Sign in to follow this  
Baashi

Eray-Bixin (Somali)

Recommended Posts

Baashi   

Maqaalkan waxaa igu dhaliyey Abwaan Jamaal. Jamaal waa xubin ka mid ah gudoonka shabakada SOL sida xilkisnimada iyo hagar la’aanta ay ku dheehan tahay ugu hawlgala. Waxaan qabaa in SOL ay noqotay goob ay dhalinta Soomaaliyeed ee dacalada adduunka ku kala firirsan isku weydaarsadaan aaraada, isku bartaan, ku sheekeystaan, isku wacyi galiyaan, ku soo bandhigaan xirfadahooda suugaaneed, xogta gudaha iyo dibada ku kala qaataan, ku kaftamaan, amaba maaweelo iyo madadaalo u soo raadsadaan.

 

Anniga oo ka mid ah akhyaarta halakan u timaada maaweelada iyo madadaalada ayaan waxaan ku diirsaday fikirka ah in bal aan curino maqaal ujeedadiisu tahay in lagu ururiyo erayada aan la garaneyn dhigooda wax af Soomaali lagu yiraahdo. Waxaa suuro ah in ay jiraan dad garanaya. Waxa kale oo dhici karta in aanba loo heyn eray Soomaali ah oo dhab uga tarjuma micnaha eraygaa.

 

Annagoo ka duuleyna arrintaa kuna kalsoon garashada iyo hal abuurka dhallinta shabakadan soo booqata amaba mustaqbalka dhow laga yaabo inay ku soo biirto, ayaan waxa ay nala noqotay bal innaan bilowno maqaal bilow u noqda hawshaas. Waxaa xusid mudan in aanan annigu ka mid ahayn gudoonka wax xiriir gaar ahna aan la laheyn amaba ujeedo gaar ah aanan ka lahayn.

 

Intaas waa iga hordhac! Kolay afkaartiinana waad ku biirin doontaan laakiin sida aan is leeyahay waxa haboon in Jamaal amaba gudoonka shabakada ay inoo maamulaan oo hadalka inoo qeybiyaan si aan la isugu dhex yaacin ama aannu hadalku inooga baahin sida mararka qaar dhacda. Qaabka iyo nidaamka sidoo kale ha innoo cayimaan.

 

Sidoo kale waxaan annigu qabaa in aan la isku qabsan lahjadaha kala duwan ee Soomaalidu ku hadasho. Ujeedadu waa eray bixin. Sidaa daraadeed marba hadii eraygu Soomaali yahay hadde waaba kaan raadineyne.

 

Ugu danbeyn, akhyaarta af-Soomaaligu dhibka ku yahay waan u cudur daaraneynaa. Shakhsiyan annigu waxaan aqaanaa shakhsi halakan ku dhashay oo xil weyn iska saara in uu luqada si waafi ah ugu hadlo oo wali ay dhib ku tahay. Maqaalkan looma furin in lagu casilo ama lagu cambaareeyo afka hooyo kuwa uu dhibka ku yahay. Qofkii garasho leh waxay ila tahay inuu garan karo sababta.

 

Waa inakaa. Jamaal, Nuune halkaa ka sii amba-qaada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garaad baashi, Waxaad moodaa anigii oo islahaa, bari ka maalin rag odayaal ah baad wax la qaybsan doontaa maxaa leeyal, waxaan isku hastay in aan qaamuus yaraankii ku liqay,laakiin si aad u jeedo xaajadii baa igu dhiiqatay.

 

Mawduucan aad soo jeedisay, walee iga tahay in aanan fahmin, sababta iyo ujeedaha muhiimka ah oo dhalinta ay ku dhuundheefi doonaan, iskuna dayey in aan dhowr jeer akhriyo mawduucaan, erayo badan oo aan xamili waayeyna culayskoodana aad uga buuxaan.

 

Marka garaad anigu waan sii cudur daaranayaa, maadama aan ahay sankuneefle caaqil is mooday oo ciro-caanoodiisa ay been u sheegtay, koleyba waxaan filanayaa in aan aniga ugu horayn doonin una danbeeyn doonin

 

Calaa ayi xaal garaad, marxalada inoo yara micnee adigoo isku dayaaya, in aanu wada nahay caruur 13 jir ah :D:D " kaadi badana yaasha waa loo go'gol badshaa" soo ma heeyn :D

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Illaahoow qof wax noo sheega ha noo waayin. Shoobaro aad baad ugu mahadsan tahay in aad I qabato. Waxaan is lahaa af Soomaali la wada garan karo wax ku qor. Waaba annigaa dhigay ka dar oo dibi dhal. Hadiiba uu addigii kugu adag yahay maxaad kuwa kale moodaa. Bal aan yara jilciyo hadaba.

 

Ujeedadu waa in la kala faa’iideysto oo qofba waxa u ka yaqaano erayda (kalamadaha amaba weedhaha) qalaad amaba shisheeye uu af Soomaali u bedalo. Tusaale ahaan erayada ay ka mid yihiin: column, calendar, chart, file, etc waa aqaan macnahooda laakiin eray af Soomaali dhab ah oo erayadaa u dhigma ma hayo. Hadabba waxaa laga yaabaa addiga Shoobaro ah in aad taqaano. Waxay ila noqotay in aan aan sameyno bog lagu ururiyo erayada nagu adag ee aan af Soomaali ahaan eynaan u aqoon.

 

Mar labaad waa mahadsan tahay Shoo inna Baro. Waa yahay hadaba yeysan naga baahin dee!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garaad baashi, walaalkiis mahad ilaah baa leh, waana aad iga mudnayd intaas iyo indhaafsanba walaal, xaajada/mawduucani hada bay indho yeelatay arin aan aad ugu farxay ayaad soo bandhigtay garaad, waxaad moodaa in arinkani uu saameyndoono dadka jaraa'idka afsoomaliga ku qora xitaa haduu eebe idmo.

 

Xilkani waa in mas'uuliyad weyn la iska saaraa, maxaa yeelay waxaa uu ku saleysan yahay dalka iyo dadka soomaliyeed wax tar kooda.

 

Ps: garaad, bilcakas majiraa "calaashaan erayo af-soomali ah oo af-engriis loo raadinaayo"

 

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

^^waraada meshaan waan ku jah wareere..ama wax no kordhiya mise shekaada nafleyda habeysan(married men's talk)(pertaining to BAASHI & SHOOBARO) :D naga dhaafa-cajiib.

 

ok.taani waa markaan ahaan jire daba kafuul mise taan boy :D aan ciyaalka xaafada ugu wici jirne

***** boharaan(**** bohaar)=flat/malaasan behind :D (mostly pertaining to gabdhaha)lol.

 

what is:-

-Xoor(as in the poultry eater) in english?

-is harramcad(haram cad) a cheater or tiger?

-jibiiso(the snake)-is this anaconda?

-guduudane?(I can't remember what this was-some kind of animal)

-geel-ka cabadiso(bites camels)?-what is the exact animal/insect that scares the B-jeez outta camels :D

 

iga raali noqdha reer mudug le ahaye..geel iyo gabar lee dhankaas laga shekeyn jiree :D

 

enjoy-intaas le hada igu so dhacde.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

sxb baashi, aad baad ugu mahadsantahay furitaanka aad inoo furtay mawduucaan khaaska ah, een wali waxaynu ku guda jirnaa saad sheegtay gogol dhicii ama gogol xaarkii hore,horta waxaa laga maarmaan ah in af soomaaligu sidiisaba yahay margiyo la isku malaasay kuwaasoo hal meela ka wada daaqaya naqa, lama oran karo af somaligu waa xeeyn yar oo sida luqadaha kale ah, afkeenu waa baxar,

 

dhab ahaantina luqadeenu waa hadba meesha aad u dhigto sida ay dadku yiraahdaan inta badan,waxaaba dhici karta eray aad si ugu hadashay in uu noocya fara badan yeesho balse aad ku kala sooceeyso qaabkii aad u dhigi laheyd ama aad ugu hadli laheyd, een intaasi waa gogol xaarkeygi yaraa.

 

gadaal baynu ka wadan doonaa eray bixinteena iyo guda galka mawduuca khaas ahaan, sxbken jamaal beynu sugeynaa si aan uga war helno qaabkuu u shaqeyn lahaa maqaalkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Dr. Hassan Ali Mirre ayaa berri uu ka sheekeynayaY baaxada ay leedahay howsha eray-bixinta lagu tafa-tirayo iyo baahida loo qabo in la helo hay’ad dowli iyo mid madani ah oo ruqsad u heysta in ay hawshaa lagu tafatirayo af-Soomaaliaga isu taagaan ayaa wax uu tusaale u soo qaatey lixdameeyadii culeyska ay dawladii ugubka aheyd berigaa ay la kulantay. Waxa uu yiri waxa la garan waayey magacyadii loogu yeeri lahaa wasaaradaha dowlada. Ministary of Tourism iyo kuwa kale oo badan, tusaale ahaan, ayaa la I yiri af Soomaali u dhigma baadi goob.

 

Hassan waxa uu ka taariikheeyey sidii uu ku helay dhiga “tourismâ€. Waxuu yiri waxaan ka helay miyiga. Haweeneey Soomaaliyeed baanu weydiiney bal in ay taqaano sida loo tibaaxo qofka daawasho aawadeed ugu safra dal shisheeye. Waxay tiri waxaan maqli jiray barbaar ku heesta:

 

Dalxiis iyo daawashaanu nahaye,

Hablow ma dabaal - dageysaan!

 

Erayo boqolaal ah bey sidaa ku uririyeen oo ay dawladii berigaa jirtay ku xalisay in la af-Soomaaliyeeyo hey’adaha iyo manaahijta shisheeye ee ay nidaamkii dawladnimo ee ku cusbaa Soomaalida uu la yimid.

 

Waxaan jeclaan lahaa in aan ogaado hadii uu jiro qof garanya eraydan waxa af Soomaali lagu yiraahdo (hal eray):

 

Pink = ?

Institution = ?

Telephone = ?

Maroon = ?

Calendar = ?

Chart = ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Baashi,

 

Saaxiib, marka hore, aad ayaad ugu mahadsantahay sida haboon oo ay sharafta ku dheehantahay ee aad hordhaca inoogu sameysey. Marka xigta, saaxiib, waxaa mahad leh Eebe, Isagoo ina wada garansiiyey in loo baahan-yahay eray-bixinta, macno-iyo micne raadiska erayada shisheeye si aan u cilmi siyaadsano, una tafsiirno erayadaas si ay uga faai'deystaan Soomaalida inta u waxbarata maanta iyo ubad-ka wax baran doona berito-ba. Dhab-ahaantii, beryahakan, waxaa maskax-gal ah (amba macquul ah) inuusan shakhsiga Soomaaliga ahi ka kaaftoomi karin isticmaalka amba adeegsiga erayada shiisheeye. Balse, waxaa la yaab leh in ay yar-yihiin shakhsiyaadku inta isku taxalujiyo soomaaliyenta erayadaas, inyarba ha ahaatee.

 

Hasa-ahaatee, waxaa waajib nagu ah - shakhsiyan - in aan meel un ka amba-qaadno howshan muhiimka ah ee sida ba'an loogu baahi-qabo. Balse hadalka aan soo qabira e' (khatimo e'), waxaa haboon in aan diyaarsanno TAB inoo fududeeysa micneynta eraya iyo raadraacoodaba. Insha-allaah waa arrin u baahan wada tashi weyn si af-garad looga gaaro sida TAB-taasi si buuxda ugu shaqeyn laheyd.

 

1 - Kelinimada Erayga (the word)ka sokoow, wuxuu eryga macne iyo micne yeeshaa marka lagu jimbleeyo amba lagu jimciyo eraya kale. Jimleyntaasi waxaa loo yaqaan 'war+baan; warbaan' (sentence). Inta badan, marka eray-bixin lagu sameeyo eray, waxaa suurta-gal noqon weyda in eraygaas ku haboonaan waayo warbaantii lagu daro. Sidaa awaadeed ayaa waxaa muhiim ah in marka eray-bixin lagu howlan-yahay in maanka lagu hayo, micnaha amba macnaha uu erayga ku yeelaan karo warbaan (sentence).

 

2 - Erayga shisheeye - kasoo qaad Ingriisi ah - ee la damacsan-yahay in eray-bixin lagu sameeyo waxaa wanaagsan in la raadraac si loo ogaado micne-asalkiisa (etymology). Mararka qaar waxaa suurowda in marka la adeegsado Nudubo(sida hordar (preffix) amba dibkar (suffix)..) erayguna ka koobnaado laba eray macnihiisa is-badal ku-yimaado. Hordarka iyo Dibkar-ka waxay isku yihiin Nudubsi.

 

3 - Marka lagu guuleeysto eray-bixin waa in tala-galka erayga noqdo guud-siman (generic)la wada fahmi karo.

 

 

Intaasi waa iga fiiro gaar ah.

 

Pollution = Cakkir

Compromise = Tanaasulaad

Act of Union = Ballanxirkii Midnimo

Project = Mashruuc

 

.....

-Bir+Lab=BIRLAB=Magnet

-War+Faafin=WARFAAFIN=Broadcasting

-War+Baahin=WARBAAHIN=Mass-Media

-War+Geys=WARGEYS=Newspaper

-War+Baan=WARBAAN=Sentence

-Biiraa+Leh=BIIRAALE=Magazine

-Qor+Ool=QOROOL=Library

-Mash+Dhac=MASHDHAC=Music

-Beeg+Qaab=BEEQAAB=Format

-Or+Og=OROG=Colloquial

-Gar+Eef=GAREEF=Grammar

-Hal+Ged=HALGED=Subject

 

(Eray-bixintii Seid Cabdi)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ Muraadow sxb,

 

Kumaan hilmaaminee, adaan rabnaa in aad qay-libaax ka qaadato mashruucan. Waan ogsoonahay sida wanaagsan ee aad 'council-ka' ugu tarjunto af-Ingriiska. Marka sxb - gacma-furan ku soo dhowoow!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Akhyaarta iyo Qallanjo dhuubo-dhex-yar qorran indhadeeq Raula ;) maxay idin la tahay hadii aan qaamuus ka sameyno (online dictionary) erayada aan ururin doono.

 

Wax programmers ah ma idin ku jiraan? War heedhahya qorsha yaaba ii soo baxay oo tan baaban ka dhigan "project" diraacdan smile.gif

 

Jamaal sxb wax badan baa ka faa'iideystay maqaalkaagii. Maqaalkaas kaligii ilaa 10 eray oo aanan aqoon hadda ka hor yaan ka helay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ashwaq   

Salaama Aleykum dhamaan.

 

 

Erey bixin markaad leedahey maxaad ula jeeda, ma erey hore u jirey mise mid hadda la sameynayo?

 

Haddaan kaga jawabo kuwaad kor ku soo qortey eed macnohoda dooniso intaan ka garan karan kuu soo qorayaa:

 

 

Pink = Basali waa erey jira oo la isticmaalo xagaa iyo waqooyiga , koofurta ma xusuusto erey pink loo isticmaali jirey.

 

Telephone: (make up word) waxuu ka soo jeedaa labo erey oo kala ah Tele= far off Phone=( oo ka soo jeeda kalmad kale oo la micne ah=speech

Hadaltabiye, hadallaliye, hadalgudbiye,hadaldire ama Codlaliye, codgudbiye, coddire, codtabiye

 

 

Maroon: haddaad ka wada : I was marooned on a deserted island.

Maroon= caarey. Badduu ka soo caarey

 

Calendar= (make up word) anigu waxaan odhan lahaa Ereyga somaliga een ka dhigi lahaa waa: wakhtisuge, . Naa sanadsuguhuu ku yaal malintaad balanta leedahey. Ama Wakhtisugahaygaan ku qorayaa malintaan balaney ;)

 

Chart= khariirad

 

Xoor= raccoon

Haramcad =tiger sax

Jabiso= anaconda sax

 

 

I hope that helps, if you disagree with some of my suggestions, please let me know. If you have other ways of suggesting my (erey bixin) which is more appropriate let me know.

Take care

Share this post


Link to post
Share on other sites

Marka ugu horeysa waxaan halkaan mahadcelin buuxda uga soo jeedinayaa dhalinyarada sharafta leh ee uu J11 ka mid yahay, oo dhexda u xirtay iney nooleeyaan luuqadeena hooyo. Walaalayaal, howshaan aad inoo horseedeen waa mid runtii qaali ah una baahan fakar iyo iskaashi maskaxeed.

 

Sidaas darteed hadaan isku dayyo inaan wax ka iraahdo aragti ahaan erayada lasoo bandhigay qaarkood inaan ka jawaabo, waxaan oran lahaa sidatan:

 

 

Pink = Jaalle-Xigeen

 

Institution = Xarrun. Tusaale ahaan, Economic Institute waxaan ku fasiri lahaa, Xarrunta Dhaqaale.

 

Telephone = Hadal-Qaade. Tusaale ahaan, hadaan soomaaliyeeyo, "Ma iisheegi kartaa Hadalqaadahaaga tiradiisa"?

 

 

Maroon = Boor, oo aan ula jeedo midabka boor xigeenka ah.

 

 

Calendar = Eray ka fiican Wakhtisuge uma haayo aniga, marka gabartaas runtii waa ku mahadsan tahay sidey noogu faa'iideysay.

 

 

Chart = Khariirad, ama Shaxan

 

Waxaan rabay inaan idin weeydiiyo, erayga Dulsaar la yiraahdo maxaa lagu dhahaa English-ka? Mise jiraa eray la macna ah oo English ah. Sababta aan idiin weeydiiyay waxay tahay markaan qaamuuska English-ka baaray waxaa iisoo baxday eraygaas inuusan jirin, waa aragtideyda inta aan ogahay.

 

Bal ii faa'iideeya hadaad wax ogtihiin, aqyaarta sharafta leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Jamal iyo Asxaabta kale oo meesha isugu yimidoow waan idin salaamay, waqtigaa ciriiri ah, laakiin bal wixii aan ku darsan karo haddii ALLE yiraahdo waan ku darsan doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Yaaaaa!! waa anigii idhi sidii

(geel maqaayad jaad ugu fadhiya oo dhalo coko cola af ka ku haya) War Oday baashoo waagaan soo jeedinayey mowduucan oo kale miyaadan xasuusan wixii igaaray yaa..

 

Wa tee soo gashay meesha gabar yar oo ey igu tidhi "What is this?"Yaa..

 

Markaan idhi walaal waa Somali, waa tee igu jawaabtay "yo, you are old maan" yaa..

 

ileen marka aan fiirshay meeshani SOL la yiraahdo waataan U arkay meel Odayaasha ee aad ugu yar yihiin badankoduna silsilado jiidayaan.Yaa..

 

Watee umad kale oo cajaa ib ah oo wili luqado kala nooc ah ku gabyaya meesha ii soo galeen yaa.

 

Waxee sheegayaan iyo wax kale aan garan waayey.yaa..

 

Waatuu Jamaal iigu yimi oona igu soo tuuray luqad culus oo 6 xidigle ah yaa..

 

wataa adigoo macawiis xidhan iyo caday afka kusita, iigu timi geedkaan hoos fadhiye, oo aad iiga sheekeysay Odayaasha reer miyiga ahi iyo sidee gabdhaha yar yar u shukaansadaan yaa..

 

wataan wareeray oo aan ogaaday in aan ahay dhalinyaro cireysatay yaa..

 

Ileen tiiyareed run bee sheegeysay oo waan duqooway oo waxaan ku dexlumay odayaal cimri qaanjeer u yeeshayee..yaa..

 

Wareer badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this