la doonayo in loo helo micna af ingiriis ah loo waayo.

 

waxaa jirta eraya aad u fud fudud sida aan aniga filayo, erayada qaarka an soo qorayo intooda badan micneentooda engliish ahaan waan garanayaa, qaar kalena oon af engliish ahaan micnahooda ku doonayana wey jiraan, kobtan hoose ayaan kusoo qorayaa.

 

erayada qaarka aan soo qorayo waxaa dhici karta iney ka kooban yihiin hal eray oo laakin hal micna leh, haddii la kala qaad qaado ama la kala dhig-dhigana micna fara badan oo aad u baaxa ama han-weyn yeelanaya,

 

intan waa hal rucub bey isla yihiin

 

minyaro

minweyn

magmagato

 

^^^^ waan isku taxalluujiyay inaan english u helo oo hal sylable ka kooban ama hal eray, balse ku guul darreestay

 

intana waa hal kurjad bey isla yihiin

 

kurjad (kurjad saabuun ah iga iibi)

rucub (rucub mirahan ah meeqaad iga siini)

baando (baandadan maanta maxay soo raadsheen ooy gadayaan)

darsin (darsin baasto ah qiimihiisa wa imisa)

xeeyn (xeeyn ari ah ayaan suuqa kusoo beecayaa saaka)

tiro (tiro geela ayaan iib galinayaa,tiro=micnaha aad u yar)

 

^^^^ erayadan wey isku micna dhawyihiin, erayga rucub waxaa loo isticmaala inta badan miraha geedka markay is dul dul fuulaan, sida timirta ama canabka,

 

intanna waxay isla yihiin hal koox

 

fuquburaale (fuquburaale ayaa laga tumayaa)

ruuxaamo (ruuxamo ayey qabtaa naagtu)

booramo (booramihii aya ku soo kacay naagta)

 

^^^^ waa saddexdan eray oon si kasta iskugu dayay inaan u helo af engliish ahaan, balse u waayay.

 

intanna waxay isla yihiin baando

 

kobtan (kobtan kaalay kuduudso aad gariirtidee)

anbadan (anbadan aayar usha ka qaad yeysan gilgilaninee)

cadkan (cadkan ka fiiri caanaha dambarta ee buttaacaya)

meejan (meejan baan dhigey dhiishii ruxaneysay)

 

^^^^ af somali ahaan afartaas eray hal micna ayey wada leeyihiin anoo waliba aan kusii darayo erayada (halkan, meeshan, inta,), laakin af engliish ahaan ma jiraa inuu mid kasta leeyahay eray gaar ah oo u dhigmo.

 

intanna waa kuwa isku xulufo ah

 

Balli (sida balliga biyaha soo fatahma ama meel wada qabsada)

war (sida warta biyaha fadhiya oo lagu dabaasho)

 

 

intanna waa qeeb gaar ah oo is baheesatay

 

gilgilasho (aqalkii baa gilgilanaya dabeel daraaded ama duufaan)

ruxasho (dhiishoo la ruxo dhuxusha lagu nadiifinayo daraadeed)

jareen (cunuga wuu jareenayaa dhaxan jirta awgeed)

gariirid (qaboow daraadiis baan la gariirayaa ee isiiya busta weyn oon isku daboolo)

 

intanna waa xeeyn kale oo isku micna aheyn laakin hal qeeb ayaan ka dhigay

 

hoobasho (dhagaxaan ka soo hoobtey buurtii=dhaadhacay)

hadaaf (waan sii hadaafayaa=dhaqaajinayaa=soconayaa)

qubasho (caanihii oo qubtey=daatay=weel dabada duleelo)

jarmaad (waan sii jarmaadayaa ee nabadey=baxayaa)

dinixsani (waan sii dinixsanayaa ee soo barya=tagayaa)

 

 

ps. erayada aan soo qorey badankood tusaale ayaan u yeelay si loo arko isticmaalkooda iyo meesha ay gali karaan, hadaba waxa jirta iney qaarkood meela badan la galin karo isticmlaakooda, bal isku dayya inaad qaar ka mida english ahaan loo micneen karo

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Horta Akhyaarta waad Salaaman tihiin.

 

Eraybixintu sideedaba ma aha wax adag ee waxay u baahan tahay HIRGELIN , waxyaabaha era-bixinta hirgeliya sidaan ognahay waxaa ugu wayn WARBAAHINTA sida raadiyaha oo kaalinta koowaad ah, wargeysyada iwm, buugaagta manaahiijta ardayda iwm. waxayaabahaas oo dhammi waxay u baahan yihiin DAWLAD , dawladduna waxay u baahan tahay SHARCI iyo KALA DAMBAYN .

 

Erayada af soomaaliga ku cusub ee aan maanta isticmaalayno (inkastoo kuwo intaa boqol laabkood ama ka badan ahi ay dabar go'een) waxaa la sameeyay 30kii sano ee aan dawladda ahayn, wax cusubi ma soo siyaadin 14kii sano ee la hadaa dhacayay, mana soo siyaadi karaan ilaa dawlad mideysan oo hal warbaahin ah leh la helo. Tan macneheedu ma aha in lahjadaha gobollada ama degmooyinku ay dabar go'ayaan ee kuwaasi weligood way jirayaan ee waxaysan noqonayn qoraalka ama akhriska rasmiga ah ee dalka looga dhaqmo, waxay ku koobnaan doonaan dhinacyada aan rasmiga ahayn sida mukhaayadaha, suuqa, guryaha dhexdooda iwm.

 

Hordhacaas waxaan ka watay dadaal kasta oo aan samayno (kama horjeedo in dadaal la sameeyo ha noqdo mid qof-qof ama mid koox-koox ah) waxaad ogaataan inuusan meel dheer gaarayn ilaa dawlad waddanka oo dhan u dhexeysa la helo oo dadka raadiyaha uga sheegta erayada cusub ee xeeldheerayaasha afku allifeen.

 

Haddaan wax idinka xusuusiyo erayada ay warbaahinta uu raadiyuhu u horreeyo ina bareen oo badankood kuqado kale laga soo turjumay waxaa ka mid ah:

 

DABADHILIF, WAR-XUME-TASHIIL, JAALLE, HANTIWADAAG, HANTIGOOSI, KACAAN, GOLE SARE, GAASHAANLE SARE, DHEXE IWM, DHAMME, ALIFLE, DABLE, MAXAYSATO IWM

 

MAAREEYE, ISU-DUWE, MAAMULE, BARE, HOGGAAMIYE, XILDHIBAAN, XUBIN SUGE, MADAXWEYNE, KU XIGEEN IWM

 

IIDHEH, OGEYSIIS IWM

 

Waxaa kaloo iyaguna jira erayo asalkoodu CARABI ahaa oo la sugay lana soomaaliyeeyay sida:

 

BARNAAMIJ, KAADIR, XISBI, JABHAD, MACALLIN,

MAAL(IYAD), KHABIIR IWM.

 

 

Haddaba markaan u soo npoqdo waxyaabahaan ku darsan karo, horta anigoo marmar qolooyin wax u turjuma ayaa waxaa jira erayo ingiriis ah oo i dhibay oo aan af soomaali u waayay iyo kuwo aan u sameeyay laakiin HIRGELIN u baahan.

 

Erayada aan sameeyay qaar waan isticmaalaa maadaama ay markasta igu soo noqnoqdaan oo ma sugin inta dawlad laga helayo waayo wax cusub ma aha, haddaan tusaale idinka siiyo waxaa ka mid ah saacadda ingiriiska oo u qoran tusaale ahaan 9am-5pm, maxaad u qori lahaydeen. waa fududahay inaad u qortid 9ka aroornimo - 5ta galabnimo iwm laakiin marmarka qaarkood waxa khasab kugu ah inaad sida ingiriiska laba xaraf oo kaliya u qortid maadaama uu boosku yaryahay iwm. marka markii hore waxaan u fakaray ar (aroornimo) gl(galabnimo) laakiin maxaad dhihi 7pm fd(fiidnimo) 1:00pm dh (duhurnimo) 11:30pm hn(habeenimo) haddana waxaan arkay inaysan 4 waqti ama ka badan oo kal duwani aysan macquul ahayn sidaa awgeed ayaan go'aansaday inaan sida ingiriiska ka dhigo labo qudha: am=gh (galin hore)iyo pm=gd (galin dambe).

 

Marka asxaabta UK haddaad GH iyo GD aragtaan sidaa u ogaada dadkana ka dhaadhiciya oo hirgeliyayaasha noqda.

 

Kuwa ay adagtahay inaan qoro ilaa la isla meel dhigo oo la isla oggolaado waxaa ka mid ah kuwa soo socda oo aan ilmo fogaal u bixiyay:

 

Telephone: Fogaal hadal

TV : Fogaal arag

Radio: Fogaal maqal

Remote control: Fogaal hage

 

Intaas bal caawa ha inoo joogto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Asc,

Waxaan idinka codsanayaa inaad ii sheegtaan sidii loo tarjuumi lahaa kalmadahaan ku saabsan aqoonta: (Ra'igeega waxaan geliyey qaanso)

 

A Bachelor´s degree (Like in BSC) (doob)?

Master's degree =Hanade?

PHD-candidate (?????).

 

Mahadsanidiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^^

 

Bachelor = Yood

Master = Yahan

B.A. = Taawo-Yood

B.Sc. = Kasmo-Yood

M.A. = Taawo-Yahan

M.Sc. = Kasmo-Yahan

 

PS: Caaqil I am still to find out what PHD is in Somali. If I find out, Insha-allaah I will let you know.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

J11, Mahadsanid saaxib.

 

In kastoo aanan afka soomaaliga aan sidaasi faqri ugu ahayn, haddana maanta waxaan bartay kalmado cusub.

 

Waxaa jira kalmado adag in la tarjuumo (kuwaaso iskugu jira kuwo cilmiga iyo farsamada cusub) sida:

 

Computer

Data

TV

Telephone (Gabadha kor ku xusan ee Rauli la yiraahdo waxaay tiri waa SIIN- laakin aniga waxaay ila tahay in la yiraahdo TAAR).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Subax wanaagsan,

Dhamaan waad mahadsantihiin. Jamaal sxb waxaan kaa codsanayaa hadii aad awoodid in aad erayada noo kala huftid. Inta la yaqaan ee qaamuuska (English - Somali) ku taal iska tuur. Rag baa shaqadaas innooga hagaagey oo naga xigsadey. Inta aan la aqoon ee akhyaarta halakan timaada ay ku deeqeen noo ururi oo iyada oo hufan oo taxan noo soo bandhig markii ay xoogaa isku gaaraanba. Hadaan todobaadkii toban eray oo cusub aan helno, waxaan markaa heleynaa 520 erayo sanadkiiba! Ma xuma!

 

project = ?

program = ?

surveillance = ?

survey = ?

draft = ?

calculator = ?

royalty = ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this