Sign in to follow this  
Baashi

Deel-Qaaf - a challenge

Recommended Posts

Baashi   

Ninyahow carrabigii xerta rabiiciyada yaad la soo shir tagatay icon_razz.gif e hadaad keento midka nala baray kumaad dhacdeen inaad tiraahdo "yaa maali jirayeey". :D

 

War ninkii Jamaal ahaa maxuu ku maqanyahay oo uu soo wadaa! Wali ma soo guuxayaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Waxaan ka baqi inuu noqdo Buurtii foolaneysey sanadka ee irba umushey icon_razz.gif .

 

baashi, soo xeroow ma aan aheyn--saalixi- intaan iman dhulkaan gaalo;; NINKII SAALIX AH AYAA WANAAGA HELEE WALAALAHAYOOW KASOO KACA'E.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

jalaqsan huuno waa saad sheegtey anigu duq maba ihiba, laakin mararka qaarkood baan dhafoorada qabsadaa anoo meelaha mala-awaarayo, waad fahantey smile.gif

 

 

baashi iyo sophist, waxad i xasuusiseen barigaan dhigan jirey sarfiga iyo naxwaha plus faraaidhka iyo qawaacidul xadiithka, hal sheekh ayaan ka wada marsan jirey intaas, sarfiga ayaan hadda aad u xasuustaa isagaana ugu jecla haba adkaadee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Deysane   

Dad'oow Waa wiil a deysane Dhaheene

waa wiil Dugsada daaraha *******

Gacmo Duubnaa Baryahan oo dhayaha wax kadeyaayay'ee

Waa Dhool,Bil Da'diisu tahay Boga SOL dhankeeda

 

Afartaasna Dhextaal Ma ooga dhigay Qirasho iyo Baraarujin!

Baashi waa Hadal kar Lagu ba'ay ee Tolkeyoow Hala ogaado

Jamaalna Kama Liito waa Libaaxkale ee Tolkeyoow hala ogaado

Labada Suldaana (So &zoo)Salaan Baan u Saaray ee saasna Hala ogaado

 

 

Dib haddaan u Bidhaansado, wixii Tolkay hor u dhahay

Baashiba Banaanka dhig inuu,Geesi Ka Tagay Dagtan'ee

Dadbaa iyana Dusha kamaray inuu,Beeneyaal Ka Dal Doorsada'ee

jamaalna wakaa Daamaanka Heysatee, Dhubuqleynta La Dhakafaarsan.

 

Da'deydaay Haddaan La isu Digin,Dunidu waa Dab iyo Holac'ee

Waa Dhamac aan Lagu Dhowrin Ninkii dhabta ogayn'ee

Deysane iyo Duulkii Daahay ee dib kayimid,Intaan La Dal Dalin'ee

Nabad La Darisyihiin,Dagtan Warkeeda u Dhiiba Ma isdhahdeen?.

 

Alla Maxaan Qashin Qoray...Alla Maxaan Gabayga Sharaftiisii Meel ooga Dhacay.....Haye Maxaa La igu Xukumay. :D:D

 

anyway,Muhiimadu Tuurasho bey ahay soo maha.Dee ana intaas dhimatay baan indhah intaas isku Qabtay Xuguf soo siiyay. icon_razz.gificon_razz.gif

 

Soo Wada Sheekada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

listen

 

i know this is not relating to anything in this topic, but i thought i had to share this with you guys, it brought tears to my eyes...Dear mama

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Siinka iyo Saadku waa salaw sagaaleede

Sixin iyo saruur waa lagu sugaa sararweynta'e

Sahan waa loo diraa ninkii samirweyne ah'e

Ee Sophistoow maxaa saaka sooddir........#

 

 

Baashe dhameystir awoowe!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Sidii sabi tiraabtiyo kalaamkii, saxi aqoon waayey,

Ama innan sureer ahoo, amaan sin iyo baar lagu saafay,

Ama saancade waayeel ahoo, safaadiyo shidada diidaaye,

Dibnahay saaran tahay misana sax ma ahee si kale ku day,

Saadku waa dhib badanyahee xarafaan siin aheyn ku sheeg,

Heli waayey saakee, murtida noo soo maal Sophiste sxb.

 

Awoowe gabay maant ima hayo...soo ma maqal ninkii yiri Sayidoow gabay aa i haaya :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

Nimankaan baa gabay dhagtiisa diley. Cantarabaqash iga dheh.

Waligiin ma maqasheen ninkii Sayid Maxamed ku yiri gabay baa i haya. ee la yiri gabay. markaas buu gabaygii waxaa uu ka bilaabay ....... Sayidii faraskiisa xaarka aw fardhihaayo.

ninkaasu waa xujoobay.

 

Adinkuna maanta waad xujowdeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

sxb ma anigaa mooday mise baryahaan fahankii baa kuugu yaraa,,,,just kiding huuno... ;):Dsmile.gif

 

 

sALaAma kA dhEh:.......

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Xiinoow rag lama xasdee Xaakim baad tahaye,

Xilkas baad tihiyo tooshka xaaliga'e

Xirfadaadu waa ta naxli nagu beerin,

Naasilo iyo Xaqba waa taqaan waa iga Xanaane*

EE ha Xuurtoobin ileen magac laga miiskiin maahee.

 

 

*Xanaan waa Alaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this