Sign in to follow this  
Baashi

Deel-Qaaf - a challenge

Recommended Posts

Sophist   

Jalaqsan! Anagoo idil umaleynmayo inaan labaatanaadkii dhaafey! Weli Sodomaadkii dhuldheer ayaan u aragnaa; laakiin hade waxaa sharaf noo ah inaad nagu matasho Odayaal. Afkaaga caano dhey ah lagu qabey-- amabase wixii kaloo aad kasii jeceshahay inaad dhanto ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Waa runteed cajuus ibna cajuus bini curri soo ma ninin :D . Jalaqsan mara waaxid! calashaan Sophist waa ku dhali karaa laakiin macnihii ciyaalka xaafada yuu wadaa. Groupo di benne waa lagu yaqaan howlahaa oo waa da' walba la fil icon_razz.gif .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Faanka iyo tookha waa la iga badiyaa laakiin maxaan yeelaa Jamaal iyo Sophist iyagaa halkaa is dhigay e...jeer rag ila baratama aan helo waa in aan sidii baarqabkii aan ku yara laadaa mar kale...hadde wiil hoog kor inta u kaleetiyey shafka isaga kaadshay wax walbaba waa u banaan yihiin hadaan mid maya yiraahda la helin. Awoowe wey ii ahaatey.

 

Baaqaan direy, moolkaan buuxiyey, iyo macnahaan baaney,

Iyo bartaad kula kuftay badawyahow, waaba kala baabe,

Hadaadan sidayda beegsaneyn murtida, hadalka kiisa billan,

Ama aadan bowsaneyn sida Jamaal, beydad hore iyo buugag

Igala beydh cantra-baqashka, helimeysid boowe kaan rabay e.

 

Car! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Roobka da'ey, ramaasyada baxay, maqasha baanowdey,

Ceelka gurey, geelii gun go'ay iyo gamaskii ceydhoobey

Guntii guuleysatey, geesigii jabay, guurtidii naafowdey,

Giyigii barkacay, morryannta Maaleysatey, Dacartii miidowdey,

 

---

 

Hadaan doonaayo inaan hilfaha kuuqaado saas ayaan kubilaabi lahaa afarleydeyda; laakiin maadaama tol iyo xidid layahay, waxaan ku oran:

 

Baashoow murtidu waa maanso kaa maqan'e

Beynoow fudeyd iyo carsha caan ku aheyde

Hadurxamin suufigu waa walad aqooneede

 

Waa wiil miinsaanka saara maanso oo idil e,

Waa wiil aan mahiif iyo aqoon malawga baaruude

Waa wiil mahiigaan sidiisii loo mahadiyaaye

Waa wiil Wanaagiyo yaqaan War-ka hadalkiisa

Ee beynoow hawiiqamin ragwaa kii hawaarsade.

.........

 

Halkaa haka sii butiriso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

War bilaa tol iyo xidid icon_razz.gif . Maxaad ii keentay! :confused: Waligey tanoo kale awoowe halkaad la'aaday :D

 

Ka daroo dibi dhal :D Ilaah bey iga tahay halkaad ka imaneyso iyo halkaad ku socoto inaan fahmin. War bal aan qirtee annigu wax badan ma aqaanee heedhe bal inoo jilci anaa ogol inaan is dhiibe e.

 

Sophist bal ina-adeer ku laabo oo mar kale inoo tuuro goo oo hadde waa sidaad u sheegtay waxu waa kaftan wanaag ee ha ka boodin taa.

 

Waan ku sugayaa ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

posted by baashi

Baaqaan direy, moolkaan buuxiyey, iyo macnahaan baaney,

Iyo bartaad kula kuftay badawyahow, waaba kala baabe,

Hadaadan sidayda beegsaneyn murtida, hadalka kiisa billan,

Ama aadan bowsaneyn sida Jamaal, beydad hore iyo buugag

Igala beydh cantra-baqashka, helimeysid boowe kaan rabay e.

 

Markaan intaan aqriyey, waxaan is iri "ninkii suufi ahaaa, nin baa helay, oo dhulka ku jidaaya"

 

markaas buu suufi soo qoray

Roobka da'ey, ramaasyada baxay, maqasha baanowdey,

Ceelka gurey, geelii gun go'ay iyo gamaskii ceydhoobey

Guntii guuleysatey, geesigii jabay, guurtidii naafowdey,

Giyigii barkacay, morryannta Maaleysatey, Dacartii miidowdey,

 

---

 

Hadaan doonaayo inaan hilfaha kuuqaado saas ayaan kubilaabi lahaa afarleydeyda; laakiin maadaama tol iyo xidid layahay, waxaan ku oran:

 

Baashoow murtidu waa maanso kaa maqan'e

Beynoow fudeyd iyo carsha caan ku aheyde

Hadurxamin suufigu waa walad aqooneede

 

Waa wiil miinsaanka saara maanso oo idil e,

Waa wiil aan mahiif iyo aqoon malawga baaruude

Waa wiil mahiigaan sidiisii loo mahadiyaaye

Waa wiil Wanaagiyo yaqaan War-ka hadalkiisa

Ee beynoow hawiiqamin ragwaa kii hawaarsade.

.........

Waan fajacay, waxaan is iri " war bal ninkaan suufi la yiraahdo, waa nin caqli miiran ah, markuu arkay in luqunta lagu sito uusan meelna u baxsan karin, buu cirka isku lalay, meeshii uu baashi geela uga heesay buu isna buurihii uga heesay, oo uu intaas misina naxariisna doontay tolaysi iyo xididna isku xatooshay diric diric dhalay iyo idinkiis, alley lehe waa ragii la yaqaaney...haday gaajo u dhimanayaan xataa, subag bay afka marsadaan.... :D:D

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^^Shoobaraha jooji waryee :D Ninka ha igu carrin dee. Waan baqsan nahay oo waxay iga joogtaa

 

Allow sahal Libaax seexday bey niman salaaxdeene!

 

War bal wadeec Alla ila dheh sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Walee Nin indho loo cabsado leh waa tahay baashiyoow,balse waxaan filanayaa dhaawacadaad gaarsiisey suufi in uusan ka soo kabsandoonin dhawaanahaan... :D

 

ha iiga maleeysan in aan ahay nin diradiraale ah baashiyoow,hadaan rageeygii ku jiri lahaa maanta waxay oran lahaayeen "xaajadu waa xiniinyo taabsasho" :D:D

 

Mana aqaan waxa aan meeshaan la towtowleeyahay oo aan ka faa'iidaayo, cabaadkaaga mooyee.balse "bartiroow buuga maku taaley" baa i haysata. Yaacey akhyaareey :D:D:D

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Baashe, hade waleee inaad nin raga dhaaftey oo aad haatan mareyso maqaamka loo yaqaan NIN RAGEED-- Siiqatu mubaalaqa.

 

Checkmate,

 

Ha durqamin walaal rag waa kii daahiroo jiraye,

Daduub gabey rag baa daa'imoo wada'e

Diiwaanka nimanbaa kuqora oo u daacada'e

Ee Dantaada raac wiilyahow, ragwaa kii aan doorin hadalkeyga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Anigu odey madaxeed ayaan ahay, laakiin hade inaan jalaqsan ka yarahay waan hubaa; nuunana uu Baashe la da' yahay ;)

 

Af-Soomali laqoraa da'a uma aha calaamad.

 

Nabad

 

Sophist

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waraa nuune sexist nimada iga dhaaf...be more open minded, will ya. Teeda kale odayaasha maxaa iskuugu daree? Nuune aaba tahee icon_razz.gif weli koritaan aa kuu dhiman

 

Sophist, qarxiska iga dhaaf....ma anaaba qaan gaaray

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this